5/26/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Maxaa laga filan karaa doorashada 15ka May, yaase kusoo bixi kara?
By Farah Aw-Osman
Saturday May 14, 2022

 

Maalinta Axada ah ee bisha Maayo tahay 15-keeda ayaa la filayaa inay qabsoonto doorashada xilka madaxweyne ee Soomaaliya.  Hadaba, waxaa iswaydiin mudan isbadal noocee ah ayaa dhacaya? Yaase laga yaabaa inuu ku guulaysto xilkaas masuuliyadda badan xambaarsan ee ay ku tartamayaan musharaxiinta sodomeeyada kor u dhaafay?

Doorashadan waxaa ku hardamaya isbahaysatada mucaaradka ee halku dhigoodu yahay “ibadal doon” iyo Madaxweynaha xilkiisu dhamaday ee Farmaajo oo halku dhagiisu yahay “Isbedelka socda”.   Badanaa sidaan uga baranay doorashooyinkii hore ee dhacay,  ilaa sadex wareeg ayaa lagu kala adkaan doonaa, dadka wareega labaad u soo bixi doonana waa 3 ilaa 5 musharax waa hadii tiro isku dhow ay helaane, halka wareega sadexaadna 2 ama 3 usii gudbidoonaan waa hadii aan la isku tanaasuline.   Sidaa awgeed, waxaan isku dayi doonaa inaan samayno odoros ama saadaal ku aadan ragga ugu cadcad ama usoo gudbi doona wareega labaad iyo sadexaad kuwaas oo mid ka mid ahina noqon doono madaxweyna xilka qaban doona 4 sanadood ee soo socota.

Inkastoo isbahaysiga mucaaradka iyo madaxeynaha Farmaajo ay hal ku dhegyo ka dhigteen isbedel iyo isbadalka socda, hadana, waxaa xaqiiqdu tahay in dhamaan ragga ugu cadcad musharaxiintu ay wada yihiin dad horay loo soo tiyaabiyay oo xukunka horay usoo qabtay, sidaa awgeed, isbedelka dhacayaa maaha mid hanaan iyo haykal cusub oo dowladeed ah, balse waa isbadal hogaamiye oo qudha.

Isku soo duuboo waxaad moodaa in shanta musharax ee ugu cadcad yihiin Xassan Sheekh, Deni, Sheekh Shariif, Khayre iyo Farmaajo.   Waxaan samayn doonaa bal inaan isyare dul taagno musharax kasta si aan u eegno tirade cod bixiyayaal ee uu isku halaynayo, awoodaha shisheeye ee danaha gaarkaa kal leh dalkeena cida ay kala taageersan yihiin, is xulafaysiga siyaasadeed, iyo caqabadaha ku iman kara 5taas musharax.

Xassan Sheekh Maxamuud:  Waa madaxweynii keli ahaa ee ku guulaystay inuu xertiisa siyaasadeed ee isaga taabacsan ka mid dhigo xubnaha baarlamaankii hore, hadana badan koodii ay soo noqdeen.  Xubnahaan oo badankoodu kasoo jeedaan labada maamul goboleed ee Hir-Shabeele iyo Gal-Mudug, ragaas oo ay ugu cadcad yihiin, Odawaa, Mahad Salaad, Cali Balcad, Cabdirisaaq Cumar, Cabdikariim Guuleed iyo kuwo kale..  Waxaa la qiyaasayaa ilaa 30 iyo 45 Xildhibaan oo uu isku halayn karo inuu ka haysto xubnaha cusub ee Baarlamaanka 11aad.

Saciid Cabdullahi “Deni”:  Madaxweyne Deni wuxuu isku halaynayaa ama haystaa inta badan Xildhibaanada Puntland iyo Jubbaland kuwaas oo uu ama gacantiisa kusoo xushay una badan wasiiradii maamulkiisa Puntland ama uu saaxiibkiisa siyaasadeed waa Madoobe uga soo xulay Jubbaland.  Qiyas ahaan tiro u dhaxaysa 45 ilaa 55 xildhibaan ayuuna isku halaynayaa.

Shariif Sheekh Axmed:  Madaxweyne shariif Axmed, wallow uusan xertiisii ku guulaysan inuu ku daro baarlaamka tagay, midka cusubna ku lahayn xildhibaano badan, laakiin wuxuu taageero ka haystaa beesha uu kadhashay ee Abgaal, qaar ka mid ah xildhibaanada Digil iyo Mirif, iyo xildhibaano ka mid ah kuwa deegaamada kale.  Qiyaas 25 ilaa 35 xildhibaana wuu haystaa.

Xassan Ali Khayre:  Khayre wuxuu isku halaynaa xildhibaanada Beeshiisa Karanle, qaar ka mid ah xildhibaanada beelaha kale ee dega Hir-Shabeele iyo xildhibaano uu ka filayo beesha uu xididka la yahay ee Reer Bin-isxaaq. 15 ilaa 25 xubnoodna wuu heli karaa.

Maxamed Cabdullahi “Farmaajo”:  Madaxweyne Farmaajo sida laga qiyaas qaadan karo xildhibaanada taageerayaasha u ah Farmaajo ee u codeeyay xubnihii uu u sharaxay inay ka mid noqdaan gudoonka Baarlamaanka wuxuu haystaa inta u dhaxaysa 80 ilaa 95 xildhibaan.

Xassan Sheekh                             35 xildhibaan

Saciid Deni                                    45 xildhibaan

Shariif Sheekh Axmed               30 xildhibaan

Maxamed “Farmaajo”                             85 xildhibaan

Wadar guud:                                195 Xildhibaan

Tirada guud ee labadda Aqal:              329 Xildhibaan

Tirada soo hadhay:                   134 xildhibaan  (ayay kala qaabsan doonaan musharaxiinta kale).

Akhristow waxaa laga yaabaa inaa isweydiiso sababaha aan ku salaynay in Afarta musharax ee (Xassan Sheekh, Deni, Shariif Sheekh Axmed iyo Farmaajo) aan u saadaalinayo inay codad ka badan kuwa musharaxiinta kale heli doonaan, lagana yaabo inay u gudbaan wareega labaad ama sadexaad.

Marka laga reebo Shariif Sheekh Axmed, sadexda Hogaamiye ee aan saadaalinayo inay wareega labaad u gudbayaan, tirada Xildhibaano ee ay haystaan ama isku halaynayaan marka laga reebo, waxaa jira dowlado kale oo dhaqaale la garab taagan ama danahooda gaarkaa ka dhex arkaya sida Qadar, Turkey iyo Itoobiya oo Farmaajo taageersan iyo Xassan Sheekh iyo Deni oo taageero maadi ah ka haysta Imaaraadka iyo halka taageero macnawi ahna ay ka haystaan Kenya.

Saadaasha wareega Sadexaad iyo is xulafaysiga siyaasadeed:

Xassan sheikh iyo Deni oo dhinacna isku xer ah oo Xarakada Islaax ee Akhwaanu Muslimiinka ka wada tirsanaa, dhinac kalena saaxiibo ah maadaama Xassan Sheekh uu ahaa ninkii siyaasada soo geliyay Deni kadib markuu Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga u magacaabay berigii uu ahaa Madaxweynaha.  Sidoo kale, waxaa mideeyay mabda siyaasadeed ee ku salaysan in Farmaajo la siibo. 

Marka laga reebo xerta diimeed, waxaa iswaydiin mudan mabaadida siyaasadeed ee ay is-xulafaysigoodu ku salaysan ma tahay mid cago badan ku taagan ? Ma isku tanaasuli doonaan hadii midkood cod badan helo wareego labaad si codka mucaaradka oo midaysan ay ugu  babacdhigaan Farmaajo wareega Sadexaad?

Hadii uu jiro heshiis hoosaan labada oday dhex maray, wuxuu noqon karaa in Deni ku yiraahdo Xassan Sheekh hadii aan wareega labaad kaa cod bato ii tanaasul, hadii aad iga cod badatidna waan kuu tanaasulayaa.  Isku tanaasulkaas oo lagu salayn doono in kii guulaysta u saamaxo kan kale inuu soo dhiso (ama isagu ha qaatee ama qof ha keensadee Ra’iisal Wasaaraha), sidoo kale xubanaha gollaha wasiiradda ee labada maamul goboleed oo mid kasta taageerayaasha ka haysto uu kasoo xusho xubnaha gollaha wasiirada ay ka helaan saami qaybsiga siyaasadeed.

Farmaajo iyo Shariifka: waxaa jira warar lagu kalsoon yahay ee sheegaya in isxulafaysi hoose oo dhex maray Farmaajo iyo Shariifka uu jiro kaasoo ku salaysan, hadii Farmaajo arko in washamsi lagu qaaday uu codadkiisa siin doono Sheekh Shariif, si Deni iyo Xassan Sheekh uu u seejiyo inaysan hanan kursigaas hamuunta badan ay u qabaan. 

Bal aan isyare dul taagno sababta Shariif Sheekh oo dad badan aysan filayn inuu cod badan heli karo aan u aaminahay inuu cod fiican heli doono taasoo dad badan fajaciso ku noqon doonta. 

Helintaanka codkaas dheeriga ahna waxaan u sababaynayaa arimahaan soo socda:

Sheekh Shariif: waa shaqsi dad badan la jeclaan lahaayeen inuu noqdo qofka badali kara Farmaajo, waa shaqsi quryan socod ah lehna sifo dad isku wad, dhisi karana dowlad isku dhafan oo la iska wada dhex arki karo, waa shaqsi og in aqoontiisa dowladnimo ay kooban tahay sidaa awgeed, 9 sanadood ee tegay sameeyay dadaal badan si uu ugu diyaar-garoobo hadii uu xilka dib u hanto, waa madaxweynihii ka masuulka ahaa in dalku transition kii ka baxo, suurto geliyayna in dastuur qabyo qoraala la sameeyo.  Nasiibdarada haysata waxa weeyaan, mahaysto xer ama tiro sidaa u buuran oo uu isku halayn karo, mana haysto dhaqaale uu cod ku iibsan karo.  Laakiin, waxaa hada soo ifbaxaya in dad badan ay ka dhex arkeen fursad, sidaasna laga yaabo inuu ku helo cod lama filaan ah oo dad badan ka fajacin doonta.  Dadka hada ku biiray xertiisa siyaasadeed waa dad og haday taageeraan musharaxiinta kale, sida Xassan Sheekh, Deni iyo Farmaajo inaysan ka heli karin fursan ay kaga mid noqon karaan dowlahooda waa haday guulaystaane, maadaama musharaxiintaasi leeyihiin xer siyaasadeed oo ku hareeraysan, sidaa awgeed, xildhibaano badan ayaad moodaa inay garowsadeen in Sheekh Shariif hadii ay garab siiyaan uu ugu abaalgudi doono inay gollaha wasiiradiisa ka mid noqdaan, ama calal aqal minal muqarabiin ku biiri doonaan maadaama wixii hada ka danbeeya uu balaalin doona qaacidadiisa siyaasadeed.

Caqabadaha lama filaankaankaa ee ka hor imankara Xassan Sheekh, Deni iyo Farmaajo:

Xassan Sheekh; kuraasta uu isku halaynayo waxay u badan yihiin xildhibaanada Hir-Shabeele iyo Gal-Mudug, hadaan hoos usii dhaadhaco Beesha Xawaadle oo reer Abtigiis ah iyo Beesha Habargedir oo xubnaha xertiisa u badan.  Caqabadaha soo wajihi kara Xassan Sheekh waxaa ka mid ah hadii Beesha Habargedir codkooda ku mideeyaan Abdiraxmaan AbdiShakuur oo sida hada muuqataba uu u tanaasulay Cabdikariim Guuleed, Dr. Abdinaasir etc. Caqabada labaad waa in Xassan Sheekh uusan cod sidaas u sii buuran ka haysan beesha uu ka dhashay ee Abgaal oo ay ka sharaxan yihiin musharaxiinta ugu faraha badan oo uu ugu cadcad yaahay Sheekh Shariif,  Beeshani waxaa tartan siyaasadeed kala dhexeeyaa Beesha Habargedir, waana taas mida keenaysan in badan oo Abgaal ah sida Geedi, Finish, Jeelle ay u taageerayaan Farmaajo, maxaa yeelay waxay difaacanayaan doorkooda hogaamiyeed ee Banaadir, Hir-Shabeelle, iyo saamaynta ay ku leeyihiin dowladda federaalka dhinac hogaanka ciidan, dhaqaale, iyo siyaasadeedba. 

Saciid Dani: Madaxweyne Deni oo aad moodid inuu kalsooni badan ku qabo xildhibaanada Puntland iyo Jubbaland, ayaa isagana waxaad moodaa inay durba caqabado soo wajaheen sida, Xildhibaan Xoosh iyo Senator Sareedo Jayte oo Khayre la saftay, halka Senator Fartaag ku jiro xerta Xassan sheekh, ku xigeena ka yahay Xisbigiisa iyo Xildhibaan Xidig oo ku biiray xerta Sheekh Shariif (iyo weliba xildhibaano reer Puntland ah oo maalintiina barsada Deni Fadhiya, habeenkiian barsadaha kale iska xaadiriya gaar ahaan mida Sheekh Shariif).  Laakiin, waxaas oo dhan waxaa isku fuuqsanaya xidhibaano u badan reer Sool oo lagu tuhunsan yahay inay codka siin doonaan Farmaajo kuwaas oo ay horkacayaan Bidhaan iyo Timacadde, kuwaasoo isugu jira kuwo og inay ka mid noqdeen xildhibaanada Federaalka sidaa awgeedna uusan Deni waxba ku samayn karin, halka kuwo kalena ay ka caroodaan sida loola dhaqmay Axmed Karaash, iyagoo dareemay in Puntland tahay maamul aan lawada lahayn.  Waxaa intaa usii dheer Xildhibaanada Jubbaland oo ah kuwo beelo kala duwan ka tirsan, sidaa awgeedna ay u badan tahay in maadaama codbixintu sir tahay ninba codkiisa cidii la hayba, la siyaasada ama uu wax uga heli  karo la aado.

Farmaajo: Caqabadaha Farmaajo ku imán kara waxa weeyaan in xildhibaanada uu isku halaynayo qaar laga kaxaysto, tusaale ahaan: tiradii uu ka rajaynayay Koonfur-Galbeedba muusan wada helin kalkii dhawayd ee gudoonka Baarlamaanka la dooranayay, sidaa awgeed, hadii dhaqdhaqaaqa cusub iyo fursada lama filaankaa ee Sheekh Shariif helay sii xoogaysato ilaa habeen danbe waxaa dhici karta in codad uu Farmaajo halkaa ku waayo.  Caqabada kale ee ka hor imán karta waxa weeyaan in hadii washamsi lagu qaado oo wareega sadexaad uu heli waayo cod ka baxsan inta uu isku halaynayo ee u dhaxaysa 85 – 100 ka cod ama hoosba uga dhaco uu sidaasi ku waayi doono dib u doorasho. 

Isku soo duuboo, walow wareega labaad la saadaalin karo, cidna 100% ma saadaalin karto cida wareega sadexaad soo baxaysa ama ku guulaysanaysa. Laakiin, hadii heshiis hoosaad xoog badan ay wada gaaraan Xassan Sheekh iyo Deni waxaa dhici karta in midkood wareega sadexaad u gudbo halkaasna uu ku heli karo fursad qaali ah oo badiil u noqon karta soo noqoshada Madaxweyne Farmaajo.  Halka, dhinaca kale, hadii Farmaajo heshiis sadex geesood ah lagalo Sheekh Shariif iyo Khayre ay dhici karto inuu cod dheeri ah ka helo Beesha Mudulood, Beesha Karanle, Beesha Shanaad, qaar ka mid ah Beelaha Dirta Koonfureed, Beesha Dhulbahante iyo inuu cod ka helo Beesha uu ka dhashay (gaar ahaan kuraasta Ceelwaaq lagu doortay) taasoo laga yaabo inay ka caroodeen sida loogu goobtay.

Farah Aw-Osman
[email protected]


 





Click here