4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Yaa kala Jaray Soomaaliya iyo Somaliland?

Qore: Barre Shukri Elmi
Tuesday, July 14, 2020

Somaliya iyo Somaliland wada hadalladoodii waa la'soo celiyay oo waakan shir Jabuuti ka furmay, dabcan Soomaliland waxay rabtaa in ay dal GOONI AH NOQOTO, dhanka kale Somaliya waxay rabtaa: IN MIDNIMADII LA'SOO CELIYO sida ay sheegaan reer koofur, waxaa fiican in la'falanqeeyo see midnimadii lagu soo celin karaa ama xataa sharaf loogu kala tagi karaa oo loo noqon karaa laba dal oo walaalo ah, maxaase keenay in midnimadii ay diido Somaliland?

Somaliya iyo Somaliland waxay xorriyadda ka kala qaateen laba gumeeyste oo kala ah: UK iyo TALYAANI  ayakoo raali ah ayeey kaddib isku darsadeen waliba isku daranka reer koofur ma'keenin ee waxaa keenay reer Waqooyi (Somaliland), hadda maxaa soo kordhay oo ay u doonayaan in ay laba dal noqdaan yaase kala gooynayo dalka ma' koofur mise Waqooyi? Anigoo ah nin reer koofur ah waxaan rabaa in aan qeexo reer koofur iyo reer waqooyi kuwa dalkii Soomaliya kala jarayo iyo sida ay suuro gali karto in midnimadii la'soo celiyo.

Waa hubaal dalkii Soomaliya waxaa kala gooynayo reer koofur oo MIISHAAR AF BADAN U HEEYSTO IN AY DALKA KALA GOOYAAN dhanka kale Somaliland mar haddii ay ka weeysay walaalnimo iyo wax wada qeeybsi reer koofur ayadane hadda waxay rabtaa in ay dal gooni ah noqoto.

          1) Sida ay reer koofur dalka u kala gooynayaan waa sidan:

          A) markii ay walaalaheen Somaliland noo yimaadeen 1960kii ayakoo waliba xorriyadda horteen qaatay waxaa loo diiday saddaxdii jago oo dalka ugu sarreeysay sida Madaxweyne. Raiisulwasaare iyo Guddoomiye Barlaman waxaa kale oo loo diiday labadii taliye ciidan sida Taliyaha XDS iyo Taliyaha ciidan Boliiska Soomaaliyeed.

Kaddib waxay garteen reer Somaliland in dalkoodii LA'LIQAY oo ay Gumeesi cusub galeen waxaa ka mid ahaa murtidii uu shacabka Somaliland ku CALAACALAY  (Adduunyo halbaan la'haa heshiine horor baa la'tagay oo haruub maran baan sitaa) dhanka kale waa kuwii saraakiishii reer Somaliland inqilaabka ka sameeyay waqooyi 1961dii oo xir xiray saraakiishii reer koofur si ay Somaliland dal gooni ah uga dhigaan laakiin kuma guuleeysan inqilaabkaas.


           B) Xiligii Dagaalkii Taliskii Askarta iyo ururkii SNM dhax maray Somaliland xasuuq daran ayaa loo geeystay waxaa lagu garaacay Dayuuradihii iyo Taangigii canshuurta shacabka Soomaaliyeed laga qaaday lagu soo iibiyay balse reer koofur shaqsiyaadkii xasuuqaas geeystay oo ay waliba Somaliland maxkamadaha caalamka ay ka dacweeysay ayeey koofur AAS QARAN u sameeyeen DABCAN AYAKOO KU FARAXSAN XASUUQA SOMALILAND LOO GEEYSTAY taas oo Somaliland sii fogeeysay oo KU RIDDAY RAJO BEEL IN AY MAR DAMBE LA'MIDOOBAAN KOOFUR.  Waxaa Jiray dayuuradihii loo diray Somaliland si ay shacabka u xasuuqaan Duuliye yaashii waday qaar ayaa diiday in ay shacabka Somaliland XASUUQAAN oo Dayuuradihii la'baxsaday qaarne waa xasuuqeen shacabkii reer Somaliland laakiin reer koofur Duuliyaashii shacabka xasuuqay iyo kuwii diiday in ay shacabka xasuuqaan waa iskugu mid ama waxaaba qiima badan kuwii shacabka xasuuqay. Shacabka Somaliland markii ay arkeen reer koofur in ay xasuuqii Somaliland raali ka wada yihiin waxay murti ugu caqli caliyeen kuwooda koofur wali raba waxayna dhaheen: (Xanuunkii maan illaawin, xasuustii nagama guurin, annaku Xamar Dooni meeyno, xumaanne u geeysan meeyno, xadkii laba dowladood iyo xuduudbaa naga dhaxeeyso, NINKII XIISA U QABOOW XASUUQ DAMBE YEELI MEEYNO).

Maalin dhoweeyd siyaasiin reer koofur ah ayaa warbaahinta ka la'lahaa in Somaliland la'xasuuqo SAX AYEEY AHEEYD ayakoo sabab uga dhigay SNM ayaa Guryaha Hargeeysa iyo Burco qoryo la'fuushay oo ka soo riday rasaas saas ayaa lagu xasuuqay shacabka Somaliland, waxaa isweeydiin leh SNM ciidankii Taliska ayeey daba joogtay oo ay raacdeeysaneeysay, marka hore ciidanka muxuu magaalooyinka ugu soo cararayaa maa SNM lagula dagaallamo Magaalada korkeeda, haddiise ay
dhacday oo ciidankii Taliska uu Magaaladii ku soo cararay oo SNM ay Magaaladii uga soo daba  gashay ciidankii Taliska, SNM waxay soo rideeysay oo ay Guryaha la'fuushay Ak47 iyo Dabajeex, asne ciidanka Taliska muu Ak47 iyo Dabajeex kula dagaallamo SNM muxuu ciidankii Taliska Dayuurado, Madaafiicda Goobta iyo Taangi shacabka ugu garaacayaa oo uu shacabka u xasuuqayaa? Maxaa yeelay haddii labada ciidan ay Ak47 iyo Dabajeex ku dagaallamayaan shacabne lama xusuuqeen Guryane lama dumiyeen, jawaabtu waxay tahay: ciidankii Taliska lama dagaallameeyn SNM kali ah ee shacabka in uu xasuuqo ayeey aheeyd u jeedkiisa, siyaasiinta warkaas ku hadashay shacab reer Koofur iyo waxgarad reer koofur oo NAQDIYAY MA'JIRIN taas oo ku tusineeyso in ay xasuuqii uu Taliskii ku sameeyay Somaliland ay koofur dhammaan raali ka tahay.   Taas oo Somaliland TAAS OO QEEYB KA AH SABABAHA AY REER KOOFUR DALKA KU KALA JARAYAAN. Waxay aheeyd tallaabo Fiican oo horay loo qaaday in uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo raali galin ka siiyay Somaliland xasuuqii loo geeystay TAAS OO AH RAJO DHALAALEEYSO OO UU MADAXWEYNAHA SAMEEYAY, maxaa yeelay Somaliland xasuuqii loo geeystay haddii ay Soomali oo dhan ka xuntahay sida Madaxweyne Farmaajo deg deg ayeey ku ilaawi la'haayeen xasuuqii.


         C) 1991dii wixii ka dambeeyay Somaliland koofur waxba la'ma dhisan waliba Somaliland waxay muujiyeen dowladnimo oo dalkoodii waxay ka dhigeen nabad, waxaa kale oo ay sameeyeen doorasho xor iyo xalaal ah oo la'mid ah ama ka heer sarreeyso midda ay sameeyaan Dowladaha reer Yurup iyo Mareeykan balse reer koofur hal maalin ma'raadin in ay ku qanciyaan walaalahood reer Somaliland in ay Dowlad la'dhistaan, taas badalkeeda shaqsiyaad reer Somaliland u dhashay oo caasimadda dalka ee Muqdisho iska joogo ama qurbaha ka yimid ayeey inta soo kaxeeystaan ay dhahayaan Somaliland uma BAAHNIN IN AAN RAADINNO ee idinkaa Somaliland matalayo. TAAS OO RAJO BEEL KU RIDDAY SOMALILAND IN AY KOOFUR LA'MIDOOBAAN.

Waxaa taas ka sii daran xataa shaqsiyaadkaas Somaliland oo ogol midnimada reer koofur ma'siinayaan saddaxda jago oo dalka ugu sarreeyso midkood waxay siinayaan SOOR QUUREED sida Wasiir IWM  waana sababta ay uga tageen qaarkood MADAXDII  UGU CAD CADDAA siyaasiintii  Somaliland ee koofur joogay sida Professor Buubaa. Professor Galeeyr. Professor Samatar iyo siyaasiin  kale. Haddii ay reer koofur rabaan in ay walaalahood Somaliland la'midoobaan oo ay ogyihiin in ay Somaliland ka xanaaqday markii horaba in saddaxdii jago oo dalka ugu sarreeysay oo laga qaatay ay Somaliland ka xumaatay taas badalkeeda siyaasiinta  reer Somaliland oo la'joogay reer koofur sida Professors ka aan kor ku soo sheegay waxay aheeyd in ay reer koofur siiyaan saddaxda jago oo dalka ugu sarreeyso DHAMMAANTOOD  sida Madaxweyne. Raiisulwasaare iyo Guddoomiye Barlaman markaas kaddib la'yiraa doona walaalihiin Somaliland idinkoo Dalkii oo dhan XUKUMO waxaa HUBAAL AH IN AY SOOMALILAND WAX BADAN ISKA BADALI LA'HAAYEEN OO AY MIDNIMADA OGOLAAN LA'HAAYEEN Somaliland, laakiin reer koofur uma ogola Somaliland

Waxaa kale oo jiray in lagu dhisay Buuhoodle maamul Goboleed la'magac baxay khaatumo State oo codsaday in ay reer koofur u aqoonsadaan maamul Goboleed waxay aheeyd reer koofur haddii ay Midnimo rabaan in ay  khaatumo u aqoonsadaan Maamul Goboleed isla markaane la'siiyo saddaxda jago oo dalka ugu sarreeyso DHAMMAANTOOD sida Madaxweyne. Raiisulwasaare iyo Guddoomiye Barlaman kadibne lagu yiraa Khaatumo raadiya Somaliland oo dhan adinkoo wado saddaxdii jago oo dalka ugu sarreeysay markaas wax badan ayaa iska badali la'haa shacabka reer Somaliland oo waxay dhihi la'haayeen war walaalaheen reer Koofur waa kuwaas dalkii oo dhan noo dhiibay ee aan la'midowno walaalaheen reer koofur, laakiin taas badalkeeda maamulkii khaatumo ayeeyba reer koofur diideen in ay u aqoonsadaan Maamul Goboleed, haddaad dhacdadaas khaatumo lagu sameeyay MILICSATO waxaa kuu soo baxayo in ay reer koofur GEED GAABAN IYO MID DHEER U FUULAYAAAN SIDII AY SOMALIYA IYO SOMALILAND LABA DAL U NOQON LA'HAAYEEN arrintaas oo Somaliland sii fogeeysay oo tusaale u noqotay in aan Somaliland marne laga rabin koofur.


          2) Beesha Caalamka waxaad mooddaa in ay dalka Soomaliya kala JARKIISA aad u diyaarinayaan oo ay sii fogeeynayaan Somaliland maxaa yeelay Beesha Caalamka ayakoo og in aysan Somaliland wax la'dhisan koofur laga billaabo 1991dii ayeey leeyihiin Somaliland waxay ka mid tahay Somaliya oo waliba Somaliland koofur ayaa laga Xukumaa, markaas waxaad isleedahay Beesha Caalamka ujeedka ay leedahay waxaa weeye in ay Somaliland ka sii xanaajiso oo ay Somaliya iyo Somaliland noqdaan laba Dal, halkii ay u jajuubi la'haayeen reer koofur somaliland waxay aheeyd Beesha Caalamka in ay reer koofur ku dhahaan saddaxdaan qodob mid yeela.


          A) Haddaad tihiin reer koofur keena reer waqooyi (Somaliland) waliba keena saddaxda Xisbi Qaran Madaxdooda iyo Dowladda ka dhisan Soomaliland sidaasne ku noqda Dowladdii Soomaaliyeed oo ka kooban koofur iyo waqooyi caalamkuna saas ha'idinku aqoonsado.


          B) Ogolaada haddaad tihiin reer koofur in uu Caalamku idiin aqoonsado in aad Tihiin Dowlad koofureed oo saas aad ku noqotaan Dowlad reer koofur kali ah, dhankale uu Caalamku la'xiriiro Somaliland oo uu ku qanciyo in ay koofur la'midoobaan haddii uu ku qancin waayo markaas uu Caalamku u aqoonsado Somaliland Dowlad gaar ah.


          C) Haddaad tihiin reer koofur in aad ogolaataan in uusan Caalamku Dowlad idiin aqoonsan idinka kaligiin intii aad ka keeneeysaan Somaliland wakhti kasta ha'idinku qaadatee markaasne aad u guntataan ku qancin Somaliland in aad hal Dowlo noqotaan markii aad isku timaadaan uu Caalamku idiin aqoonsado dowlad. 

          3) Xalka hadda wuxuu ku Jiraa laba qodob midkood oo kala ah:

          A) Si aan ugu qancinno walaalaheen Somaliland in aan Dowlad wada dhisanno waliba si kal sooni ah waa in doorashada 2020/21 uusan isku soo taagin qof reer koofur ah jagooyinka dalka ugu sarreeyo sida Madaxweynaha, Raiisulwasaaraha iyo Guddoonka labada Aqal oo afarta jagaba la'siiyo siyaasiinta Soomaliland oo hadda reer koofur la'joogo kaddibne lagu yiraa raadiya walaalihiin Somaliland idinkoo wato afartii jago oo dalka ugu sarreeysay. Markaas waa CADDAAN waxaa la'heli doonaa dad badan oo ah reer Somaliland oo yiraa war walaalaheen reer koofur kalsooni ayeey na'tuseen ee aan la'midowno saas ayeeyna u dhowdahay in ay Somaliya iyo Somaliland midnimadooda u soo noqoto ayakoo waliba raali ah reer Somaliland, go'aanka ah in la'siiyo Somaliland afarta jago oo dalka ugu sarreeyso waa in ay isku raacaan: Dowladda dhexe, maamul Goboleedyada iyo Xisbiyada oo aan ku kala raaricin haddii ay reer koofur rabaan Midnimo aan Afka sheeg aheeyn.

Ogow 60kii sano oo ay soomali xor aheeyd Dowlad buuxdo iyo mid KMG saddaxda Jago oo dalka ugu sarreeyso waxaa isku qaadan Jiray reer koofur marka laga reebo dowladdii Madaxweyne Cabdirashiid iyo raiisulwasaare Cigaal. Dowladdii Madaxweyne Cali Mahdi iyo raiisulwasaare Cumar Carte. Dowladdii Madaxweyne Cabdiqaasim oo hal mar reer waqooyi la'siiyay raiisulwasaare Professor Galeeyr kaddibne sidii Caadada u aheeyd reer koofur markiiba ay saddaxdii jago isku qaateen. Hadda afartaan sano iyo afarta soo socoto haddii ay reer koofur u ogolaan waayaan walaalahood reer waqooyi afarta Jago oo dalka ugu sareeyso SI KALSOONI LOO GALIYO SOMALILAND  macnaheedu waa naga taga oo Afcarabi ah. 

          B) haddii ay reer koofur diidaan afartaas jago in la'siiyo reer waqooyi ( Somaliland) markaas reer koofur waa caddeeysteen in ay rabaan in ay Somaliland noqoto Dowlad gooni ah sidaas darteed wax garadka reer koofur sida Aqoonyahanada ka kooban Rag iyo Dumar, Odayaasha dhaqanka, Siyaasiinta ay ku dambeeyso wax yar oo DAMIIR AH waa in ay u istaagaan oo ay GARAACAAN ALBAAB WALBA OO AH CAALAMKA SIDA UNKA IYO DOWLADAHA KALE SIDII LOO AQOONSAN LA'HAA WALAALHEEN SOMALILAND IN AY NOQDAAN DAL GOONI AH haddii kale waxay noqoneeysaa in aynaan walaalaheen Somaliland waxba ogoleeyn haddane aan rabno in aan la'aqoonsan oo aan madax furasho u heeysanno WALIGEEN.Taasne xal ma'aha waxaa laga dhaxlayaa Isnaceeb iyo kala fogaasho dheer.

Waana khasab in uu Caalamku Aqoonsan doono Somaliland kaddib markii uu Caalamka arko Gardarrada iyo Dulmiga  reer koofur ku hayaan Somaliland.


Barre Shukri Elmi
[email protected]


 





Click here