4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Qabiil Soomaaliyeed Yaan Loo Saarin Eed Dad Gaar Ah Leeyihiin

W/Q: C/llaahi Samoow
Sunday, December 22, 2019

Waxaa nasiib darro iyo gaf weyn ah hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ee uu ku dafirayo dadkii lagu laayay magaalada Baydhabo, halkaa oo sanad kahor lagu dilay Shacab Soomaaliyeed oo si nabad ah u dhigayay banaanbax ay uga soo horjeedeen afduub loo geeystay muwaadin Soomaaliyeed iyo Doorashadii Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo sabab u ahaa mashaqadii halkaa ka dhacday oo si isaga loogu afduubo Doorashada loo soo xiray Musharixii la tartamayay, fal-celiskii arintaa ka dhashay na ay keentay in shacab aan waxba galabsan maalin cad la laayo.

Madaxweyne sidaa kursiga ku helay in maanta halkii uu ka shaqeen lahaa dib u heshiisiin iyo in mag dhaw la siiyo Ehelada dadkii halkaa ku dhintay sidoo kalana uu xoriyadooda u soo celiyo dadkii loo xir xiray arintaa awgeed uu taa badalkeed, hal sano kadib uu maanta difaacayo dhibaatadi loo geeystay dadka uu Madaxweynaha u yahay iyo cidii geysatay intaba. Waxaa ugu weyn ee uu sidaa u yeelayana ay tahay sidii uu sharciyad ugu sameeyn lahaa kursiga dhiiga leh ee uu ku fadhiyo.

Dhanka kale Madaxweynaha KGS, waxa uu eed aan sal laheyn u jeediyay Qabiil iyo deegaan Soomaaliyeed oo uu ku eedeeyay fal-danbiyeed ay geeysteen shaqsiyaad mooryaan ah oo dhiigya cab ah. Madaxweynaha waxa uu aad ula socdaa sida midnimadda leheed ee dhamaan umadda Soomaaliyeed uga fal-celisay arintaa oo ay ku cambaareeysay si lamid ah cambaareeyntii loo jeediyay Xasuuqi Dowladda Federaalka oo ciidamo Itoobiyaan adeeg saneeysa ka geeysatay Baydhabo oo isaga iyo kooxdiisa maanta ay rabaan inay daboolaan ama dafiraan.

Waxaa si taa lamid ah Nasiib daro ah in qaar kamid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo ka fal-celinaya warka qaabka daran ee kasoo yeeray Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Eed ay leeyihiin Al shabaab iyo Argagixiso kalaba dusha u saaray Qabiil Soomaaliyeed arintaa oo ah gaf weyn iyo af lagaado.


Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen


Qabiil walba waxa uu leeyahay dad nabada jecel, leh dhaqan wanaagsan iyo ilbaxnimo, aqoonyahan, culumo iyo wax-garad. Sidoo kale Qabiil walba waxa uu leeyahay dad xun oo dadka kale dhibaato u geeysta. Nasiib wanaag dadkaa waxaa in badan ka badan dadka wanaaga iyo samaha jecel.

Al-shabaab qabiil uma kala soocna , Qabiil aan Al Shabaab ku jiran Soomaaliya kama jiro, waana gaf weyn in Qabiil gaar ah loo saariyo dhibaatooyin ka Alshabaab umadda Soomaaliyeed u geeysteen.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa la gudboon in uu waqti isaga lumin dafiraada dadkii lagu dilay Baydhabo ee taa badalkeed ka shaqeeyo dib u heshiisiin loo sameeyo dadka reer Koonfur Galbeed iyo sidii ay dib xoriyadooda ugu heli lahaayeen dadka u xiran Doorashadii isaga loo afduubay.

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed dhankoodu waxaa laga rabaa in hadal koodu miisaan lahaado, kana fiirsadaan hadalada gafka u geysan kara shacabka, sidoo kalana kicin kara Qalalaaso iyo fowdo hor leh.

Shacabka Soomaaliyeed way kasoo daaleen fowdo iyo in Qabiil Qabiil la isku laayo. Umadda Soomaaliyeed waa mid, Qabiil kuna waa wax la isku garto waxaa na la rabaa in dhinaciisa wanaagsan looga faaideeysto, sida is-xiriirinta iyo is-taageeridda.


Cabdullaahi Xasan Maxamed (C/llaahi Samoow)
[email protected]


 





Click here