11/12/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Colaada Koonfurta Gobolka Sool: Gumaad iyo Barakac Lagu Guuldaraystay Xalkeeda

Qore: Mahdi Warsama
October 23, 2018

Laga soo bilaabo sanadkii 2003 dii, waxaa degaanka koofurgalbeed ee Gobolka Sool oo ay ka mid yihiin degaanada: Dabataag, Dhumay, Dharkayn, iyo degaamada ku hareeraysan oo ahaa degaan mudo dheer looga bartay nabad jacayl, deris wanaag, iyo xasilooni ku dayasho mudnaa in badana lagu soo caano maalay ka taagneyd coolaad aad u xun oo sababtay khasaare aad u weyn oo naf iyo maalba leh. Colaadaasi oo marxalado badan soo martay, marxaladahaasi oo ay ka mid yihiin in marar badan heshiis aan shaqayn laga gaadhayey, yaa iminka u muuqata mid faraha kasii baxaysa oo xalkeedu sii fogaanayo maalinba maalinta ka danbaysa. Dagaaladii ugu danbeeyey oo dhacay sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay waxay galaafteen dad ka badan 50 qof iyo dhaawac aan tiro lahayn, sida ay soo sheegayaan goobjoogeyaal iyo xogogaal degaanadaa ku sugan. Ilaa iminka dadka labada dhinac ka dhintay wuxuu ku dhowyahay 140 qof. Hadaba, waxaan halkan kusoo gudbinayaa falanqayn kooban oo ka hadlaysa: hordhac ku saabsan marxaladihii ay colaadani soo martay, cidda dagaalka hurinaysa, sababtay heshiisyadii hore u fashilmeen, iyo waxyaalaha aan u arko iney xalka soo dhoweyn karaan. 

Hordhac iyo Taariikh Kooban

Labada beelood ee wada dega degaanada kor ku xusan ee Bahararsame iyo Qayaad waa isku hayb, degaan wadaag, iyo deris aad isugu dhexjira oo aan colaada ka hor wax la sheegaa u kala soocnayn. Shaqaaqadani waxay bilaabantay 2003 dii kadib markii niman qaadwaleyaal ah oo labada beelood katirsan uu dhexmaray muran xagga qaadka ah, taasi oo keentay in labo nin oo ka tirsan beesha Bahararsame ay ku dhintaan degaan katirsan Dhumay iyo Xidh Xidh. Mudo kadib colaadii waxay ku fiday degaanka Dabataag oo dagaal halkaasi ka dhacay sababay dhimasho iyo dhaawac laba dhinac ah. Intaa kadib abaabul nabadeed iyo dadaal ay sameeyeen isimada degaanka iyo odayaal ka yimid Gobolka Bari oo uu hugaaminayey Allaah ha u naxariistee Cadde Muuse Boqor, waxaa lagu guuleystey in colaadaas lasoo afjaro, iyadoo markaa kadib labada beelood ay nabad ku wada noolaayeen mudo 10 sano ah oo ku ekaa 2014 kii.

Colaadan cusubi waxay dib u bilaabantay kadib markii ciidan beeleed ka tirsan ciidanka Khaatumo ay sanadkii 2014 kii degaanka Dharkayn ku dileen nin lagu magacaabi jirey Cali Xoor oo ka tirsanaa maleeshiyo beeleedka Somaliland ee Dharkayn oo u dhashay beesha Qayaadeed, kaasi oo dilkiisa lagu eedeeyey beesha Bahararsame. Inkastoo marar badan heshiisyo aan shaqayn oo la jebiyey colaadan laga gaadhey, dilkii Cali Xoor kadib waxay arrintii isu bedeshay dagaal umula-doox ah oo sababay dil aan xad lahayn, barakac, hanti la gubo ama la bililikheysto, iyo gumaad haddii aan laga hortegin keeni kara caaqibo xumo aad u weyn.

Hadaba, waxaan rabaa inaan qoraalkan ku cadeeyo iney dagaalka hurinayaan qaar ka mid ah qurbojoogta labada beelood iyo dhalinyaro dagaalka ku mamay; tiknikada labada beelood iibsadeena ay xaalada uga sii dartay; in sababta nabaddu u xidhmi la’dahay tahay in dadaaladii hore ee nabad raadinta labadada beelood ahaayeen qaab garnaqsi ah ee aanay ahayn dibuheshiisiin waqti la geliyey; iyo in sida colaada lagu soo afjari karaa tahay in nabadda la abuuro, laga shaqeeyo, waqtina la geliyo iyadoo isla markaas dadka colaada hurinaya meel looga soo wada jeesto.

Colaada Yaa Hurinaya

Kadib markaan la sheekaystay odayaal samo katalis ah, dhalinyarada dagaalka gasha, culimada, iyo waxgaradka labada beelood, anigoo weliba kaashanaya xogogaalnimadayda, waxaa soo baxaya cadeymo cad cad oo sheegaya in labo kooxood oo isku xidhan ay colaadan huriyaan:

Kooxda 1aad waa dhalinyaro shaqo la’aan ah oo qaadka cunta oo hore usoo galay dagaalo kale ama ka qaybqaatay dagaaladii hore ee labada beelood, kuwaasi oo qurbajoogtu usoo dirto agabka ay dagaalka ku galaan, sida: raashinka, rasaasta, iibinta hubka, shiidaalka, iyo nooliga goobaha dagaalka lagu tago. Taasi waxay keentay in dhalinyarada qaarkeed dagaalka u isticmaalaan iney ku helaan dhaqaale iyo dhaqdhaqaaq lagu muraadeysto iyagoo aan tixgelineyn dhibaatada baaxadda leh ee dagaalku keeno. Taas macneheedu maaha in dhamaan dadka dagaalka ka qaybqaataa tilmaamahaa leeyihiin, laakiin waa arinta asalka u ah ee sababta inuu marka horeba dagaalku bilowdo.

Kooxda 2aad ee colaada hurinaysaa waa qaar ka mid ah qurbojoogta labada beelood ee aan samo kataliska ahayn oo isticmaalaya tekniloojiyada cusub iyo baraha bulshada. Waxaa marag madoonto ah in beelkastaa samaysatay qolal WhatsApp iyo telefoon ah oo lagu faafiyo wararka colaada, dadka colaada lagu guubaabiyo, isla markaasna lagaga uruuriyo dhaqaale colaada lagu huriyo. Tekniloojiyada casriga ahi waxay keentay in hogaanka laba beelood ee xagga dagaalka uu gacanta u galo qurbojoog sixun wax usheeg ah oo u hiilisa inta nabaddiidka ah ee gudaha joogta, kuna taakuleeya dhaqaale, hub, talooyin, iyo guubaabo intadaba.

Arrinka 3aad ee colaada sii hurinaya ama xaaladda nabadgelyo xumo uga siidarayaa waa hubka iyo qoryaha tiknikada ah ee labada beelood iibsadeen hubkaasi oo aan dawladi xukumin oo keenay in qolo kastaa isbido awood iyo hub ay qolada kale ku muquunin karto. Arrintaasi khubarada nabadgelyadu waxay u yaqaaniin “military overconfidence”, ama isku kalsooni ciidan, waxaana loo aqonsadaa iney ka midtahay waxyaalaha colaada soo dedejiya.

Heshiisyadii Hore Maxay U Burbureen

Inkastoo ay tahay qadarta Alle khaladaad badan oo dhinacyo badan ka imaanayeyna jireen, kadib markaan la sheekaystay dad badan oo nabadeynta labadan beelood kasoo shaqeeyey iyo xogogaal kale, sababta heshiisyadii hore u burbureen waxaan kusoo koobayaa arrimaha soo socda:

Ø  Colaada oo ay ku dhexjireen gacmo siyaasadeed oo leh dano iska soo horjeeda

Ø  Heshiisyada oo loo mari jirey qaab ku dhisan garnaqsi iyo maxkamad iyadoo ay ku yareyd turxaanbixinta, isqancinta, boogdhayida, iyo samirsiinta

Ø  Dhibaatooyinkii markii hore colaadan sababay ama soo celceliya oo aan marna sifiican looga wada hadlin

Ø  Beesha markaa nabarka weyni ku dhoco ama nabarku ku danbeeyey ee cabanaysa oo aan qancinteeda waqti badan la gelin

Ø  Agoomihii iyo qoysaskii dadkooda la laayey oo aan helin samirsiin iyo caawimo ay kaga samraan eheladoodii taasi oo ku caawin karta iney dhadhamiyaan miraha nabada

Ø  Malayshiyaadkii iyo dhalinyaradii dagaalka ku dhaqan gedismatey oo aan loo sameyn dhaqan celin, wacyigelin, iyo taakuleyn ku saabsan colaada iyo dhibkeeda

Xalku Muxuu Noqon Karaa

Anigoo ka duulaya xaaladda cakiran ee degaanka ka taagan, gaar ahaan dilka, barakicinta, iyo hanti burburinta, waxaan soo jeedinayaa:

·       In maamulka Somaliland degaanka kusoo rogo xaalad deg deg ah loona diro ergo nabadeed oo wadata ciidan xoogleh oo marka hore joojiya dhiiga daadanaya; waa in ciidanka la siiyaa awood buuxda oo ay tilaabo kaga qaadi karaan cidkasta oo nabada khalkhal gelisa

·       In la keeno ergo cusub oo ka duwan kuwii hore ee arrinta marar hore galay oo ay hugaaminayaan isimada guud ee gobolada Bari iyo Sanaag bari.

·       In ergadu mudo dheer degaanka joogto kuna mashquusho marka hore samirsiin, turxaan bixin, u kala dabqaadis, wacyigelin, iyo uruurinta macluumaadka colaada gaar ahaan: sabaha keenay, cabatinada iyo sheegashada labada beelood

·       In la diyaariyo qorshe nabad abuuris ah (peace building program) oo lala kaashaday khubarada ka hortagga iska hor imaadyada, hay’adaha caalamiga ah, culimada, maamulada, iyo dadka samodoonka ah ee ka tirsan labada beelood. Qorshuhu waa inuu qeexaa dhamaan heerarka, qorsheyaasha, iyo talaabooyinka nabadaynta ee labada beelood oo leh miisaaniyad dhaqaale oo lagu fuliyo

·       In la aqoonsado, la wacyigeliyo, lalana xisaabtamo dadka dagaal oogeyaasha ah ee ka tirsan labada beelood, ha noqdeen qurbojoog ama gudojooge

·       In la aqoonsado dadka samo taliska ah ee ka tirsan labada beelood, loona fidiyo taageero iyo dhiirrigelin ay hawshooda ku qabsadaan

Ugu danbayntii, Soomaalidu waxay tiraahdaa dhicisku inta birta loo soo siduu bakhtiyaa. Xaalada ka taagan koonfurta galbeed ee Gobolka Sool waa xaalad deg deg ah oo ay tahay iney ka damqadaan cidkasta oo damiir bani’aadamnimo iyo mid Soomaalinimo ama Muslimnimo ay ku jirto. Waa in fadhiga laga kacaa oo la badbaadiyo dhiig kale oo sii daata.


Mahdi Warsama

Email: [email protected]



 





Click here