4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Siyaasadda Muufeysiga
By Xasan Mudane
Friday - November 26, 2021

 

Afartii sano ee u dambeysay waxaa na soo maray dhaqan xumo siyaasadeed tii ugu darneed; waxaa la hirgeliyey qorshe ku dhisan it’s our turn to eat-waa markeenii ee aan cuno. Waxaa abuurmay dhaqan ah in qofka looga faa’ideysto duruuftiisa dhaqaale isaga oo lagu soo xiro gelinaya lacag iyo jago. Halkaas waxaa ka dhalanaysa in siyaasadda laga muufeysto!

Dadkii arrintaas tooshka ku ifiyey waxaa ka mid ahaa Jean Francois Bayart, wuxuu buuggiisa The State In Africa ku qoray in siyaasadda Afrika ay tahay mid ku salaysan muufeysi. Yacni, ma jiro siyaasi u taagan mabda’ uu wax ku diido waxna ku aqbalo.

Siyaasadda muufeysiga waxaa inta badan isticmaala madaxda markaas xukunka joogta iyaga oo qofka siinaya lacag ama kursi, laakiin qofkaas waxaa laga rabaa in uu noqdo CBB farta ka xiran. Marka laga soo tego siyaasadda, waxaa jira dad badan oo markoodii hore ahaa kuwa u ololeeya danta bulshada laakiin gadaal dambe iska beddelay. Tusaale, afar sano ka hor wuxuu ahaa qof difaaca xorriyadda hadalka iyo saxaafadda laakiin maanta wuxuu ka shaqeeyaa madaxtooyada, wuxuu taagan yahay waa in gacan bir ah lagu qabtaa cid kasta oo wax ka sheegaysa dowladda.

Nasiibdarro, qaar kuwaas ka mid ah inta ay ka tanaasuleen mabda’oodii hore ayay ku biireen kooxda ku qaraabata urur bariiseedyada (NGOs) magaalada ka jira, ee lacagta ku raadinaysa duruufta iyo baahida shacabka.

Aktifistanimada iyo Muufeysiga

Qofka u ololeeya danta bulshada (social activist) waa qof xambaarsan mabda’ weyn; waa qof difaaca qaddiyad ka ballaaran arrimihiisa gaarka ah. Dan kama lahan qofka iyo waxa uu yahay, mar kasta wuxuu u taagan yahay in shacabkiisa uu runta u sheego, tooshna ku ifiyo khaladaadka iyo dhaqannada xun ay sameynayaan siyaasiyiinta.

Arrinta la yaabka igu noqotay waxay tahay waxaad arkaysaa dhallinyaro badan oo isku sheega in ay yihiin aktifistayaal u dhaqdhaqaaqa bulshada, haddana muufo ka dhex raadinaya waxyaabo khatar ku ah dowladnimada, dhaqanka iyo nolosha bulshada. Dhanka kale, waxaad arkaysaa qof afar sano mucaarad ku ahaa Farmaajo iyo siyaasaddiisa waaweynka ah (big man politics) laakiin hadda ku dhahaayo odayga wax dhaama la waa! Maxaa beddelay? Jawaabta waxaa laga heli karaa siyaasadda ku dhisan muufeysiga.

Dagaal laba dhinac ah!

Qofka u dhaqdhaqaaqa danta bulshada waxaa hortaagan dhib weyn. Wuxuu ku jiraa dagaal laba dhinac ah: Mar wuxuu la dagaalamayaa kuwii cadowga ku ahaa danta bulshada marna kuwii uu xaqooda u soo dhicinaayey. Arrintaas waxaa si qurux badan u dhigay aktifistaha reer Togo ee magaciisa la dhaho Farida Nabourema. Hadal uu bartiisa Twitter ku soo qoray wuxuu ku yiri…

“when you are an activist, the people you are fighting against will fight you [and] the people you are fighting for will fight you”.

WQ: Xasan Mudane
Bare Jaamacadeed


 





Click here