4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
QM75 – Fursad ay Soomaalidu Gacan uga Geysan karto Qaabeynta Arrimaha Hortabinta leh ee Adduunka

Ku Aqriso Af-Ingriis
WQ: James Swan
Wednesday, September 02, 2020

Qaramada Midoobay ayaa 75 sanno jirsaneysa sanadkan. Soomaaliya waxay ahayd xubin ku faanta xubinimadeeda oo ka tirsan QM 60 sanno oo ka mid ah sannadahaas.

Qaramada Midoobay waxaa laga abuuray danbaskii/burburkii ka dhashay Dagaalkii Labaad ee Adduunka, iyada oo ujeeddadu ahayd in la isu keeno ummadaha iyo dadyowga si loo ilaaliyo nabadda iyo amniga, sarena loo qaado nolosha dadka meel kasta.

Maanta, Qaramada Midoobay waxay leedahay dhinacyo badan.

--- Waa mabaadi' iyo ballanqaadyo lagu maamulo xiriirka ka dhexeeya dowladaha laguna ilaaliyo xuquuqda dadka meel kasta oo ay joogaan, iyada oo loo marayo Axdiga Qaramada Midoobay, Baaqa Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha, iyo heshiisyo kale oo badan.

--- Waa koox caalami ah oo ka kooban hawlgallada, hay'adaha, Sanduuqyada, iyo barnaamijyada Qaramada Midoobay – oo ay si deeqsinimo leh u taageeraan deeq-bixiyeyaasha la-hawlgala – taasoo dowladaha ka caawisa inay gaarsiiyaan gargaarka bani'aadamnimada, waxbarashada, haqabtirka cuntada, horumarka, iyo sare u qaadidda maamulka, iyo faa'iidooyinka kale.

--- Ugu dambayntii, waa urur ka kooban 193 xubnood oo sh dowlado gobanimo leh oo madax-bannaan oo – iyagoo u maraya Golaha Loo Dhanyahay, Golaha Amaanka, iyo goleyaasha kale – ka go'aansanaya nabadda, amniga, horumarka, iyo arrimo kale oo badan oo mudnaan leh iyagoo matalaya beesh caalamka.

Soomaaliya iyo meelo kaleba, hay'adaha Qaramada Midoobay sida Ururka Caafimaadka Adduunka, Barnaamijka Cuntada Adduunka, Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay, Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay ayaa caawiya malaayiin dad ah maalin kasta.

QM waxay la shaqeysaa dowladaha si dadka loo siiyo fursad ay ku helaan cunno, hoy, daryeel caafimaad iyo waxbarasho. QM waxay taageertaa abuurista shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah, waxay ka caawisaa ka hortagga iyo xallinta colaadaha, waxay dhistaa nabadda waxayna kobcisaa dib-u-heshiisiinta, waxayna dowladaha siisaa taageero wax ku ool ah oo ku saabsan arrimo fara badan - laga billaabo la dagaallanka musuqmaasuqa iyo awoodsiinta dadka naafada ah. Shaqadeeda waxay isugu jirtaa mid muuqata iyo mid aan la taaban karin. 

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay waxay leeyihiin iskaashi dheer oo soo jireen ah muddo tobaneeyo sanno ah, markii Qaramada Midoobay ay dadka Soomaaliyeed ku garab istaagtay dhismaha dalkooda iyo waddadii madaxbannaanida ee 1960kii. Sannadihii taa ka dambeeya, bahda QM waxay Soomaalida kala shaqeysay dhinacyo badan, laga billaabo shaqada bina-aadamnimada iyo horumarinta, ilaa taageerada siyaasadeed iyo nabadayntaa. Waqtigan xaadirka ah, marka laga soo tago Howlgalka Kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) iyo Xafiiska Taageerada QM ee Soomaaliya (UNSOS), waxaa jira 27 hay’ad, sanduuq iyo barnaamij oo Qaramada Midoobay ah oo taageeraya dadaalka ay Soomaalidu ugu jirto waddaddada nabadda iyo xasilloonida.   

Iyadoo u dabaaldegeysa sanadguuradii 75aad bisha Sebtembar, Qaramada Midoobay horey ayay eegeysaa oo waxay dooneysaa inay dadka adduunka ka maqasho mustaqbalkooda iyo sida aan u wada qaabeyn karno.

Hindisahan oo loo yaqaano QM75 wuxuu ku saabsan yahay wada-hadal – oo Qaramada Midoobay ay rabto inay ku dhageysato waxna ka barato, iyo inay kala shaqeyso dadka iyo degaannada ugu badan ee kala duwan ee suurtagal ah. QM75 wuxuu dadka waydiinayaa meelkasta oo ay joogaan inay "ku soo biiraan sheekada" ayna soo bandhigaan fikrado wax looga qabanayo caqabadaha na horyaalla    bulsho caalami ahaan.

Waa lagama maarmaan in codadka Soomaaliyeed lagu daro howshan dhageysiga ah.

Si loo helo aragtidooda iyo rajadooda, bahda QM ee ku sugan Soomaaliya waxay qabanaysaa wadahadal khadka internetka – oo si toos ah looga soo tebinayo lifaaqan (guji halkan) 6-da Sebtembar – oo lala yeelanayo xubno ka tirsan Guddiga La-talinta Dhallinyarada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya si loo dedejiyo dooda aragtiyona looga helo Soomaalida. Waxaan sidoo kale idinku martiqaadeynaa inaad nala wadaagtaan aragtidiina idinkoo u maraya sahan aad ka heli kartaan halkan:

https://un75.online/?lang=som.

Jawaabihiinu waxay gacan ka geysan doonaan in la wargeliyo arrimaha mudnaanta leh ee adduunka, hadda iyo mustaqbalkaba. 

Wadahadalkani waa mid si gaar ah waqtigiisa ku yimid waana mid habboon iyadoo Dowladda Federaalka iyo bahda QM ee Soomaaliya ay qeexayaan arrimaha hortabinta u leh howlaha hay'adda adduunka ee dalka shanta sanno ee soo socota iyadoo qayb ka ah Hanaankeena Iskaashi ee 2021-2025. Tani waxay suurtagelinaysaa in aragtiyada Soomaalida lagu biiriyo hababka caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee Qaramada Midoobay.

Si ay doodaha QM75 u noqdaan kuwo macno leh, waa in gaar ahaan dhallinyaradu ay ahaadaan kuwo ku jira safka hore. Dhallinyarada Soomaaliyeed waxay leeyihiin kaalin muhiim ah maadaama Soomaaliya ay ku noolyihiin mid ka mid ah dadka adduunka ugu dhalinyarada badan – ku dhowaad 60 boqolkiiba dadka ku nool dalka oo lagu qiyaaso 15.9 milyan oo qof da’doodu waxay ka hooseysaa 30 jir.

Jawaab-celinta sahanka ka soo baxda adduunka oo dhan waxaa loo soo bandhigi doonaa madaxda adduunka iyo saraakiisha sarsare ee Qaramada Midoobay. Waxaa jiri doona kulan heer sare ah oo ay yeelanayaan Madaxda Dowladaha iyo Xukuumadaha oo loo qoondeeyay in lagu maamuso sanadguuradii 75aad 21ka Sebtembar. Dhacdadan, madaxda adduunku waxay isla qaadan doonaan bayaan siyaasadeed oo hor u socd ah oo ku saabsan 'Mustaqbalka aan dooneyno, Qaramada Midoobay ee aan u baahannahay: annagoo dib u xaqiijinayna ballanqaadkeena wadajirka ah ee iskaashiga dhinacyada badan.'

Waxaan ku dhiirigelinaynaa dhammaan dadka Soomaaliyeed inay codkooda ku biiriyaan wada-hadalkan muhiimka ah ee saameyn doona Soomaaliya iyo dunida inteeda kaleba sannadaha soo socda. 


James Swan waa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya 


 





Click here