4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Xuska 1da Luuliyo 1960

1da Luuliyo 1960 ka hadalkeedu waa mid baahsan oo qof kasta ilaa xad ka dheregsan tahay, xiisaha iyo rajada ay xambaarsaneyd in mar uun la arko Calan Soomaaliyeed oo xor ah, kaligiis hawada ka babanaya kadib markii la siibay labadii kale ee ku lamaansanaa (kii Talyaanoga iyo kii Qaramada Midoobay (UN).

Aan taariikhda wax yar dib ugu noqdee, 1950 bilaawgii Maamulkii AFIS (Mamulkii Damaanadda Talyaaniga ee Gobanimo-gaarsiinta koofurta Soomaaliya) waxaa fagaarayaasha Maamulka Dhexe Xamar, Gobolada iyo Degmooyinka laga taagay labo tiir oo la suro Calanka Talyaaniga iyo midka Qaramada Midoobay (UN). 

Hase yeeshee, 12-kii Oktoobar 1954 waxaa ku soo biiray tiir saddexaad oo la suray calan midabkiisu yahay “Buluug bartamaha ku leh xiddig cad oo shan gees ah”. Waxay ahayd markii ugu horeysay oo si rasmi iyo joogta ah meel fagaaro ah looga daawado nooca Calanka Soomaaliya.

Waxa ay ahayd maalin taariikhi ah oo saameeyn weyn ku yeelatay dareenka qof kasta oo markaas goobta taagnaa, bal adba, akhristoow, qiyaas farxadda iyo ididiilada uu ku beeri karay qof kasta oo markii, noloshiisa, ugu horeysay arkay Calankiisa oo hawada ka babanaya.

Waxaa xusid mudan in saddexda tiir ay isugu xigeen: bidix calanka UN-ka, dhexda calanka Talyaanig iyo midig calanka cusub ee Soomaaliya, sidaana ay u wada jireen ilaa galabtii 30-ka Juunyo 1960.


Furitaankii mashaariic ay ka mid ahayd Taalada Xorriyadda Beledweyne - - Xuseen Nuur Cilmi - Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan- waa qofka ugu dheer ee bakoorada wata.-  Cismaan Macalin Cabdulle - Guddoomiyaha Degmada Beledweyne - waa qofka shaarka cad laalaabtay oo suunka iyo saacaddana la arkayo.  - Korneyl Cabdulle Barre Taliyaha Militariga -  Taliyaha Booliska (magaciisa ma hayo) iyo mas’uuliin kale - iyo dadweyne daba socda.



Xafladdii subaxdii 1-da Luuliyo 1960 Beledweyne


Magaalada Beledweyne, galabtaas (30/06/1960) dadweynuhu, waqti hore, ayey barxadda Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan soo buuxiyeen, ayagoo doonaya in ay daawadaan ama goobjoog ka noqdaan DAJINTII ugu dambeysay ee labada calan - Talyaaniga iyo Qaramada Midoobay – kuwaaso aan mar dambe ama maalin dambe dib loogu arki doonin fagaarahaas.

Anigoo ka imid Dugsi Quraanka una socda gurigeena oo u jiray qiyaastii 150m goobta lagu qulqulayo ayaa dhinac ka raacay dadkii faraha badnaa ee dhankaas u socday. Waxaa la gaaray 6-dii galabnimo oo ahayd xilligii, sida cadigaa, la dajin jiray Calamada. Waxaa timid koox Ciidanka Milateriga ah oo tiro ahaan ka badan intii caadiyan galab kasta dejin jirtay calamada. Aniga, caadi ayey ii ahayd in, sida badan, galab kasta, aan dawado gaardiga askarta dejineysa Calamada iyo dhawaaqa turumbada (bigilka) loo adeegsanayo hawshaas.

Dhanka bari, waxaa ka sii jeeday askarta safan una diyaarsan dajinta calamada, halka dhanka galbeedka ee xiga  Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka ay ka soo jeedeen tiro kooban oo mas’uuliin ah uu ka mid ahaa Xuseen Nuur Cilmi Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Baadariga diinta Kirishtaanka (Padre Fabiano Pagani) oo asaga la guddoonsiiyay Calanka Talyaaniga, kadib markii Guddoomiye Xuseen Nuur Cilmi si xushmad leh oo habeeysan isugu laalaabay.

Hadalkii Guddoomiye Xuseen ku yiri Baadariga lama maqleeyn balse nuxurkiisu waxa uu noqon karaa “Take it for good”. Halkaan hoose ka daawo muuqaalo kale oo ku saabsan munaasabooyinkii ka dhacay magaalada Beledweyne subaxdii 1-da Luuliyo 1960:


Taallada Xorriyadda Beledweyne wax yar kahor intii aan xarigga laga jarin 1da Luuliyo 1960


Gabagabo

59 sano waa muddo ku filan in laga dhabeeyo hanka iyo himilada ummadda xagga horumarka arrimaha Bulshada, dhaqaalaha, kaabayaasha iyo bilicda degaanka.

Waa muddo ku filan in la xaqiijiyo isdebel la mahadiyo oo lagula tartamo asaageen iyo guud ahaan addunweynaha.

Waxaan filayaa in aan cidina iiga bahneeyn in aan halkaan uga faalloodo wixii muddadaas (59 sano) na soo maray, sababtoo ah, ma aaminsani in aniga sheegayaa uga xog-ogaal sanahay cidda aan u sheegayo oo waa arrimo, inta badan, loo wada joogay, la wada dhadhamiyay lagana dheregsan yahay.

Adiguba, akhristoow, qalinka iyo warqadda isi saar oo isku day in add qodobeyso wixii dhib iyo dheef na soo maray, wixii dhacay iyo dhanka loo socdo.

Kadibna ogolaaw natiijada kuu soo baxda maqsuud iyo murugo mid ay noqotaba.


Dirir Cabdi Ibrahim (Goodax)
[email protected]


 





Click here