10/21/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Maxaa dhoohnaanta ku baday?
By Avv: Abdiwahid Abdullahi Warsame
Friday 5, 2018

1. Quraankeena Suuban waxaa ku jirto in aan la raacin Hawadaad.  Khayre iyo xasanaad Alle ha siiyee Mashaa’ikhdii Soomaliyeed si fiican bay inoogu sheegeen oo ah in Quraanka iyo  ku dayashada Rasulk oo kaliye lala magangashado nolosha Addun iyo  Akhriba. Dabcan waxa laga hadlayo waa in la raaco qawaaniinta iyo akhlaaqiyaadka ay in farayso Diinteena Suuban. Raacideedu jiho la yaqaan bay leedahay guulo iyo tisqaadna lagu gaari karo lagu gaaray hadda ka hor.

2.  Quraankeena waxaa Alle meelo badan kaga xusay in qofku  dhugmo iyo caqli u yeesho Makhluuqiisa iyo xayndaabka nololeed. Dhugmo yeelashadu waxay kuu dhawayn yaqiinta Alle, fahamna aad u yeelan rogrogida iyo socodka nolosha aad ka midka tahay.

3. Rasulka  Alle ee Mohamed  (salaam iyo naxariis korkiis ha ahaatee) waxa uu noo sheegay in Xikmadu tahay baadi qofka mu’minka ah ka luntay  ee qabsada hadaad heshaan. Fasirkayga gaabani waxuu I tusayaa in xikmadu aysan lahayn xuduud iyo dhalsho balse  tahay wax intifaacsigeedu   qoom walba u furan. Waa xigasho fiirsasho u baahan.

Diinteena suuban marka laga reebo yaqiinsiga Jiritaan Alle oo unuunka diinta ah inta badan  waxay inoo sheegaysaa sidii aan ugu intifacsan lahayn noloshan, u aburmi lahayd bulsho xiqdi iyo xasarad ka maran. Bal eeg faa’iidada ku jirta bixinta Zakada, Soonka,Naxariista,Runta oo la sheego, Zinada oo la iska dhawro, iyo dhamaan inta ay in fartay oo wanaag ah.

Hadaba Maxaa ka halaabay Ummada Muslimiinta ah oo baday hoog iyo ba’, fadhiid aan kicina ka dhigay. Waxaa filayaa  doodan u garbixinteeda in Culumo iyo Caamo ay isweydiinayaan. Arrintuna waxay noqotay “ninba timo xamar” oo afbixintii doodan koox waliba si bay u abaartay,balse waxaa la isku waafaqay in meel  Addamuhu ka hayaamay ay Muslimiintu dhex yuurudho oo ah faqri,aqoon daro,iyo degenaansho la’aan ummdadeed. Umad sidaas ah dhaqan wanaagsan in ay leeyhiin ma loo nisbayn karaa?  Maya. Dabcan Diinteena dhaqan ma ah, dad iyo qoon gaara looma soo dejin ee Shucuubta dunida bay dhextaal u tahay. Kii diida waa isaga. Marka halkan waxaa muhiin ah garashada qofka, fahamka iyo iswaafajinta Ruuxiga  (Religious spirituality) oo ka  imaaneysa qoraala diimeedka ( Religious book such as our Holy Quran and Prophet’s sayings (Axadiit).

Ruuxigu (spirituality) waa wax aan muuqaal lahayn oo qayb ka ah qofka. Xiriirna la leh dareemada hoose sida fikirka,doorasha, dabeecada iyo dareensiga. Si kastoo qofku u sheegato in uu leeyahay Ruuxi diini ah hadaysan  tisqaadka noloshiis iyo degaankiisa horey u dhigayn waxaa dhici karto Tadbiiqii iyo gudbintii in ay ka ciladeysan tahay. Alle Quraan  dhexdiisa waxa uu ku dheeraaday tilmaanta iyo sifaha wanaagsan ee  Rasulka (nkh) qof ahaan uu lahaa.Siduu u murug bixin jiray xaaladaadka maalin laha  ahaa waxay  u soo jiiday in kuwa aan rumeyn ay qiraan in uu Rasulku ahaa qof garasho sare leh oo mudan in wax badan laga qoro laga barto. Halkaas waxaa inooga cad muhiimada qofka shaqsiyadiisu in ay muhiim u tahay dhismaha bulsho. Waxyi dambe ma soo degin Rasulkii Alle ka dib, balse waxaa hogaaminta Muslimiinta qabtay Khulafa’ tayo sare leh oo quruxda diinta ku dhaqankeeda soo bandhigay. Waan hubaal in tayo sare ay lahaayeen Islaamka ka hor diintuna sii xoojisay.

Halkan ulama jeedno tilmaan bixinta “Hawadiina ha raacinina” mid qofeed balse aan ka fiirino mid bulsho. Waa run  bulsho Muslim ah in la faray raacida dariiq waxyi  loogu sheegay saldhigeeduna yahay Quraanka iyo Axaadiista. Kuwa raaca waa bulsho meel loogu soo hagaago leh kana garbixi karto bulshooyinka ay dunida la wadaagaan, habdhaqan la yaqaana leh. Mujtamacooduna ka badbaado xasarado iyo degenaansho la’aan. Dhibtuse waxay ka dhacday in kii lagu farayna aad ku dhaqmi weydo mid aad adigu degsatayna aad raaci weydo. Bal eeg dalalka raacay waxa aynu ugu yeerno  cilmaaniyeen (secularism)  ee degsaday qawaaniin kuna dhaqo garbixinta iyo miisaanka xiriirka bulshadooda  way ka horumarsan yihiin kuwa diiday ku dhaqanka Qaanuun Ilaahiya iyo mid Cilmaani ah. Arrintan sharci diidka ah (mid diimeed iyo mid cilmaani ah) waxay astaan u noqotay dalalka guuldareystay. Sharci la raaco waxay abuurtaa degenaansho (stability) iyo in qofku saadaalin karo abaalmarinta sharciga (predictability).  Shuruucda diiniga ah iyo midka lagu yeero Cilmaani haddii bulsho doorato kay rabto uguna dhaqanto sida nolosha  sharcigu yahay waxba kama halaabaan. Taa waxaa daliil u ah bulshooyin badan oo ka dheeraaday ku dhaqanka diimahoodii balse dhawray waxay dhigteen hufnaana u fuliyey in tisqaadka noloshu u socoto.  Fili mayo in Alle dhawrayo kuwa dhexyaaca noloshood wehel kaga dhigtay.  Ma qabo mashkuladeenu in ay tahay diin la’aan maxaa yeelay tilmaamo diineed waa inaga muuqdaan balse waxaynu xikmad u weynay furdaaminta mushkiladaha bulshada.

 Eegey beentu waa shay xun waxaan nala faray in laga reebtoomo. Waxaan nasiib u yeeshay in aan qayb ka noqdo hawl xeer ilaaliye oo fursad ii siisay la kulanka iyo wareysiyo dhibanayaal. Inta badan dadkii garbixintaas sharciyadeed ka qaybgalay waxay ka sineeyaan ka dhawrsiga beenta qof walibana sida ay wax u dhaceen buu sheegayaa xitaa haddi ay u daran tahay. Ruuxii taariikh beeneed lehi waxa uu lumiyaa kalsoonida dhinaca kale iyo xuquuqda marqaati furka  madaniga , waxayna noqotaa mid baabi’isa noloshiisa iyo xiriir bulsheedkiisa.  Diin kastood ku dhaqantidid haddii dhaqan beeneed nolol kuu noqdo guuldaro baa kuu danbeeyn. Odayaashii hore waxay oran jiren beenlowga “ duf ku bax”.  Runtu waxay sahashaa horumarka waxayna tilmaan saxa siisaa saadaalinta nolosha iyo in war saxi ahi bulshada dhex socodo. Waa faham sare in la garto ka run sheegida axwaasha nololeed.

Garsoorka waxaa qayb ka ah qumanaanta qalbiyada mudacayaasha si loo helo garbixin hufan oo waarta.  Xeer ilaaliyasha,Qudaada, Qareenada iyo dhamaan hawl wadeenada la shaqeeya habdhismeedka garbaxa waxaa ka muuqdo in wax qoran oo la isla ogyahay la raaco. Maraga beenlowga waa sahal in la ciladeeyo difaacno uma noqdo dhinicuu la jiro. Garsoorku ma aha oo keliya arrimaha Maxkamadaha balse  habdhismeedka siyaasadeed iyo dhaqaale baa garsoor iyo in been laga dhawro u baahan; maxaa yeelay saameyn bulsho bay iyaduba leedahay. Cadli siyaasi iyo mid dhaqaale lama hiigsan karo haddii marka hore minqiyaas miisaaneed uusan jirin. Amuurtuna waa halbeeg la’aan.
 
Guuldaradu waa dhaqan qofeed is biirsaday oo laandheere iyo hanaqaad  ka noqday guusha. Waa tilmaan la gudboon guusha, nolosheeda iyo hogaaminteedna leh colna’ la ah runta, wehel iyo wadeeyna la ah dhaca iyo baalmarka qawaaniin. Guuldaradu joogto way noqon kartaa marka ay dhaqan noqoto. Qoqobka, xinka,xasaradaha waa gar in lala derso marka qalbigu halaabo (Moral decay). Halkan marka la marayo iyo mar waliba waxaa haboon in fiirsasho iyo dhugmo loo yeesho xayndaabka nololeed sida Alle inoogu sheegay Quraanka Kariim ah. Fiirsiga dhugmada leh waa furah helid guusha iyo geed qaadka wado hagaagsan. Hadii aynaan keli ku ahayn dunidan waa wax haboon in la kale qaato dhaqamada kuu wanaagsan ee bulshada dhisi karo. Horaa loo yiri ‘ safarow waxna gado waxna garo”. Noloshu waa safar dhextaal u ah aadamaha. Gabood fal  ma aha in aad waxa kuu wanaagsan oo bulshadaad horumar u ah aad ku dhaqantid balse waa  jawrfal in duulaan iyo xasaradi kaa dhex aloosan tahay mar walba.

Fiiro gaar: Qoraalka kooban waxaa igu dhashay  anigoo akhrinayo Suurad ka mid ah Xaamiinada baa ku hakaday  lana cajabay dhumucda“ Ha raacina hawadiina iyo Ayat badan oo dhugmo yeesho Alle inagu hoga tusaaleynayo”. Allow iga dhaaf waxii garasho xumo ah. Maqaalkani ma ah wax la xirriro tafsiir diiniya balse waa in aan culeys saaro sida ay u hoog iyo ba’ u leedahay  Jaan taa rogan. Bal eego intii aynu qaran ahayn waxaynu baal mareynay waxaynu qoranay.

Avv. Abdiwahid Abdullahi
[email protected]


 
Click here