4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Caqliga La-Farsameyay (Artificial Intelligence) waa in Soomaaliya laga dhaqan galiyaa

Horumarinta xirfadaha iyo barashada kuwo cusub ayaa aasaas u ah jiritaanka ganacsiga iyo teknolojiyada casriga ah



by Abdirahman Osman Hashi (Eng Hashi)
Wednesday June 02, 2021

Artificial Intelligence (AI) ama Caqliga La Farsameeyay wuxuu ka mid yahay waxyaabaha ugu xiisaha badan teknolojiyada maanta, mana dhici karto in Soomaaliya ay ka harto ama dib uga dhacdo. Maanta, dadka inta badan waxay ka socdaalaan qaaradda si ay u soo bartaan xirfadda Information Technology (IT) Teknoolijyadda Xogta, iyagoo ka fekeray abuuritaanka iyo dhismaha ganacsi cusub inta aysan ku soo noqon Afrika.

Suuq-weynaha AI waxaa ka maqan hibada Soomaaliya oo aan iyadu run ahaantii helin wax-barasho ku haboon, si dhibaatadaas loo xaliyo waxay Fasoft oo ah bilowga mashruuca AI ee Soomaaliya u ololeynaysaa inay horumariso barashada Artificial Intelligence (Caqliga La Farsameeyay) ee dalka Soomaaliya oo dhan, qaybaha adeegyada  gaarka ah iyo kuwa guudba, si ay u arkaan in Caqliga  La Farsameeyay (AI) ay mudnaantiisa ugu horeyso tahay inuu kaabo dadaallada loogu jiro wanaagga ama wax-tarka dadkeena ee Caqliga La Farsameeyay. Soomaalida wax badan ayeey ka helaysaa teknolojiyda Caliga La Farsameeyay (AI) sidaas si la egna teknolojiyada AI wax bay ka helaysaa Soomaalida.

AI waxay gacan ka geysanaysaa dar-dar gelinta in la kashifo ama daaha laga rogo waxyaabo kala duwan oo aqoonta sayniska ah waxay kaloo innaga caawin karaysaa meelaha aqoonta khibradeed ee dadka aysan ku filnayn si aan isula fahamno taas waxaan jeclaan lahaa inaan qeexitaan yar idinka siiyo waxa uu yahay caqliga la farsameeyay. Artificial Intelligence waa teknoolojiyad u jeedooyin badan looga faa’ideysan karo tasoo eey ugu muhiimsantahay taxliilinta xogaha tasoo doow muhiim ah ka qaadato go’aan ka gaarista mustaqbalka ee xag odorisidda suuqyada, xirirka caalamiga iyo waxyabo badan oo halboolayasha nolosha aadanaha ku xirantahay. Mar hadaan is la fahamnay macnaha iyo qeexitaanka guud ee AI waxa oow yahay, waxaan filayaa in qof kasta oo inaga mid ah inoow si dhib yar u fahmi karo AI inaan looga maarmayn nolosha casrigaa ee dunida.

Dunida aan maanta ku noolnahay, waxaan shaki ku jirin in tiknoolajiyadu ay hogaaminayso ama ay ka mid tahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay nolosheena  ku tiirsantahay, iyadoo ay taasi jirto, hadana wadamada qaar waxaa ka hirgalay  teknolojiyad sare oo ah cilmiga Artificial Intelligence (AI) iyaga oo ku dabaqaya dhamaan qeybaha noloshooda oo ay ugu muhiim sanyihiin: Waxbarashada, Ganacsiga, Caafimaadka iyo Amniga. Afrika, oo iyadu ah qaarad ay teknolojiyadu curdun ku tahay waxaa maanta laga helayaa wadamo aan badnayn aqoontaan teknolojiyada casriga ah ee AI, iyadoo wadama badan oo Somaliya ay ka mid tahayna la filayo inay dhowaan ka dhaqan gasho. Balse waxaan si kooban uga hadli doonaa siyaabaha ay u suura galeyso in barnaamijka Artificial Intelligence (AI) laga hirgaliyo Somaliya, kasoo shaki la’aan faa’ido u yeelanaya waxna ku soo kordhinaya hormarinta dhaqaalaha hadday tahay maharada gaarka ah iyo haday tahay kuwa guud.

Si loo helo ama loo gaaro teknolojiyada AI waxaa loo bahanyahay in maskaxda lagu hayo labo sheey oo muhiim ah:

·         In xirfado dheeri ah la baro shaqaalaha.

·         In la horumariyo xirfadaha shaqaalaha.

Labadaas arrimood ayaa  muhiim ah si ganacsiga dunida ugu tillaabsadaan guulo muuqda kuwaasoo si toos ah iyo si  dadban uga faa’iideysanaya Artificail Intelligence.

Helitaanka suuq digital ah ayaa door muhiim ah ka qaadan lahaa kobaca dhaqaalaha dalka, balse in la hirgaliyo suuq digital ah ayaa u bahan in xirfado la baro shaaqalaha maanta iyo dadka ganacsiga iska leh, waana sababta aan u iftiiminayo muhiimada ay leedahay barista xirfadaha ee shaqaalaha maanta, hase ahaate waxaa ayaan daro ah in wax ka yar 20% dadka ku ganacsado suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn soomaaliya aysan dadku isticmaalin teknolojiyadda artificial intelligence. Qof waliba oo aqoon leh wuxuu garan karaa baahida loo qabo in lagu maal-galiyo firaaqa ka jira isticmaalid la’aanta tiknolojiyadaas. Si loo helo taas, waxay u bahan tahay in dadka ay fahmaan muhimadda ay leedahay teknolojiyada caqliga la-farsameeyay lana baro xirfad ahaan si ay uga faa’iideystaan uguna isticmaalan ganacsiyadooda kala duwan iyadoo ay taas horseed  u noqonayso in dhaqaalahoda laga dareemayo kobac deg deg ah.

Xirfadaha la barayo shaqaalaha waxaa ka mid noqon kara in dadka la baro ineey ganacsiyadooda u sameystaan nidaam ama hab ay kula socon karaan dhaqdhaqaaqa maalinlaha ah ama bilaha ah ama sanadlaha ah ee ganacsigooda kaasoo noqonaya qaab(Automated ah) qofkuna uu la soconayo ganacsigiisa isaga oo joogo meheredisa ganacsi ama aanan joogin goobtisa ganacsi.

Waxaa jira in dad ku dhow 20% oo isticmaala teknolojiyadda, haba ugu badnaadaan shirkadaha isgaarsinta iyo dad ganacsiyo kooban leh; hadana waxaa lagama maarmaan ah in dadka noocaas ah xirfadooda la sii horumariyo oo la sii baro cilmiga teknolojiyada casriga ah ee AI si ay u noqdaan kuwa la jaan qaadi kara teknolojiyadda casriga ah ee dunida isticmaasho.

Ugu dambayn, helista teknolojiyada sare oo ku dhisan cilmiga Caqliga La Farsameeyay ( Artificial Intelligence) ayaa noqon doonta mid wax badan ka badali doonta nolosha aan ku noolnahay iyadoo oo albaabo badan u furi doonta fursado hor leh oo ay ku shaqeeysan doonan xirfadlaayaal fara badan oo aan maanta wax shaqo ah heysan, waxaana maamulaha  wanaagsan ee ay shirkad ganacsi leedahay lagu garan karaa hadba sida uu u fahansan yahay ama uu garowshiinyo ugu leeyahay in awooda iyo hormarka shirkadooda ku xirantahay dhisida iyo hormarinta xirfadooda teknolojiyada Artificial intelligence.


Qormadaan waxaa soo diyaariyay fasoft Data Scientist Abdirahman Osman Hashi (Eng Hashi),  www.ai-somalia.com



 





Click here