4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Maxaa ka baran karnaa doorashadii Baarlamaankii 8daad ee Nairobi
By Sheiknor A. Qassim
Monday April 25, 2022

 

2004 NAIROBI KENYA:

Kalmadda Baarlamaan asalkiisa waa Faransiis micnahiisuna yahay ( Hadal ama Dood) maantana loogu yeero sharci dejin, wuxuu ka mid yahay sedexda qaybood ee nidaamka dowladnimo Midka ugu mihiimsan oo ah gun-dhiga dowladnimo. Shaqadda ugu muhiimsan ee uu qabtaa waa sharci dejinta, la xisaabtanka golaha fulinta iyo ilaalinta danta iyo Qaranimadda dalkaas.

Godoomiyaha Baarlamaanka waa Qofka labaad ee ugu awooda badan nidaamka dowladnimo ee la doorto.

Baarlamaankii lagu doortay Nairobi, Kenya September 2004 waxaa jagadaas ku tartamay 11 xildhibaano, waxaana ku guuleeystay Sharif Hassan Aden oo helay 161 cod, waxana kaalinta labaad galay Sheikh Aaden Madoowe oo helay 104 cod.

Waxaa kaloo musharaxiinta ka mid ahaa Ambassador Sharif Salah Mohamed Cali oo ku dhashay xudur, wuxuu shaqada ku bilaabay macalin kana Mid ahaa dhalintii xuriyada doonka. Wuxuu ka Qoray Buug taariikhda Soomaaliyeed ku tifaftiran tahay oo kasoo bilaabata waayihii Dagaalkii 2aad, ilaa xornimo laga qaato, iyo waayihii intaas u dhexeeyey.

Marxuun Amb Salah Wuxuu Agaasime ka noqday Wasaarado dhowr ah, sidoo kale wuxuu noqday Guddoomiyaha guddigii Qorista Af-Soomaaliga, isagoo sidoo kale noqday Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare.

Marxuumka oo Qoray Buuga Caanka ah "HUDDUR and The History of Southern Somalia" wuxuu soo qabtay xilal kala duwan oo aan ka xusi karno sida:

1- Ragtarka Jaamacada Umada Soomaaliyeed,.
2- Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare,
3- Safiirka Soomaaliya ee Rooma,
4- Safiirka Soomaaliya ee China,
5- Safiirka Soomaaliya ee Ingiriiska.

Nasiib daro, u tartanka xilka Gudoonka Baarlamaanka Amb. Sharif Salah wuxuu waayay codadkii Xildhibaanada maalintaas meesha fadhiyay, halka Sharif Hassan uu helay 161 cod, Adan Madoobe uu helay 104 cod.  Tani waxayku tuseeysaa in Xildhibaanadii codadka bixinaayay maalintaas in siyaasad ahaan iyo aqoon ahaanba aysan fahmi karim muhiimadda u lahaa dalka Ambassador Sharif Salah.

Hadaba waxaa loo baahan yahay Xildhibaanadaan cusub ee Baarlamaanka 11aad inay noqdaan kuwa qaymeeya aqoonta iyo waayo aragnimadda dowladnimo.

“ Sedex wax-yaalood waligood ma qarsoomi karaan: waa quraxda, waa bisha iyo RUNTA”

Wa bilaahi towfiiq
Sheiknor Abucar Qassim
[email protected]



 





Click here