4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Jiheynta doodda Miisaaniyadda Dowladda Federaalka 2022
By Dr. Maxamud M. Culusow
Thursday June 30, 2022

 

Siihayaha Xilka Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxman Bayle oo muddo shan (5) sano iyo lix bilood mas'uul ka ahaa Wasaaradda Maaliyadda wuxuu  Barlamaanka Federaalka 11 la hortagay jeesjees, majaajillo, iyo canaan, wuxuuna ku dadaalay inuu xildhibannada jaahwareeriyo asagoo aan  ka jawaabin su'aalaha la weydiiyay, isla markaana aan xildhibannada siin macluumaadka ay u baahan yihiin.

Wasiir Bayle wuxuu Xildhibannada u sheegay inuu Gabay ugu soo jawaabi doono ama markale keeni doono dokumentiga laga rabo, taaso ah waqti lumis jeesjees. Waajibka wuxuu ahaa in Wasiir Bayle maalmo  ka hor u gudbiyo labada Aqal ee BF dhammaan macluumaadka la xiriira Miisaaniyadda si xildhibannada cusub ula socdaan Maamulka Maaliyadda dalka.

Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo waxay dalka ka abuurtay  dhibaatooyin farabadan oo xildhibannnada Barlamaanka federaalka 11 iyo bulshada Soomaaliyeed inteeda bada aysan hoos ula socon, dhibaatooyinkaaso ay ka mid yihiin joointa deeqihii kabidda Miisaaniyadda bilowgii 2021, hakinta heshiiska Deyn Cafinta oo lacag deyn oo gaareysa $ 395 Milyan doolar ah iyo fulinta shuruudo badan isugu jirtay, iyo taagero u raadinta wax ka qabashada abaarta ba'an ee dalka haystay.  Dhibaatooyinkaas iyo kuwo badan oo kale waxaa sabab u ahaa dib u dhaca doorashada lagu tala galay in la qabto Nofember 2020.

Dowladda Federaalka cusub waxaa laga sugaya maalmaha soo socda ansixinta Miisaaniyadda 2022 iyo dib u dhaqaajinta hirgelinta heshiiska Deyn Cafinta oo shuruudo adag ku xiran yihiin. Haddii 17 Agoosto 2022 ka hor aan la hirgelin qiimeynta barnaamijka Deynta Cafinta, waxaa lagu talagalaya in barnaamijkaas oo dhan guban doono (cancellation), taaso ah khasaare weyn.

Miisaaniyadda 2022 waxaa lagu soo wareejiyay lacagaha mashaaric markii hore deeq bixiyayaasha siin jireen hay'ado caalami ah.

Faahfaafinta Miisaaniyadaha DF 2021 & 2022   ($M)

 Dakhliga Gudaha:  $229.5 (2021) $247.0 (2022)
    
   Deeqda dibeeda:
   
A. Kabidda Miisaaniyadda                          $38.4 (2021) $ 174.7  (2022)
 B. Maaligeinta Mashaariicda                  $108.6 (2021) $ 485.5 (2022)
   
Isugeyn : $ 376.5 (2021) $ 907.2(2022)

Kharajka   

A. Kharajka Joogtada ah                               $330.8 (2021) $433.2 (2022)
B. Mashaariicda deeqbixiyayaasha                129.0                    485.5
 Isugeyn $459.8 (2021) $918.7 (2022)                                      
Deyn Bixin  $14.0 (2021) $15.0(2022)
 Isugeyn Guud                                             $473.8 (2021) $933.7 (2022)

Sida kor ku qoran, dakhliga Miisaaniyadda 2021 iyo 2022 waxaa u dhexeysa farqi dhan $530.7 Milyan doolar oo laga filayo dibedda. Madaama sannad Miisaaniyadeedka 2022 la marayo kala bar, Wasaaradda Maaliyadda waxaa laga rabaa xisaab xirka  lixda bilood ee sannadka 2022 ka tagtay oo muujinaya dakhiga dhabta ah - gudaha iyo dibedda, iyo kharajka dhabta ah ee joogtada ah iyo mashaariicda. Waxaa kaloo la rabaa in Wasiir Bayle caddeeyo caddeynta ballan qaadyada deeqaha dibedda.

Waxaa kaloo kor ka muuqda, dakhliga guud iyo  kharajka guud ee Miisaaniyadda 2022 waxaa u dhexeeya farqi ah hoos ah (Deficit) dhan $ 26.5 Milyan oo aysan caddeyn halka laga kabi doono.

Miisaaniyadda 2022 waxay u baahan tahay ka baarandag qoto dheer xagga dakhliga iyo kharajkaa iyo hubinta helitaanka kaalmada kabidda iyo mashaariicda ee lagu soo kordhiyay Miisaaniyadda ku talagalka ah 2022.

Waxaa kaloo muhiim ah in la tixgeliyo in Bankiga Adduunka iyo Hay'adda Lacagta Adduunka ay sugayaan oggolaanshaha iyo saxiixa sharciga Miisaaniyadda 2022, kaddibna la guda geli doono dib u soo celinta kabidda Miisaaniyadda iyo hirgelinta barnaamijka deyn cafinta oo xambaarsan mushkilado/shuruudo badan.

Barlamaanka Federaalka waxaa la gudboon afar arrimood:

1. Inuu kala saaro doodda ku saabsan Xisaab Xirka Miisaaniyadaha 2017-2021 iyo doodda ku saabsan Miisaaniyadda ku talagalka 2022. Waxaa habboon in guddi gaar loo xilsaaro dabagalka iyo baarista Xisaab Xirrada Miisaaniyadaha 2017-2021. Saraakiisha Wasaaradda Maaliyadda iyo Hantidhowraha Guud ayaa ku filan inay soo baaran xisaab xirrada shanta (5) sano la sugayay.

Waxaa muhiim ah in Barlamaanka Federaalka loo qaybiyo Xisaab xirraada Wasiir Bayle sheegay in guddoonka Barlamaanka federaalkii 10 saxiixay ayadoo aysan jirin Xisaab xirro laga dooday, lana ansixiyay sannadahaas.

Dambiga been abuurka ah waxaa loo raacaya Guddoonka Barlamaanka saxiixay warqadahaas, Ra'iisul Wasaaraha  iyo Wasiirka Maaliyadda oo ahaa xildhibaan isla markaana ka qaybqaatay mu'aamarad lagu khiyaamay dastuurka iyo sharciga dowladda Soomaaliya, iyo Madaxweynaha JFS haddii uu wax ka saxiixay qoraalka xisaab xirrrada ama ogaa ee uusan waxba ka qaban.
Waa khiyaamo iyo fadeexo in Hay'adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bankiga Adduunka (WB) ka qayb qaateen mu'aamarada been abuurka ah ee Soomaaliya u soo jeediyay in lagu tilmaamo dalka kowaad ee liiska musuqmaasuq Adduunka.
 
2. In laga doodo Miisaaniyadda ku talagalka 2022 marka barlamaanka loo keeno xisaab xirka lixda (6) bilood ee 2022 iyo macluumaadka kale ee loo baahan yahay.

3. In Xildhibannada Barlamaanka ogaadaan arrimaha kala ah:

  *Kaddib markii Dowladda Federaalka laga  joojiyay deeqaha kabidda Miisaaniyadda dhammaadkii 2020 iyo isticmaalka deynta deyntii Barnaamijka Deyn cafinta oo aheyd 193 Milyan doolar, si ay bixiso mushaarka keli ah waxay isticmaashay keyd lagu tala galay in loo isticmaalo xaalado culus oo keena hoos u dhac ballaaran ee Miisaaniyadda. Waxay kaloo amaahatay raasumalkii Bankiga dhexe. Waxay joojisay bixinta dhammaan kharajyadii aan aheyn mushaarka ee adeegga bulshada, taaso macnaheedu ahaa shaqaale mushaar qaadanaya haseyeeshe aan dalka iyo dalka Soomaaliyeed waxba u qaban karin madaama la joojiyay dhammaan kharajyadii lagu tala galay how fulinta.

*Ayadoo xaaladdu meel xun mareyso bartamihii 2021, ayaa bishii Agoosto 2021, Hay'adda Lacagta Adduunka qaybisay lacag dhan $650 Bilyan oo doolar oo 190 dal loo qaybiyay. Soomaaliya waxay lacagtaas ka heshay lacag dhan $156.6 milyan, taaso loogu talagalay kobcinta keydka hantida dowladda Soomaaliya, haseyeeshe xaaladda qallafsan oo jirtay darted, waxaa lagu bixiyay deymihii laga qaatay Bankiga dhexe iyo lacagtii Keydka aheyd.
Waxaa muhiim ah in Wasiir Bayle ka keeno lacagtaas warbixin tifaftiran iyo baaqiga ilaa maanta ka yaala.

*Haddii aan dhaqso loo helin deeqaha kabidda Miisaaniyadda Dowladda Federaalka cusub, dalka wuxuu ku jiraya qalalaasihii Farmajo geliyay.

* Hehiiska deyn cafinta oo hirgelintiisa socon doonto saddex (3) sano wuxuu Soomaaliya ku waajibinaya inay bixiso deyn dhan $555 milyan doolar, kaddib marka Soomaaliya laga cafiyo deyn dhan 5 bilyan. Dowladda Federaalka cusub waa inay dadaal xoog leh u gasha in la cafiyo dhammaan deynta, isla markaana laga fiirsado qaadashada deyn cusub.  Ilaa hadda waxaa la og yahay in Madaxtooyada lagu leeyahay deyn.

*In qiyaasta dakhliga Gudaha 2022 yahay $ 247.0 milyan halka kharajka mushaarka keli ah yahay $262.0 Milyan,taaso macnaheedu yahay dakhliga gudaha dabooli karo 94% mushaarka shaqaalaha keli ah.
*
4. In Wasiir Bayle loo sheego in Barlamaanka Federaalka aheyn Golaha Murtida iyo Madaalada, isla markaana ixtiraamo xildhibannada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dr. Maxamud M. Culusow


 





Click here