4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Shaqsiga Sannadka 2021 ee Hiiraan Online: Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun

Tafaftirayaasha Hiiraan Online, [email protected]
Saturday, January 08, 2022

Tafaftirayaasha Hiiraan Online waxy si wadajir ah isugu raaceen in Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun uu noqdo Shakhsiga Sanadka 20201 ee Hiiraan Online (HOL).

Go'aanka HOL ee Xildhibaan Batuun lagu doortay Shakhsiga Sannadka ayaa ah wadada uu u xaarayo jiilka soo koraaye oo wax-badan kaga dayandoono halganka uu u horseedey in uu dhibaatada ka saaro qowmiyadda uu ka soo jeedo oo ay Soomaalidu heyb-soocaan.

Sidoo kale waxyaabihii lagu doortay Barkhad Batuun ayaa waxaa ka mid ah isaga oo jabiyey darbigii ku wareegsanaa horumarka siyaasadda iyo dhaqaalaha ee beelaha la hayb-sooco.

Xildhibaan Barkhad Batuun oo sida ay caadada ah ay adkeyda in uu doorasho ku galo magaca beesha uu ka soo jeedo, ayaa wuxuu kas-baday bulshada Somaliland gaar ahaan codka dhallinyarada, isaga oo ku qanciyey in uu mudan yahay in loo doorto xildhbaan golaha wakiilalda ee Somaliland. Xildhibaan Barkhad ayaa fariintiisa si wanaagsan ugu gudbin jiray aaladaha kala duwan ee baraha-bulshada (social media).

Xiligii ollolaha doorashada lagu jiray, ayuu Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo horay xilal wasiirnimo uga soo qabtay xukuumadihii kala danbeeyay ee Somaliland, ayaa ku baaqay in quruxda doorashada Somaliland ku xidhantahay sida Barkhad Batuun laga yeelidoon; fariintaas oo noqotay mid si fiican ugu gudubtay bulshada ku nool gobolka Maroodi-Jeex.

Barkhad Jaamac Xirsi Batuun oo sidii aan horay idiinku sheegnay kasoo jeeda bulshada beelaha lahayb sooco oo aan abid matalaad ku yeelan golayaasha Somaliland, ayaa guul taariikhi ah kaso hooyay doorashadii wakiilad ee Somaliland ee May 31, 2021.

Batuun oo ka sharaxnaa xisbiga Waddani, ayaa kusoo baxay codadkii ugu badnaa ee abid qof musharax golaha wakiilada ahi kusoo baxo taariikhda Somaliland, isagoo helay codad ka badan 20,000 oo cod.

Xildhibaan Barkhad Batuun ayaa ku dhashay kuna barbaaray magaalada Hargeysa. Wuxuu waxbarashadiisa tacliinta sare ku soo qaatay Jaamacadaha Hargeysa, Somaliland iyo Qaahira ee dalka Masar. Waxaana taqasuskiisa ka mid ahaa Xillinta-Khilaafaadka iyo Diblomaasiyadda. Guusha Xildhibaan Barkhad Batuun waxay fariin-adag u tahay in waxbarashadu asaas u tahay heegsiga qofkastaa ku gaari karo hankiisa.


Ugu dambeyntii, guusha Barkhad Batuun ee doorashadii Somaliland ayaa waxay tusaale iyo darsin u noqon-kartaa marka dadka fursad u helo doorasho QOF IYO COD AH in ay soo bixi-karaan dad aan lagu soo dooran qabyaalad, qaraabo kiil iyo laaluush.





 





Click here