12/15/2017
Today from Hiiraan Online:  _
Maxaa ka baran karnaa argagaxisadii ka dhacdey Norwey?

Ubax Cabdulahi Aden
Tuesday, July 25, 2017

Lix sano ayay ka soo wareegatey markii nin 32 jir ahaa oo la oran jirey Anders Behring Breivik, uu ku kacay labo weerar oo argagaxiso, dad badana ku le`deen. Weeraradaa ayaa noqdey khatartii ugu weyneyd ee dalkan Norway soo gaadha ka dib dagaalkii labaad ee aduunka.

Dilaagaa ayaa aaminsanaa fikrada dadka xagjirka ee Garabka Midig. Waxuu aaminsanaa in ay waajibkii tahey difaaca dalkiisa iyo dalalka reerka Galbeed. Isagoo ka difaacaya dhaqanka Marxism, muslimiinta iyo soo galootiga oo halis ku ah dalka iyo dadkaba.  

Maalin jimce ah 22.07.2011 ayay aheyd markii uu ku dhaqaaqey weeraradaa. Mudo labo saac ka yar ku diley 77 qof, in badana dhaawacay. Dadkii uu diley ayaa isugu jirey shaqaale dowladeed, dad riyad ah iyo dhalinyaro siyaasiyiin ah oo ka tirsanayd xisbiga Shaqaalaha.

 

Si aan loo hilmaamin dhacdadaa taariikhda madow noqotey, ayaa sanad walba la xusaa maalintaa 22.07. iyadoo ulajeedu tahay is xasuusin sababta sababtey dhibkaa iyo waxa laga baran karo. Madaxda dalka, mas`uuliyiinta, xisbiyada, warbaahinta iyo shacabka si isku si ayaa looga soo wada jeesta xalinta dhibka iyo xusida maalintaa. Waxaa la diidey in xisbiyada, xataa kan cunsuriga lagu eedeeyo dhibka  ama loogu naxariisto xisbiga siyaasiyiintiisu ku dhinteen. Siday dalkan iyo dadkan u xalliyeen dhibkaa, waxuu noqdey ficil adduun weynuhu uga deydo, oo ay sharaf weyn ku muteen. Waxaa dib loo dhisay meelihii uu dhibku ka dhacay. Waxaa la sameeyay taalo (monument) ku qoran magacyadii dadkii la diley. Magacyadaa oo xabad xabad la akhriyo maalinta xusida.   

Dhibkaa markuu dhacey waxaa la dhisay guddi baaritaan ku sameeya siday wax u dhaceen iyo sida wax loo xaliyay. Waxaa kaloo la sameeyay guddi kale oo hubiya guddigaa hawshiisa. Isbedelo badan oo la soo jeediyay qaarkood waa la hirgeliyay, qaarkoodna dood baa weli socota.

Haddaba maxaan ka baran karaa dhibkaa?

Dhib markii la qirto ayaa xalkii la heli karaa. Dadka Soomaalida waa in qirsan yihiin dhibka dhacey, isuna qirsan yihiin dhibkey is gaarsiiyeen. Oo na kala diley, na kala gooyay, na kala fageeyay, sumcadeenii Soomaalinimo hal mar baabi`iyay. Hadana waa dullinimo in dhibkaa aan isku maamulno, oo quluub shacab in lagu hanto la doonayo. Maxaa naga qaldan? http://www.ubahaden.com/deris-wanaagii-iyo-dabkii-la-shidey-dagaalkii-sokeeye-ee-soomaaliya/

Baaritaano iyo tirokoob laguma sameyn inta qof ee dagaalada nooga dhimatey. Halyey-yaashii naftooda ku waayay badbaadin naf kale, miyeysan mudneyn in taarikhdu xusto? Dembiilayaashii dhibka geystey, miyeysan xaq u laheyn in xaqood la marsiiyo? Shacabkase ma ka maarmaa in ay aqoontaa lunto?

Dowladani waxey dooneysaa kalsooni shacab. Waxey qirsan yihiin shacabka la`aantii, in aysan guul weyn gaari karin. Waana sax. Laakiin shacabka boog baan bogsoon. Xaq daro ayay dareemayaan. Xaq daro ayaa lagula kacey. Dadka ay dhibka ka tirsanayeen, ayaa qaarkood yihiin mas`uuliyiinta dalka. Hadaba sidee kalsooni dowladnimo ku iman kartaa?

Waqti xanuun ma bogseeyo, laakiin waa yareeyaa. Dhibkii iyo xumaantii dhacdey lama hilmaamin. Balse damaca horumar ee bulshadu hiigsaneyso, ayaa ka weyn xanuunkaa. Taa macnaheedu ma aha, in aynu hilmaano waxii dhacey. Maya. Rajada iyo hamiga ay shacabka Soomaaliyeed maantey u qabaan isbedel wanaaga bilowdey, ayay mas`uuliyiinta jaanis siineysaa hadey aqoon u leeyihiin soo celinta kalsoonida iyo sharaftii muwaadanimo.   

Somaliya waa dal Barlamentarism ah. Barlamankaa go`aamiya dawlada dalka hogaamin doonta. Xubnaha Barlamanka waa xildhibaano. Waa shakhsiyaad shacabku soo doorteen, matalayana indhaha, codka iyo xoogga bulshada. Waa adeegayaashii iyo wakiilka shacabka Soomaaliyeed. Waa kuwii isku xiri lahaa, una dhaxeyn lahaa dawlada iyo shacabka. Sidaa darteed waa muhiim in ay xildhibaanadu yaqaaniin mas`uuliyadooda. Kuwa aan berri la xisaabtami doonaa waa iyaga, ma aha dowlada.

Dawladan waxey ku doorasho tagtey in ay sameyn doonto dib u heshiisiin. Howshaa hirgelinteed waxey bilaabeen iyagoon 6. bilood gaarin. Waana ku mudan yihiin in lagu amaano dadaalka. Laakiin sidaan ogsoon nahney dowlad waxaa u qiimo weyn in aan lagu eedeyn balan xumo. Waxey xooga saaraan in howl la qabto, oo liiska laga tirtiro, balse side wax loo qabtey qiimo saa weyn uma laha. Hadaba xildhibaanada ayaa laga doonayaa in ay la socdaan dowlada, ogyihiin sida wax loo qabanayo, iyo faa`iidadey u leedahey shacabka.

Waa lagama maarmaan in la helo dib u heshiisiin waarta. Howshaana waa in noqotaa howl socota, shacabkuna rabitaan iyo garasho u leeyihiin.

Waxaan u arkaa qalad dib u heshiisiin qaran oo noqoto mashaariic dad gooni ah wataan. Waxaan kaloo qalad u arkaa in howshan dib u heshiisiinta iyo is cafinta ay noqoto howl ay dowladu maamusho. Dowladu waa in noqotaa (facilitator) fududeeyaha hawshaa.  

Waxaan talo ku soo jeedin- hadeysan jirina la sameeyo, hadey jirtana la howl geliyo guddi Barlaman, oo u qaabilsan kana mas`uul u ah hawsha dib u heshiisiinta iyo is cafinta. Xubnaha gudigaa waa in noqdaan dad matali kara shacabka oo dhan, qabiil ahaan. Guddigaa waxey sameysan karaan guddiyo sida mid hawl fuliya, iyo mid tixraac. Dadka gudiyaa loo dooran doono waa in noqdaan dad matali kara shacabka, sida aqoonta, diinta, da`da, jinsiyada, naafada iwm.   

Waa in dib u heshiisiintu hoos laga soo bilaabaa sida xaafadaha, degmooyinka, goboladada iwm. Waa in la helaa aqoonyahano fulinka kara howshan. Si howshu u kala fududaato, waa in tababar la siiyaa dad badan oo dib u heshesiin ka sameyn kara degaamadooda. Waa in dadkaa oo meelo kala gedisan howsha ka wadi doono, ay noqdaan dad isku xiran si aqoonta loo kala weydaarsado.

Markii la bilaabo howshan oo meelo kala gedisan laga bilaabo, ayaa la arkaa waxa ay baahidu tahey iyo inta le`ek tahey. Barlamanka waxuu ku amri karaa in dakhliga howshan sanadka dambe loo kordhiyo. Dowladu waxey hirgelin karta keenida hadii loo baahdo khubaro aqoon qaas ah u leh howshan. Howshaa dib u heshiisiin waxey keeni kartaa in taariikh luntey dib loo helo. In sumcadii Somaliya soo noolaato. Jiilka dambana cashar u noqota.


Ubax Cabdulahi Aden
www.ubahaden.com

 


Post your comments