4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Oromada Miyaa Laga Barakiciyay Somaliland Mise Dalkoodii Ayaa Lagu Ceshay?

Ibrahim Hassan Gaagale
Thursday September 28, 2017

 

Dawladda Itooobiya waxay sheegtay in ilaa 3,000 (seddex kun) oo Oromo ah laga barakiciyay Somaliland dhawaan. Wasiirka Warfaafinta ee Itoobiya Mr. Lengeri Lencho ayaa arrintaas ku sheegay shir jaraa'id oo uu Addis Ababa ku qabtay 25kii Bishan September, 2017.

/news4/2017/Sept/144344/ethiopia_says_somaliland_displaced_thousands_of_oromo_people.aspx

Waxaa la yaab leh in xukuumadda Itoobiya ay sheegtay in dadkaas lagu sameeyay barakicin sharci darro ah (illegal displacement) halkii ay odhan lahayd waxaa lagu soo ceshay dalkoodii Itoobiya (repatriation). Waxaa iyaduna la yaab leh in qaar ka mid ah dadkii Oromada ahaa ee dibloogu ceshay dalkoodii Itoobiya ay sheegeen in laga soo saaray dhulkoodii. Qowmiyadaha Oromada iyo Jaarsada waxay ku soo galeen Somaliland sharcidarro waxaanay ku joogeen kuna dhaleen carruuur si sharcidarro ah. Carruurta Oromada iyo Jaarsada ee ku dhalaty Somaliland waxaa ay la midyihiin waalidkooda sharcidarada ku joogay Somaliland.

Erayga barakicin waxaa adduunku u isticmaalaa dad dalkoodii ka qaxay dagaal sokeeye awgeed oo xeryo magangelyo looga sameeyay dalalka jaarka laha dalkooda. Laakiin marka dad ajanebi ama shisheeye ah ku soo qulqulaan dal kuna soo bataan si sharci darro ah sida ka dhacday Somaliland, waxaa loo ceshaa dalkooda hooyo si nabadgelyo ah (peaceful repatriation).

Arrinta ay ku andacootay dawladda Itoobiya ee ku sheegtay in dad Oromo ah si sharcidarro ah looga barakiciyay Somaliland si dhulka Somaliland uu ka tirsanyahay dalka Itoobiya waa arrin halis ah oo leh ujeedo fog. Muddo 27 sano ah ayay Oramadu iyo Jaarsadu si xad dhaaf ah ugu soo qulqulayeen Somaliland waxayna bartilmaameed degaan ka dhigteen Hargeysa iyo Berbera halkaas oo dawladihii iskaga dambeeyay Somaliland ay ku fashilmeen inay wax ka qabtaa oo ilaaliyaan dhulka. Sheekh Adan Xaaji Maxamuud (Adan Siiro) ayaa waxbadan ka digay kana qayladhaamiyay Oromada iyo Jaarsada lagu beerayo dalka dhegse xukuumaddu uma jalaqsiin ilaa maanta uu wasiir Itoobiyaan ah u hadlo sidii Oromada laga soo barakiciyay dhulkoodi oo ay qaxooti ku yihiin dalkoodi Itoobiya ee ay u dhasheen.

Marka la derso hadalka xukuumadda Itoobiya ka soo yeedhay waxay muujinaysaa in dawladda Itoobiya ka dambeyso isla markaana dadka Oromada ah iyo Jaarsada ku dhiirigelinayso inay ku qulqulaan Somaliland si aakhirataanka si fudud loogu qabsado dalkaas gacantana loogu dhigo dekedda caalamiga ah ee Berbera taas oo Itoobiya ku taameysay boqolaal sano.

Maanta waxaa muuqata inay soo burburayso qawaaniintii caalamka (United Nations International Conventions) ee kala hagijirtay kalana celinjirtay ummadaha adduunka oo ay maanta shaqaynayso "Kii roonow reerka u hadh." Waxaan ognahay in gobol weyn oo ka tirsanaa dalka Ukareen (Crimea of Ukraine) uu dalka Ruushku xoog ku qabsaday kuna daray dalkiisa sidaasna looga hadhay. Waxaa kale oo lala socdaa in Muslimiintii Burma ee Rohinga inta laga barakiciyay dhulkoodii, guryahoodiina la gubay dabadeedna laga dhigay wax la xasuuqo iyo wax u qaxa Bangaaladhish. Adduunka Reer Galbeedku waa ka aamusay arrintaas, maanta oo ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceenna waa laga hadlaa oo qudha.

Haddaba, maxaa diidaya suurtagalnimada in dawladda Itoobiya ku dhiirigeliso Oromada iyo Jaarsada inay ku qulqulaan kuna dhalaan Somaliland dabadeedna marka ay hubsato inay aad ugu bataan dalka si qarsoodi ah u hubayso kuna amarto inay ridaan Dawladda Somaliland? Dabadeed marka dawladda iyo shacabka Somaliland dagaal la galaan qowmiyadaha Itoobiya ay markaas dawladda Itoobiya si been ah adduunka ugu sheegto in Somaliland lagu xasuuqayo dad reer Itoobiyaan ah si markaas ay marmarsiiyo uga hesho inay ku soo duusho dalka oo gacanta ugu dhigto dekedda Berbera oo ay goobaysay qarniyaal iyo dalka intiisa kaleba. Hadalkii uu ku hadlay wasiirka Warfaafinta ee Itoobiya oo yidhi waxaa Somaliland laga soo barakiciyay dad reer Itoobiyaan ah waxaa uu salka ku hayaa ujeedadaas fog ee Itoobiya. Waxaa kale oo qowmiyadda Itoobiya ay fara-baas ku haysaa magaalada Boosaaso ee Somalia oo cabsi weyn laga muujiyay sida ay ugu badatay sida Berbera.

Waxaa xukuumadda iyo shacabka Somaliland lagula talinayaa in wixii ka hadhsan qowmiyadda Itoobiya ee jooga Somaliland lagu cesho dalkooda Itoobiya si nabadgelyo ah marka laga reebo shakhsiyaad ama qoysas kooban oo u baahan in la siiyo magangelyo siyaasadeed inta xaaladdu u saamaxayso inay ku noqdaan dalkooda Itoobiya. Saaxiibtinimada ka dhaxaysaa Somaliland iyo Itoobiya waa inay ku salaysantahay deriswanaag, ganacsi iyo nabadgelyo la iska kaashado. Waa in laga feejignaadaa saaxiibtinimo sir ah oo ku salaysan shirqool iyo dhul-ballaadhsi deked raadis ah. 

Oromada iyo Jaarsada lagama barakicin Somaliland balse waxaa lagu ceshay dalkoodii hooyo kadib markii ay sharcidarro ku soo galeen Somaliland. Oromada iyo Jaarsadu uma dhalan Somaliland ee waa laba qowmiyadood oo Reer Itoobiya ah. Waxaa lama huraan ah in dalka loo sameeyo shuruuc adag oo xakamaysa dadka dalka ku soo qulqulaya ee ku soo gelaya sharcidarrada isla markaana tallaabo adag ka qaada cidda raalli ka ah ama ka kaalmaysa in dalka lagu soo galo ama lagu joogo sharcidarro. Sidaas oo qudha ayaa dhulku iyo dadku ku badbaadikaraan kuna nabadgelikaraan.

WQ: Ibrahim Hassan Gagale
Email: [email protected]






 





Click here