4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Saamileyda Siyaasadda Soomaaliyeed: Erey bixin qaldan mise danley xoogsaneysa?

Dr. Abukar Y. Warsame
Saturday, December 07, 2019

Waxaa muuqata in dib-u-yagleelka astaamihii dawladdnimo iyo in la helo nidaam doorasho oo horseedi kara maamul iyo madax bulshadu soo doorato ay tahay baahida ugu weyn ee maanta dawladda hor taal. Waxaa kaloo muuqata is-barbar yaac xagga hay’adaha u qaabilsan arrimahaas iyo isku-day in aysan waxba ka hirgelin arrimahaas oo jihooyin kala duwan ka imaanaya.

Waxaa intaas sii dheer xisbiyo si hordhac ah u diiwaan gashan oo ay haggaaminayaan shakhsiyaad siyaasadda Soomaaliya horey ugu jiray ama hadda ku soo biiray iyo warbaahinta Soomaalida qaarkeed oo aad u isticmaala hal-ku-dhegga kor ku xusan ee ah “Saamileyda Siyaasadda Soomaaliya”. Haddaba waxaan is weydiiyey erygaas “Saamile” micnaha uu xambaarsan yahay iyo doorka uu ku yeelan karo helitaanka dawlad dadka ka dhexeysa oo aan koox ama ururro is biirsaday si gooni ah isu siin.

Ereyga “Saamileyda” wuxuu luqadda Ingiriiska la micno yahay “Shareholders” kaasoo ka micno duwan ereyga “Stakeholders” oo Soomaali ahaan la micno noqanaya “Daneeyayaal”. Faraqa labada erey ee shareholders (Saamiley) iyo stakeholders (daneeyayaal) waa in daneeyayaasha ama stakeholders hadafkoodu uu badanaa yahay mid waqtiga fog ku saleysan halka saamilayaashu ama shareholders hadafkoodu u yahay mid waqtiga dhow xoogga saara.

Si sahlan oo lagu fahmi karo faraqaas aan tusaale u soo qaadanno shirkad ganacsi. Saamileyda shirkaddaas waa dadka maalgashaday halka daneeyayaashu noqonayaan shaqaalaha ka shaqeeya shirkadda, macaamiisha shirkadda, bulshada ku nool deegaanka shirkadda, madaxda iyo siyaasiyiinta deeganka shirkaddu ku taal, iwm. Hadafka ugu weyn ee saamileydu waxuu badanaa noqdaa faa’iidada dhaqaale ee shirkadda halka daneeyayaasha hadafkoodu intaas ka ballaaran yahay maadaam sii jiritaanka iyo bad-qabka shirkadda uu saameyn xoog leh ku leeyahay bulshada badankeeda oo saamileydu ka mid tahay. Sidoo kale saamileydu waxey leedahay awood u oggolaaneysa in ay saamigooda gadaan ama ku wareejiyaan ciddii ay rabaan. Taas ayaa caddeeyneysa in saamileydu ay tahay koox kooban oo danahoodu ay ka duwanaan karaan hadafka iyo danaha danleyda guud oo ah bulshada inteeda kale. Ma filaayo in dadka isticmaalaya ereygaas ah “saamileyda siyaasadda” uu hadafkoodu sidaas yahay waana sababta aan ugu cudurdaaray inuu noqon karo erey bixin qaldan.  Haddiise erey bixintaasi aysan qaldaneyn oo adeegsiga ereyga Saamileyda Siyaasaddu uu ku talo gal yahay waxey “Saamilyedu” iila muuqdaan danley xoogsaneysa oo hadafkii ahaa in nidaamka xisbiyada loo gudbo caqabad ku noqon kara.

Waxaan ku soo gunaanadayaa qoraalkan gaaban in aysan habbooneyn in koox sheegato iney yihiin saamileyda siyaasadda Soomaaliya maadaama uusan ereygaas ka tarjumayn wada lahaansho guud oo bulshada ka dhexeeya balse Waxaa igala habboon isticmaalaaka ereyga ah daneeyayaal ama stakeholders oo ka turjumaya in maamulka iyo dawladnimada lagu kala dambeeyo isla markaasna muujinaya iney jiraan kooxo ama qaybo bulshada ka mid ah oo saameyn ku yeelan kara in la helo nidaam la isku waafqasan yahay oo bulshada lagu hoggaamiyo.


Dr. Abukar Y. Warsame: [email protected]



 





Click here