4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
60 Guurada BBC Soomaali

C/rixmaan Maxamed
Tuesday July 18, 2017 

Idaacadda BBC qeybteeda soomaaliga ayaa u dabbaaldegeysa 60 guuradii ka soo wareegtay markii la aasaasay. Waxay ahayd 18kii Julaay 1957 markii ugu horeysay ee laga sii daayo idaacadda BBC-da war af soomaali ku baxa, wuxuuna ahaa ninkii ugu horreeyey ee ka hadla Xaaji Cabdi Ducaale (AUN). “Halkani waa BBC oo idin kala hadleysa laba mawjadood oo gaaban 11ka iyo 13ka” ayuu ahaa hadalkii ugu horreeyey ee Xaaji Cabdi Ducaale.

Soomaalida ayaa tan iyo markaa aad ugu xirneyd oo ay BBC-du ahayd midda ay ugu dhageysi badan yihiin. Waxay ku soo gaari jirtay mawjadaha dhexe ‘SW’ oo aysan fududeyn in meelaha qaar si wanaagsan loo maqlo, inkastoo sannadihii ugu dambeeyey laga dhageysan karo mawjadaha ‘FM’ iyo internetkaba.

Dhowr sabab ayaa keenay in lixdankaa sano soomaalidu aad ugu xirnaato, waxaana sida iyadoo marar badan loo arkayey mid dhexdhexaad ka ah idaacadihii degaanada soomaalida ka jiray oo dadka qaar ku tuhunsanaayeen ama in ay maamul halkaa ka jira u shaqeyaan oo wararka qaar aysan sii deyn qaar kalena si kale u dhigaan, amaba xilliyada qaar ay idaacaduhu noqdeen kuwa ilaa iyo xad ka madaxbannaan maamul, hase yeeshee lagu weeciyo dano kale oo gudaha ah, sida qabiil, koox gooni ah, ganacsi iwm oo markaa wararka ka imanaya idaacadahaa maxalliga ah aan lagu kalsooneyn.

Dadka qaar ayaa iyagu qaba in BBC-du aysan dhexdhexaad ahayn balse maadaama laga leeyahay dal ka mid ah ugu saameynta badan adduunka hanti badanna lagu bixiyo xogaha laga helayo ay noqon karaan kuwa wax laga qaadan karo ama tayadoodu sareyso.

Enzo Biaggi oo ahaa weriye rug caddaa ah oo u dhashay talyaani ayaa mar la weydiiyey in ay jiri karto warbaahin dhexdhexaad ah, wuxuu ku jawaabay “Maya” isagoo ku fasiray “...warku wuxuu ku xiran yahay aragtida ruuxa soo saarayo”. Waxaa taa sii dheer oo ay tahay in la ogaado in warbaahinta dunida ka jirta oo dhan ay cidi uun leedahay kana shaqeyso danaha ciddaa leh, BBC-duna aysan taa asan ka baxsaneyn.

Boqortooyada Ingiriiska oo ahayd dalkii ugu mustacmaradda badnaa oo doonayey in mustacmaradihiisu helaan warka uu isagu doonayo ayaa lixdan sano ka hor ku daray afka soomaaliga afafka kale ee faraha badan ee laga sii daayo Bush House oo hadda idaacaddu u guurtay daarta kale ee lagu magacaabo Broadcasting House. Muddadaa dheer afaf badan ayaa laga saaray BBCda soomaaliga oo dadka ku hadlaa lagu qiyaaso tira ku dhow 20 milyanse weli wuu ku jiraa, dhowr meel oo leyka weydiinayo sababtuna waan u soo taagnaa.

Waxaan ku noolnahay duni wararka la baahiyaa ay noqdeen awoodda ugu weyn ee hadda jirta oo wax lagu dumin karo, wax lagu beddeli karo, waxna lagu dhisi karo. Hadba waa sidaad uga faa’ideysataa.  

Ugu dambeyntii weriyaashii ka soo shaqeeyey idaacadda BBC muddadaa dheer oo aad u badnaa haddaan in yar ka xuso waxaa ka mid ahaa Xaaji Cabdi Ducaale, Mustafa Xaaji Nuur, Suleymaan Daahir Afqarshe, Maxamed Rashiid Sheekh Xasan, Cismaan Sugulle, , Axmed Ismaaci Samatar, Cabdirisaaq Maxamuud Siraad, Yoonis Cali Nuur iyo qaar kaloo badan. Halkan hoose ka dheeho sawirrada qaar ka mid ah shaqaalaha BBC.   






 





Click here