10/18/2017
Today from Hiiraan Online:  _
Maxaan u Taageersanahay hannaanka Faderalka

Ibarahm Aden Shire
Sunday, October 8, 2017


Madaxweynayaasha dowlad-gobleedyada Soomaaliya oo ku sugan magaalada Kismayo - Oktoobar 8, 2017 - Sawirka HOL


Ilaa iyo intii lagu heshiiyay in dalkeenu yeesho dowlad faderal ah waxaa soo badanayay dadka ka soo horjeedo nidaamkaas. Tiro xoog leh oo ka mid ah qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa u arko in faderalku yahay god dheer oo soomaaliya loo qoday inay dib ooga soo baxdana ay adag tahay. Laakiin anigu waxaan qabaa sidaas si ka duwan waxayna iila muuqataa in hannaanka faderalku yahay wadada ugu sahlan ee aan ku heli karno nadabad waarto iyo nolol fiican.

Waxaan laga yaabaa in qaar badan oo asxaabta i taqaan ka mid ah iyo kuwa akhristo qoraalada aan soo dhigo shabakadaha oo qaarkood farriimo ammaan iyo bogaadin ah isoo diraan, ay qormadaan siiso aragti ka duwan middi ay horey iiga qabeen. Sidaa darteed waxaan dhiiri galinayaa fakar kala duwanaanshaha aan colaadda ku dhisnayn waxaana soo dhawaynayaa wixii tusaalayn iyo toosin ah ee mowduucaan la xariiro.

Mayeelan karnaa Dowlad dhexe (Central government)

Mustaxiil maahan inaan yeelan karno dowlad dhexe oo xoog badan laakiin taariikhda nasoo martay iyo hab-nololeedka soomaalida waxay na barayaan inay adagtahay inaan yeelano dowlad dhexe oo dalkoo dhan maamusho. Inta la diiwaan galiyay, Imaam Axmed Gurey ayuu ahaa ninkii ugu horeeyay ee isku dayay inuu mideeyo Soomaalida si ay u wajahaan cadowgooda. Sida ku cad buugga Futuuxul-Xabasha Soomaalidu si adag ayay ooga horyimaadeen Imaamka qorshihiisi.

Sababka ugu muhiimsanaa ee ay u diideen inay u hoggaansamaan qorshaha imaamka waxaa uu ahaa in soomaalida laga rebay inay sakada ku shubaan qasnadda dhexe ee dowladda. Shirar is daba joog ah oo ay galeen odayaashi Soomaalida iyo culimo ku fakar ahaa waxaa lagu guntay in inti xoolahooda qof kale ku maamuli lahaa Imaamka la cayriyo.

Arintaas ilaa maanta oo waqtigaas laga joogo 600 oo sano ka badan kama aanan gudbin. Waraysi uu siiyay BBC-da wasiirki hore ee maaliyada Soomaaliland sanadi 2009-ki ayaa la waydiiyay sababta ay dadka caadiga ah canshuurta ooga qaadi la'yihiin waxaa uuna ku jawaabay "nabadda aynu haysano ayaan waayaynaa haddii aan canshuur qaadid bilowno". Waxaa xusid mudan in Soomaalidu deeqsiyaal yihiin, xoolo badan dhiibaan kuwooda tabarta yarna taageeraan balse sababta ay u diidayaan inay canshuurta bixiyaan ayaa ah inaysan ogolayn in loo yeeriyo waxa ay bixinayaan iyo cidda ay siinayaan taasoo caqabad weyn ku ah dowlad dhexe oo shaqayso.

Hasa ahaatee, waxaan qabaa in nidaamka faderalku uu yaraynayo dhibka maaliyadeed ee dalka ka haysto canshuur aruurinta waayo maamuladu waxay matalaan qabaaillo, qabiil walbana inuusan kan kala dhaafin iyo in gobalkooda lagu maal galinayo ayay u bixin canshuur iyo waliba mid lagu daray. Waxaa laga yaabaa inaad tiraahdo soo taa Soomaalind-ba qaadi wayday. Waxaan qabaa sababta ku adkaysay Soomaalind inay tahay dadkeeda oo aaminsan inay gobal ahayne dowlad madax-bannaan tahay. Sidaa darteed aysan rabin lacag ay siiyeen dowlad dhexe in lagu taageero gobal kale oo kan bixiyay aan ahayn.

Imaamka waxaa soo xigay Sayyid Maxamed isaguna kuma uusan guulaysan inuu mideeyo soomaalida inkastoo uu ku hamminayay in ilaa Nayroobi calan soomaaliyeed oo mid ah uu ka babbado. Marki uu xaqiiqsaday in riyadiisi aduunka aysan run noqon waa isagii lahaa "Hadaan waayay calan leey nashiro tan iyo Nairobi, Miyaan waayay maamuus janniyo daalac iyo naasil. waxaa si weyn loo rumaysanyahay in sababti Sayyidka looga horyimid ay ugu muhiimsanayd in qabaaillada qaar u arkayeen nin xukun doon ah oo rabo inuu iyaga dhulkooda ku xukumo. Ilaa maanta waxaan maqalnaa dad leh wuxuu rabay inuu boqortooyo kuwa carabta oo kala ah ka samaysto dhulka soomaaliyeed

Waxaa sadaxeeyay dowladdi noo dhalatay lixdanki iyo kacaanki oo daba joogay. Inkastoo si dag-dag aan ku yeelanay dowlad xoog badan oo hanatay dalka oo dhan horumar badanna ka sameeyay qaybaha kala duwan ee nolosha hadana si fudud ayay ku duntay. Sababta ugu weyn ee dowladdi militiriga iyo tii ka horraysayba loo hiifay waxay ahayd caddaalad darro iyo sad-bursi.

Hasa ahaatee aduunka ma jirto meel dadku si siman u noolyahay. wadan walba waxaa uu leeyahay gobollo eber ah oo aad ooga hooseeye kuwa kale. Tusaale, Ingriiska oo ah wadanka  shanaad ee dunida ugu qanisan, dadka intiisa badanna aaminsanyihiin inuu yahay wadan meel saaray nolosha dadkiisa waxaa ku yaallo daageenno aan koronto caadi ah lahayn. Sidoo kale, gobollada waqooyi way ka nolol iyo waxbarasho hooseeyaan kuwa koonfureed sidaa darteed dadkoodu waa ka cimri gaabanyihiin kuwa koonfureed.

Saas oo ay tahay dagaal ma qaadaan, jamhado dowladda ridana ma abaabulaan ee sidooda ayay ku qanacsanyihiin. Dadkeenu taasi ma aqbali karo. Inti reer hebel dhargi lahaayeen anna aan gaajaysnaan lahaa aan wada bakhtinno ayaan aaminsanahay. Waayadi guumaysiga tooska ah ee xabashida aynu ku jirnay (2006-2009) ayaa axsaab aan kaftan wadaag ahayn waxay taageeri jireen ciidamadi soo duulay iyagoo qiil ka dhiganayo reer hebel ayaa na qabsaday oo aan isaga kicinaynaa. Markaas ayaan ku dhihi jiray kolba haddii aad guumaysi diyaar u tihiin maxaad u diidaysann kan walaalkiin. waxay ku jawaabi jireen intii aan reer hebel hoos joogi lahayn xabashidu hana wada guumaysato.

Hadaba intii aan ku jiri lahayn jahawareerka kasoo burqanayo xaasidnimada iyo is-boqno goyanta waxaa la qaataa in qoloba meesheeda daganaato dhib iyo dheef waxay ku qabtana iyadu isku eeddo laakiin aan maslaxada guud wada ilaashanno.

Adduunka oo dhan ayaa ku noqonayo sidii hore

Adduunku waagi hore kama jirin dowlad dhexe ee waxaa uu ahaa gobollo iyo dagmooyin daris ah oo dan wadaag ah. Qaabka hadda wadamada aduunku u dhisanyihiin kama wayno 200 sano inta badan adduunkana 100 sano ka yar ayay dowlad dhexe leeyihiin. Hadda waxaa adduunka oo dhan ka socdo kacdoon ah la yiraahdo "maamul hoosaad". Maammul hoosaadku waa in gobal walba u madax bannaanaado danahiisi gaarka ah iyo horumarinta dadkiisa. Kiinya oo daris nala ah 2010-ki ayay qaadatay, dowladaha reer Galbeedkuna aad ayuu ugu faafayaa. Tusaale dalka Ingiriiska gobal iska daaye dagmo dagmo la maamul ah ma jirto mid walba iyadaa dagsato qorshaheeda horumarineed.

Hadaba sidee ayay inoogu suura galaysaa inaan hor istaagno dabayshan xoogga badan ee aduunka oo dhan ka socoto innagoo awalba dhaqankeennu aqbalayn midow?

Horumarka aan horay loo arag

Shan iyo labaatan waddan oo kaliya ayaa aduunka federal ah, laakiin waxaa ku nool waddamadaas 40% dadka caalamka oo dhan. waddamada ugu qanisan adduunka iyo qaar ka mid ah kuwa ugu dadka badan waxay isticmaalaan nidaamka federalka waana ku caano maaleen. Tusaale usoo qaado Maraykanka, jarmalka, Koonfur Afika iyo Hindiya

Haddi aynu ka shaqayno si toosanna aan u qaadanno faderalka, dalkeennu wuxuu noqon dalka ugu horumarsan geeska Afrika ama Afrika oo dhan. Waxaan yeelan doonnaa todobo caasimadood oo aan kala dhicin, mid walbana iskeed isu hormariso. Caasimadahaas waaweyn waxay ka qaybqaadan isu dheeli tirka dadka ku nool waddanka oo had iyo jeer Xamar isugu tago. isu dheeli tirnaanta shacabku waxay horseedi kobac dhaqaale oo lagu nasto sidaa darteed waxaa yaraan colaadaha ka dhasho baahida iyo adeeg la'aanta.

Cawaaqib-xumo ka imaan kartaa sida midda Itoobiya ku dhacday?

Waxaan aaminsanahay in Itoobiya ay ka dhacday haadaan marki ay qaadatay nidaamka faderalka ee qaabka qaldan loo qeexay. Laakiin sidoo kale waxaan u arkaa in farqi weyn uu noo dhaxeeyo innaga iyo Itoobiya. Itoobiya maahan dal dal ahaan u jiri karo waayo malahan hal shay oo dakiisa mideeyo. Waxaa ku wada nool ummad dhaqan, diin iyo dhalashaba ku kala duwan cadaawad fokaatayna isu qabo. Intaas waxaa dheer, qaabki loo dhigay federalka Itoobiya ayaaba markii hore ahaa yaan la isu imaan. Tusaale, waxaan dhammaan dadka lagu qasbay inay goostaan kaarar aqoonsi ah oo aan lagu salayn gobal ee hayb lagu saleeyay. Qofka Oromada ah ee kafac kafac ku noolaa Nagayle, kaarkiisa waxaa loogu qoray inuusan u dhalan gobalkaas ee uu dhashay Oromiya.

Sidoo kale, waxaa lagu soo rogay af-qoomiyadeed qolo walbana waxaa lagu yiri afkiinna wax ku bartana, ku shaqaysta iskuna maamula sidaa darteed qofka Oromada ah ee aan ku hadal afka Tigreega kama uu shaqayn karo dhulka Tigreega. Arintaan waxay keentay in la waayo wax mideeyo dadka ku nool dalkaas. Qolo walbana waxay ku taamaysaa inay midda kale ka go'do ama ay guumaysato. Intaas waxaad ku darsataa in Itoobiya waligeed guumaysi dhexdeeda ah ay ku jirtay. Sadexda kun ee sano ee ay sheegtaan inay xadaarad lahaayeen waxaa dalkaas ka talin jiray labo qabiil oo kaliya (Tigree iyo Amxaaro) inta kalana guumaysi arxan darro ah ayay ku jireen; sidaa owgeed inta badan dadka Itoobiya ku nool waa xornimo doon.

Innagu taasi waan ka duwanahay. kow, waxaa na mideeyo af, dhaqan, diin iyo jinsiyad intaba. Ma jiri karaan waxaan aan ku kala tagno oo aan qabyaalad ka ahayn.  Sidoo kale ma jiri doonaan kaarar aqoonsi oo lagu salayn doono yaa tahay,inkastoo marar Puntland ka shanqarisay war noocaas ah. Taariikhda Soomaaliya lama hayo qolo dagaal ku adkaatay oo mid kale guumaysatay, waxbo sheegashada iyo cantara-baqashka fadhi ku dirirka ha dhagaysan.

Hasa ahaatee meesha lagama saari karo in doontu nala rogmato oo wadada Itoobiya aan qaadno. Balse waxaan haysannaa fursad dahabi ah oo waxaan maanta aragna waxa dalkaas ku dhacay waxaanna fahamsanahay meelaha wax ka qalloocdeen sidaa awgeed waxaan sixi karnaa meel walba oo hadhow dhib ka imaan karo.

Gunaanad

Dalkeenu wuxuu hadda kasoo baxayaa mushkilado daba dheeraaday, burbur dhaqaale, dowlad la'aan sababtay qax iyo gaajo sidaa darteed kama soo kaban karno dib u dhac kale. way fiicnaan lahayd inaan yeelanno dowlad mid ah, hal meel laga xukumo, si siman dadka ugu adeegto oo aan wada hoos harsanno. Laakiin ma maquuto inaan taasi heli karno, horayna uma dhicin. Gabar caqli badnayd oo lala soo baxay ka dibna la waayay wadaad mehriyo ayaa laga sheegay inay tiri "haddi sheekh la waayay ma loo nin la'aan" marka haddii aan waynay sidaan rabnay xalku wuxuu haboonyahay inaan hagaagsanno middaan la hurayn ee nolol noo horseedi karto.

Hadda waxa dalkeena ka jiro maahan faderal ee waa is barbar yaac laakiin waxaa la hayaa jidki looga gudbi lahaa caqabadaha jiro. Waxaan u baahanay waqti aan ku fahanno siduu u shaqeeyo nidaamkla faderalka, marki aan barano ka dibna waxaa cagta la saarayaa waddo toosan oo doog iyo cagaar noo horseedo. Si aan taasi ku gaarno waxaa nala gudboon inaan ka shaqayno hagaajinta waxa aan haysano inti aan ku taami lahayn wax aanan haysan helitaankooduna aad u adag yahay


Ibarahm Aden Shire
[email protected]
https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/


 


Post your comments