4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Haddii Jidku kaa khaldamo!!!

Dr. Cabduraxman Baadiyow
Saturday, April 29, 2017

Kitaabka Qur’aanka waxaa Ilaahey usoo dejiyay in aadamiga aan jidka noloshu ka khaldamin, wuxuuna na siinayaa tilmaamo iyo tusaalooyin lagu hago nolosha. Waxaa intaas la jira, wuxuu Ilaahey noo soo diray rasuul bani-aadam ah, oo macalin noo noqda. Rasuulka ayaa noo cadeeyay waxyaabaha naga dahsoon, noona faahfaahiyay wixii si guud Qur’aanku noogu usheegay. Nabi Muxammad (nnk) noloshiisa, hadalkiisa, iyo ficilkiisa ayaa noo ah tusaale aan ka baran karno sida loo hirgelinayo tusaalooyinka Qur’aanka oo jidka toosanna loo qadi karo.

Waxa ugu horeeya oo ruuxa Muslimka ah Ilaahey faray waa inuu dukado maalin kasta 5 jeer oo ka kooban 17 rakcadood oo waajib ah. Waxaa la isfaray in dukado inta aan qoraxdu soo bixin, marka qoraxdu bartamaha ka gudubto, inta aan qoraxdu dhicin, marka ay qoraxdu dhacdo, iyo inta iftiinka qoraxdu uusan soo bilaaban. Waa waqtiyo cayiman oo la socota qoraxda socodkeeda iyo nolol maalmeedka qofka. Dhamaan salaadahaas isku si ayaa loo dukadaa, faatixada ayaa la aqriyaa, waa la rukuucaa, waa la sujuudaa. Rukuucda, sukuudda iyo istaagga inta u dhaxeysa waxaa la aqriyaa “Allahu Akbar”. Marka la dukanaayo waxaa la iska rabaa qabli khushuucsan oo Ilaahey xasuusta.  Hadaba maxaa Ilaahey ka rabaa salaadahaas, maxaanse ka baran karnaa?

Su’aashaas waxaa ka horeysaa mid kale oo ah; maxaa Ilaahey naga rabaa? maxuu usoo diray rasuul? Waxuu usoo dijiyay Qur’anka? Jawaabtu waa sahlantahay oo “waa inaan noloshu naga khaldamin oo aan ku nolaanno sida Ilaahey raali ka yahay”. Hadaba, Ilaahey maxaa raali geliya? Waa su’aal weyn oo wax badan laga sheegi karo, laakiin haddii si fudud loo sheego, waxaa Ilaahey raalli gelinayaa waa: Waa inaad runlow noqoto oo aadan been sheegin! Waxaan shaqaysato oo xalaal quudato oo aadan tuug noqon ama baryo ku noolaan! Waa inaad aadamiga aadan xaqiriin, xumeynin, yasin! Waa inaad xaqqa u hiiliso, xumaantana ka dhiidhiso! Waa inaad masaakiinta iyo kuwa saboolka ah ukaalmeyso! Waa inaad waalidka xurmayso! Waa inaad qaraabada xiriiriso! Waan inaad mar kasta caadil noqoto, hadalkaaga iyo ficilkaaga! Waa inaad ka fogaato eex iyo dulmi nooc kasta uu yahay! Waa inaad ficilkaaga iyo hadalkaaga ka ilaaliso wixii Ilaahey diiday.  Hadalkii oo kooban, waa inaad noqoqo “bani-aadam” akhlaaq leh oo xumaanta iyo fiicnaata u kala soocantahay, wanaagana horseeda!!!

Hadaba si jidkaas uusan nooga khaldamin, waxaa Ilaahey na faray waxyaabo nagu barbaarinaya inaan noqono bani-aadam fiican. Waxaa ugu horeeya waa salaadda 5da waqti la dukado.  Waxaa salaadu na bareysaa, haddii aan soo kobo, nadaafadda, qorsheynta iyo qiimeynta waqtiga, kala dambeynta iyo isi-sixidda, wada-shaqaynta iyo sinaanta. Salaadu waa tusaalaha ugu fiican ee wax badan aan ka baran karno! Bal u fiirso, safka hore waxaa loogu kala hormaraa sida lo soo kala horeeyay oo xataa haddii boqor soo daaho, safka hore looma baneynayo! Sow nama bareyso sinaan iyo in sida loo soo kala horeeyay in adeega bulshada loo sameeyo? Imaamka salaadda waxaa noqonayaa ruuxa ugu aqoonta badan ee ma noqonaayo ruuxa ugu qabiilka weyn! Sow nama bareyso ruuxa madaxda aan ka dhiganeyno oo na hogaaminaya inuu noqdo kan ugu kartida badan, uguna aqoonta badan xagga hogaaminta? Imaamku ma noqon karo imaam haddii aan dadku raali ka aheen, sow nama bareyso inaan ruuxna xoog ku maquunin madaxnimada oo madaxda la doorto? Safku waa inuu sinaado, imaamkana la raaco haddii uu sax yahay, haddisa uu khaldamo, waa isla markaas la saxaa! Sidaas oo kale waa in madaxda hore laga saxaa inta ayan khaladka ku fogaan sow nama bareyso!! Waxaan ka baran karnaa intaas iyo ka badan.

Maxaa Faatixada loogu celcelinayaa rakcad kasta? Fataxada waxaa ku jira, ducada ah “Ilaahow jidka toosan nagu hanuuni ٱهۡدِنَا ٱلصِّرَٰطَ ٱلۡمُسۡتَقِيمَ”.  Waxaa aqriyaa 17 jeer ruux kasta oo Muslim ah maalin kasta. Saacadaha isbedelaaya oo 24 saac kasta meel ka mid ah dunida ayaa salaad waxaa ku dukada in ka badan hal billion Mulsim ah. Dhamaan waxey Ilaahey weydiistaan “Ilaahow waddada toosan nagu hanuuni” oo waddada khaldan inaan qaadno naga badbaadi.!!! Qiyaastii, waa 17 billion of jeer maalin kasta oo daqiiqad kasta la aqrinaayo ducadaas!!

Hadaba, ka warama haddii ummad dhan oo Somaali ah ay ka khaldantahay waddaha sax ah dawladnimadu? Haddii dad 20 million ka badan fikirka dawladnimadu ka khaldantahay? Haddii wadda ay ku socdaan ay khaldantahay, dhegahana ay ka fureystaan ruuxi isku daya inuu toosiyo? Hadii ay ku celcelinayaan waddadii khaldaneed sidi dad waalan oo kale, rajeynaayaanna in natiijo ficaan usoo baxdo? Bal ka warama, ummad dhan oo Ilaahey ku saliday collad iyo abaar oo si xishood la’aan oo joogto ah baryo iyo catow dhaqan ka dhigatay?  Sidee Ilaahey u kaalmeynaya oo ducaadada u ajiibayaa haddii madaxdu xaaraan quutayaal noqdaan?  Haddii hadalkoodu been yahay? Haddii salaadu ayan reebin xumaanta iyo fuxshiga? Sow ma ahan colaadu iyo abaartu ciqaab Ilaahey?  Bal eeg aayadda Qur’aanka oo sheegaysaa macnaha ah: “waxaan idinku imtixaaneynaa cabsi iyo gaajo… وَلَنَبْلُوَنَّكُم بِشَىْءٍ مِّنَ ٱلْخَوْفِ وَٱلْجُوعِ” iyo sida Ilaahey ugu abaal sheeganayo Quraysh “caabuda Ilaaha gurigaan oo idinka quudiyay gaajada, idinkana nabadgeliyay cabsida”. فَلْيَعْبُدُوا رَبَّ هَذَا الْبَيْتِ الَّذِي أَطْعَمَهُم مِّن جُوعٍ وَآمَنَهُم مِّنْ خَوْفٍ . Gabagabadii, haddii jidku kaa khaldanyahay, degdeg melna kuma gaarsiineyso!! Haddii jidku kuu saxanyahay, qunyar socod waa kuu gaarsiinayaa meeshaad usocotay!!

Dr. Cabduraxman Baadiyow
[email protected]



 





Click here