11/13/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Caqabadaha iyo fursadaha ku gaddaaman isticmaalka baraha bulshada ee Soomaalida

Liban Obsiye  & Adan Salad
Friday, October 25, 2019

Siyaasadda Soomaaliya ayaa waxa ay had iyo jeer ahayd mid ay  kor ka maamullaan koox yar oo kooban oo awoodda ku helay qabiil ahaan ama fursaddo ka helay xukunkii militariga ee Maxamed Siyaad Barre, ka hor inta aysan burburin dowladdii Soomaaliya. Taariikhda Soomaaliya ama waxa sida guud loo ogyahay ayaa ku saleysan shakhsiyaad gaar ah iyo go`aanadoodii siyaasadeed, iyada oo ay yar tahay ama aysan jirinba wax ku saleysan dhacdooyinka dhabta ah.

Dhaqanka hadalka ah ee Soomaalida ayaa si weyn qiimo u siiyay gabayada iyo suuggaanta, waxaana ka buuxa sheekooyinka rag iyo dhacdooyin kooban. Laga soo bilaabo xornimadii Soomaaliya ee 1960kii ilaa laga gaaro burburkii dowladda Soomaaliya sannadkii 1991, warbaahinta Soomaaliya ee xilligaas jirtay waxay ahayd mid dowladi leedahay oo ay gacanta ku hayso isla markaana ay shakhsiyaad kooban ay dadweynaha u soo gudbiyaan dhacdooyinka waxyaabaha ay u arkaan in ay muhiim tahay. Taasi waxay ahayd khalad ay keentay "Guulwadeynta" ama ammaanida madaxda.

Kaddib dagaalkii sokeeye waxaa sara u kacay xilligii fowdada warbaahin u abaabulan qaab qabiil oo gudbisa dacaayad qabiil. Taas waxaa xiga soo shaac bixii baraha wax lagu qoro ee Internet-ka, oo ay xigtay Telefishinada gaarka loo leeyahay.

Dhammaan horumaradaas laga sameeyay warbaahinta farsamo ahaan waxay ahaayeen kuwa casri ah, laakiin  waxyaabaha ay gudbinayaan, cidda maamusha iyo bartilmaameedkuba waxay yihiin kuwa ay hagto koox yar oo isticmaalaya dhaqaale ama saameyn kale oo siyaaseed. Marar badan waxaa dhacda in milkiilayaasha iyo danleyda siyaasadeed ay hal qof noqdaan sidaasna ay uga faa`iideystaan in ay ku gaaraan danahooda siyaasadeed.

Dhinac kasta oo aad ka eegtid dadka caadiga ah waa ay ku adkeyd in ay helaan fursad ay qayb ugu noqon karaan isbedalada ama ay saameyn kale ku yeelan karaan. Sanadahaas oo dhan dadka Soomaaliyeed waxay dhibane u ahaayeen sheekooyin hal dhinac ah oo ay dantu ku qasbeysay in ay qaataan maadaama aysan haysan qaab kale oo ay kusoo gudbin karaan xaqiiqooyinka jira ama sida dhabta ah ee ay xaaladdu tahay.

Maanta warbaahinta Soomaalida waxaa ku dhacay kacaan dhanka warbaahinta oo ay sabab u tahay baraha bulshada iyo  helitaanka ay dadku heli karaan adeega internet-ka. Ma jirto koox yar oo kaligeed go`aamin karta ajendayasha iyo sheekooyinka abuura doodaha bulshada iyo falanqeynta baraha bulshada gudaha iyo dibadda dalka.

Soo if-baxa isticmaalka baraha bulshada ayaa horseeday in  Soomaalidu ay ka qayb qaataan doodaha siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee dalka ka socda iyaga oo ah falanqeeyaal, wariyaal baraha bulshada ee soo gudbiya arrimaha inta badan aysan warbaahinta caadiga ah soo gudbin iyo khubaro iyaga oo aan u baahneyn meelo ay sii maraan sida Raadiye ama Telefishan si ay u gudbiyaan afkaartooda sida xilliyadii hore.

Ma jirto sidii sanadihii hore in dadku ay hal meel war ka dhageystaan sida BBC-da laanta Afka Soomaaliga oo London laga soo baahin jiray oo mar ahayd halka meel ee warka laga helo oo Soomaali badan ay koreen iyaga oo dhageysanaya. Wararka ayaa si dhaqso badan waxay u soo gaarayaan baraha bulshada, waxaana baraha bulshadu ay ka qayb qaadanayaan war galinta iyo maaweelinta dadka Soomaalida iyo caalamka kaleba.

Shaki kuma jiro in awoodda baraha bulshada ay dib u qeexday isku dheelitirkii awoodda milkiilayaasha warbaahinta iyo dhageystayaasha oo si isku mid ah ayay ciddii doonta u jiheyn kartaa jihada wararka. Baraha bulshada waxay fureen qaab cusub oo toos ah oo ay ugu wada xiriiri karaan madaxda la doortay si dimuqraadi ah ama si kale iyo dadka ay u xukumaan. Muwaadiniinta caadiga ahaa ee awal dhibka badan ku qabay helitaanka wararka ayaa hadda ku jira baraha bulshada.

Maanta, ururo iyo kacdoonno badan oo heer caalami ah ayna ka mid yihiin kacdoonkii Carabta iyo dhaqdhaqaaqa “Ana Sidoo kale, ama Me too” ayaa waxaa abuuray kaliya qoraallo iyo muuqaallo lagu soo celceliyay oo lagu faafiyay baraha Facebook iyo Twitter.

Waxay tani caddeyn u tahay in baraha bulshada ay dadweynaha siiyeen fursad ay ku noqon karaan aKhristayaal iyo sidoo kale in ay iyaguba abuuraan sheekooyin iyo qormooyin, taas oo oo fahamsiisay qiimahooda wax soo saar ka warbaahineed iyo istcimaalidba.

 In badan oo isticmaasha baraha bulshada ayaa hadda aragtidooda ka dhiibanaya oo ka hor imaanaya waxaayabaha ay baahinayaan warbaahinta caadiga ah,  iyaga oo la imaanaya soo jeedin ka badalan tan warbaahinta soo jireenka ah. Ilaa iyo saameynta dadka baraha bulshada isticmaala waxa ay gaartay in dadka siyaasadaha dajiya ee dalalka Dimuqraadiyadooda fadhiso ay si toos ah u la xiriiraan oo tixgaliyaan dadka baraha bulshada istcimaala.

Bulshooyinka casriga baraha bulshada sinnaba looma marin habaabin karo oo lagama dhaadhicin sheekooyin la isku aad aadiyay oo ujeedka laga leeyahay uu yahay in ay aqbalaan wax aysan si caadi ah u aqbali lahayn haddey heystaan dhinac  kale oo ay wax ka ogaadaan.

Soomaaliya sida  dunida kale dadka siyaasadda dajiya waxay ka faa'iideysan karaan ballaarashada ay ballaaratay ka qayb qaadashada ay dadku ka qayb qaadan karaan siyaasadaha iyo go`aaanada oo waa in ay  xoojiyaan xiriirka bulshada oo si hufnaan iyo istaraatiijiyad leh ay saameyn ugu yeeshaan nolosha dadka Soomaaliyeed iyaga oo isticmaalaya baraha bulshada iyo warbaahintii soo jireenka ah. Haddaba waxay sidaas horseedi kartaa dimuqraadiyad dhanka warbaahinta ah oo dhankeeda fududeysa kororka siyaasadda loo dhanyahay iyo xoojinta dowlad wanaagga Soomaaliya.

Shaki kuma jiro in baraha bulshada ay saameyn weyn ku leeyihiin siyaasadda Soomaaliya maxaa yeelay waxa ay baraha bulshadu cod iyo madalba siiyeen muwaadiniinta, wariyeyaasha, u dhaqdhaqaayaasha arrimaha bulshada kuwaas oo hal qoraal oo ay dhigaan Facebook, Twitter, iyo muuqaallo la dhigo Instagram runta ugu sheegi kara madaxda.

Waxyaabaha sida gaarka ah uga muuqda baraha bulshada ee Soomaalida ayaa ah in ay u ogolaatay kooxo dano kale duwan leh iyo shabakado in ay iska abaabulaan oo madaxda waxyaabaha ay tabanayaan ay  quseyso ay gaarsiiyaan farriimahooda iyaga oo aan si caadi ah ula kulmin. Arrintani waa muhiim sababtoo xaaladaha amni ee jira ayaan dadka u suurogalineyn in ay isku yimaadaan.

Baraha bulshada waxay kaloo fursad u abuureen ganacsatada aan awoodin in ay  dukaammo kireystaan kuwaas oo helay bar ama suuq internet-ka ah oo ay wax ku gadi karaan. Baraha bulshada waxa ay sidoo kale isku xireen Soomaalida gudaha iyo dibadda kuwaas oo si wadajir ah iskaga kaashaday ololeyaal bini aadaminimo iyo kuwa siyaasadeed.

Tusaaleyaasha ugu fiican ee la soo qaadan karo waa sida baraha bulshadu ay u fududeeyeen olole ay wadeen Soomaalida qurbaha oo looga hortagay abaartii sanandkii 2017 iyo sidoo kale ololihii wacyigalinta iyo Gurmadkii musiibadii qaraxii 14kii Oktoobar ee magaalada Muqdisho ka dhacay. Baraha bulshada ayaa waxyaabaha ay suurogaliyeen waxa ay muujisay in ay yihiin aalado ku wanaagsan awood siinta, isku xirka ,mideynta iyo horumarinta bulshada. Baraha bulshada ayaa soo nooleeyay soo jeedkii bulshada Soomaaliyeed oo u muuqda mid gaabis ahaa.

Soomaaliya ayaa darajada hoose uga jirta liiska dalalka ugu musuqmaasuqa badan , hayeeshe waxaa muuqata in dadaalada iyo cadaadiska baraha bulshada laga wado ay dowladda ka dhigayaan mid ka jawaabta baahiyaha bulshada taas oo sare u qaadeysa daah-furnaanta iyo isla xisaabtanka. Waxa keenaya in Hey'addaha kala duwan ee dowladda ay sare u qaadaan daah-furnaanta ayaa ah iyaga oo u baqaya sumcada shakhsiyaadka iyo hey`adahaba.

Dowladda Soomaaliya waxay wajaheysaa la xisaabtan joogto ah iyo indhaha bulshada oo ku soo jeeda mahadi ka gaarto baraha bulshada iyo muwaadiniinta aqoonta u leh Tiknooloojiyada oo si weyn ugu taxan baraha bulshada.

Baraha bulshadu waa aalado la iskula xiriiro oo bilaash ah,sidaas oo ay tahay waa in aysan bulshadu marnaba iloobin  mabaadii'da asaasiga ah ee warbaahinta iyo anshaxa marka ay isticmaalayaan. Marka la isticmaalayo waa in kuwa wax la wadaaga bulshada ay cadyihiin farriimahooda, fahamsan yihiinna kuwa ay ugu talo galeen waxyaabaha ay soo gudbinayaan, isla markaana ay adeegsadaan aaladalaha ay heli karaan si ay u qiimeeyaan saameeynta ka dhalan karta waxa ay dadka la wadaageen.

Soomaaliya waxaa ka jira baahi weyn  oo loo qabo sharciga warbaahineed kaas oo isku miisaama xuquuqda xoriyadda hadalka iyo xuquuqda iyo sharafta shakhsiyaadka iyo ururada sida weyn loogu beegsado baraha bulshada. Baraha  bulshada waxaa ka jira sumcad dilid, ceebeyn, gef loo geysanayo shakhsiyaad oo lagu daray warar been abuur ah oo aan sal iyo raad lahayn, kuwaas oo aysan sharci ahaan iyo siyaasad ahaanba waxba ka qaban dowladda Soomaaliya, Maxkamaddaha dalka iyo ururada Saxaafadda ee dalka ka jira.

Caqabadda ugu weyn ee heysata siyaasad dajiyaasha, dadka isticmaala baraha bulshada, iyo wariyeyaasha ayaa ah sida loo ilaalin karo tayada iyo xaqiiqnimada waxyaabaha lagu baahiyo baraha bulshada. Kuma filna kaliya dacwadaha loo gudbiyo maamulayaasha baraha bulshada, ee waa in uu jiraa sharciyo dalku leeyahay oo kaabaya sharciyada baraha bulshada si loo ilaaliyo xuquuqda bini aadamka.

Sidoo kale waa in ay jiraan fursado badan oo la xiriira tababaro dhanka anshaxa iyo shuruucda ah oo la siinayo shakhsiyaadka iyo hey'adaha isticmaala baraha bulshada. Dowladda, hey'adaha warbaahineed iyo milkiilayaasha baraha bulshada sida Facebook, Twitter waa in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii baraha bulshada loogu isticmaali dhinaca wanaagsan oo looga hortagi lahaa caayda, gefafka, sumcad dilka iyo wararka been abuurka ah.

Soomaaliya, sida dunida kale baraha bulshadu waxay dib u kicin iyo horumarinba ku wadaan noloasha bulshada iyo ganacsiyada gaarka ah. Waxay sidoo kale baraha bulshadu jabinayaan hab dhismeedka bulshooyinka oo koox yar oo kooban ay fursadaha, cod iyo wax walba lahaayeen markii hore. Waxaa muuqata fursado iyo caqabado badan oo ka bannaan baraha bulshada taas oo ay si wadajir ah uga faa`iideysan karaan dowladda iyo shacabka sanadahaan ay dunidu noqoneyso tuulo qura ( Digital Connectivity).

Haddaba, si baraha bulshadu ay faa'iido badan u yeeshaan oo saameeyaan  horumarada dhaqan dhaqaale iyo siyaasaeed ee Soomaaliya, waa in si fiican loo maamulaa oo ay jiraan sharciyo adag oo looga hortago gefafka iyo wararka been abuurka ah.


Wixii aragti ah ama tallo ah ku soo hagaaji email-lada hoose.
Liban Obsiye
[email protected]
@LibanObsiye (Twitter)
 Adan Salad
[email protected]
@Suheyfa (Twitter)


 
Click here