By Farah Aw-Osman
Sunday - January 9, 2022
Geedi socodka Puntland ay rabto inay uga guurto nidaamkii
qabaliga ku salaysna una hayaanto doorashada qof iyo cod iyo nidaamka
Xisbiyadda badan waa mid mar hore soo bilaabmay, madaxdii deegaankaa soo
martayna midba heer soo gaarsiiyay.
Nasiib wanaag, dowlada uu hogaanka u hayo Madaxweyne Deni ayaad moodaa
inay dhaqaajisay ama wadadii saxa ahayd cagta u saartay hirgelinta nidaamkaasi,
iyadoo maamulkaasi ku guulaystay inay diiwaan gelinta xisbada siyaasada iyo
inay fuliyeen doorasho tijaabo ah oo loogu gogol xaarayay doorashooyinka
deegaanka , taasoo ka dhacday sadexda degmo ee kala ah; Qardho, Eyl iyo Ufayn.
Nasiib daro, iyadoo howshii dhexda looga jiro bilowna ay
tahay, lana sugayay in dhamaan deegaamadda haray doorashadda gollaha deegaamadu
ka dhacdo ayaa waxaa si lama filaana isku casilay Gudoomiyihii Guddiga ku
meelgaarka ahaa ee Doorashooyinka Mudane Guuleed Saalax iyo ku
xugeenkiisii. Iscasilista Gudoomiye
Guuleed waxay abuurtay dareen cusub iyo shaki badan o dadkii rajada ka qabay
nidaamkaan gashay.
Hadaba, maqaalkani wuxuu taaban doonaa
dhowr arimood oo ay ka mid yihiin:
- Maxaa ku
kelifay Gudoomiye Guuleed inuu shaqada iska casilo?
- Maxaa ka khaldamay geedi socodkaan,
seese lagu sixi karaa?
Maxaa kelifay
Gudoomiye Guuleed inuu shaqada iska casilo?
Is casilidda Gudoomiye Guuleed inkastoy lama filaan ahayd,
hadana dadka raacraaca hanaan socodka nidaamkaan isaga ah way arkayeen
caqabadaha hortaagnaa Guddigga ku meel gaarka ah ee uu hogaanka u hayay
Gudoomiye Guuleed. Sidoo kale waxaa
jiray cabashooyin ka imanayay qaar ka mid ah xisbiyadda is diiwaan geliyay,
halka aad moodid dowladii la rabay inay howshaan ahmiyad gaar ah siisana inay
ku mashquushay arrimo kale oo ay ka mid yihiin doorashadda Federaalka oo aad
moodid in Madaxweyne Deni wakhtigiisii 80% uu gelinayo dagaalka Farmaajo iyo
musharaxnimadiisa uusan weli iclaamin, shaqaaqooyinka amni daro ee Puntland
kusoo kordhay ayaa iyaduna aad moodaa in madaxdii dowladu ku mashquulsan yihiin
dab damis iyo nabadayn. Gudoomiye
Guuleed wuxuu dowladda iyo hogaankeeda ku eedeeyay inay fulintii natiidajii
sadexda degmo ka caya jiideen, imkaaniyaadkii iyo laamihii dowligga ahaa ee
howshaan inay fududeeyaana aysan dhamaystirin sida Maxkamada Dastuurigga iyo
Maxkamadii sare ee tastiiqin lahayn natiijooyinka doorashooyin, si xubnihii la
doortay ay xilka ula wareegaan, taasoo ay ahayd inay fusho 27 December, 2021.
Sidoo kale, waxaa jira inuu Gudoomiye Guuleed taabtay walow
uusan sii faahfaahin inay jiraan ashqaas ka mid ah dowladda (ama mulkiilayaasha
dowladda) oo aan rabin in nidaamkaani fulo , maxaa yeelay maslaxadooda gaarka
ah ayaa nidaamkaani ka hor imanayaa.
Maxaa ka khaldan (ama
ka khaldamay) geedi socodka nidaamkan?
Muddo laga joogo 53 Sanadood ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu
danbaysay doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda geyiga Soomaaliyeed, 80%
bulshadu ay arkaan, maqla ama ka qayb qaataan nidaamka xisbiyada badan. Sidaa awgeed, aqoontii, awoodii, xirfadii iyo
khibradii howshaan in lagu fuliyo ay tahay maaha mid ummadda Soomaaliyeed ama
kuwa reer Puntland ay haystaan maanta, sidaa awgeed, nidaam kasta oo cusub hirgelintiisa dhib iyo
kufaa dhac ayaa lagala kulmaa mana aha mid sahlan hirgelintiisu, waana howl
dulqaad, dhabar-adayg, iyo dad aaminsan howshaan oo naftood hurayaal ah ayun
baana hirgelin kara nidaamkaan dowladnimada bulshada gacanteeda la
gelinayo. Sidoo kale nidaamkaani ma
hirgel karo hadii masuuliyiinta dowladdu aysan ka go’nayn ina ay masiirka iyo
awooda dalka dib ugu celin gacanba bulshada.
Hadaba waxaa jira dhowr arimood oo aan u nisbaynayo in
nidaamkaanu dhutiyo sida:
Khaladka 1aad:
Khaladka ugu weyn ee Puntland ay ku dhacday wuxuu ahaa
inaysan aad uga fiirsan ama u daraasadayn qaabka uu u ekaanayo gollaha
deegaanku, sida lagu dooranayo Guudoomiyaha degmo iyo xubnaha Gollaha
deegaan. Wadamo badan oo caalinka ka mid
ah intaysan qaadan ama hirgelin awood hoos u dhaadhicinta iyo doorashooyinka
bulsho waxaa gudoomiyayaasha degmooyinka soo magacaabi jiray dowlada
dhexe. Laakiin markii nidaamka
dowladnimo la baahiyay hoosna loo dhaadhiciyay waxaa nidaamkaas uu gaaray ilaa
heer degmo iyo tuulo, taasoo u saamaxday in bulshada deegaamadaasi awood u
yeeshaan doorashada xubnaha gollaha deegaankooda. Dalalka qaar Gudoomiyaha degmada bulshadaa
doorata, halka wadamada badankooduna gollaha la doortay ay iska soo dhex
doortaan gudoonkooda kaasoo noqon doona Gudoomiyaha degmadda.
Sidoo kale wadamada Federaalka ah waxay kala qaateen laba
nidaam, kaasoo ah in wadama qaar ay doorashada gollaha deegaanka ku tartamaan
musharaxiin xisbiyo matalaya, halka wada qaarna afraad ka mid ah bulshada
degmadaasi isku soo sharaxaan oo ay ku tartamaan xilka gollaha deegaanka, oo
xisbiyadu aysan shuqul ku lahayn.
Sidaa awgeed, inagoo fiirinayna curdaynimada nidaamka xisbiyadda
badan ee Puntland, awood yaridooda dhaqaale, aqoon iyo xirfad yarida howl
fuliyayaasha xisbiyadaasi, waxaad moodaa in Puntland ay ku khaldantay inay
doorashooyinka gollayaasha deegaanka ku salayso nidaamka xisbiyadda. Maxaa yeelay, hadii la rabo in Puntland
horumarkeeda laga shaqeeyo, doorasho cod iyo qof la gaarsiiyo, nidaam xisbiyo
awood iyo aqoon lehna loo dhiso, waxay ahayd in xisbiyadu ku tartamaan
goboladda iyo doorashada Baarlmaanka Puntland iyo madaxweynenimada oo qudha oo
aysan faraha la gelin doorashooyinka gollayaasha deegaan. Waxaa hubaal ah in xisbiyadu aysan awood u
heli doonin maamulka iyo maaraynta gollayaasha deegaan ee aadka u faraha badan,
kabi karina baahiyada deegaamadaan, fahmi karina siyaasadaha hoose ee
deegaamadaas. Walow laga yaabo in dadka
qaar u arkaan horumar hadii xisbiyadu gacanta ku dhigaan gollayaashaa deegaan,
taasoo meesha ka saari karta nidaamka qabaliga ah oo hadba qolada deegaanka u
badani iska maamulato masiirka ummada iyagoon ka tallo gelin qabiilada iyo bulshada
kula nool lana leh deegaankaas.
Khaladka 2aad:
Waxaa jiray guux dadweyne oo ku aadanaa sadexdii degmo ee
loo xulay in lagu tijaabiyo doorshooyinka gollahaasha deegaan. Dad badan ayaa u arkayay inay khalad ahayd in
sadex degmo oo dad isku hayb ahi degaan lagu soo koobo deegaamada lagu
tijaabinayo doorashada, waxaa intii aan doorashadu dhicin dad badan soo
jeediyeen in la waasiciyo deegaamada tijaabo, sig gobol kasta ama bulshada ku
bahowday Puntland isaga wada dhex aragto doorashadan bilowga ah oo taariikhiga
ah, mase dhicin.
Natiijadii kasoo baxdayna waxay noqontay mid dad badan usii
xaqiijisay tuhunkoodii ahaa in dad gaar ah kubada loo salaxayo oo la rabo in
aaraada dadka iyo caqligoodaba la sii geliyo in sadexda xisbi ee sadexdaan
degmo ugu cod badani ay yihiin sadexda xisbi oo reer Puntland doorbidayaan ama
ay xusheen, taasoo ah mid xaqiiqda ka fog.
Durba xisbiyadii aan codka badan ka helin sadexdaas degmo mucaarado ay
ka gows adaygeen natiijadii iyo eedaymo musuqmaasuq ah ayay soo jeediyeen.
Khaladka 3aad:
Ogolaansha codbixinta IDP’s ka (dadka xaqootiga ku ah
Puntland ee ka yimid gobollada kale ee dalka).
Waxaa dad badan aaminsan yihiin in ula jeedada awoodsiinta IDP’s inay
codeeyaan aysan ahayn mid sinaan iyo cadaalad bulsho aan looga gonlahaa, balse
ujeedku ahaa oo qudha in dadkaasi loo adeegsado doorashada, sida meelo badan ka
dhacdayna (dhaqankii Cali Yare) ayaa la adeegsaday ee ahaa gawaari ku soo
daabul, u qaybi lacag biyo cabaal, kadibna u adeegso inay xisbigaaga u
codeeyaan. Waxaa taa ka sii daran, in
maalmihii doorashooyinku socdeen ay soo baxday dhaqdhaqaaq dad oo ka dhex
socday magaalooyinka, tusaale ahaan, maalintii doorashada ay dhacday, waxaa
reer Garoowe ku kaftameen in magaaladii ay ku soo hareen “reer Garoowihii
asalka ahaa”, taasoo ay ka wadaan in dad badan oo Garoowe ku nool ay Eyl iyo
tuulooyinka ku xeeran u aadeen codbixin doorasho. Ufayn iyo tuulooyinka ku teedsan laftigeeda
dad badan oo Qardho ka tagay ayaa kasoo cod bixiyay. Kolkaa waxaa su’aalo ka iman karaan habka
lagu xakamayn karo inaan qof aan ku noolayn, lahayd aqoonsi deegaan loona
cayimid goob cod bixin uusan dhiiban Karin cod. Iyo in aan IDP’s loo adeegsan
doorasho ku shubasho ah.
Isku soo duuboo, is casilistii Gudoomiye Guuleed waxay
daruur madow dul dhigtay nidaamkii curdinka ahaa dimoqraadiyaynta Puntland,
kaasoo Soomaali badan ku hanweynaayeen, tusaalena u noqon lahaa deegaamo badan
oo Puntland kaga dayda hanaanka dowladnimo.
Puntland weli waxay fursan u haysataa inay nidaamkaas saxdo,
wixii ka qaloocdayna toosiso, kalsoonidii bulshadana soo celiso, Ilgaar ahna ku
hayso ama jawaab waafi ah ka bixiso qodobadan ama su’aalahan hoose:
1.
maadaama nidaamkii
qabali ahaa uu fashilmay, kaasoo ah mid hadimo ku ah jiritaanka iyo midnimada
Puntland, ayna jiraan weli shaqsiyaad (qaarkood dowlada ku dhex jiraan)
kuwaasoo halis u arka hirgelinta nidaamka xisbiyada badan iyo doorasho qof iyo
cod, sidee lagu xaqiijin karaa inaysan masuuliyiintaas, mulkiilayaasha dowladda
iyo hagbad sugayaashu fashilin nidaamkaan curdinka ah?
2.
maadaama deegaamo
badan oo gobolka Sool ka mid ah aysan gacanta Puntland ku jirin, sidee dadka
deegaamadaasi ku heli doonaan cidii matali lahayd, doorasho noocee ahse ayaa
loo qoondeeyay?
3.
Maadaama Madaxweyne
Deni uu yahay masuulka howshaan fulinteeda balan qaaday, uuna iminka Xamar u
xirxiran yahay, side lagu xaqiijin karaa inaan nimaadkaani burburin hadii uu
Madaxweyne Deli Xamar u shiraacdo?
4.
Maadaa ashqaasta
xisbiyada furtay aanay ahay dad aqoon sidaa u buuran u leh howshaan ay faraha
la galeen, sidoo kale aysan ahayn dad mabaadi, ahdaaf iyo barnaamijyo ay ka
duulayaan isku bahaystay balse ku xulafoobay dano siyaasadeed ama shaqsi iyo
hebel iska dhicin, taasoo jiritaanta xisbiyadooda ka dhigaya kuwo aan cago
badan ku taagnayn, sidee lagu xaqiijin karaa in la helo xisbiyo ay u
dhamaystiran yihiin dhamaan arimihii xisbi siyaasadeed laga rabay si ay u
noqdaan kuwo la isku hayan karo laguna soo hiran karo?
5.
ugu danbayn, waxaa
dowlada looga fadhiyaa inay jawaab ka bixiso doodii iyo dacwadii Gudoomiye
Guuleed, xaqiijisana in guddiga Doorashadu noqdo mid madax banaan awoodna u leh
fulinta iyo xaqiijinta nidaamkaan isaga ah.
Farah Aw-Osman
[email protected]