9/26/2017
Today from Hiiraan Online:  _
Tababbar ku saabsan u adeegsiga naxwaha af Soomaaliga wararka iyo faallooyinka

By Liibaan Axmad
Tuesday July 11, 2017



Ujeeddooyinka Tababbarka

Marka tababbarkani dhammaado waa:

  • Inuu wariyuhu sixi karo gefefka naxweed oo ku jiri kara war ama faallo
  • Inuu wariyuhu yaqaan kala duwanaanta u dhexeysa af tiraabley iyo af qoraal
  • Inuu garan karo ugu yaraan laba hab oo uu adeegsan karo marka uu jawaab u raadinayo su’aal ku saabsan tafaftirista ama sixidda
  • Inuu garan karo kala duwanaanta u dhexeysa sixidda iyo tafaftiridda wararka


Qeybaha hadalka ee naxwaha af Soomaaliga

1- Magac ( Rooble, geed, nin, dad, wanaag)
2- Magac u yaal ( isaga, aniga, adiga, annaga, iyaga, aan, aad, uu, ay, aannu, aydin
la, i ku, na, idin)

3- Fal (cun, keen, tag, fiicnow, samayso, ool, odho, aqow)
4- Falkaab ( si fiican, si hawlkarnimo leh, si degdeg ah)
5- Sifo ( wanaagsan, kulul, geesi, deeqsi, qabow, daallan)
6- Meeleeye ( ku, ka, la, u oo dhammaantood ka horreeya magac ama sifo)
7- Xiriiriye ( iyo, ama, haddii, inkastoo, waayo
8- Diirad ( baa, ayaa, baan, ayaan, baad, baydin, buu iyo kuwo kale)
9- Weedh-sooce ( waa, ma, waan, maan, waad, maad, way, may iwm )

10- Tafaftire ( kan – ninkan, tan, beertan)
10- La yaab ( Alla! Iska jir! Hayeey!)

Kaalinta naxwuhu ku leeyahay qorista wararka iyo faallooyinka

  • Naxwe , sida uu qore ku dooday, waa fanka dhigista ereyga meesha ku habboon
  • Naxwaha oo si sax ah loo adeegsado wuxuu fududeeya in warka la qoray ama la aqrinayo loo fahmo sida loogu talagalay. Tusaale: cinwaanka soo socda wuxuu la socday war lagu soo qoray websaytka Laanta Af Soomaaliga ee BBC : Geeska Africa oo Abaartii ku soo badanaysa. Qoraha cinwaanka wuxuu isweydaariyay falaha leh falka soo bado iyo meesha dhibtu saamaysay. Sidoo kale falka waxaa loo rogrogay si aan sax ahayn. Cinwaanka oo sax ah: Abaartii oo ku soo badanaysa Geeska Afrika ama Geeska Afrika oo ay abaartii ku soo badanayso .
  • Naxwuhu wuxuu qoraha ka caawin karaa inuu adeegsado ereyo aan ka badnayn ereyada loo baahan yahay marka uu war qorayo.

Sida wariyuhu u adeegsan karo naxwaha af Soomaaliga

  • (1)Magaca: Had iyo jeer xusuuso in magacyada dadka, dalalka iyo baduhu ku billowdaan xaraf weyn tusaale: Xasan, Masar, Badda Cas.
  • Xarfaha labalaabma
  • Fiiro gaar ah u yeello ereyada leh xarfo labalaabma sida: cudurro, ciidammo, ballammo, hoggaan, xabbado, carruur. Xarfaha labalaabma ee af Soomaaliga waa toddoba: m n l g r d b. Sida muuqata dhammaantood waa shibbaneyaal. Waxaa ku xusuusin karta weedha: Ma nala garaad baa?
  • Gefefka ku saabsan xarfaha labalaamba waxay inta badan dhacaan marka qoruhu uusan mar labaad ama mar seddexaad aqrinin waxa uu qoray. Cinwaanka faalladan waa sax inkastoo calaamadda la yaabka ihi gudbineyso farriin ka duwan ereyada: FAALLO: Way Dhaqaaqday dawladdu ! Wararka iyo faallooyinka dhab ka hadalka ihi uma baahna calaamad la yaab (!).             

Tallaabooyin aad qaadi kartid si aad u hubisid xaraf inuu labalaabmo iyo in kale:

Ereyga ka eeg qaamuus ama weydii qof kuu dhow haddii aadan hubin higgaadda saxa ah ee ereyga.

Kor u aqri eregya. Tusaale: haddii aad qortid ku beegan tahay; isweydii in xarafku (g) culus yahay sida marka aad ku dhawaaqaysid ereyga gaashaandhigga. Xusuuso qodobbada af Soomaaliga sida ka ( ninka) iyo ta (gabarta). Marka aad isticmaashid summad yeele waa ninku, gabartu.

(2) Magac u yaalka: Inta badan magac u yaallada madaxa banaan waxay leeyihiin summad yeele ( calaamad muujinaysa qofka falka sameeyay sida anigu, adigu, iyagu, idinku) marka falaha aan la diiradaynin ( diiradda la saarin). Marka falka diiradda la saaro uma baahna summad yeele tusaale: Askariga ayaa xiray tuuggii shalay. Haddii aadan diiradaynin falaha weedhu waxay u qormaysaa sidan: Askarigu wuu xiray tuuggii shalayto.

Magac u yaalka qoflaawe waa la: tusaale: gaarigii waa la xaday shalay.
   
(3) Falka: Wariyeyaashu way garanayaan sida loo rogrogo falalka af Soomaaliga. Rogrogga falalku wuxuu ku saabsan yahay amminta ( waqtiga) tusaale: cabaa, cabay, cabayaa, cabayay, cabi doonaa/jiray. Fiiro gaar ah u yeelo sida loo higgaadiyo falalka lammaan sida xoolo-beel ( dadka ku xoolo-beelay abaarta ); u dhuun-daloola ( Dadka u dhuun-daloola siyaasadda dhaqaalaha) .

(4) Falkaabka: Adeegsiga falkaabku muu aha mid ku adag wariyayaasha.

Sifada: Sifadu, sidoo kale, may ku adka wariyayaasha. Fiiro gaar ah u yeelo sifooyinka siyaabo kala duwan loo higgaadiyo sida gaf/gef; wayn/weyn. Haddii aad qortid wayn, waa inaadan qorin weyn mar kale.

(5) Meeleeyaha: Meeleeyuhu wuxuu ka mid yahay qaybaha hadalka Soomaalida oo ay wariyeyaashu si sax ah u adeegsan karaan. Meeleeye wuxuu ka horreeyaa fal tusaale: Muqdisho waxay Jowhar u jirtaa 90 KM ama sifo Geeddi wuxuu ku fiican yahay xisaabta ).

(6) Xiriiriyaha: Xiriiriyuhu wuxuu ka mid yahay qaybaha hadalka af Soomaaliga oo ay wariyeyaashu si sax ah u adeegsadaan.

(7) Diiradda: Diiraddu, gaar ahaan, marka ay ku xigto falaha( qofka falka leh), waxay abuuri kartaa gef naxweed aan macnaha saamaynin. Tusaale: madaxweynaha ayaa wuxuu booqanayaa xerada barakacayaasha. Faluhu waa madaxweynaha, diiraddu waa ayaa. Marka diiradda la saaro falka waxa soo baxa hab kooban Tusaale: Madaxweynaha ayaa booqanaya xerada barakacayaasha. Ha isticmaalin diiradda ( ayaa ama baa ) haddii aadan qoraynin hab kooban.
   
(8) Weedh- Sooce: Ereyada waa iyo ma marka loo adeegsado falaha waa af tiraabley. Tusaale: Agaasimaha waa yimid. Six sax ah mar loo qoro waa: Agaasimuhu wuu yimid. “Ma tagtay suuqa shalay?” Waa af tiraabley oo marka la qoro aan caddayn. Waa laba midkood: “Miyaad suuqa tagtay shalay?” ama “Miyay suuqa tagtay shalay?” Fiiro gaar ah u yeelo summadda yeelaha. Tusaale: Ciidammadu waxay u heellan yihiin dhowrista nabadgelyada.

(9) La yaabka. La yaabka looma isticmaalo wararka. Waxaa la isticmaala marka ammar la bixinayo tusaale: “ Suuqa tag hadda!” ama marka qof lagu baraarujinayo halis tusaale: “Iska jir!” ama marka qoruhu sheegayo wax uu la yaabay tusaale:“Ka dar oo dibi dhal!”

Kala duwanaanta u dhexeysa af qoraal iyo af tiraabley waa: Marka aad af tiraabley istimaalaysid, kuma qasbanid inaad xeerarka naxwaha af Soomaaliga adeegsato. Af tiraabley marka la qoro wuxuu keeni karaa macne aan caddayn oo laba qof oo wada hadlaya ay fahmi karaan oo keliya.

Astaamaynta: Astaamayntu waxay kaalin ka qaadataa in aqristuhu fahmo qoraalka. Hakad (,), joogsi (.), calaamad su’aal (?), calaamad la yaab (!) carrabbo/ summad xigasho ( “ “), hakad yare (;) summad filasho (:) iyo jiitin (–) waxay ka mid yihiin astaamaynta.


Sixidda iyo tafaftiridda: Sixiddu waxay ku kooban tahay hubinta in ereyada si sax ah loo higgaadiyay. Tafaftirridu waxay ku saabsan tahay hubinta macnaha warku gudbinayo, xogta warku sido, faahfaahinnada waxtarka leh sida magaca qofka, meesha warku ku saabsan yahay. Ugu yaraan aqri seddex jeer warka aad qortay. Marka kowaad hubi in higgaadda ereyadu tahay sax ; marka labaad hubi in macnaha iyo xogta warku yihiin sax.

Shaqo fasal

  • Booqo ugu yaraan afar websayt oo af Soomaaliga ku qoran oo soo xulo ugu yaraan seddex war, sax gefefka higgaadeed ama naxweed ku jiri kara wararka aad soo xulatay.
  • Booqo websaytyada af Soomaaliga ku qoran oo dooro ugu yaraan shan cinwaan oo gef naxweed ama higgaadeed uu ku jiro.

Falcelis

• Adigoo mahadsan si kooban u qiimee tababbarkan oo sheeg waxa aad ka faa’iidday iyo haddii uu jiro waxa lagu kordhin karo; sida waxa aad baratay aad ugu isticmaali kartid qorista ama sixidda wararka iyo faallooyinka.



 


Post your comments