4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Musuq-maasuq Baalal loo yeeley oo hareeyay Doorashada Dadban ee Soomaaliya

Abdulkadir Mohamed Mursal

Tuesday, December 20, 2016
/images/2016/Dec/
Dadka Soomaaliyeed waxay la daalaa dhacayaan colaado aan la ogeyn goorta ay dhamaan doonaan iyo dhibaatooyin nabad gelyo xumo oo ay ugu darsantey Abaaro gees ka gees dalka ku habsadey taasoo aaney garaneyn meel ay uga baxsadaan ayaa waxaa nasiib darro kale ah dad isku tilmaamey in wakiillo shacab ay u noqon akaraan ay kuraasta ku iibsadaan hantida Umadda dhinac walba ka dhibaateysan.

Hannaanka loogu magac darey doorashada Dadban ee dalka ayaa u muuqda mid jideeye ama waddo u sameeyey in lagu dhaqmo musuqmaasuq duulaya oo xowli ku socda iyo awood isu sheegasho aan horey loo arag iyadoo xitaa shaqaaqoooyin dhimasho ay ka dhasheen intii lagu guda jirey howlaha soo xulidda ergooyinka dooranaya xildhibaannada waxaana intaas sii dheer handadaad,Caga jugleyn iyo Cabsi gelin lagu hayo musharrixiinta qaarkood iyo ergadii wax dooran laheyd oo beelaha ay soo xusheen. 

Hantida iyo Hubka Umadda Soomaaliyeed ayaa noqdey awood loo adeegsado hannaanka doorashada Dadban iyadoo intii xoog iyo hanti isku heli kartaa oo kaliya ay kuraasta hab musuq ah kusuoo buuxiyeen xilli dalka uu ku jiro xaalad xun oo binu’aadanimo ah mana jirto cid haba yaraatee wax iska weydiisey shacabka loo bira tumanayo sidii dhiigooda loo miiran lahaa basle si aan afka baarkiisa dhaafsiisneen loogu sheego iney soo socdaan kuwii dhibta ka saari lahaa.

Baarlamaanka Soomaaliya waa halka kaliya ee ay isku arkeen jeeb weynta Soomaalida hadii ay noqon lahaayeen koox ka tirsan Hey’adaha kala duwan ee dowladda hadda uu muddo xileedka ka dhamaadey balse siiheysa awoodda sharciyeed ee dalka oo dastuurka uu u ogolaanayo kuwaasoo hantida shacabka iyo awoodda ciidan uga faa’iideysanayaa iney dib ugu soo noqdaan xilalkooda iskana indho tiraya shacabka ay mas’uuliyadooda u dhaarteen.

Koox matashada Maamuul goboleedyada oo saaxibtinimo iyo habab aan lisku raacsaneen kuraasta ku heley iyadoo madaxda Maamul Goboleedyada qaarkood ay kusoo darsadeen labada aqal dad ay xigto dhow yihiin ama ka tiran qoysadkooda oo ay ku jiraan wiilal ay dhaleen, kuwo la dhashey iyo xaasaskooda oo kor usii qaadey musuqmaasuqa.

Koox isugu jirta ganacsato aan cashuur dalka soo galin oo ku taajirtey nabad gelyo xumida iyo dowlad la’aanta dalka oo aan dooneyn in la helo dolwad awood leh oo la xisaabtanta ganacsiyadooda oo u badan kuwo sharci darro ah iyo kuwo dambiileyaal ah oo doonaya iney Baarlamaanka ku dhex jiraan waligood si aan loogu raacan wax dambi ah waxaana ay u arkaan halka ay ku badbaadi karaan.

Ganacsatada ayaa qaarkood ku ganacsada hababka suuqa madow sida iney dhoofiyaan waxyaabo mamnuuc ah in dalka laga dhoofiyo oo ay ku jiraan dhuxusha, macdanta iyo xoolaha dhedigga ah waxaana ay dalka soo galiyaan dawooyin iyo raashiin dhacay oo sii baabi’ineya shacabka intii xabadda iyo gaajada ka badbaadey hadii dowlad wanagsan la helana waxaa meesha ka baxay ganacsigooda dhiig miiradka ah ee Umadda dhibaatada ku ah.

Koox Qurba joog ah oo intooda badan ku fashilmey waajibaadka qoysaskooda iyo nolosha bulshadii ay ku dhex oolaayeen iyadoo qaarkood dalakii ay ku nolaayeen wax is daba marin ay sameeyeen dartood uga baxsadey kumana noqon karaan waxaana taa baddalkeeda lagu abaal mariyaa xilal iyo jagooyin sare oo loo baahnaa in in laga fiirsado qofka loo magacaabayo inuu ka bixi karo.

Dhamaan xubnahan ayaa u badan kuwo aan lala tartamin ama iyaga soo xushey ergadii dooran laheyd iyo qofkii u camiri si ay u jilaan in lala tartamey iyadoo musharixiinta qaar loo diidey iney ka qeyb galaan waxaana uu ahaa howlgal u muuqdey cidii iga soo hor jeedda kursiga waa ka xaaran oo ay fuliyeen guddi loogu magac darey doorashada heer Federal iyo M/goboleed.

Goobaha cod bixinta qaarkood oo dad ay ku dhinteen shaqaaqooyin ka dhacay ayaan loo joojin waxaana doorashooyinka ay dhaceen iyadoo aan la aasin meydadka dadkii ku dhintey xarumahaasi oo ay ku jiraan xubno kamid ah ergadii wax dooraneyse sida Cadaado,Baydhabo iyo Kismayo.

Baarlamaanka habkaas aan soo sheegney ku yimi waxaa laga sugayaa iney soo dortaan madaxweyne lacago badan oo laaluush ay ka qaateen kaasoo danta uu leeyahay ay tahay inuu macaash fara badan ka helo kursiga uu maal gashtey maadaama qoladii sharci dajinta ee isku tilmaamey wakiillada shacabka ay ka iibsadeen kursiga uu ku fadhiyo.

Waxaa muuqata xaalada mugdi ah mustaqbalka dhow ee dalka mar hadii aaney jirin madax ku timi nidaam sharci ah oo ka fayow musuqii lugaha kaliya lahaa ee loogu darey baalal uu ku duulo xilli xarumaha doorashada dhexdooda uu wax iska caadi ah ka noqdey laaluushka oo gaarey Madax sare, Gudiyada doorashada, Odey dhaqameedyada, Ergada wax dooraneysa, kuwo ergada soo xulaya iyo koox u dullaalin ah oo u dhexeeya inta aan kor ku xusney.

Arrimahan oo walaac badan abuurey ayaa ugu dambeyntii isugu biyo shuban karaya  Tyerka ama shaagga gaarigii lasoo raraey 2012 oo baartiisa soo istaagey iyadoo gaariga 2016 la rari doono ay dhici karto in 2020 uu isla goobtiisa soo istaago waayo madaxda la doorto iskuma howlaan howlaha loo xilsaarey ilaa sanadkooda ugu dambeeya oo ay soo baraarugaan waxaana hadalkooda uu noqdaa inaan la qaban karin doorasho hal qof iyo hal cod ah sababo jiro awgood islamarkaana ay lagama maarmaan tahay in la keeno hab iyaga u daneeya si ay kursiga ugu soo laabtaan.

In la qabto doorasho qof iyo cod ah madaxweyne Shariif Shekh Axmed ayaa inoo sheegey 2009kii kadibna mar kale waxaa sidaas inoo sheegey Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud waxaana labadooda ay ku fashilmeen habkii ay doorashada kusoo galeen tolow ma iyagii ayaa inoo sheegi doona iney doorasho dadweyne qaban doonaan mise mid kaloo isagana kursiga un doonaya ayaa inoo sheegi doona hadal qurux badan oo xaqiiqda aan ku saleysneyn?


Abdulkadir Mohamed Mursal


 





Click here