6/28/2022
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Maxay Doorashadaan Uga Duwaneyd Doorashooyinkii Hore?

By Adam Abdule, Bare & ilmibaare
Thursday May 19, 2022

Alle weyne ayaa mahad oo dhan u sugnaatay, kaas oo Soomaalida u suurtaggeliyey in ay doorashadii u qabsadaan si nabad ah.

Qabashada doorashadu waxa ay kaalin mug leh ka qaadataa dimuqraadiyadda dalka, waxa ayna siisaa shacabka awood ay ku abaalmarin karaan dowladda markaas jirta ama ay ku ciqaabi karaan -waa haddii ay fulin weyso howlihii loo igmaday, ka soo bixi weyso ballanqaadyadii ay sameysay xilligii ololaha doorashada ama ku kacdo falal liddi ku ah horay u socodka dowladda sida musuqmaasuqa, nin jecleysiga, ismaquunin, cabburinta dad weynaha ama hadlayaasha shacabka (warbaahinta) iwm.

Qormadan kooban waxa aan diiradda ku saari doonaa farqiga u dhexeeya doorashadii madaxweyne ee dhacday maalintii axadda, taariikhduna ku beegneyd Maajo 05, 2022 iyo kuwii ka horreeyey. 

Ka Qaybqaadashada Siyaasadda

Ka qaybqaadashada siyaasaddu waa tiir muhiim u ah dowlad-dhiska. Mar walba oo ay kordhaan dadka ka qaybqaadanaya siyaasadda waxaa soo yaraada masaafada u dhexeysa dowladda iyo shacabkeeda, taasina waxa ay ku caawisaa dowladda in ay hesho fursad ay iskugu toli karto dadka iyo dowladda, ku mideyn karto ummadda, kuna abuuri karto dareen wadareed keenna midnimo iyo isku danqasho, taas oo ugu dambeyn ka fududeysa dowladda in ay ku hagto dadkeeda tubta toosan ee horumarka iyo barwaaqada.

Marka aad u fiirsato doorashadii dhacday waxaa ololaha musharrax kasta ka qaybqaatay dhallinyaro, ganacsato, aqoonyahanno, siyaasiyiin iyo indheergarad si iskood ah isku xilqaamay iyada oo aysan jirin cid dirsatay balse u arkayey musharraxa ay taageerayeen in uu samatabixin karo dalka iyo dadka ama uu soo bandhigey qorshe siyaasadeed hortebin siinaya waxyaabaha aas aaska u ah dowlad-dhiska Soomaaliya.

Ololaha Doorashada

Dhanka ololaha waxa aad moodaa in iyana xoogaa horumar ah laga sameeyey. Doorashooyinkii hore waxaa dhici jirtay in musharraxiinta qaar yimaadaan dalka xilliga doorashadu soo dhowaato iyaga oo ku fikiraya in waxa ugu weyn oo saameynta ku leh doorashadu ay tahay in uu qanciyo xildhibaanada, taasina aysan u baahneyn olole waqti badan la geliyay. Haddase, waxaad mooddaa in arrinkaasi wax iska beddeleen, wacyiga siyaasadeed ee bulshaduna kor u kacay aawadeed, sidoo kale waxa aad mooddaa in siyaasiyiintu dareensan yihiin kuna baraarugsan yihiin in doorashada dadban aysan sii socon doonin, loona gudbi doono hab siyaasadeedka ku dhisan xisbiyadda. Sidaa darteed, waxa ay ololahooda u qaabeeyeen qaab ka duwan sidii hore; iyada ii u soo bandhigaya qorshahooda siyaasadeed shacabka aan weli fursadda u helin in ay codeeyaan.

Waxaad ka dareemi kartaa arrinkan in musharraxiinta badankoodu ololohooda u qeybiyeen laba qeybood;

Midda koowaad, waxa ay xoogga saareen in ay bulshada ka dhaadhiciyaan qorshahooda siyaasadeed iyaga oo adeegsanaya baraha bulshada, idaacadaha, teleefeshinada, boorar farriimo xanbaarsan oo lagu dhejiyay waddooyinka waaweyn ee caasimadda iyo in ay dadka si toos ah ula hadlayeen. Inkasta oo aysan dadka caadiga ah am shacabku weli heysan fursadda doorashada kuwa masiirka ummadda lagu aamini lahaa, haddane waxaa jira xaqiiqada ah in xildhibaan weliba qabiil/dad ma talo. Kolka, haddii dadku ku qancaan qorshaha musharraxa waxa ay xildhibaankooda ka codsan karaan in uu codkiisa siiyo musharraxaas. Mid ka mid ah xildhibaanadda federaalka oo aanan halkaan magaciisa ku xusi kari maadaama aanan oggolaasho u heysan ayaa ii sheegay “in teleefoonkiisa gacanta loogu soo diray in ka badan boqol arji, kuwaas oo looga codsanayay in uu codkiisa siiyo musharrax B.T.J”.

Midda labaad, musharraxiintu waxa ay diiradda saareen xildhibaanda labada aqal oo ay gacantooda ku jirtay awoodda wax doorashadu. Musharraxiintu si ay u helaan codka xildhibaanka waxa ay adeegsadeen qaabab kala duwan sida in ay si fool ka fool ah ula kulmaan xildhibaanka gacan qaadaan, u ballan qaadaan mansab, magac, maal, dan-guud, iyo dan-gaar ah waxa uu rabo misna waydiistaan codkiisa/keeda. Sidoo kale waxa ay adeegsadeen istiraatigiyadda ah in xildhibaanka loo maro dadka isaga saameynta ku leh ama uu matalo sida ugaaskiisa, nabaddoonkiisa, ganacsatada beeshiisa, dhalinyarada beeshiisa, xisbiga uu ka tirsanyahay ama ciddii ku caawisay in uu xildhibaan soo noqdo (opinion leaders). Musharraxiinta qaatay istiraatijiyooyinka aan kor ku xusay badankoodu waxa ay u soo gudbeen wareegga labaad ee doorasha.

Maadaama ay Soomaaliya ka mid tahay waddamada ugu musuqa badan dunida, waxaa iyana jirtay in musharraxiinta qaarkood siinayeen xildhibaanadda lacago si ay codkooda u helaan. Hase ahaatee, waxaa marba marka ka dambeysa sii xooggeysanaya xaqiiqada ah in uusan musharraxu haleyn codadka xildhibaanadda uu lacagta siiyo oo dhan, oo badankoodu inta ay lacagta qaataan ayay haddaba codkooda siiyaan ciddii ay markaa la dhacsanyihiin, dantooda ka dhex arkaan, ama ay isku heyb yihiin. Arrinkaan waxa ay xildhibaanadu uga gol leeyihiin in ay hadba aruursadaan wixii lacag ah oo ay heli karaan maadaama iyagaba ka baxeen qarashaad badan markii la soo dooranayay. Xildhibaanadu waxa ay aad u fahmeen ka kaluumeysiga musharraxiinta dhexdooda sidaa daraadeed waxaa la arkaa in xildhibaan aad ku aragtay guriga ololaha musharrax B in aad haddana ku aragto xarunta ololaha ee musharrax T. Halkaasna waxaa markale ku dhaboowday oraahdii rugcaddaaga siyaasadeed Salaad Cali Jeelle ee micnaheedu u dhowaa “lacagi waa qaadasho,codna waa ciddaad doonto sii” ama “ka cun oo ka codee”.

Qabashada Doorashada

Illaa iyo markii Soomaaliyadda cusub dib loo yigleelay sanadkii 2000 kadib shirkii dib u heshiinsiinta Somaalida ee lagu qabtay magaaladda Carta ee dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, ma jirin horumar badan oo laga sameeyay dhanka dowlad-dhiska iyo dowlad-wanaaga. Waa xaqiiqo biyo kama dhibcaan ah in dowladihii inna soo maray oo dhan mid waliba wax un qabatay, hase ahaatee, arrimaha amniga, dhaqaalaha, dib u heshiisiinta, dhammeystirka dastuurka ama afti u qaadidiisa, arrimaha federaalka, iyo siyaasadda arrimada dibadda wax qabad la taaban karo kama jiro. Balse, waxaa jirtay hal arrin oo muxaafid, mucaarid, iyo shacabba la isku wada waafaqsanaa taasina waxa ay aheyd in xilli dhammaadka dowlad kasta la qabto doorasho lagu heshiiyay -mid dadban haba u badnaatee.

Inkasta oo doorashadaan isjiidjiidkeedu ka qaatay Soomaalida watqi aan ka go’in haddane ugu danbeyn waxaa la isku raacay in doorasho la qabto -mid dadban weli haba ahaattee. Weliba waxaa jirta, in madaxweynaha xilka ku wareejiya si nabad ah doorasho dabadeed uu arrinkaasi ku muteeysanyo ammaan iyo bogaadin uga timaada bulshada.

Madaxeyne Hore oo Soo Laabtay

Weli taariikhda Soomaliya ma dhicin in madaxweyne hore mar labaad xilka ku soo laabto, tanina waxa ay meesha ka saareeysaa war suuqeed (narrative) xoog badan kaas oo tabaaxayay in ay adagtahay in madaxweyne hore mar kale xilka  ku soo laabto.

Isbadelka ku yimid arrinkaan waxaa sababay dhowr arrimood; shakhsiyadda madaxweynaha dib loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud oo la lagu sifeeyo dun-wanaagsanaan, qof nabadeed, misna dad isku wadid iyo dad la dhaqan leh. Sidoo kale, waxaa caawiyay madaxweynaha in uu xilka mar kale ku guuleysto waxqabadkiisii hore ee lataaban karay, iyo olole xooggan oo ay sameeyeen kooxdiisa iyo dad si iskood ah isku xilqaamay si waddanku uu horay ugu socdo loogana badbaado dib u noqosho laga baaqan karay. Waxaa kale oo caawisay madaxweynaha soo laabashadiisa in uu ahaa musharrax ka dhex yimid shacabka, kana soo shaqeeyay waxbarashadda iyo dibu heshiisiinta Soomaalida.

Kaalinta Madaxda Maamul Goboleedyadda

Kaalinta madaxda maamul goboleedyada ee doorashooyinkii hore waa ay jirtay balse sida doorashaan oo kale uma xoog badneyn. Madaxda maamul goboleedyadu waxa ay markii horaba ku dadaaleen in ay gacanta ku dhigaan xildhibaanadda ka soo bixin doona maamul goboleedkaas iyaga oo adeegsanaya awooddooda iyo midda dowladda dhexeba. Walow meelaha qaar sida Hirshabeelle, Galmudug, Soomaaliland (xubnaha matalaya Somaaliland), iyo Benaadir aanan arrinkaani xoog uga jirin, haddane maamulada qaar sida Puntland, Juballand, iyo Koofur Galbeed madaxda maamul goboleeku waxa ay saameyn xooggan ku lahaayeen soo saaridda xildhibaanadda, tanina waxa ay tusaale ahaan ku caawisay Saciid Deni oo ahaa musharrax madaxweyne in uu wareegii koowaad ee doorashada ku soo baxo kaalinta koowaad (dabcan waa ay jireen codad uu ku helay ololahiisa dartiis ama uga yimi dhanka Jubaland). Halka madaxeynihii hore codod badan ka helay dhanka Koofur Galbeed maadaama ay aad isku dhowaayeen madaxweynaha maamulkaas Laftagareen. Dhanka Hirshabeelle, qabiiladda deegaanadaas oo aad uga horyimid iyo maamulka oo garwaaqsaday arrinkaa  waxaa la dhihi karaa xoogaa wax doorasha u eg ayaa ka dhacay halkaas.

Kaalinta Beesha Caalamka

Beesha Caalamka oo dowlad-dhiska Soomaaliya ku bixisa laca go farabadan ayaa kaalin weyn ka qaatay doorashadaan. Inkasta oo ay doorashooyinkii horaba ay kaalin ku lahaayeen, haddane waxaa jirtay in ay doorashadaan aad ugu cadaadiyeen siyaasiyiinta in xal deg deg ah laga gaaro arrimaha doorasha illaa heer ay gaaraan in ay ku hanjabaan in ay cunaqabateyn saari doonaan kuwa doorashada hor istaaga ama carqaladeeya.

Waxaa dhan kale aad mooddaa in ay doorashadaan yaraatay hadal heynta tirade badneyd ee aheed; musharrax hebel waxaa wadata dowlad hebla -waxaase laga yaabaa in ay musharraxiintu xeeladeysteen maadaama arrinkani sumcadooda wax u dhimi karo, hoosna u dhigi karo fursaddooda.

***

Intaasi waa intii aan anigu shakhsi ahaan is tusiyay in doorashadaani uga duwaneyd doorashootinkii hore, basle waxaa jiri kara kuwo kale oo aanan halkaan ku xusin. Waxaan Eebbe Weyne ka rajeeynayaa in mar aan dheereyn la helo fursad saamaxda in qof waliba oo Soomaali ah codkiisa dhiibto, xaqna u yeesho in uu doorto kuwa masiirka jiilka soo socda lagu aamini lahaa in shaa allah.

W/Q: Adam Abdule, Bare & ilmibaare



 





Click here