4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Mudane Maxaa Wacay?

Shamso Shegow
Sunday, November 17, 2019

Qoraalkan waa iga weydiin iyo wax ka dheh.

Waxaan in badan is weydiiyey asalka kelmeda Mudane. Waa maxay sababta ragga xilka haya loogu yeero mudane? Halkee beyna kelmadani ka soo jeedaa asal ahaan?

Hadii aad ka eegto qaamuuska af Soomaaliga, waxaad arkeysaa in kelmedan loo qeexayo sidan soo socota.

Mudane (ha) – 1- Qof in la weyneeyo mudan ama muteystey wax kasta oo dhan. 2. Magac lagu muunneeyo madaxda iyo waayeellada dadku soo doorto.

Kelmada Mudane asalkeeda waxay ka soo jeedaa kelmeda ‘mudan’ oo sidan u qeexan:

Mudan—1. Meel lagu muday; meel ka taagan, ka likeysan; wax lagu muday. 2.  a) Wax muteystey; wax galabsadey, istaahiley. B) (adaa mudan, kd.) Waxay weligeed wehelisaa oo laga dabo yiraahdaa ‘mahadsanid’. (Xigasho: Qaamuuska af Soomaaliga ee uu qoray Yasiin C. Keenadiid)

Waa maxay sababta aan kelmadan u qeexayo? Waxaan in muddo ah ku xirnaa siyaasadda Soomaaliya oo aan u kuurgalayey ama cilmi-gal ku sameynayey si aan u fahmo sida ay wax u dhacayaan iyo dhacdo kasta sababaha keena.

Waxaa aad iigu cadaatey qaabka xildoonka Soomaaliyeed ay awooda ugu soo noqnoqdaan, qaasatan kuwa xilka loo dhiibay ee wadanka jagooyin ka soo qabtay. Ha ahaato ilaa heer madaxweyne ah ama ha ahaato heer ka hooseeya.

Waxaan is weydiiyey sababta madaxda Soomaaliyeed (qaasatan kuwa ragga ah) ay marnaba u jecleyn in ay isku tanaasulaan? Waxaan is weydiiyey in ay tahay mid raadraac ku leh dhaqankeena iyo qaabka wiilka loo koriyo?

Dhaqanka Soomaaliyeed markaad baarto waxaad arkeysaa in wiilku ilaa laga billaabo dhalashadiisa lagu koriyo dareen ah in uu yahay mid wax kasta mudan ama istaahila. Mid qoyska muhiim u ah. Mid ay waajib tahay in loo adeego. Mid mar kastaba muteystey ixtiraam iyo in laga dambeeyo. Sidoo kale, wiilku waa mid aan lala xisaabtamin oo sameeya wixii uu doonayo marka la barbar dhigo gabadha.

Wiilka ku soo koray marxaladaas wuxuu dareemayaa in uu yahay mid wax kasta xaq u leh, taas oo maskaxiyan ku abuurta dareen ah in laga dambeeyo, loo adeego, uu xaq leeyahay.

Markaad eegto dhanka daraasada maskaxda, markii ilmaha yar lagu koriyo dareenka ah in ay wax kasta muteysteen, waxa ay dhumiyaan fahamka baahida dadka kale. Waxay sidoo kale baahidooda ka hormariyaan baahida dadka kale.

Marka sidee buu yahay siyaasiga Soomaaliyeed ee dhaqan ahaan lagu soo ababiyey in uu wax kasta mudan yahay, si cadna loogu maamuusayo kelmeda Mudane ee ka horeysa magaciisa? Ma siyaasi jecel baa horumarinta rabitaankiisa (dantiisa gaar ahaaneed) mise waa mid garanaya muhiimadda tanaasulka hadii ay danta guud u roon tahay?

Soomaaliya waxaa soo maray dowlado kala duwan laga soo bilaabo xilliggii kacaanka 1969-kii ilaa xilligan aynu joogno ee 2019-ka. Waxa ka dhaxeeya intaas oo dowlad waa siyaasiyiinta oo aad u jecel ku dhegenaanshaha kursiga iyo awooda. Siyaasiyiintaas oo intooda badani ay yihiin rag. Waqtigan ugu dambeeyana ay si xoog leh noogu soo noqnoqonayaan dhowr qof oo dalka mas’uul weyn ka soo qabtey balse markii ay xilkii ay hayeen waayaan, doorbida in ay tashuush ku furaan dowlada markaas fadhida.

Siyaasiyiintan oo aan runtii lala xisaabtamin. Kuwaas oo markey wadanka jagada ka hayaan, dalka ka galay xad-gudubyo kala duwan oo saameyn weyn ku yeeshay jiritaanka qarannimadeenna iyo xuduuda dalkeena. Tusaale ahaan, arrinta muranka xadka badda ee u dhaxeeya Keenya iyo Soomaaliya.

Arrintan ayada oo kooban:
Abriil 7, 2009:- Dowladdii Ku-meel Gaarka ahayd ee Soomaaliya ee uu madaxweyne ka ahaa Mudane Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarena uu ka haa Mudane Cumar Abdirashiid iyo Jamhuuriyadda Keenya ayaa kala saxiixday Heshiis Isfahan ah oo la xiriiray xadka badda ee labada dhinac.

Mudanayaashii dowladaas ku jirey ee runtii baddeenna gacanta ka bixiyey, una saxiixay dal shisheeye maanta weli wey na hor taagan yihiin. Weli waa loo Mudaneeyaa, weli lalama xisaabtamin, iyaguna weli ma dareemin qaladkooda.

Waxaan daawaday video laga duubay Mudane Madaxweyne Sharif Sheekh Axmed, isaga oo ka jawaabaya arrinta badda. Wajigiisa waxaa ka muuqata jees-jees, wuxuuna leeyahay isaga oo weliba qoslaaya:

” Badda sheekadeedu siyaasad waaye. Waad garatey soow ma aha? Ra’iisul Wasaaraha ayaa idiin jawaabey, wasiirkii ayaa idiin jawaabey, anigana maba arkin ba. Meel lagu saxiixayna ma ogi, waxna kama ogi. Hadii ay fiican tahay dadkaas baa iska leh, hadii ay xun tahayna iyaga ayaa iska leh.”

Isla sidoo kale waxaan arkey video kale oo Mudane Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo qabanaya shir jaraa’id. Wuxuu la taagan yahay Mudane Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweyne Sheekh Shariif oo qudbadeynaya ayaa dhahaya:

” Dalkaanse yaa xukuma horta? Wixii ka dhaca waxaa lagu leeyahay madaxweynuhu (Farmaajo) ma oga.” 

 Gadaashiis waxaa taagan Madaxweyne Xasan Sheekh oo qoslaya. Madaxweyne Sheekh Shariif gadaal buu fiirinayaa isaga oo la hadlaya Madaxwene Xasan Sheekh Maxamuud. Markaas buu warsanayaa:

”Xilka yaa ku wareejisey adiga?

Mudane Xassan Sheekh Maxamoud wuxuu ku jawaabayaa isaga oo qoslaya: ”Madaxweyne”

Markaas buu leeyahay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ” Madaxweyne, anagana isaga ayaan la xisaabtameynaa”

Tusaalahan waxay ku tuseysaa in Mudanuhu markii uu xilka hayana uu muteystey, markii uu ka maqan yahayna uu xaq u leehayay.

Haddaba sidee beynu ku badali karnaa dhaqankan qallafsan ee ku saleysan in danta gaar laga horumariyo danta guud? Ama ’hadii aan ku waayo, cidna ku heli meyso?’

Goorma ayay madaxdeennu dareemi doonaan in ay muhiim tahay isku tanaasulka? Goorma ayay dareemi doonaan in dalkii Soomaaliyeed uu burburey loona baahan yahay in cududda leysku geeyo, la heshiiyo, la wada shaqeeyo si aynu dib u-dhis u sameyno?

Gunaanad:

Ayaamahan ugu dambeeya waxaan si murugo iyo cabsi leh jaraa’idyada uga daawaneynaa madaxdii dalkeena oo isku hanjabeysa.

Waxaa muhiim ah in madaxda ka fariistay xilkoodii ay fursad siiyaan dowlada jirta si loo helo horumar aan hakad ku jirin.

Waan ognahay dalku iminka meesha uu taagan yahay in lagu gaarey juhdi badan iyo dadaal ay dowladihii hore sameeyeen.

Sidoo kale weynu u qirsan nahay in dowlad kasta oo dalka soo martey waxqabad weyn  iyo horumar ku soo kordhisey dalka, waxaan naga dahsooneyn in ay jiraan isbaheysiyo siyaasadeed oo mid kastaba doonayo in uu helo awooda wadanka si qorshahooda siyaasadeed u fuliyaan.

Mudaneyaal, dowlad kasta oo noo soo iftiinta in la burburiyo ma haboona. Mudaneyaal, la taliya dowlada. Mudaneyaal, soo celiya yididiilada dalka. Mudaneyaal waad mahadsantihiin.


Shamso Shegow, Malmö, Sweden
Shamso Shegow waa social worker ku nool dalka Sweden. Waxay ka mid tahay aasaasayaasha dhaqdhaqaaqa Carraweeloyinka. Sidoo kale, Shamso waxay aasaastey waxqabadka Badbaado Deegaan ee ujeedadiisu tahay dhir beerid saameeynaya dalka oo dhan. Shamso waxaa lagala xiriiri karaa emailkeeda
[email protected], Facebook-eeda: Qorax Araweelo Sheegow ama Twitterkeeda @spotonsomalia.  



 





Click here