4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Baaq - Samata-bixinta Puntland

Saturday August 19, 2017
Abdirizak A. Jama


Halkaan waxaan Isimada, indheer-garadka, gancastada, culumaa’udiinka, iyo ururad bulshad reer Puntland ugu soo gudinyaa baaqan aan u magac darey SAMATA-BIXIN Puntland. 

Oraah Soomaliyeed baa leh ‘ Markaan tabar hayeyna talo ma heen, hadoon talo hayana tabar ma hayo”.  Waxaan ula jeedaa manta hadaan loo kicin in Puntalnd iyo shacabkeeda laga badbaadiyo khatarta ay ku sugan yihiin, waxaa dhaceesa maalin aan wax laga qaban Karin. Waana sidey ku socoto.

Waxaad isweydiisaan :

I.      Muxuu yahey dhibka jira
II.      Khatar intee le’eg baa ka imaan karta dhibka
III.      Xalkuse muxuu yahay


I.      Dhibka jira:

Waxaan suaal ka taagneen in Puntaland ilaah ku maneestey shacab aad u dulqaad badan, jecelna iney ku noolaadaan nidaam dawli ah, balse  ayasan waligood helin dawlad ama hogaan wanaagsan oo danta guud ee gobolka iyo muwwaadiniistiisa ka fakira ama ka shaqeeya. Horumarka waxaa ugu horeeya in la fariisiyo habka dawladnimo (foundations of system of government). Haddii taasi jirin, waxaa dhaca khal-khal siyaasad, mid amni,mid dhaqaale, iyo naceeb beelaha ka dhex aloosma (lack of security and political stability). Tusaale waxa idiinka filan oo aad garaneesaan meeshii ay martey dawladdii Soomaaliyeed ee xooga badneed 1991. Waxaad markhaati ka aheedeen in horumar ku yareen, laakiin waxey la duntey waxaa ugu weynaa iney aheed habka dawlada oo ahaa mid kali-tashi ah kuna sifoobey cadaalad daro, qabiil tooxsi, caburinta shacabka (authoritarian system of Government).

Xaqiiqda Puntland hada ku sugan tahey:


1.      In golihii Fulinta iyo Golahii sharci dejinta isku dhex-mileen

2.      In golihii sharci dejintu maanlin cad qaataan laaluush hanti qaran oo dhan 2 milyan oo doolarka Mareykanka ah. Laaluushkaasoo ay bixisey golaha Fukinta ee xukuumada. Lama oran karo musuq maasuq ee waa boob hantidii caruurta Puntland ee badaha aduunka ku dhimanaya wax loogu qaban lahaa.

3.      In madaxda sare ee fulinta laga la’yahey iney meel ku sheegto hanti qaran oo wadarteedu dhan tahey $37.8 milyan oo doolar (DW $15 milyan iyo $7.8 milyan Somali Fedral government). Dastuurka Puntland wuxu qabaa in uusan jirin qof ama koox ka weyn sharciga. 

4.      In Puntalnd la keenay makiinado lacagaha daabaca hantidii shacabkana gacanta u gasho kooxda makiinadaha. Makiinadahaas iyo lacagtaasna aan marin Baarlamanaka Puntland. Isla markaasna lagu tuhunsan yahey in xubno dawladda ka tirsan wax ku leeyihiin. Maxaa dulmi u dhiman ummadda waxaa lagu sameenayo. Yaa dalka iska leh? Golaha wakiiladu yey wakill u yihiin? Yaa arrintaan xisaabtankeeda iyo ka hor-tageedu u yaal. 

advertisements
5.      In dawladda labadeeda goleba ku fashilmeen in Puntalnd laga saaro dawladda qabiil ku saleysan loona gudbo doorasho xor ah hal-cod hal-qof si loo helo dawlada shacabku leeyahey.

6.      In awood qeebsigii Aqal Sare  ka careysiisey beelihii aan horey wax u heesan ka dib markii kuwii wax heestey loogu darey xubno

7.      In xukuumadu fartu ugu fiiqdey beelaha in xubnaha baarlaanka la kordhiyo taasoo runtii khal khal dastuuri ah keentey.

8.      In tabasho xun ka soo yeertey Beesha Tande Daarood kulwa kalena guuxayaan halkey wax ku dambeen doonaana la garan Karin.

9.      In dawladu lumisey kalsoonidii shacab. Taasna keeni karto in shacabku kuleel dartiis furka tuuraan oo kacdoon ka dhaco gobolada

10.      In golaha wakiiladu ansaxiyeen heshiisyo waqtigoodu dheer yahey, lagana warqabin saami-qeesigeeda, iyo shurrudaha ku jira iyagoo wax nuqul ah uusan jirn. Shacabkuna ka dhaga la’yahey ilaa manta oo ah warbixin ah aysan ka heen heshiisyadas kala ah Dubai World oo

30 sano ah iyo CCECC oo intuu yahey iyo waxey ku bedelanayaan aan la ogeyn.

II.      Khatarta Imaan karta:


Kahtarta ku wajahan Puntalnd waxaa ka mid ah:

1.      In kacdoonada ganacasatada iyo shacabka ee socda uu faraha ka baxo

2.      In beelaha bah-wadaagta ah ee cadaalad darada ka sheeganya awood qeebsiga dawladda uu keeni karo kala fur furasho ku timaata Puntland

3.      In haddii sanadka 2019 doorasho xor ahi ka dhici weedo puntland  imaan karto in beelaha aan saamiga ka helin awood qeebisigii 1998 ee tan iyo waagaas samirka ku joogey lumiyaan dulqaadka. Taasoo mudan in taxtarkeeda la yeesho inta waqtiga la heesto. Waqtiguna waa socdaa sida dabeesha, mana aha wax la hakin karo.

4.      In Puntland lumiso mudnaantii iyo qadirintii ay ku laheed dawrka siyaasadeed ee Somaaliya doorashada 2020, haddii puntland u dareeri weydo doorsho xor ah sanadka 2019. Taasoo soomaaliya ku celin doonta  5 sano oo dambe oo awood qeebsi ku saleesan 4.5, keeni karta in federaalnimadii intaa puntland hormuudka u aheed meesha ka baxdo

III.      Xalku maxuu yahey (solution)

Xalka  ii muuqda waa labo mid kood ( Option A or B)

A.      Xal Isimo dhaqameed

1.      In isimada dhaqanku shir deg deg ah, xorna ka ah dawladda, isugu yimaadaan 

2.      In shirka ka dib, Ismadu dawladda labadeeda gole ( xukuumadda iyo Golaha wakiilada) ku qasbataa in dalka doorasho xor ah ka dhacdo sanadka 2019 intaan waqtiga dawladu dhamaan.

3.      In haddii dawladu ka amar diido ama cudur daar ma dhici kara aha keento, isimadu kala diraan dawladda, magacaabaana bediilka gudi dawladnimada sii wada( council of trustees) kuwaasoo sii wadaya hawlaha dawladda inta waqtiga ka dhiman, dalkana gaarsiiya doorasho . 
Gudigaasoo (council of trustee) ka gooban:

a)      42 xubno oo ah gudiga mataka golaha wakiilada ( sideeda gobol midkii 5 xubin + 2 xubin Buuhoodle)

b)      Xukuumada: 1 gudoomiye( Acting chair of executive branch of the council) + 9 xubno oo wasaaradaha jira hawshooda sii wada
Haddii Xalka sare ee option A uu shaqeyn waayo, waxaan xal noqon kara option B.

B.      Doorasho axsaab ee dadban

1.      In gudi isimo ah loo saaraa ka mira-dhelinta hawsha doorashooyinka iyo hufnaanta hawlaha geedi socodka samata-bixinta Puntland

2.      In la dhiso Maxkamaddii dastuurka inta doorasho dhicin si wixii isku qabto u kala saarto meeshii xukuumadda ama golaha wakiilada loola noqon lahaa

3.      In gudiga doorasahada si buuxda loo hawl-geliyo,  si buuxdana uga  madax banaandaan dawlada.

4.      In degma walba, iyadoo la tixgelinaayo tirade qiyaas ahaan degan, loo sameeyaa tiro xubneed doorasho (delegate members). Xubnahaas doorashada oo si saami siman ah uga kooban beelaha degmada wada dega. Tusaale hadaan u soo qaadano degmooyinka Garowe iyo Galkacyo. Haddii garowe ku nooshahey 25,000 qof, halka Galkacyo ku nooshahey 300,000 qof, macquul ma aha in tira isku mid ah laga soo xulo. Laakin haddii hab xisaabeed (formula) ah la sameeyo in degmo walba shacabka degan tiro 20% loo asteeyo tirade xubnaha doorashada bixineesa (number of delegates). 

Example:
 

 Degmada Garowe 20% DelegateDegmada Gaalkacyo 20% Delegate 
 Population of 25,000 5000 delegatesPopulation of 300,000  60,000 delegate
    

5.      3da xisbi eek u soo baxa doorashooyinka dgemooyinka ayaa ku tartamaya golaha wakiilada Puntland

6.      Ka dib xisbigii hela qablabiyadda golaha wakiilada ayaa soo dhisaya dawlada xukuumada.
Halkaas waxaa ka soo baxaya in la helo dawalad shacabku leeyahey kana fog qabiil, kuna saleesan afkaar wadaag, hufnaan, iyo xisaabtan (ideology, transparency, accountability) 

Arrintaan ka mari dhalinteeda waa mid u taal isimada, culumaa’udiinka, indeed-garadka, ururada bulshada, iyo shacab puntland guud ahaan. 

Masiirka dalka iyo shaacabka laguma aamini karo dawlada hada jirta oo runtii lumisey kalsoonidii shacabka khalkhalna gelisey dalka iyo jiritaanka nidaamkii dawladnimo ee beelaha bahwadaagta dhisteen. 

MARANABA YEEYSAN DHICIN FOWDO IYO DHIB WAX U DHIMI KARA JIRITAANKA IYO WADA JIRKA PUNTLAND
Nabaadiino iyo waqtiga oo la faa’ideesto.

Emaila laga xiriiri karo :  [email protected]


 





Click here