Xildhibaan Fawzia YusufH. Adam
Tuesday, April 26, 2016
Dhammaan Dhallinyarada Soomaaliyeed meel kastoo adduunka ay ka jogaanba gobol kasta oo ay ku nool yihiin iyo maqaam kasta oo ay gaadheen rag iyo dumar-ba,
Waxaan qoraalkan jeclaystay inaan idinla wadaago, anigoo ka murugaysan dhacdooyinkan dambe ee dhallinyaro badani ku le’atay badaha, isla markaana ay socdaan dagaallo kala duwan, dilaal qorshaysan iyo xasuuq ku socda dhallintii Soomaaliyeed, dhinac kasta dagaalka ha kamid noqdaane Waxan dabar go’ayaa dhinac kastaba waa ubaxii iyo mustaqbalkii Soomaaliyeed.
Dhallinyaro, waxaan aad uga qiiraysanahay,ummal badanna igu dhaliyay sida dalkeennii ugu sii siqayo, cidla, lama dagaan, iyo sida khayraadkeennii loo kala boobayo.
Qoraalkani waa iga BAAQ IYO BAROORDIIQ. Intii geeriyootay Ilahay naxariistii janno ha ka waraabiyo, inta noolna Ilaahay ha badbaadiyo, dalkooda iyo dantoodana ha u iftiimiyo.
Dhallinyaro, Ilaahay wuxuu inna siiyay goobta dunidan ugu qiimo badan straatiijiyad ahaan, isla markaan wuxuu innagu mannaystay qaniimad iyo khayraad faro badan. Waxaa kamid ah xeebta Africa ugu dheer, oo dhaqaalaha dunida boqolkiiba 82 ($700 oo Billion) ay sannadkii badaheenna maraan. Waxaa isla markaa badaheenna ku jira kalluunka ugu badan iyo baatrool badan. Waxaynnu nahay dalka leh xoolaha nool ee ugu badan adduunka, waxaynnu leenahay dhul beereed ka badan 8 malyuun oo hektar oo wabiyo dhex maraan, kuwiinna cilmiga beerahay bartayna ay ka shaqaysan karaan. Waxaynnu leenahay baatrool, gaas, dahab, dheeman, iron, uranium ( 25% inta dunida oo ku jirta) iyo macdano kale oo tiro badan. Intaas oo dhan waxaa dheer, Ilaahay wuxu inna siiyay dhul aan kulayl siyaado ah iyo baraf midna lahayn.
Dhallinyaro, dhulkeennu wuxuu leeyahay taariikh facweyn oo xiiso leh, inkastoo la qariyo, iyo taariikh dhexe oo qurux badan laguna faani jiray. Waa dhulkii udugga, waa xadaaraddii Punt. Waa dhulkii ilbaxnimoda dunidu ka bilaabatay, siday qoreen taariikhyahanno caalami ah. Waa dhulkii ay faraacinadu kasoo jeedeen.
Haddaan usoo jeesto taariikhda dhaw ee Somaaliyeed sannadihii 70nadii ilaa 80nadii, Waxay dawlladdii jirtay ahayd, dawlladaha Africa kuwa ugu quwad iyo magac weyn. Waxay ahayd dawllad llagala tashado arrimaha Afrika. Waxaa 70nadii Midawga Africa uu xilsaaray in dawlado ay Soomalia ka madax tahay ay Isticmaarka ka xoreeyaan toban dal oo Africa ah oo Koonfurta iyo Galbeed Africa ah. Waanay ku guulaysatay Somalia iyadoo saraakiisheedii ugu firfircoona hawl galisay. Somaliya waxay ahayd dal laga haybaysto loona habrado.
Innagoo intaas haysanna, haddana waxaad ku dabar go’deen oo ku dhammaateen tahriib iyo dagaal noocyo badan. Dagaalka haddii aan soo qaato, hadduu yahay mid Shabaab amma mid beeleedba, dhammaan inta labada dhinacba ka dagaalanta ee dhimataa waa dhallin yaro. Dagaalladaa Soomaaliyi ku halaagantay waxay dan u yihiin shisheeye iyo ganacsata hubka ee debed iyo gudaba.
Haddii aan soo qaato tahriibka, waad ogtihiin inta is biimaysa ee ku dhimata dariiqa dhexda amma badweyntaba iyo xabsiga iyo jidhdilka lagala kulmo dariiqa. Tusaale u qaado sawirradan halkan ku yaal oo ah dadkii qaraqmay iyo qoys tahriibaayay oo Qaahira lagagala baxay sida la yidhi, beerkii iyo kalyihii.
Dhallin yaro, Haddii aad yurub gashaan, nolol wanaagsani idinkama horrayso,waad ka aragtaan war- baahiyeyaasha silica, darxuma, gaajada iyo hoy la’aanta . Haddaydaan qaarkiin ogayn, wakthigu wuu is beddelay oo sidii hore qaxootigu taakulo uma helaan.
Da’yartiii Soomaaliyeed adduunka dacalladiisa waxay ka buuxaan jeelasha, amma ha lagu sheego sharci darro ay ku galeen, budhcad badeed iyo dunuub aanay lahayn, inkastoo ay jiraan kuwo qurbaha ku wareeray oo dambiyo gala marki dhaqannada iyo afka ay la qabsan waayaan.
Tirakoobka Soomaaliyeed waxaa lagu qiyaasaa 12 milyan oo qof. Tiradaas boqolkii 74 waa dhallinyaro. Waxaa iyana jirta in dad lagu qiyaasay ilaa 5 milan ay dalka ka qaxeen , oo lixda qaaradood ee dunida ay kala joogaan, iyagoo qaxa bilaabay bilawgii sannadihii 1970 ilaa hadda. Haddii tiradaas la eego, yaa ku hadhay oo jooga gudaha dalka? Waa ku dhawaad 7,000.000 milyan oo qof oo boqolkiiba 74 ay dhallinaro yihiin. Dhalinyaradu waa shan milyan boqol iyo siddeetan kun (5,180,000). Dadka waaweyn iyo carruurta ku sugan dalkana guud ahaan waa milyan siddeed boqol iyo labaatan kun. oo qof (1,820,000).
Haddii haddaba tobanka sano ee soo socota ay xawligaas dhallinyaradu kaga baxaan dalka, dalka cid u shaqaysa iyo cid hore u mar gaadhsiisaa ma jirayso, waxaana soo baddalaya dad kale oon dalka u dhalan. Waxaa intaas dheer dhallinyarada baxdaa waxay la tagayaan carruurihii ay dhali lahaayeen ee dalkan ku kori lahaa, kuwaasoo haddii ay debded ku dhashaan boqolkiiba 75 aanay dalka kusoo noqon doonin. Yaa dalkan badbaadin doona?
Gabo-gabo Dhallinyaro waa la garan karaa shaqo la’aanta iyo niyad jabka idinku kallifa tahriibka iyo waxaa lamida. Waxayse u eg tahay in dalkii laga salguurayo, wuxuuna noqon doonaa meel cidlo ah oo aan la kala lahayn, cid walibana u soo boob iyo xoogsi tagto. Isla markaana dadka Soomaaliyeed ay noqdaan dad laga badan yahay loona taliyo.
Talo, Dhallinyaro, mustaqbalka dalkan iyo dadkani waa idinka, khayraadka iyo qaniimadda Ilaahay dhigayna idinkaa uga xaq leh shisheeyaha daldalanayaa. Dhoofka iyo dhimashada waxaa ka roon inaad dhulkiinna aamintaan oo hanataan. Waxaad ku shaqaysan kartaan xirfadihiinna iyo aqoontiinna, dalkana waxaa lagu soo dabbaali karaa nabadgelyo iyo hore u mar. Dalka idinkaa iska leh, mustaqbal hore umar lehna waa loo samayn karaa haddii wada jir wax looga qabto. Xaqiiqadu waxa weeye, haddii khayraadka iyo qaniimadda dalka dadka u dhashay loo qaybiyo, qof waliba halkiisuu ku noqon karaa bilyaneer Diasporada guud ahaan waxan kula talinayaa inay dalka kusoo noqdaan oo aqoontooda iyo khayraadka dalka ku hore-mariyaan.
Dhallinta dagaallada ku jira, waxaan leeyahay, dagaalkani mar uun ayuu dhammaanayaa, wakhtigiinna ha luminina. Waxaa hubaal ah, haddii aad aamintaan dalkani wuu ka hore mari karaa dalal badan oo hadda hore u mar lagu sheego. Qoriga iska dhiga oo qalinka qaata, siyaasadda iyo dalka hore u marintiisana ka qayb qaata.
Ummadda Somaliyeed ha guulaysato.
Xildhibaan Fawzia Yusuf H. Adam
Xubin Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliyeed