11/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Waa Maxay Caymiska La Rabo in Lagu Waajibiyo Gaadiidlayda Somaliland?

 

Waxaa si xowli ah u socda isku day ay kooxo ka ganacsada caymiska (insurance) ugu jiraan inay dadka khasab lagaga dhigo inay adeegooda iibsadaan iyagoo u soo dhex maraya nidaamka dowliga ah. Marka ay dowladu ku waajibinayso muwaadinka inuu adeeg iibsado waa inay jirto dan guud oo khasbaysa arinkaa (compelling public interest). Sida muuqata arinka caymiska waxa jira dan ganacsi oo mucaash doona (compelling business interest), taas oo ay ku doonayaan ganacsadaasi in xukuumadu dadka u khasabto iibsiga caymiska siiba ka gaadiidka. Waxaynu ku eegi doonaa qoraalkan sababaha xeer loo soo saaro, muhiimada ay leedahay in xeerarka la waafajiyo dastuurka iyo shareecada Islamka, cida awooda u leh soo saarida xeerarka waajibinaya culays maaliyadeed, dariiqa ilaa hadda loo maray in waajib lagaga dhigo muwaadinka in uu khasab ku qaato caymis gaadiid iwm.

Baahi in Caymis Gaadiid la Helaa Ma Jirtaa Somaliland?

Marka xeer ama siyaasad cusub la dhaqan galinayo waa inay jirta dan guud oo la xaqiijinayo (compelling public interest). Aynu is waydiinee maxaynu Somaliland ugu baahan nahay caymis gaadiid? Nidaamkeena dhaqanka ah ee qabiilku wada bixiyo magaha iyo xaqa marka cid dhibaato la gaadhsiiyo ayaa ah mid si fiican u shaqeeya. Tusaale ahaan, haddii qofku gaadiidka uu wato cid dhibaato ku gaadhsiiyo waxa dhacda in lagu xidho xarunta Ciidanka Ilaalinta Wadooyinka (Traffic Police) ilaa inta labada dhinac ee wax kalal gaadheen ay ka soo heshiinayaan qaadida masuuliyada dhibtii dhacday. Odayaasha reeraha ee masuuliyada qaaday iyagaa iska xil saara inay bixiyaan wixii ku waajibay ee magdhow ah. Nidaamkaasi waa mid shaqeeya oo cid wal oo isku qabiil ahiba ay si mutadawacnimo (voluntary) ah u bixiyaan wixii reerkooda lagu yeesho.

Waxaa is waydiin leh haddii nidaamkeenaasu shaqaynayo maxaynu ugu baahanahay inaynu u bedelno inagoo u danaynayna kuwa doonaya inay ka ganacsadaan caymiska? Waxaa jirta odhaan Maraykanku isticmaalo oo tidhaa “if it isn’t broken, don’t fix it” oo macnaheedu yahay “haddii arinku si fiican u shaqaynayo, ha isku dayin inaad hagaajiso!”  Iska daa inay hagaajiso e’ waxay u badan tahay in caymiskan gaadiidka ee dadka lagu khasbayaa uu khalkhal galiyo nidaamkii reeruhu isaga wada bixin jireen magaha iyo xaqa. Tusaale ahaan, haddii caymiska gaadiidku uu hirgalo oo dadka khasab lagaga dhigo waxaa dhaci doonta in reeruhu diidaan inay qofkooda gaadiid wax ku gaysta ay ka bixiyaan xaqii lagu lahaa oo ay ku andacoodaan “maxaad caymis kaa bixiya u gali wayday?” Marka reerka loo diido inay lala bixiyo qaantii ay gaadiidka ku gaysteen, waxaa dhacaya inay iyaguna diidaan marka qof kale oo qabiilka ka tirsani, tusaale ahaan, qof wax yeelo oo ay yidhaahdaan “idinkuba shalayto nalamaydaan bixin qaanti aanu gaadiidka ku gaysanay!”

Caymisku Ma Waafaqsan Yahay Shareecada Islamka?

Dhinaca kale, waxaa muhiim ah in lays waydiiyo in caymisku waafaqsan yahay shareecada Islamka. Asalka caymisku waa Baycul-Qarar baycul qarar بيع الغرر  oo shareecadu xaaraantimaysay. Dastuurka Somaliland Qodobkiisa 5aad, farqadiisa 2aad ayaa waxay tilmaamaysaa sidan:

“Xeerka dalka waxaa laga qaadanayaa Shareecadda Islaamka; waxaana reebban wixii xeer ah ee ka soo horjeeda.”

Caymiska ma garanaysid waxa aad iibsanayso mar kastana labada dhinac ee wax kala iibsanaya ee caymiye iyo la caymiye ah (Insurer and insured) mid baa khasaare ku jiraya. Tusaale ahaan, haddii aan caymis gaadiid iibsato (premium) bishiina $50 bixiso muddo toban sanno ah  lacagta aad bixisay waxay noqonaysa $6,000 ($50*10*12). Haddii aanad wax dhib ah ku gaysan gaadiidkaaga oo aan caymisku waxba kaa bixin shirkadii caymiskuna way faa’iiday. Dhinaca kale, waxaa suura-gal ah in qof caymis gaadiid ku iibsaday $50 bishii markuu laba bilood ku jiray uu galay shil gaadiid oo lagu xukumo lacag gaadhaysa $200,0000, taasoo shirkadii khasaare wayn ku noqonaysa, qofkiina ay culayskii ka qaaday. Nidaamka Islaamu waxa uu diidaa iibsiga noocan ah ee kolba dhinac khasaarayo xaga dhinaca kalena faa’iidayo. Haddaba waxaa jirta marka dalalka aan Islaamka ahayn  qofku ku nool yahay ay culimadu u fadwoodeedn inuu caymis gaadiid (liability insurance) qaadan karo daruuro ahaan maadaama caymis la’aan aanu gaadhi kaxaysan karin. Sidaa darteed waxaa muhiim ah maxaa inaga manta inugu khasbaya ee daruuro inagaga dhigaya caymis xaaraan ah?

Dariiqee Loo Maray In Caymiska Khasab Lagaga Dhigay Gaadiidlayda:

Dastuurka Somaliland cida kaliya ee uu awooda u siiyey inay muwaadinka ku waajibiso culays maaliyadeed oo waa Golaha Wakiilada. Waxay ahayd in Golayaasha sharci dejinta la keeno “Xeerka Caymiska Qaranka—National Insurance Law) oo ay  xildhibaanadu ka doodaan in xiligan loo baahan yahay caymis, haddii loo baahan yahay noocee loo baahan yahay, ma waafaqsan yahay Shareecada Islamka iyo inuu khasab ku noqonayo muwaadinka iyo in kale iwm.

Iyadoo xukuumadu og dhibta ay kala kulmi karto inay xeerka caymiska ka ansaxiso goloyaasha sharci dajinta ayaa waxa ay meel marisay Xeerka Hay’ada Caymiska (Xeer Lr. 92/2021) oo ah kii lagu dhisayey Hay’ada Caymis. Xeerkaasu gaadiidlayda kuma waajibinayo inay khasab caymis ku qaataan. Markii Gudoomiyaha Hay’ada Caymisku oo aan ogolaansho ka haysan Gudida Caymiska Qaranka (The National Insurance Board) oo uu Wasiirka Maaliyada, Sacad Cali Shire, gudoomiye u yahay (Chairman of the Board) isku dayey inuu wareegtooyin ku waajibiyo caymiska gaadiidka waxaa uu la kulmay iska caabis badan oo kaga timid gaadiidlayda kuwaas dacwad u gudbiyey Golaha Wakiilada. Isla maalmihii gaadiidlaydu dacwada u gudbisay Golaha Wakiilada ayaa madaxweynuhu qoraal ku soo saaray dhismaha Gudida Caymiska Qaranka (National Insurance Board) oo aan horeba u jirin

Maxkamada Sare ayaa hadana soo dhex gashay dacwadii caymiska gaadiidka ee khasabka laga dhigayey iyadoo aan la garanayn cid dacwad u gudbisay. Maxkamadu waxay soo saartay in wareegtadii Gudoomiyaha Hay’ada Caymisku ee sax ahaa. Waxaa is waydiin leh sida wareegtada Gudoomiyaha Hay’ada Caymiska sax ku yahay iyadoo aan go’aanka amarada ku qoran wareegtada aanay waxba ka ogayn Guddida Caymiska Qaranka iyo Gudoomiyahooda oo ah Wasiirka Maaliyada.

Iminka Halkee Wax Marayaan?

Waxaa iminka yaala Golaha Wakiilada Xeerka Shirkadaha Caymiska. Waxay u eg tahay inay xukuumadu wali ka warwareegayso Xeerka Caymiska Qaranka inay Golaha keento. Waxay ahayd welina tahay in xeerka caymiska horta la keeno golayaasha sharci-dajinta oo laga doodo arimaha ay ka mid yihiin 1) baahi ma u qabnaa caymis gaadiid 2) Caymisku ma waaafaqsan yahay Shareecada Islamka 3) Caymisku khasab ma ku noqonayaa gaadiidlayda mise waa haddii qofku rabo (ikhtiyaari)?

Takaaful Muxuu Yahay?

Takaafulku waa caymis si mudatawacnimo (voluntary) ah loo galo. Waa sidii magta ee reeruhu sanduuq samaysan jireen si ay isaga bixiyaan hadba wixii lagu yeesho. Tusaale ahaan, shirkadaha dhismaha ayaa sanduuq samaysan kara si kolba shaqaalaha wax noqda ama cidii gaadhiidkoodu wax yeelo macdhow loogu siiyo, haddii wax ugu soo hadhaan sanduuqana ay u qaybsan lahaayeen. Takaafulku ma noqon karo wax khasab ah. Sidaa darteed, khasbka la rabo in laga dhigo caymiska gaadiidka ayaa u diidaya inuu Takaaful yahay caymiskani.

Kaalinta aad Ka Qaadan Kartaa Maxay Tahay?

Waajibinta caymiska gaadiidku waxay culays maaliyadeed ku noqonaysaa cid kasta oo gaadhi wadata. Waxaa haboon in:

Gaadiidlaydu:

Iyadoo ay jirto culaysyo badan oo gaadiidlayda saaran sida shiidaalka qaaliga ah, cashuurta wado marida, badalida joogtada ah ee buuga gaadhiga/ruqsada gaadhi wadida, lacagta badqabka gaadiidka iwm haddana dadku ma qaadi karaan lacag caymis oo naas nuujin u ah shirkado gaar loo leeyahay. Sidaa darteed waa in muwaadiniintu ay fikirkooda iyo dareenkooda u gudbiyaan mudanayaasha golayaasha sharci-dejinta.

Culimadu:

Waa in culimadu fikirkooda ka dhiibtaan waafaqsanaanta caymiska ee Shareecada Islamka. Waxaa haboon in culimadu dadka u cadayso waxa Shareecadu ka qabto caymiska.

Saxaafada:

Waxaa haboon in saxaafadu ay doodo ka qabato caymiska gaadiidka oo loo yeedho gaadiidlayda, shirkadaha caymiska, madaxday Hay’ada Caymiska, xildhibaanada goloyaasha sharci dajinta iwm.

Cabdillahi Xuseen

[email protected]

 

 

 



 





Click here