7/18/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Askartii lagu laayay Garab-Case, duleedka Jigjiga 1978

Dr. Maxamud M Culusow
Friday, April 12, 2019

Kaddib markaan dhegeystay labo barnaamij ee Galka Baarista oo laga siidayay Idaacadda Codka Mareykanka (VOA), qoraalka Dirir Cabdi Ibrahim (Goodax) ee lagu faafiyay Barta Hiiraan Online, iyo wareysiyo kale kuna wada saabsanaa askartii lagu laayay (summary execution) Garab-Case, duleedka Magaalada Jigjidga ee deegaanka Soomaalida Ethiopia bishii Maarso 1978, waxaan go’aansaday inaan ku biiriyo xogogaalnimadeydka taarikhda dhacdadaas, anigoo markaas ahaa Kaaliyaha Maamulka Guddoomiyaha Gobolka Jigjiga, una xilsaarnaa dhismaha Maamulka Gobolka, Degmooyinka, iyo kan Dowladaha Hoose. Howsha dhismaha Maamulka waxaa barbar socday howlaha taakuleynta dagaalka oo waqtigaas galay marxalad adag.

Waxaan raejynaya in ujeedada ka hadalka dhacdadaas ay tahay in ugu yaraan laga kasbado 3 cashar. Kow, in la diwaan geliyo xaqiiqada dhacdadaas taarikh ahaan; labo, in haddii dilka askartaas loo aqoonsado dambi xasuuq in laga garaabo, lana xaqmariyo ehelada askartaas; saddex, in dhacdadaas noqoto cashar laga faa’ideysto Mustaqbalka haddii mar kale Soomaaliya la soo gudbnaado dagaal.

Waxaan qabaa in marka laga hadlayo dhacdadaas loo baahan yahay in la tixgeliyo xeerka dagaalka ee u degsan Ciidammada dowladda Soomaaliyeed sida habka dishibiliinka ciidanka, awoodaha iyo habka go’aan qaadashada Madaxda Sare iyo taliyayaasha goobta dagaalka, habka ilaalinta xuquuqda askariga, iyo diiwangelinta, baarista, iyo qiimeynta joogtada ah ee dhacdooyinka dagaalka marka ay ku jiraan la dagaalan shisheeye. Waxaan muran ka jirin in ku dhaqanka hufan ee sharciga iyo xeerka ciidammada iyo ilaalinta xuquuqda askarta waqtigaas uu aad u liitay, waayo dalka waxaa ka jiray dareen baahsan ee cadaaladarro, eex, iyo maamulxumo guud.

Waxaan ka mid ahaa Madaxdii Gobolka Waqooyi Galbeed (Hargeisa) markii uu bilaabanayay dagaalka Soomaaliya iyo Ethiopia Sannadkii 1977, waxaana si guud xog ogaal ugu ahaa habacsanaanta iyo qorshe xumida lagu galay dagaalkaas. Waxaa lama iloobaan ah niyadsamida, geesinnimada, iyo isku kalsoonaanta shacabka Soomaaliyeed ka muuqatay, kuna taagereen dagaalkaas. Sidoo kale, Ciidammada Soomaaliyeed waxay dagaalkaas ku galeen geesinnimo, wadanninimo, iyo naf hurid, waxayna soo hooyeen guulo waaweyn. Dhinaca kale, cidna kama qarsooneyn quuxa iyo dhalliilaha ka dhex socday ciidammada Soomaaliyeed dagaalka ka hor iyo dhexdiisaba. Waxaan rajeynaya in saraakiishii ciidammada iyo aqoon-yahannada Soomaaliyeed ay ka run sheegi doonaan taarikhda dagaalkaas iyo waayo aragnimada laga dhaxli karo.

Shakhsi ahaan, marna ma iloobi karo geesinnimada dhallinyaradii duulin jiray diyaaradaha Mig 17 iyo 21 ee saldhigooda ahaa Hargeysa oo intooda badan ay ku dhinteen dagaalkii lagu xoreeeyay dhagaxbuur, Jigjiga, iyo Dirir Dhaba. Waxaa kaloo calool xuma badan laheyd habeenkii la amray in si deg deg ah oo habqan ah looga baxo dhulkii la xoreeyay. Waxaan Jigjiga ka soo daadgureyay waxgaradkii iyo qoysaskii magaca lahaa oo degganaa Jigjiga oo laga cabsi qabay in Ciidammada Ethiopia xasuuqaan marka ay dib ugu soo noqdaan Jigjiga, waxaana qaxooti ahaan  loola soo cararay Gabiley iyo Hargeisa.

Waxaa jirtay in laga bilaabo horrantii 1978, niyadda iyo howlgalka dagaalka ee ciidammada Soomaaliyeed ay hoos u dhaceen sababo kala duwan (siyaasadda, hubka, saadka, dhaqaalaha, maamulka, hoggaaminta, iyo cududda). Guud ahaan waxaa heer sare gaaray maamulxumada iyo fowdada howlgelinta ciidammada, iyo musuqmaasuqa saadka. Waxaa aad u soo kordhayay weerarrada Ciidammada Cirka ee Ethiopia ku hayeen Ciidammada Soomaaliyeed, ayadoo Dowladda Soomaaliyeed ku yaraadeen ama ka dhammaadeen diyaaradihii dagaalka iyo hubka difaaca cirka, arrimahaaso hakiyay hor u socodka dagaalka iyo difaaca guulihii la gaaray, taaso niyad jebisay ciidammada.

Waxaa Miyiga iyo magaalooyinkaba laga soo qafaali jiray dhallinyaro iyo waayel kuwaaso la siin jiray tababar gaaban si ay uga qaybgalaan dagaalka, taaso keentay in tayada iyo dishibiliinka ciidammada Soomaaliyeed uu aad hoos ugu dhaco. Waxaan xusuustaa Ciidammo lagu tababaray Jigjiga oo Sarkaal hadda dhintay Madax ka ahaa ay diyaaradaha Ethiopia ka dileen tiro badan maalintii ugu horreysay ee la dejiyay goob ay tendhooyin ka dhisanayeen. Waxaa aad u kordhayay taagerada ballaaran ee dowladda Ethiopia ka heleysay Ruushka, Kuuba, Jarmalka Bari, iyo Yemen, isla markaana waxay haysatay keyd cudud aad u tiro badan.

Dhibaatooyinkaas waxaa ka dhashay in ciidammado tiro badan ka soo baxan jiidaha dagaalka, ayna dib ugu soo noqdaan magaalooyinka, qaarkoodna miyiga galaan. Waxaa kaloo aad u kordhay ciidammada ay ku dhaceen cudurro iyo dhaawacyo kala duwan, kuwo ka cabanayay mushaar la’aan, iyo kuwo bililiqo la soo baxsanayay.

Jigjiga waxaa soo galay ciidammado tiro badan oo qaar jirranaayeen, qaar baxsad ahaayeen, qaarna fasax ahaayeen. Maalin ka hor maalinta la dilayo Askarta Garabcase, waxaa la ii diray Tulli Guuled oo ciidammo jiida hore ka soo  baxay ay ku soo qulqulayeen si aan u joojiyo, ugana codsado inay ku hakadaan tuulada, laguna martigeliyo, si dib loogu celiyo jiida dagaalka. Ciidaankaas waxay isu jireen saraakil, saraakil xigeen iyo askar, hase yeeshe dhammaantood waxay sheeganayeen inay ahaayeen askar.

Qufaca ka soo baxayay ciidammadaas kalama go’ayn. Markaan la hadlay, waxay iigu jawaabeen inay diyaar u yihiin inay ku noqdaan jiidda dagaalka haddii dowladda ay u keento hubka difaaca cirka si ay isaga difaacan diyaaraaha Ethiopia oo wax walba ka baabi’iyay, naftoodana dhibaato badan u geystay iyo taakuleyn ay dagaalka ku galaan.

Magaalada Jigjiga waxaa joogay Wakiilka Golaha Sare ee Kacaanka u qaabilsanaa aagga Jigjiga oo ahaa Xubin Golaha Sare ee Kacaanka, G/Sare Cabdirizaaq Maxamed Abuubakar (AUN). Taliska Howgalka dagaalka waxaa madax ka ahaa Maxamed Sheikh Cosman “Cirro (AUN).” Saraakiisha aagga Jigjiga magaca weyn ku lahaa waxaa ka mid ahaa AUN Marxuum Jeneral Cabdiraxman Warsame Caarre (AUN). Waxaa kormeer ku yimid Magaalada Jigjiga wafdi ka socday Golaha Dhexe ee XHKS oo u hoggaaminayay Xubin Golaha Sare, Mudane Marxuum G/Sare Cabdulqadir Xaaji Masalle (AUN). Kaddib, waxaa yimid Wasiirka Gaashandhigga Mudane Maxamed Cali Samatar (AUN)oo uu la socdo Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Badbaadada Qaranka G/Sare Cosman Maye (AUN).

Wasiirka Gaashandhigga Mudane Samatar ayaa amray in askarta joogta Jigjiga isugu tagaan Garabcase, kaddibna waxaa dhacday in qaar ka mid ah askartaas lagu laayay goobtaas, kuwii kalena kala cararaan. Waxaan filaya in Sarkaalkii Madaxda ka ahaa ciidaankii Booliska Militeriga (Military Police) ahaa ee lagu amray inuu fuliyo amarka toogashada askartaas uu weli nool yahay, oo xog fiican ka bixin karo sida ay wax u dhaceen. Waxaa dhici karta in askartii fulisay amarka weli qaarkood nool yihiin.

Waxaan aaminsanahay in amarka lagu dilay askartaas ay lahaayeen AUN Madaxweyne Maxamed Siyad Barre, S/Guud Maxamed Cali Samater,  waxna ka ogaayeen G/Sare Osman Maye oo la socday Wasiirka Gaashandhigga iyo Madaxda Taliska Howlgelinta dagaalka Aagga.  

Galabtii ka horreysay maalinta askarta la dilayo, waxaa jiray saraakiil aan filayo inay ahaayeen afar oo lagu amray inay si deg deg uga baxaan Jigjiga una galaan Hargeisa, halkaaso lagu sugayay, lagu xiray, deg degna loo toogtay. Inkastoo aanan wada xusuusan magacyada Saraakishaas waxaa ka mid ahaa Axmed Maxamed Canshur (AUN), Yaasin Gurxan (AUN). Madaama sarakiisha lagu toogtay Hargeisa lagu sheegay inay ahaayeen 6 ma ogi inay kulligood ka wada baxeen Jigjiga iyo in qaarkood Hargeisa ama meelo kale laga soo qabtay. Magaalada Hargeisa waxaa joogay Admiral Maxamud Yusuf Ghelle, oo Gudoomiyaha ka ahaa Maxkamadda Badbaadada Qaranka.

Sababta guud oo aan u haystay dilka askartaas waxay aheyd xoojinta ka cabsiga awoodda iyo go’aan qaadashada dowladda kacaanka oo xaalad fashil ah ku jirtay. Waxaa xusid mudan in isla markiiba, Wasiirka Gaashandhigga amray in laga baxo dhammaan dhulkii la xoreeyay.  Sida darted, dilkaas wuxuu ahaa farrin ku socotay dhammnaa ciidammada dalka ka soo baxayay iyo shacabka soomaaliyeed.

Waa sura gal in askarta joogtay Jigjiga qaarkood loo digay inaysan imaan Garabcase oo dhuuntaan, hase yeeshe ma filayo inuu jiray qorshe askarta qaarkeed lagu ugaarsanayay. Dilkaas wuxuu ahaa kedis (summary execution), lagana baaqsan karay, madaama xaaladda dagaalku ay aad u xumeyd, lana ogaa in laga baxayo dhulkii la xoreeyay.

Dad badan waa qabi karaan in dilka askartaas  ahaa shirqol siyasadeed marka la tixgeliyo Inqilaabkii dhicisoobay April 1978 oo uu hoggaaminayay Taliyihii Aagga dagaalka Jigjiga G/Sare Cirro; isla markaana waxaan qarsoodi aheyn in siyaasadda iyo maamulka dalka aafeyeen, tuhun inqilaab, eex, musuqmaasuq, iyo ku xadgudub xuquuqda muwaadiniinta, iyo isla xisaabtan la’aan.


Dr. Maxamud M Culusow
[email protected]



 
Click here