4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Bulsho karaameysan waa bulsho awood leh. Guusha reer Norwey iyo waxa laga baran karo!

Ubax Cabdulahi Aden
Thursday, April 13, 2017

Jaaliyada Norwey oo ah jaaliyada ugu da`da yar, uguna degitaanka gaaban marka loo barbardhigo jaaliyadaha kale ee ku nool dalka Norwey ayaa dhawaan ku guuleystey howl aan horey loo qaban. Ha noqoto jaaliyadaha kale ee dalkaa ku nool ama qurbajoogta kale ee soomaalaadi ah.

Waxey 25/3-2017 sameeyeen lacag aruurin balaaran oo dalkoo dhan hal mar ka wada dhacdey, oo abaaraha lagu taakuleynayay. Lacag aruurintaa ayaa ku saleysneed nidaamka ah hal maalin, hal konto iyo hal mar. Mudo dhowr saacadood gudahood ayaa lagu soo aruuriyay lacag gaaraysa 1.026.025 malyan oo u dhiganta 114.900 dolar. Howshaa waxey noqotey howl guul weyn oo taariikh reebtey.

Howshan lacag aruurinta waxey ka bilaamatey asaasid madal ka wada dhaxeysay ururada samafalka ee Somalida iyo Norwegianka. Madashaa oo la magac baxdey `Somali Forum` ayaa ka shaqeysa arimaha siyaasada horumarinta iyo kaalmeynta (Aid and development policies). Sidey ku bilaamatey  madashaa, yaa xubin ka ah, sida ay howshan ku dhalatey iwm. Macluumaadkaa oo tafaftirsan waxaad ka heli kartaa, adigoo halkan booqda:-www.ubahaden.com

Bilowgii sanadkan mar ay Somalida intooda badan ku mashquulsanaayeen doorashooyinkii dalka, aduun weynaha si fiican uga war heyn dhibka abaaraha, ayay madashu sameysey warsaxaafadeed ku saabsan abaaraha. War saxaafadeedkaa (press release) waxuu ka soo baxey joornaalada dalkan https://www.adranorge.no/2017/02/frykter-ny-sultkatastrofe/. VOA wareysi ayay ka sameeyeen arintaa http://www.voasomali.com/a/3684284.html

Ulajeedada war saxaafadeedkaa ayaa ahaa wacyi gelin iyo wax isla qabsi. Ururadii Norwegianka markuu war saxaafaeedkii soo baxey, wey naga gaabsadeen. Ururada somalida ee madasha ku jirey ayaa wada tashtey oo go`aansadey in abaaraha wax laga qabto oo lacag aruurin la sameeyo. Xanaano oo ka mid aheyd ururada Somali Forum heysteyna shatiga lacag aruurinta ayaan u dooraney in hormuudka howsha noqdaan. Ururadii norwegianka waa la war geliyay howsha, balse waxey nooga cudur daarteen inaysan nagala qeyb geli karin, hadii aysan maamulka lacag aruurinta aysan mas`uul ka noqoneynin. Ururadii Norwegianka halkaa ayay nooga hareen.

Anagoo howshii wadna, kuna dhisney labo mabda` oo ahaa. (1)- Caawinta walaalaha abaaraha ku dhibaateysan iyo (2)- Muujinta awoodeena tiro iyo tayo, ayaan war helney inuu jiro koox kale, oo iyagana lacag aruurinta ku howlnaa. Labadii kooxood ayaa isu tagey oo ku heshiiney inaan isla wada shaqeeno. Ka dibna waxaa loo wada tagey masaajidka Towfiiq, oo ah masaajidka ugu weyn somalida Norwey. Masaajidkii waa soo dhaweeyay howshii, balse 4. sharuud bey nagu xireen hadii aan isla wada shaqeyneyno. Afartii sharuud waxey kala ahaayeen (1)- Ogolaanshaha shatiga Xanaano oo loo diro masaajidada. (2) – Cadeyn meel kasta oo lacag laga soo direy inuu masaajidka helo. (3) – Sadex qof oo masaajidka ka socda oo howshan nagula soo biira. (4) – In go'aan guud laysla wada gaari doono marka ay lacagta soo uruurto. Afartii sharuudba isla meeshii ayaa lagu wada ansaxiyay.

Masaajidada soomalida ee Norwey oo ka kooban 24 masaajid ayaa mar hore isku xilqaamey ka shaqeynta abaaraha, oo lacag ka badan hal malyan ayay keligood sadaqeysteen. Waxaa xaqiiq ah hadii ay iska war heyn fiican jiri laheyd anaga iyo masaajidada, waxaa hubaal ah in halka malyanka aan dirney, dhowr malyan noqon lahaayeen. Balse waa qadar Rabi oo laga cilmi qaadan doono. 

Abaabulka howsha markan aad buu u soo balaartey. Dad badan baa howshii soo galey. Magacii howsha ku bilaamatey markii hore oo ahaa Somali Forum, waxaan u badalney `Jaaliyada Somalida Norwey`. Oo howshii waxey noqotey howl jaaliyadoo dhan u wada taal. Ganacsatayaasha, tagsiilayaasha, masaajidada, dhalinyarada, warbaahinada, aqoonyahanada, ururada bulshada, siyaasiyiinta, - looma kala harin ka wada shaqeynta howshaa.

Maalintii howshaa dhaceysey oo aheyd maalin sabti ah. Maalin nasiino, oo dadku intiisa badan hurdada ku yara daahaan, ayaa subaxii aroortii xafiiska Xanaano aan wada dhoobneyn si howsha loo bilaabo. 

Waxaa lagu bilaabey la wareega koombooyinka. Oo loo sameeyay nidaam ah in meelaha dadku ku badan yihiin kooxo kooxo koombooyinka lagula wareego. Sadex teendho ayaan u dhisney cuntada si loogu gado. Ilaah kheyr ha ka siiyo guryo badan baa cuntooyin kala gedisan soo diyaariyay. Darawalo aan daaleyn ayaa diyaar ahaa maalintaa, oo waxii meel looga baahdo meel ka soo qaada, oo meel kale geeya. Warbaahintu waxey ku wareegayeen meelaha ay wax ka dhacayaan oo dadka ayay wareysi iyo dhiira gelin ku hayeen. Howsha gobolooyinka xafiiska ayaa laga hagayay, oo waxey u baahan yihiin iyo meeshey wax u marayaan waa lala socdey. Waxyaalihii iigu farxada badneyd maalintaa waxey aheyd iney noo yimaadeen dad aan somalida soo dhex gelin maalintaa, oo wardoon ahaa. Oo markii dambana iyagoo qanacsan koombooyinkii la wareegeen.

Dareenka iyo shacuurta iyo farxada maalintaa naga muuqatey, waxey na hilmaansiisey daalkii iyo walwalkii iyo hurdo la`aantii mudo lagu jirey. Howl aan weligeed la qaban, xirfad weyna loo laheyn baa laysku dayay. Nabad iyo wanaag bey ku bilaamatey, nabad iyo wanaagna Ilaahey waa noogu soo dhameeyay. Labadii ulajeedo ay howshan ku saleysneed (caawin iyo wada jirniimo) waxaan dareemayaa inaan wada gaarney.

Markey lacagta soo wada aruurtey ayaa go`aan loo wada dhan yahey lagu gaarey, in lacagtaa loo wada diro gudiga qaranka ee abaaraha. Waa la wargeliyay. Waxeyna noo balan qaadeen in meelaha dhibka ka jiro ay sadaqadaa gaari doonto. 

Hadaba maxaan ka baraney howshaa

Ø  In wada shaqeyn ay ka xoog badan tahey kana sumcad weyn tahey, keli socod.

Ø  In ka hortag uu ka fiican yahey dayactir. Waa inaan awood u leenahney in aan ka hor tegi karno dhib aan ogsoon nahney inuu imanayo, inta aan dayactir ka shaqeyn laheyn.

Ø  Waa inaan awood u leenahney inaan dadkeena iyo duunyadeena, bad-baadsan karno.

Ø  Hadaan nahney jaaliyada Norwey, waa in aan hada bilownaa, ka tabaabusheysigaa dhibkaa.

Ø  Ururada samafalka ee Norwegianka markaan u diidney iney maamulka lacagta yeeshaan, waxey nagu caadiyeen koombooyinkoodii. Oo sababtey inaan si deg deg ah koombooyin ku gadano. Qaar kalana meelo kale ka barino. Baryadaa iyo ficilkaa waa ka sharaf weyn nahney. 

Ø  Waa in degaan kastaa uu heystaa koombooyin u diyaar ah. Oo ay ku howl geli karaan markey masiibo timaado. Calaa koombo waxey joogtaa 120.kr.

Ø  Waa in uu xiriir fiican oo joogta ah uu ka dhaxeeyaa masaajidada iyo shacabka ay matalayaan.

Ø  Meesha bulsho lagu bahdili karo, laguna qurxin karo waa warbaahinta. Warhaabinteenu waa ineey hormuudka bulshada noqdaan. Waa ineey ku baarugsan yihiin oo ay la socdaan dhaq-dhaqaaqa iyo wax qabadka bulshada. Oo aysan sugan in la soo kiciyo.


Ubax Cabdulahi Aden
www.ubahaden.com

 





Click here