4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Fiqi Tolkii kama jana tago!

Maxay dhalinyaradeena iyo aqoonyahanadeenu wax uga qaban la’ yihiin xaalada wadanka?

By Shamsa Araweelo Scego
Thursday, August 13, 2015

Wadankeena wuxuu soo maray dagaal sokeeye oo aad iyo aad u dhaawacay dadkeena iyo dalkeenaba.

Intii awoodey wadanka wey ka carartey oo wadamo qalaad ayay u bara kaceen, kuwaas oo kala kulmay wadamadan dhibaatooyin faro badan, dhanka qoyska iyo barbaarinta caruurtaba.

Xerada qaxootiga ee Dadaab waxaa ku nool dad faro badan oo ay halkaasi guri u noqotey ku dhowaad rubuc qarni.

Dadkii u cararey Sacuudiga waan ognahay dhibaatada meeshaa ku heysata. Sidoo kale dhibaatada kuwa Yemen aaday oo hadana soo bara kacey mar labaad weynu la wada soconaa.

Hadii aan u soo noqdo dalka gudihiisa dhibaatooyinku waa kuwo aan u baahneyn in leysku sharaxo oo baahidu waa mid aad iyo aad u muuqata. Waxaa kugu filan in aad Somaliya google galiso ka dibna aad aragto sawirda kuu soo baxaya.

Meel kasta oo aad eegtaba shacabka soomaaliyeed dhibaato baa ku heysata.

Hadda xaalada siyaasadeed ee wadanku waxay tahay mid ku biyo shubatey dhanka Federalismka,  taas oo ujeedada loo doortey ay tahay in awooda laga qaado hal meel oo qura, loona qeybsho gobol kasta iyo degmo kasta oo soomaaliyeed.

Su’aasha taalla waxa weeye haddaba: ma sidii la rabey baa arrinta lagu wadaa mise wey naga qaloocatey?

Anigu waxa ay ila tahay in wax qeybsigii shacabka dhexdiisa aheyd ay isku badashey kala boob iyo nin walboow qabiilkaaga u ololee oo xoogga saar, taas oo keentey in danta guud ee umadda soomaaliyeed la hilmaamo oo xoogga la saaro danta gaar ee shaqsiyeed ama tan guud ee qabiilka.

Meeqo madaxweyne ayaan leenahay iyo calamo kala jaad jaad ah? Wadankii dhexdiisii baa xuduudo dahsoon laga jeexday oo inta xuduudaas isku af garatey mooyaane kuwa kale aan loo ogoleyn in ay soo galaan.

Waxaa kaloo jirta in uu baarlamaankeenii ku caan baxay hal sheey: Soo saarida ‘Motionada’. Xildhibaanada meesha leysugu keeney markii la fiiriyo qaabka ay meesha ku yimaadeen waxaa kuu soo baxaysa in mid walba meesha loo soo fadhiisiyey sidii uu ugu halgami lahaa danta gaar ee tolkiisa.  (In kasta oo aan la dhihi karin kuli sidan beey meesha ku soo galeen, haddana inta badan sidaas baa lagu sifeeyaa.)

Sidoo kale war suuqeedka ayaa leh xildhibaanadu mushaar fiican bey helaan. Wey iska ladan yihiin oo wax ka maqan ma laha, marka xaaladdu haddii ay ahaato status quo ayaga ma dhibeyso sababta oo ah wax ka maqan ma laha, marka la barbar dhigo askariga soomaaliyeed ee qoraxda taagan ee aan mushaarka la siinin 3 ama 4 bilood.

Intaas waxaa kuu dheer in aynu awal qaati bilaahi ka taagneyn Hogaamiye Kooxeed (warlordka). Hadda kuwo ka daran oo cilmi, maskax iyo maaliyadba sita ayaa meeshii qabsadey. Kuwaasi dantooda gaar uun bey u shaqeeyaan.

Wejiyo kooban oo marba dhan ka soo maray siyaasadda soomaaliya baa maalin walba koofi cusub noo soo gashta oo magac cusub la soo baxda. Kuwaasi ma kula tahay in ay ka talinayaan danta guud ee umadda soomaaliyeed iyo badbaadinta qaranimadeena?

Su’aasha culus hadaba waxay tahay: Aaway wax garadkeenii? Aaway aqoonyahanadeenii? Maxay wax uga qaban la’ yihiin waxa ka socda wadanka iyo xaaladu meesha ay mareyso?

Ayaan dhaweyd waxaan fiirsanayey dood dhex mareysey aqoon yahano soomaaliyeed oo wadaniyiin ah. Waxaan is weydiiyey sidee bey dad yar oo kooban oo lagu tilmaamo in ay yihiin siyaasi warlord ah ay ugu heleen jaanis ay siyaasadda ummadda soomaaliyeed ku afduubi karaan, inaga oo heysana aqoonyahanadaan culculus oo awood u leh in ay badbaadiyaan wadanka?

Su’aashaas baan weydiiyey asxaabteyda. Jawaabo faro badan baan helay balse jawaabtan uu i siiyey walaalkeey Abdi Yusuf ayaa soo koobeysa:

“" Aqoonyahanadii waxay u kala baxeen: 

1.Kuwo iska xamaasha oo biilka caruurta ka badin waayey.

2.Kuwo fadhi ku dirirka aan looga horeyn.

3. Kuwo Qabqablayaashii ayeey la taliyayaal u noqdayeen oo sidaas xukunkii ugu fariistay.

4. Kuwo NGO haystayaal noqday oo xoolahii masaakiinta ka taajiray.

5. Kuwo iska aamusan oo yaaban. Iyo wixii la mid ah”

Su’aasha labaad baa hadana noqoneysa aaway dhalinyaradeenii? Maxay la aamusan yihiin? Maxay wax u qaban la’a yihiin? Yeey sugaayaan? Hadii dhalinyaradu midowdo in ay wax badali karto waxaa marqaati u ah howshii ay qabteen dhalinyaradii aasaasey Somali Youth League. Marka dhalinyaradeenii iyaguna mid walba ma qabiilkiisii buu safka lagaley mise waxaa u suurtoobi weydey in ay is maamulaan oo dhisaan xisbiyo/dhaqdhaqaaqyo wadanka xaalada uu ku sugan yahay ka saarta?

Wadanka hadda waxa u maqan oo laga war sugayo waa aqoonyahanadeena iyo dhalinyaradeena. Hadii aad aamustaan, yaad la sugeysaan in wadankan geerida qarka u saaran ay badbaadiyaan? Yaa dhisaya mustaqbalka carruurteena? Yaa gacan qabanaya waayeelkeena? Yaa u gargaaraya shacabkeena?

Hadii aynu talada iyo maamulka u deyno dadka ka taliya dantooda gaarka ah, yaa u maqan danta guud ee umadda soomaaliyeed?

Waxaynu taagan nahay meel labo wado ay isku jaraan. Jidkii aan qaadno hada waxay noqoneysaa mid mustaqbalka wadankeena iyo dadkeenaba saameeyn doonta. Haddaba hadii aad adinku (aqoon yahanadeeniiyoow iyo dhalinyaradeeniiyeey) aad aamusantihiin oo sidii daawadayaal aad horumarka dusha sare ugala socotaan, yaa u maqan umaddan oo jidka wanaagsan ku ridaya?

Waxaan ku talinayaa in aqoonyahanada iyo dhalinyaraduba ay is baheystaan. Isuna baheystaan sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen horumarinta danta guud ee umada soomaaliyeed.

Wey jiraan shaqsiyado dadaalaya balse waxaa loo baahan yahay wada shaqeyn mideysan. Sababtoo ah far keliya fool ma dhaqdo.

Wadankeena waa ka dhigi karnaa wadanka aduunka ugu horumarsan, haddii aan mideyno xoogeena, caqligeena iyo fikirkeena.


“Qanni waa ilaahay

Baryadiisa oo qura

Waa Inaad ku qanacdaa

Qorshe sugan lahaataa

Quudkaad cunaysiyo

Qadadaada tacabtaa

Qarankana difaacdaa.” Hobolada Waaberi/Abwaan Yusuf Adan Alaale

Shamsa Araweelo Scego

Dadkeeda u shaqeyso kana mid aheyd dadkii aasaasey Global Somali Diaspora (GSD) Ah Hogaamiyaha ururka Spot On Somalia www.spotonsomalia.org.

Shamsa waa xubin ka tirsan dhaqdhaqaaqa haweenka ee Somali Gender Equity Movement SGEM.

Shamsa waa haweeney loo doortey in ay matasho dadka naafada ah ee soomaaliyeed. Waxay ka qeyb qaadatey ololaha #Albaabka_Iga_Fur oo lagu wacyigalinayo dhammaan intii ay quseyso si dadka ku socda kuraasta ay u helaan awood ay ku soo galaan goobaha jaranjarooyinka leh. Waxaa ayada laga helaa tweetka @SpotOnSomalia



 





Click here