4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Somaaliya waxey u baahantahay koronto si ay u horumarto

Eng. Abdulkadir Jilibeey
Friday, May 29, 2020

Soomaalidu nolol kama samenkarto ilo tamereedyada kala ah dabeysha, qoraxda iyo xaabada balse waxey u baahanyihiin ilo tamaredyo caadi ah (conventional energy).

Koronta la aan awgeed dadka Soomaalidaa waxey shitaan xaabada, xididada geedaha, dhuxusha iyo saalada lo'ada oo la qalajiyay si ay raashin u karsadaan sidookale u qaaqamaan si ay kuleyl uga helaan. Waxyaabaha ka dhasha waxaa ka-mid-ah carbon monoxide iyo budo ama xash madow.

Carbon monoxide (CO) waa gaas aan midab lahayn, ur lahayn si doo kale aan dhadhan la heyn.

Carbon monoxide waa qatar, guriga gudihiisa in laga helo, waxeykeentaa dhimasho. Dhibaatada inta badan waxey ku dhacdaa dumarka ileen ayagaa dabka furan (burjikada) korfadhiyee.

Budada madow (black soot) waxaa ku jira quruurux yaryar oo ay ugu muhiimsanyihiin karboonka.

Hawada aad qaadaneyso hadii ay soo gasho waxey sababi karataa cuduro ku dhaca halbowlayaasha dhiiga siiya wadnaha, cudurka neefta, jirooyin ku dhaca sambabada iyo kuwo kale oo badan.

Koronto hadey jirto Soomalidu waxey dabka furan (burjikada) ku badelan karaan makiinad ku shaqeysa korontada oo cuntada lagu kariyo, firintijeer iyo nalal ay wax ku iftiinsadaan. Waxey u baahantahay dowlad qaada masuuliyada taasoo horumarinkarta dhaqaalahooda sidookale soosaari karta koronto joogta ah goorkastana la helikaro.

Kuma haboona in koronto joogta ah goorkastana la helikaro laga dhaliyo ilo-tamareedyadan kala ah biyaha, dabeysha, qoraxda iyo bioenergy (bioenergy = tamar laga dhaliyo geedaha, miraha, qashinka sida saalada lo'da, dufanka xoolaha). Xiliyo kooban ayaa la'helaa dabeysha sidoo kale xiliyo waxaa jira shucaaca qoraxdu uu san sidii la rabay kusoo gaareyn caadka oo badan awgeed. Waxey ubaahantahay beero waaweyn in la abuuro dhir loogu talagalay in laga dhaliyo tamarta (bioenergy) loo baahanyahay.

Hadaba waxaa soo haray tamarta laga dhaliyo ilo-tamareedyada kala ah biyaha, dhuxul dhagaxda iyo  Nukliyeerka (nuclear power). Sidaad ka war qabtaanba Soomaaliya ma laha biyo dhac iyo wabiyo waa weyn oo laga dhalinkaro ,koronto, tamar. Nukliyeerku wuxuu u baahanyahay maalgelin weyn oo lagu sameeyo tiknoolajoyo aad u sareysa. Waxaa ugu sahlan uguna raqiisan in tamar (koronto) lagasoo saaro ilo-tamaraadyada kala ah  dhuxul dhagaxda, saliida (oil) iyo gaaska, kuwaasoo ay ka helaan 85% dadka aduunka kunool xaalad nolol oo aad fiican.

Marka la gubo ilo-tamareedyadan waxaa ka dhasha gaas ''carbon dioxide'' kaasoo lagama maarmaan u ah nolosha dhirta iyo dalagyada. Sida la ogyahay carbon dioxide (CO2) ma aha sun, taas badelkeeda waa nafaqo muhiim u'ah nolosha dhirta, sidoo-kale waxuu siiyaa hawada nagu xeeran (atmosphere), iydoo loo maraayo photosyntesis-ka, oksijiin nolosha lagama maarmaan u ah. 

Sidaa daraadeed wadamada  Shiinaha iyo Hindiya ayaa ah kuwa ugu horeeya ee aadka u dhista warshadaha korontada laga soo saara dhuxul dhagaxda. Waxaa laga helaa koronto muhiim u ah raashin karinta iyo iftiiminta guriga, warshadaha, isbitaalada, iskoolada iyo gaadiidka.

Eng. Abdulkadir Jilibeey



 





Click here