Saturday, December 4, 2021
W.Q. Liibaan Axmed
Dekedda Garacad waa dekeddii ugu horreysay oo gaar loo leeyahay Soomaaliya. Waa deked ay ganacsato Soomaaliyeed dhisteen. Marka la eego sida dekedaha qaranku u noqdeen hanti beelo isa siiyeen, xaq bay u leeyihiin dadka waqooyiga Mudug deggan inay ka fekereen sida ganacsatadoodu ula tartami karaan ganacsatada ku tiirsan dekedo beelahoodu gacanta ku hayaan. Waa suurtogal inay ka fekereen saameynta Dekedda Garacad ku yeelan karto guud ahaan geeddi-socodka dib-u-yagleellidda hay’adaha qaran ee Soomaaliya iyo gaar ahaan tayaynta hay’adaha siyaasadeed ee Puntland, oo ah meesha ay dekeddu ku taallo.
Deked sideedaba waa hanti qaran. Waa kaabe qaran aan la kala lahayn. Boobkii iyo barakicintii Muqdisho 1991kii ka dhacay ayay dad badani u soo qaataan sababaha beeluhu ugu habsadeen kaabayaasha qaran. Waxa Muqdisho ka dhacay 1991kii waa burbur dowladnimo (state collapse) dalka oo dhan saameeyaay. Waxaa ka sii daran waxa maanta ka socda maamullada muddo soo jiray oo hay’adahoodu siyaasaddu noqdeen kuwo u adeega kooxo ganacsi una abaabula doorashooyin lagu sharciyaynayo maamuldarrada iyo kuwo u adeega qoysas siyaasadeed ku kaltama ka hantiyeysiga hantida dadweynaha.
Beelo dekedo haysta, beelo berri ku go’doonsan
Soomaalidu waxay hadda u kala qeybsan tahay beelo dekedo ku habsaday iyo kuwo berri ku go’doonsan, iyo kuwo raba inay dekedo kalluumaysi samaystaan. Bad aysan kalluunka ku jira wax ka dheefin ayay Soomaalidu maanta u aragtaa waddadii lagaga bixi lahaa saboolnimada. Dekedda Garacad waxay noqon kartaa deked dib u qeexda marinka dib-u-yagleedda dowladnimada Soomaaliyeed haddii ay ka badbaaddo inay qaaddo waddada qowlaysatada dekedaha kale maamula ay qaadeen.
Dekedda Garacad waa dekeddii ugu horreysay oo gaar loo leeyahay Soomaaliya.
Haddii ay maalgeliyayaasha Dekedda Garacad doortaan inay xoogga saaraan dhowrista qarannimada Soomaaliya, oo tilmaamaheedu ka mid yihiin lahaanshaha kaabeyasha qaran, Dekedda Garacad waxay yeelanaysaa tilmaamo ka sooci kara dekedaha kale ee Soomaaliyeed. Waxay soo dedejinaysaa in la helo siyaasad qaran oo lagu maamulo dekedaha waayo beeluhu ma haystaan sharciyad ay heshiisyo kula galaan shirkado shisheeye. Haddii ay Dekedda Garacad sii ahaato hanti gaar loo leeyahay, waa suurtogal inay si fudud u soo jiidan karto maalgeliyayaal u bareeraya halista Soomaaliya oo hadda leh dowlad amarkeedu ka shaqaynin meelo badan oo ka mid ah dalka.
Halista siyaasadeed oo maanta Soomaaliya haysata waa mid ka soo jeedda isbahaysiga ganacsatada iyo dabaqadda siyaasadeed. Dekedda Garacad waxay horseedi kartaa siyaasad ka hortagi karta ama yarayn karta in maamul uu noqdo aalad ay ganacsatadu ku adeegato.
Ganacsiga Soomaaliya kaddib 1991kii wuxuu ka madaxbannaanaa xakamayn dowladeed; ilaa hadda waa ganacsi allay-baday ah ( dantu qasab ka dhigtay) laakiin u xuubsiibtay mid ku salaysan keli-iibin iyo keli-soo-dejin (monopoly) dhanka jumlada. Siyaasaddu waa waddada loo maro ka hantiyeysiga ganacsiga. Ma jiro tartan dhexmara ganacsatada. Ganacsaduhu wuxuu ku talagalaa in siyaasiyiintu isaga siiyaan awood uu keligii wax ku soo dejin karo ama heshiisyo ganacsi ku gali karo. Sida dowladdii militarigu ay gacanta ugu haysay siyaasadda dhaqaalaha dalka ayay maanta ganacsatada Soomaaliyeed dejiyaan oo fuliyaan siyaasadda ganacsiga. Maamullada jira waxay ku tiirsan yihiin ganacsatada oo saarta dabaqado siyaasadeed oo abaal u haya iyaga. Waa sababta ganacsatada Soomaaliyeed aysan u fahansanayn macnaha qarannimada qarnigan 21aad waayo waxay ku garaadsadeen ganacsi xilli dowladaha waaweyni badankood, gaar ahaan kuwa Afrika ku loollama, ay u dabbaaldagayeen burburkii Midowgii Soofiyeeti.