4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Talooyin Aysan Kalkaaliyayaashaadu Ku Siin: Warqad Furan oo ku Socota Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Halkan Guji si aad Af Ingriisi ugu Akhrisid


Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud


Cabdinuur Sheekh Maxamed, Ph.D

Isniin, March 2, 2015

Waxaa laga joogaa muddo laba sano ah markii shacabka Soomaliyeed ay si kal iyo lab ah ugu diirsadeen in aad ku soo baxday tartankii madaxtinimada dalka oo ay si weyn ugu damaaashaadeen in qof ka tirsanaa bulshada rayidka ah madaxna ka ahaa xarun waxbarasho uu la wareegi karo maamulka dal soo maray dagaallo ba’an iyo dowlad la’aan oo ay muddo badan hor taagnaayeen dagaal oogayaal. Markaan dib u dheehanno, waxaad ahayd shakhsi ku cusub siyaasadda Soomaliya oo aan raad dheer ku lahayn taariikhda xun ee siyaasadeed ee uu dalka soo maray, arrintaas oo ku siisay fursad aad uga hormarto dadkii tartanka siyaasadda kugula jiray. Dhab ahaantii waxaad heshay fursad taariikhi ah oo aad dalkaaga ugu adeegto, waxaadna ka heshay shacabka Soomaaliyeed kalsooni buuxda iyo taageero aan hore loo arag iyagoo si cad kuugu qeexay sida ay u doonayaan isbaddel u horseedi kara nolol wacan iyo nabad kaas oo u baddela dagaalkii sokeeye ee daashaday.  Waxaa shacabka si gaar ah u soo jiitay taariikh nololeedkaaga, muuqaalkaaga farxaddu ka muuqato, iyo dabcigaaga suubban tasoo keentay in shacabka Soomaaliyeed iyo inta dalka la saaxiibka ah ay u riyaaqeen guushaada, iyagoo kaa arkay bidhaan rajo ah in aad Soomaaliya ka saari karto dhibaatadii dowladnimo la’aanta ayna u muuqatay in uu baryay waa cusub oo leh hoggaan tayeeysan oo horseedi kara dowladnimo iyo horumar. Runtii waxaad ka mid ahayd madaxda farakutiriska ah ee dadkooda ka helay ayidaad siyaasadeed oo buuxda tasoo ku siin kartay kalsoonida ah in aad dalka hore u socodsiiso, soo nooleeyso ifka qarannimada sii nuxuusaayay, soona celiso xasillooni bulsho iyo siyaasad deggan oo fadhida.

Mudane Madaxweyne, waxaa iska cad in aad ku guuldarraysatay in aad dalka u jiheysid halkii ay kaa filaysay ummadda Soomaaliyeed, waxaana hubaal ah in aad waddanka cagta u saartay waddo halis ah oo dib u soo noolaysay kalsooni darradii, kala aamin bixii iyo colaadihii beelaha ku salaysnaa ee dagaalkii sokeeye laga dhaxlay. Shaki kuma jiro in haddii siyaasadda jahwareersan ee aad dalka gelisay ay sii socoto in ay soo noqonayaan dagaalladii sokeeye haddii aadan la iman is baddel dhab ah muddada kaaga hartay madaxtinimadaada. 

Mudane Madaxwene, fursado badan oo taariikhi ah oo ku soo maray intii aad Soomaaliya ka talineysay way  lumeen oo lagama faa’iideysan. Waxaad kale oo baylihisay kalsooni shacab oo  laguu siiyay in aad dalka gaarsiiso horumar dhan walba ah iyo xasillooni siyaasadeed. Hoggaan xumada iyo horumar la’aanta aad ku qanacsantahay waxaa ka dhashay in rajada shacabku ay lunto, qabyaalad baahsani ay soo if baxdo, iyo weliba in kooxda Al-Shabaab, oo dhinacyada ciidanka iyo dhaqaalahaba laga wiiqay, ay dib u soo noolaato oo ay hesho awood iyo kalsooni ay dhibaato uga geysato halkii ay doonto oo xataa meel kaleba iska daa ee, ay hawlgallo ay ka fuliso agagaarka madaxtooyada. Mudane Madaxweyne,  qoraalkani ma ahan mid lagu mucaaradayo adiga iyo dowladdaaadaba. Qoraalkani wuxuu ku salaysanyahay jacaylka dalkayga iyo in aan u adkeysan waayay sida maroorsan ee talada dalka aad u hayso. Waxaan isku dayayaa in aan gilgilo dareenkaaga si aad ula timaaddo isbaddel degdeg ah inta ay goori goor tahay. Mudane Madaxweyne, haddii sidaaan aad ku sii socto, waxaa welwelku yahay in aad Soomaliya uga tagto xaalad ka xun middii aad ugu timid markii lagu doortay.

 

Xaaladaha gurracan ee uu dalku ku jiro oo laga yaabo in la-taliyayaashaadu ay ka af-goobaadsadaan waxaa ka mid ah:

Amni Xumo Baahsan

Mudane Madaxweyne waxaad u ballanqaaday shacabka Soomaaliyeed aragti fog oo siyaasadeed oo aad u bixsay (“siyaasadda lixda tiir”), taasoo ahmiyad gaar ah siineeysay amniga qaranka, muujinaysayna ballanqaad ah in aad dib u hanato amniga iyo nabadda dalka. Aragtidaas siyaasadeed oo hadda u muuqata mid la hilmaamay waxay salka ku haysay in la abuuro degganaansho siyaasadeed; la dar-dar geliyo koboca dhaqaale; dib uu dhis, nabadayn, iyo in la xakameeyo sababaha keena dagaallada sokeeye; kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo hay’adaha dowliga ah si ay u daryeelaan baahida shacabka; iyo in la hagaajiyo lana soo celiyo xiriirka dalalka dibedda.

Mudane Madaxweyne dhawaaqa suuban ee qodobadaasi markay dhegaha ku soo dhacaan ka sokow, waxaa xaqiiqo ah in uu dalku himiloyinkaasi ku guuleeysan; weliba waxaa xaqiiqdu tahay in xaaladda amniga ee dalku uu manta marayo in ay ka liidato xaaladdii amniga ee maalintii lagu doortay.  Xitaa kaalmada military ee ciidamada Afrikaanka ah oo kor u dhaafaya 22,000 oo dalka ku sugan, haddana Al-Shabaab waxay dalka ku haysaa cabsi farabadan, arrintaas oo si qayaxan u muujinaysa wax qabad la’aanta dowladda iyo taageerayaasheeda ee ku wajahan aminiga dalka. Waxaa marag ma doonto ah in xildhibaanno, saraakiil sarsare ee dowladda iyo shacab badan ay ku naf waayaan hoostaada iyadoo aysan muuqan dareen iyo dar-dar gelin iyo baaritaanno dhab ah oo caddaaladda lagu horkeenaayo dambiilayaasha falalka argagaxisada ku haya dalka. Xaqiiqdii waxaa la is dhihi  karaa waxaad oggolaatay xaaladda maanta jirta in ay tahay midda keliya ee sida dhabta ah ay Soomaalidu u taqiin, iyadoo adiga sababtii ugu horreysay ee laguu doortay ay ahayd in aad wax badan ka bedesho xaaladda dalka oo aad u horseeddo dalka nabad, amni iyo Soomaaliya oo sidaan ka wanaagsan.

Waxay dad badan ay is weydiinayaan, Mudane Madaxweyne, maxaa ku dhacay balanqaadkaagii ahaa nabadgelyadu waa tan koowaad, labaad iyo saddexaad? Mise hadal kaliya ayuu kaa ahaa?

In kasta oo ay Al-Shabaab ay ciidan ahaan ay sii liiceeyso, waxaa jawiga siyaasadda dalka ka jira iyo  isqabqabsiga u dhexeeya madaxda dalka ugu sarreysa uu siisay kooxda xagjirka ah in ay dib isu soo nooleeyso, is urursato, dhaawac xoog lehna bulshada iyo dowladda u geysato. Shaki kuma jiro in ay Al-shabaab tahay khatar soo taagan oo ay heshay in ay meeshay doonto iyo goortay doonto hawl gasho, iyadoo hadda u muuqata in ay leedahay awood ay isugu daydo in ay xukunka xoog kula wareegto.

Musuqmaasuq Baahsan

In ay siyaasiyiintu musuq ku kacaan ma cusba kumana koobna Soomaaliya oo keliya. Hase yeeshee, maaddaama aad tahay hoggaanka ugu sarreeya dalka, waxaa laguu doortay in aad tusaale wanaagsan u noqoto hab dhaqanka suubban ee siyaasadda oo gundhig ay u yihiin dowlad wanaag iyo xisaabtan. Waxaad ahayd qof aqoonyahan ah oo u dhaqdhaqaaqi jiray arrimaha bulshada, sidaas awgeed waxaa laguu arkayay qofka ugu habboon ee dalka hoggaamin karay adigoo si weyn uga dheregsanaa dhibaatooyinka siyaasadeed iyo kuwa bulsho ee ragaadiyay dalka Soomaaliya. Waxaa ayaan darro ah, adiga iyo dadka kugu xeeran waxaa la idinku eedeeyay musuqmaasuq baahsan iyo in aad diyaar u tihiin in aad khayraadka dalka xaraash ku iibisaan. Eedeymahaasi kuma koobna oo keliya Guddiga Kormeerka Qarammada Midoobay oo keliya ee dadkii caadiga ahaa ee Soomaaliyeed ayaa shaki ka qaaday dhammaan heshiisyada ay dowladdu sida qarsoodida ah ula gashay dad iyo shirkado gudaha iyo kuwo shisheeye ah intaba. Haddii ay eedeymahaasi run yihiin iyo haddii kalaba, shacabka Soomaaliyeed waxaa ka dhaadhacsan in adiga iyo dadka kugu xeeran aad tihiin dad siyaasadda ku gaadaya fursado dhaqaale oo doonaya in ay si degdeg ah hanti uga tabcadaan. Inkiraadda aan miisaanka lahayn ee ka soo baxa xafiiskaaga waxba lagama soo qaado, arrintaasina dalka ayay ku yeelatay dhibaato dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo aad u weyn.

 Adiga oo la soo shaqeeyay bulshada rayidka ah, waxaad si wanaagsan u garanaysaa ceebta iyo fadeexada eedeymahan, waxaana munaasab ahayd in aad iska fogeyso dadka sida tooska ah loogu eedeeyo musuqmaasuqa oo aad shacabka u muujiso in aadan wax lug ah ku lahayn dhaqanka caynkaas ah. Taas baddelkeeda, waxaad si talo xumo ah u difaacday dadkii lagu soo eedeeyay musuqa, waxaad inkirtay in dalka Soomaaliya uu ka jiro musuq, waxaadna weerar aan laga lib gaarayn ku qaadday dadkii kugu eedeeyay musuqmaasuqa. Sidaas markii aad yeeshay, Mudane Madaxweyne, waxaad lumisay kalsoonida dadka, taageeradii shacabku ku qabeen madaxweynanimadaada  iyo taageeradii beesha caalamka ee sida weyn kuu ayidday dalkuna u baahnaa taageeradooda.     

Wax Qabad La’aan  iyo Khilaaf Ragaadiyay Madaxtinnimada Dalka

Mudane Madaxweyne, dadka Soomaaliyeed, oo ay matelayaan xildhibaannadoodu, waxay kuu doorteen in aad qabato xilka ugu sarreeya dalka, mana ahayn in ay kugu raaceen xisbi siyaasadeed ama koox diimeed, ee waxay kugu xusheen qiimahaaga shakhsiga ah; waana xil mas’uuliyad aad u culeys badan. Isla markii aad xukunka qabatay, waxaa si cad u soo baxday in aad daacad u tahay koox qarsoodi ah oo siyaasadeed, in kastoo aad marar badan inkirtay jiritaanka kooxdaas. Xaqiiqdii, in aad leedahay koox la taliyayaal ah waa arrin faa’iido leh oo aan eed lahayn. Hase yeeshee, in aad danta guud u lug xirto danta qof ama koox yar waa arrin ka dhigan in aad siyaasad ahaan is qurgoysay. Mudane Madaxweyne, shacabku waxay kaaga fadhiyeen in aad dalka ugu adeegto si sharaf leh oo aad dhowrto dastuurka, diyaariso siyaasad qeexan oo aad dhisto hay’adihii dowladda iyo kaabayaasha dalka. Hase yeeshee, waxaad ku lumisay waqti badan oo qaranka muhiim u ahaa is qabqabsi siyaasadeed oo kaala dhexeeyay dad aad markii horaba adigu soo xulatay. Waxaa intaas dheer, karti-xumada dadka aad u magacawdo xafiisyada dowladda iyo xilalka sare ee dalka waa mid ka turjumaysa isku-kalsooni la’aan dhankaaga ah, maaddaama dalku uu leeyahay dad fara badan oo waxtar leh diyaarna u ah adeegga qaranka.

Faderaal-eynta dalka ee Qabyaaladaysan oo Faraha ka Baxday 

Sida ku qeexan dastuurka qaranka, nidaamka federaalku waa hannaanka siyaasadeed iyo kan dowladnimo ee loo xushay dalka una baahan in shacbigu ku ansixiyaan afti xor ah.  Wuxuu barnaamijka federaalku ka dhashay labaatankii sano ee dagaallada sokeeye iyo dowlad la’aanta, waxaase welwel badan ka qaba muwaaddiniin badan oo ka walaacsan in dalku kala qoqobmo. Mudane Madaxweyne, waxaa lagaaga fadhiyay in aad u gudato xilkaaga dastuuriga ah si hagaagsan oo aad dalka gaarsiiso in uu yeesho maamul goboleedyo shaqayn kara, adigoo xaqiijinaya in hannaanka dhismaha maamulladu uu yahay mid nidaam cad leh oo xalaal ah shacabkuna ay talada leeyihiin iyadoo isla mar ahaantaasna la dhowrayo kaalinta sare ee Dowladda Dhexe ee Federaalka ah. Balse, adiga iyo kooxdaadu waxaad ku kacdeen siyaasad xumo idinkoo cabburiyay codka dadyow codad aqlabiyad ah leh, waxaad sumcad tirteen madaxweynanimada adinkoo sameeyay la-madaxweynayaal fara badan oo leh ujeeddooyin shisheeye riixayaan oo lagu wiiqayo dowladdaada, taas oo xadgudub ku ah dastuurka dalka hoosna u dhigaysa maqaamka Dowladda dhexe ee Federaalka ah. Mudane Madaxweyne, arrintan lagu jahawareerinayo siyaasadda iyo shacabka, waxaa lagugu eedeynayaa in aad uga gol leedahay in aad dheereysato xilliga madaxtinimada. Waa arrin aad fududaysanayso hadda balse waa arrin u horseedi karta dalka dagaallo beeleed iyo colaado ka dhex curta dad hadda nabad ku wada nool, sidii ka dhacday gobollada qaarkood.    

Dhayalsiga Wadahadallada Somaliland

Waa arrin ammaan mudan, Mudane Madaxweyne, in dowladdaadu ay sii wadday wadahadallada siyaasadeed ee walaalaheenna reer Somaliland. Nasiib darro, waxay qaadatay muddo ka badan labaatan sano in la billaabo wadahadal macne leh oo lagu xallinayo arrinta reer Somaliland laguna doonayo in la soo dhoweeyo maamulka reer Somaliland. Waxayse u muuqataa in wadahadalladan loo agaasimay si isku dhex yaac ah oo ay ka soo baxayaan baaqyo jahwareer ku ah shacabka Soomaaliya mararka qaarkoodna is burinaya. Waxaa ka muuqda maamulka iyo wakiillada reer Somaliland ugu jira wadahadalka diyaar garow iyo in ay si cad u qeexayaan ujeeddooyinkooda aysan la gabbanayn, halka Dowladda dhexe ee Federaalka ah aysan waxba u diyaarsanayn mowqifkeeduna u muuqdo mid calowsan mararka qaarna u muuqda khiyaamo qaran. Xusuusnow, Mudane Madaxweyne, arrinta Somaliland waxay ku abaareeeysaa jiritaanka qaranka oo ay halis ku noqon karta midnimada iyo muqaddasnimada xudduudaha dalka, waana arrin mudan ahmiyad weyn, isla markaana loo dejiyo siyaasad cad oo hagta wadahadallada oo ay qayb ka yihiin daneeyayaasha oo dhan. Waa in la diyaariyo siyaasad qaran oo ku jaan go’an dastuurka qaranka oo adkaynaysa in ay muqaddas tahay midnimada Soomaaliya oo lagu xalliyo arrinta Somaliland laguna dhex baahiyo shacabka Soomaaliyeed.

Waad ku Guul Darraysatay Horumarinta Waddaniyadda iyo Midnimada Dalka

Maaddaama dalku ka soo baxayo dagaal sokeeye oo dheer, dalku wuxuu u kala qoqobanyahay hab qabyaalad iyo gobolaysi ah iyadoo aysan jirin dareen muwaadhin  iyo barnaamiyo ay dowladdu hirgelisay oo sare loogu qaadayo isku xirka bulshada. U nasab sheegashada gobollada iyo doodaha qabyaaladda ayaa haatan maquuniyay dareenka Soomaalinnimada iyo qarannimada. Iyadoo qabiilku awooddiisa isugu geeyo kala qaybinta dalka iyo awood iyo khayraad qaybsi qabyaaladaysan, ayay midnimada qaranku sii fogaanaysaa iyadoo jiilka cusub ay waddaninimadu la tahay fikrad waqtigeedii dhammaaday. Caadi ahaan, madaxweynayaashu waa hormuudka dalalka ay hoggaamiyaan waxayna mas’uul ka yihiin sare u qaadidda waddaniyadda, abaabulka taageerada shacabka iyo dejinta dalka marka loo baahdo. Mudane Madaxweyne, doodaha gobolaysiga iyo astaamaha bulshada ee cusub waxay halis gelinayaan aasaaska waddaniyadda uu ku taaganyahay dalka aad hadda hoggaamiso. Waxaan filayaa in aadan la yaabayn in jaaliyadaha dibedda qaarkood ay hadda diidaan in heesta astaanta qaranka laga qaado xafladaha loogu dabbaaldegayo maamul goboleedyada. Nasiib darro, dowladdaadu wax muuqda kama aanay qaban in laga weecdo waddadan halista ah, la horumariyo waddaniyadda, laga itaal roonaado taageerayaasha qabyaaladda lana kobciyo midnimada qaranka.

Intaas waxa dheer, Mudane Madaxweyne, madaxda suubban waxay si muuqata ula baroortaan shacabkooda marka ay musiibo dhacdo, waxay dhex galaan ciidammadooda si ay niyadda ugu dhisaan, waxay sharfaan shaqaalaha dowladda ee lagu dilo iyagoo gudanaya shaqo qaran, waxayna dadka ku guubaabiyaan in ay la duubtaan dowladda si loo hagaajiyo amniga iyo danta guud.  

Mudane Madaxweyne, waxaa sharaf ii ah in aan kuu aqaanno si shakhsi ah; kuuna hayo sumcad wanaagsan, waxaanan weli aamminsanahay in aad leedahay karti aad si dhab ah u baddesho waddada aad hayso, dalkana ku duwdo dawga saxan lagaana dhaxlo taariikh wanaagsan. Nasiib darro, Soomaaliya waxaa ka haysata dhibaatooyin xad dhaaf ah la dagaallanka goobogoobaysiga, qabyaaladda iyo Al Shabaab sida ay u kala horreeyaan.  Runtii, dhibaatada Al Shabaab waxay ku sii xoogaysanaysaa oo ku sii kobceeysaa durbaanka qabyaaladda iyo gobolaysiga ee sii kordhaaya.

Mudane Madaxweyne, Soomaaliya waxay mudantahay hoggaan isbaddel doon ah oo qaranka isku wadi kara, kaas oo isku meegaara dad kala duwan oo xirfadlayaal khibrad leh ah oo isku wadi kara dalkan kala daadsan xilligan halista ah. Anigoo aan ku xurmo tireyn Mudane Madaxweyne, haddii aadan sidaas yeeli Karin muddada ka harsan xukunkaaga, fadlan dalka ka baaji in uu galo quus iyo dhibaato hor leh oo si sharaf leh uga feker in aad xafiiska bannayso. 


Cabdinuur Sheekh Maxamed, Ph.D., oo ahaa Wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya haatanna ka mid ah madaxda waxbarashada gobolka Ohio. 



 





Click here