9/28/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Waxan isu taagay bildhaaminta Boorama

by Dr. Ridwan Osman
Saturday June 12, 2021

 

”Baradii cilmigee bariga Afrikaay bii’addii raxmaddiyo baladkii nabaddaay Booramaay balaayada baal lagaa mari.”  Cabdixakiin Cabdillaahi Jibriil (Qiiq)   

Maxaa ku soo dhaca maskaxdaada marka aad maqasho Paris ama Oxford? In sawir jacayl ama aqooneed kuu baxo marka aad maqasho labadan magaalo midkood waxa la galiyay dadaal dheer. Way badanyihiin tusaalayaalka magaalooyin ku guulaystay in ay samaystaan astaan ama borofayl caalami ah sida Las Vegas, Los Angeles iyo Dubai. Sidoo kale waxa jira magaalooyin samaystay astaamo dhismeed oo lagu yaqaanno sida Sydney, Kuala Lumpur iyo San Fransisco. Labadan nooc ee astaamoodba waa qayb ka mid ah istaraatiijiyado lagu suuq-geeyo magaalooyinka. Waana hanti la kobciyo lana ilaashado. Talow maxaa kugu soo dhaca marka ad maqasho Boorama?

Marka laga yimaaddo magaalooyinka leh astaamaha caalamiga ah waxa dal walba uu gudihiisa leeyahay sifooyin ama dhismayaal ay ku astaysanyihiin magaalooyinkiisu. Sifooyinkan iyo astaamahan laguma helo xoog iyo in kor loogu qaylyo. Waxay ku yimaaddaan shaqo xidhiidhsan, hufan oo hadafaysan. Waxa la dhihi karaa waa abaalmarin tabac.

Waa su’aal ka mid ah su’aalo aan is wayddiiyay markii aan ka baaraandegayay inaan isu taago doorashada golaha deegaanka ee degmada Boorama. Waxa ii soo baxday in aan wax ka tari karo horumarka dhinacyada badan ee ay tabayso degmadaydu. Rajo waxa i galiyay markii aan arkay jiilka iyo haldoorka shaaciyay ama qorshaynayay in ay isu taagaan isla doorashadan. Nasiib wanaag, sidii la saadaalinayay waxa ka soo baxday tartankii miid awood u leh in ay abuurto horumar midhodhal ah.

Waxa ii muuqata halka ay tahay Boorama in ay Somaliland iyo guud ahaanba gobolka ka gasho. Way bilaabanyihiin wax ka badh astaamo degmada lagu suuq-geeyo oo loogu adeego magaceeda iyo sumcaddeeda. Waxa ii calaamadsan saddex sifood oo ku habboon astaamaha degmada. Nabadda, aqoonta iyo wixii ay dhalayeen oo ah ganacsi hormood ah.

Barada aqoonta iyo nabadda oo ah astaamo lagu yaqaanno degmadu waxa ay u baahanyihiin in loo fiiqo sida qalinka oo loo sameeyo af mudac ah. Ujeedkaygu waa in ay noqdaan sifooyinkani kuwo aan ka dhab sheegno. Degmadu waa in ay noqotaa indhaha u bildhaama Somaliland iyo gebi ahaan dhulka afka Soomaaliga lagaga hadlo. Aqoon iyo nabad laysku daray waa in ay dhalaan meelo si takhasus ah loogu diraaseeyo nabadda iyo dib-u-heshiisinta dadyowga gobolkeenna ku dhaqani mar walba u baahanyihiin.

Intaasi waxa ku lammaan, maaddaama nabad iyo aqoon la helay in la abuuro dariiqyo fududeeya in guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ama gobolku ay maalgashato degmada. Waa in loo gogolxaadho shirkado dowlad-iyo-dad-wadaag ah (Public-private partnership) oo kor loogu qaado dakhliga cashuureed ee degmada iyo dalka isla markaasna la casriyeeyo habka ururinta cashuuraadka dowladda hoose. Sidan waxa lagu fulin karaa mashaariic shaqo-abuuris hor leh keena. Sida biyo nadiif ah oo deeqa reer Boorama oo dhan, isku-xidh waddooyin oo gaadha gebi ahaan degmada, koronto iyo internet shacabka ku gaadha qiimo macquul ah, caafimaadka hooyada iyo ilmaha oo lagu fidsho degmada koonayaasheeda, akhris-qoraalka muwaaddiniinta oo kor loo qaado iyo tayayn dhab ah oo lagu sameeyo tacliinta aasaasiga ah. Waxa istaahil ah in mashaariicdan lagu fidsho Somaliland inteeda kale. Fidintaasi in ay door laxaad leh ka qaadato waxa diyaar u ah Boorama.

Degmada iyo hoggaankeedu waa in uu la yimaaddo hal-abuur iyo hor-socod uu ku keeno habraacyo shaqeeya oo laysugu xidho dowladaha hoose iyo tan dhexe. Waa in la helo dhabbo golayaasha deegaannadu ay ku bilaabaan sharci-dejin ka ansaxda golayaasha xukuumadda iyo wakiillada.
Waxan u taaganahay in aan noqdo hoggaanka degmada Boorama. Waxan rabaa in aan noqdo hoggaan horseeda xidhiidh adag oo midhodhal ah oo dhex mara degmooyinka Somaliland. Waxa iga go’an in aan bilaabo qorshe lagu maataaneeyo magaalooyinka Somaliland. Qorshe loogu adeego guud ahaan muwaadiniinta, ganacsatada yaryar, dan-yarta, darbi-jiifka iyo agoomaha.

Muddo-xileedka golayaashu marka uu dhammaado waxa iga go’an in ay caddaato jawaabta su’aasha aan qoraalkan ku bilaabay. Waxa iga go’an in aan suurogal ka dhigo in hummaag-maskaxeedka bulshadu ku ururo saddex astaamood oo ku soo dhaca marka ay maqlaan Boorama. Waa aqoonta iyo nabadda oo suugaanta magaalada loo tiriyay ku soo aroortay in badan. Waa marag-ma-doon in labadaas astaamood ay magaaladu ku caan baxday tan iyo waqti hore. Waxa tusaale u ah heesta aan qoraalkan hordhaca uga dhigay ee uu sameeyay midhaheeda, naxariis Eebbe ha helo e, Cabdixakiin Cabdillaahi Jibriil oo loo yaqaanno Abwaan Qiiq. Waxa cusub oon rabaa in aan ku soo kordhiyo ganacsi hal-abuur cusub leh. Isla markaasna waxa iga go’an in aan xoojiyo astaamaha ay magaaladu hore ugu caanka baxday.

Aan ku gunaanado qoraalkan in intaas aan xusay tahay qayb ka mid ah aragtiyaha aan rabo in aan ku kobciyo magaalada. Waxan arkaa rajo iyo iftiin iiga muuqda meel fog, waxanan ogahay in maanta ifkaasi aan ku bildhaamin karno Boorama. Waa sababta aan isugu taagay sarraysiinta iyo ku bildhaaminta Boorama nuurka iyo iftiinka aqoonta. Sidaas darteed waxan bulshada reer Boorama iyo golaha ay doorteen ee deegaanka ka codsanayaa in ay i siiyaan kalsooni. Taas beddalkeeda waxa ballan ah inaan ugu shaqayn doono si aan hagrasho lahayn oo daacadnimo iyo karti sal u tahay.


Dr. Ridwan Osman
Musharrax, Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Boorama
Boorama, Somaliland



 





Click here