5/30/2017
Today from Hiiraan Online:  _
Hiil Qaran: Dekadaha Berbara, Boosaaso iyo …..
Sabti, April, 08, 2017
WQ. Maxamed A Amir

Dhammaan dalalka ka soo baxa ama ku sii socda dagaallada sokeeye waxay leeyihiin dabeecado u gaar ah oo ay ka mid tahay iney dhinac walba ka nugul yihiin. Nuglaantaas oo keenta iney soo wajahdo halis qarannimo oo u baahan taxaddar dheeri ah iyo faham ka yimaada xagga hoggaanka sare iyo hay’adaha curdanka ah ee dalkaas.

Sida ay qabto qawaaniinta caalamka ee dunida casriga ka ilaaliso fowdada iyo inuu dhaco isku takri fal awoodeed, dowladahani waxay fursad u siineysaa iney awoodaan iney ilaashadaan qarannimadooda iyagoo isticmaalayo qawaaniintaas. Hase yeeshe marar badan waxaa seejiyo fursaddaas dhowr sababood oo ay ugu waaweyn yihiin:

1.    Faham la’aan haysata Hoggaanka sare iyo hay’adaha dalkaasi leeyahay ee xagga macnaha ilaalinta siyaaada (sovereignty). Lama dhihi karo waa aqoondarri oo kaliya ee waxaa laga yabaa inay tahay inay xogta ka kala maqan tahay taasoo keeni karta inla qaato go’aamo lagu xallinayo xaaladda dhow hasa yeeshee dhaawac aan laga soo kaban Karin u keenta xaaladda fog ee dalkaas.

2.    Cabsi hoggaanka sare soo wajahda taas oo ku saleysan DOQONI YAAN LAGAAGA DARIN AYEY U DAGAAL LA’DAHAY, ama armaa balaayo tan ka sii darani dhacdaa.

3.    Lacago laaluush ah oo lagu Kharqiyo madaxda qaar iyo siyaasiyiinta firfircoon oo aan heer lahayn.
4.    Ballan qaadyo kaalmo dhaqaale horumarineed oo dalka la sii doono, kuwa kalana inay soo socdaan loo ballanqaado haddii la gaaro waxa la rabo dalkaas.

5.    Iyo isbahaysi loola sammeysto dalal kale oo iyaguna dano kale ka leh dalka tabarta daran ee lala heshiinayo. 

Haddaba annagoo ka tusaale qaadaneyna gogolxaarkaas aynu ku eegno dalkeenna iyo arimaha dekadaha dhaca waqooyiga iyo waqooyi-bari ee dalka, wallow ay bilow uun ujeedada ka yihiin oo ay dhici karto inaan maalmo dhow kuwa kale maqaallo kuwa kale oo leh waxaan heshiis la galeynaa dalal kale.
Dekaddaha Berbera iyo Boosaaso.

Arrinta ku saabsan heshiisyada dekedda Berbera ee horay loo saxiixay iyo midka dekedda Boosaaso ee lagu saxiixayo magaalada Dubai dhibaatooyinka ay gadaasha ku wataan ma aha oo kaliya kuwo dhaqaale iyo horumar degaan laga helayo ama la diidan yahay ee halista ku jirtaa waa SIYAADADII iyo qarannimadii Soomaaliya ee horay dhaawacu u gaaray halla DHAMMEYSTIRO.

Dunida maanta ee carro-adegeyntu (globalization) noqotay xaqiiqo lagu wada nool yahay marar baddanne lagu kala faa’ideysto, waxaa ka dhaca heshiisyo la xiriira dhaqaalaha iyo amniga sida howlgelinta dekedaha iyo saldhiyo militari ee ka dhaca dhulka dalka xoogga ama awoodda  yar labada dal ee galayo heshiiskaas. Waxaase arrinta sii murjiya marka heshiiska loo geli waayo si waafaqsan danaha labada dal iyo xeerarka caalamiga ah ee maamula arrimahaas oo dib u sixiddooda ay aad u adkaato hadhow amaba la sixi waayo oo sidaas ku waara.

Heshiisyada noocaan ah waxaa lagu galaa awoodda sharciyeysan ee SIYAADADA qaranku leeyahay (sovereign Power). Laakiin taas kuma dhicin heshiisyada dekedaha Berbera iyo Boosaaso. Ma aha in la diidayo maslaxado horumarineed ee dalka Soomaaliya ama qeybo ka mid ah sida Somaliland iyo Puntland ee waxa dhibku ka jiro waa sida loo gelayo heshiiska. La iskuma haysto maslaxad caam ah oo la helayo (haddiiba ay jirto) iyo sida loo qeybsanayo ee waa sida lagu gelayo heshiiska oo dabada ku wadata kala TAG iyo BURBUR hor leh oo siyaasadeed oo ku yimaada marka hore SIYAADADA, marka xigana QARANIMADA dalkeenna. Taas oo raad boog degdeg ah ku yeelaneysa guud ahaan qarannimada dhantaalan ee Soomaaliyada maanta.

Haddaba, hoggaanka sare ee dalka, xukuumadda cusub iyo baarlammaanka federaalka oo ah ilaaliyaha SIYAADADA dalka (sovereignty repository) waxaa la gudboon iney si degdeg ah wax uga baddalaan waxa socda maanta oo aaney u dhega nuglaan dallaaliinta garaacaya gurbaanka ah reer hebel ama degaan hebel baa loo dan leeyahay oo loo diidan yahay horumar ay gaari lahaayeen.

Waxaan rajo aad u weyn ka qabay in golaha shacbiga ay maalintii 05/04/2017 ka doodi doonaa hindisaha dekadda Berbera oo halkaas uu ka soo baxo sharci halbeeg u noqon lahaa dhammaan arriimahaan murugsan, hasa yeehsee waxaa igu maqaala ah in xukuumadda loo celiyey si waqtiga loo daba dheereeyo, ka horna uu heshiiska uu meel maro. Waxaa la sheegayaa in xubna sare oo uu ku jiro Cumar Cabdurashiid  oo aan dalkaba maqan hadda ay si xoog leh uga shaqeeyeen dib u dhiggaas si barlamanka uu fasax galo.
Barlamanka iyo Guddoonkiisa

Haddaba waxaa la gudboon guddoonka Barlamanka iyo xildhibaannaba inay arrintaan u qaataan xaalad degdeg ah oo golaha shacbiga si dhakhsa ah la horgeeyo hindisahaas , haddii kale waxay noqonee boog iyo mas’uuliyad darro aan ka harin ummadda Somaliyeed iyo ciddii daycday markay wax ka qabad lahayd.

Haddaba, iyadoo la xeerinayo dareenka iyo baahida ay qabaan degaannadaas iyo dadka Ku nool iyo iyadoo laga hortagaayo TAFAARIIQ-GADEYNTA kaabayaal kale oo qaran oo manta badqaba ee ku yaal meelo kala duwan ee dalka, waxaan soo jeedinayaa talooyinka soo socda in:

1.    Dib loogu noqdo wadaxaajoodka heshiisyadaan iyadoo ay ka wada qeybgalayaan maamul degaameeyada gacanta ku haayo kaabayaashaan iyo dowladda federaalka ah.

2.    Heshiiskaan la waafajiyo xeerarka caalamiga ah iyadoo la adeegsanayo khubaro ku xeel dheer arrimahaan.

3.    Maslaxadaha ka imaanayo loogu roonaado maamul degaannada gacanta ku haayo kaabaha laga hadlayo.

4.    La isla meel dhigo raadka ay ku yeelaneyso arrinkaan heshiisyada wax qeybsiga ku dhisan habka federaalka ee la gaari doono.

5.    La muujiyo dareenka dowladda federaalka ah ee la xiriiro go’aannadii horay loo gaaray ee hay’adaha caalamiga ah sida qaramada midoobay iyo kuwa qaaradeed sida Midowga Afrika iyo kuwa goboleed sida IGAD iyo Jaamacadda carabta ee ahaa midnimada dalka iyo dadka Soomaaliya iney tahay lama taabtaan. Go’aannadaas oo dhowristooda iyo fulintoodu tahay mas’uuliyad caalami ah.
Xadeynta iyo Biyaha Caalamiga ah

Marka aan arrinka dekedaha intaas uga baxo, waxaan rabaa inaan la socodsiiyo dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in dhawaan madaxweynaha Somaliland Md. Axmad Maxamed Siilaanyo uu u gudbiyay xoghayaha guud ee qaramada midoobay bayaan la xiriira XADEYNTA IYO CALAAMADEYNTA xuduudda badda ee u dhaxeysa Yemen iyo Somaliland. Arrinkaan wuxuu HALIS ku yahay dacwadda Soomaaliya iyo Keenya u dhaxeysa oo lagu macna tiraayo Keenyana loogu fududeynaayo iney qiil u hesho dacwaddeeda marka ay dhawaan dooddu ka furanto Maxkamadda Hague iyadoo ku andacoo doonto Soomaaliya kama jirto hal dowlo oo SIYAADO leh. Sidaas daraadeed dowladda federaalka kuma dacwoon karto magaca Soomaaliya

Ugu dambeyntii qormadaan kooban waxaan ku soo gunaanadayaa, marka aan meel iska dhigno caadifadda qabaliga ah, Somaliland maadaama aaney xaq sharci ah u lahayn arrimaha badaha, iney arrinkaan wixii tabasho ah ee ka jira wada hadal kala gasho dowladda federaalka ah ee maanta matasha SIYAADADA dalka la yiraa Soomaaliya oo Somaliland ay ka midka tahay. Mar kale waxaan ku celinayaa arrinkaani badda ma aha arrin dhaqaale ee waa arrin wiiqaya garta Soomaaliya ee dacwadda badda ee ka socota maxkamadda caalamiga ah ee Hague.

WQ. Maxamed A Amir [email protected]


 


Post your comments