Thursday April 24, 2014
By: Bazi Bussuri Sheikh
Farsamada
gacanta waa waxyaabaha lagama maarmaanka ah ee u suura galiya mujtamac kasta
inuu noolaado. Waxaase ayaan daro ah in dagaalada sokeeya ay aad u saameysay
farshaxankii ama farsamo gacmeedka Soomaalida lagu yaqiinay oo jiilba jiilka
kale u sii gudbin jiray. Waxaa kaloo sii dheer fikirka Soomaalida oo yara
qaldan amaba la qalday, taasoo dhalisay in ay liidaan farsamada gacanta. Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ah hantida ugu
wayn uu wadanka leeyahay ayaa badankooda ka madax adeegaya in shaqooyinka la
xiriira farsamada gacanta ay qabtaan. Arinkaan qoomamaynta u horseedaysa, ayaa
waxaa ka digay abwaano badan, sida gabayga la magac baxay “Farshaxan” [ee Soomaali
fara badan ka dhageysatay shabakada Youtubeka (https://www.youtube.com/watch?v=tcYVjZ36JIw)
curiyayna Allaha ha u naxriistee Abwaan Maxamed Gacal
Xaayow. Qeyb ka mid ah gabayga waa sida hoos ku qoran, in kastoo ay ku haboon
tahay in aad maqasho gabaygoo dhameystiran:
In
farshaxanku taariikh u yahay faciyo jiirkeena
Mar haddaan farshaxan jirin fandhaal dheri ma yeesheene
Farsmada harguhu hawla badan kuma fillnaateene
Furrun iliindi saarana faqiir kuma xarshaasheene
Falaartaba haddaan geed birlabba fooda loo gelinin
Ninkii fool libaax kala hor tagay guul ma fillayeene
Farku fiiqa faallada xantuna way fajacidaahee
Inay ficilya
qawlba xaqirtaan kama fogaataane
Farsamada gacmuhu saw waxaan laga fursahayn maaha
Allaa Faxane Soomaaliyeey yaa idiin fahamsiiya
Wax aduunka lagu faano yaad weli
ka faantaane
Runtii Soomalida waxay leeyihiin dhaqamo aad u
wanaagsan oo ku dayasho mudan marka loo
fiiriyo mujtamaca ama wadamada kale.
Laakin arinkaan ah in laga faano farsamada gacanta iyo qadarin la’aanta
ku jeeda beelaha ku shaqeysta waa arin aad u qaldan diin iyo damiir
ahaanba. Wadanka wuxuu hada ku jiraa
xaalad dib u dhis, waana xilliga ay ugu baahi badan tahay farsamooyinka kala
duwan ee gacanta. Baahidaan jirtana ma
dabooli karaan farsamayaqaanada hada ku sugan Soomaaliya oo badankoodi duqnimo
soo galayso.
Hadafka maqaalkani wuxuu yahay falanqayn ku salaysan
sidii fikirkan qaldan loo rogi lahaa, loona heli lahaa mujtamac Soomaaliyeed oo
qadarinaaya, xifdinaaya isla markaana horumarinaaya farsamooyinka Soomaalida
lugu yaqiinay. Bal kaalaya walaalayaal aanu isla fiirino sidii looga hortagi
lahaa dabar go’a farshaxanka ama farsamadii Soomaaliyeed.
Caruurta
Yar Yar in Iskuulka xirfado kala duwan oo farsamada gacanta ah lugu baro
Cilmi baaris lugu sameeyay horumarka caruurta yar yar (Dugsiga
Hoose iyo dhexe), ayaa waxaa ka soo baxay in barista xirfadaha la xiriira
farsamada gacanta ay faa’idooyin badan caruurta ka helayaan. Faa’idooyinkaas oo ay ka mid yihiin:
•
Dulqaadka: Caruurta waxay ku bartaan dulqaadka, taasoo
ah dabeecada ugu muhiimsan in uu qofka yeesho loo baahan yahay. Markaad fiiriso
maanta, dulqaad yarida qofka Soomaaliga iyo deg degga waa
sababta ugu weyn ee looga bixi la’yahay dhibaatada. Qofka markuu wax farsamaynaayo, ilaa uu ka dhamaynaayo
howshiisa, waxay u baahan tahay samir iyo dulqaad.
• Dheelitirka xiriirka
madaxa, qalbiga iyo gacmaha oo sahal u noqonaya caruurta. Taasoo u sahlaysa in uu wax cusub iqtiraaco,
fikrado cusub la yimaado. Muhimadan ayaa
xitaa waxaa aqoonsaday hay’adaha caafimaadka. Tusaale ahaan marka la
waraysanayo ardada raba in ay bartaan daaweynta ilkaha, ardayga waa in uu
cadeeyaa waxyaabihii uu sameeyay si uu u helo xirfada isku-agaasimida indhaha
iyo gacanta (Hand-Eye
Coordination).
Markaad dib u fiiriso, iskuulada Soomaaliya waxyaabo badan ay ku
fiicnaayeen waa jireen, laakin dhinaca baritaanka farshaxanka ama farsamo
gacmeedka xiliga dugsiyada hoose dhexe aad iyo aad ayay uga gaabiyeen. Awoowayaasheenana
waxay ina siiyeen dardaaranka dhaxalgalka ah “Farsamo waa fara ku hayn”, sida
kaliya aan faraha ugu hayn karnana waa in caruurta markay yar yar yihiin la
baro, markay koraana ayagaa fikrado kale oo dheeraad ah ku daraya. Tusaale ahaan, waxay ku barxayaan ama ku
kabaayaan fikrado ka yimid dibada, taasoo u suura galinaysa in ay iqtiraac
cusub la yimaadaan.
Waxaa kaloo muhiim ah in waalidiinta, macalimiinta iyo dadka da’da
ah, in caruurteena oo ah jiilka cusub ku barbaariyaan ka fogaanshaha
qabiileysiga, haybsooca iyo takoorka. Caruurta markaad fiiriso kuma dhashaan
fikradahan, waa warbixin ay ka qaateen bulshada. Tusaale ahaan, caruurta haday maqlaan caruur
kale oo ooyaya, way la ooyaan ayagoon fiirinaynin midabkooda iyo qabiilkooda.
Fadlan aan barno caruurteena fikrada ah “Qofkii naftiisa sharfa ayaa sharfan”.
Qeyb ka mid
ah Suuqyada ha loo qeybo Farshaxanleyda iyo Farsmayaqaanada
Suuqyada, dhaqaalaha laga helo ka sokoow, waxay door ka cayaaraan
isku xirida iyo wada noolaanshaha mujtamaca kala duwan uu wadanku leeyahay. Tusaale waxaa noogu filan, Nabigeena CSW,
markuu Madiina soo galay ayagoo dagaalkii sokeeyaha “Aws iyo Khasraj” ka soo
kabsanayo, waxyaabihi ugu horeeyay uu sameeyay (markuu dastuurka iyo masjidka u
sameeyay ka dib) waxaa ka mid ahaa
aasaaska suuqa Madiina. Wuxuuna ku yiri
Suuqiina waa kan, wax cashuur ahna ma laydinka rabo (Ibn Majah, tradition No. 2224). Dawladaha hoose iyo
Wasaaradda Maaliyada, waa in ay arinkan xikmad ka qaataan oo ay canshuur aan la
awoodin iyo shuruudooyin aan daruuri ahayn ku curyaamin ganacsatada yar yar ee
reer tabareedka ah. Reer galbeedka ayaa xitaa arinkan gareystay, markay arkeen
malaayiin ganacsatadooda yar yarka ah oo sanad walba dhicisoobaya ayay
bilaabeen barnaamijyo lagu kobcinaayo ganacsatada yar yar.
Marka waxaa haboon madaxda wax ku soo bartay reer galbeedka in
markay go’aamada gaarayaan inayan ku
fiirin wax walbo indho reer galbeed kaliya. Waxaa sii dheer, si looga soo
kabsado dhaawaca dagaalka sokeeye u geystay wadajirka Soomaaliyeed, waxaa loo
baahan yahay in suuqyada isku xiri jiray gobolada dib loo furo lana
dayactiro. Qayb ka mid ah suuqyada loo
qorsheeyo farshaxanleyda, taasoo u sahlaysa in ay howshooda si fudud u
qabtaan, kana soo ag dhowaadaan
macaamiishooda. Sidoo kale hadii la heli karo in bandhigyada ka dhaca wadanka
dibadiisa laga qeyb geliyo. Tusaale
ahaan, dawladda Rwanda waxay ku guuleysatay in ay dib u soo noolayso
farshaxanka lugu yaqiinay, hadana farshaxanleyda Rwanda waxay soo saaraan waxaa
iibsada dalxiislayda, qurbajoogta IWM, iyo carwooyin badana waa ay ka qeyb
galeen.
Ganacsatada
waaweyn in ay Dhiirigaliyaan Maalgaliyaanna Farsamayaqaanada
Ganacsatada waaweyn ee wadankeena waajib ayaa ayagana ka saaran
sidi ay kor ugu soo qaadi lahaayeen farsamayaqaanda ama farshaxanleyda. Waxaa haboon in ay maal geliyaan barnaamijyo
lugu horumarinayo tayada farsamayaqaanada iyo farshaxanleyda. Tusaale ahaan in shirkadaha isgaarsiinta ay
maalgeliyaan barnaamijyo lugu iqtiraacayo ama lugu abuurayo fikrado cusub, sida
waxyaabaha lugu sharxo mobile phonada ama guryaha oo loo adeegsaday hargaheena,
qoriga fandhaalka laga sameeyo iyo dambiisha, sida sawirada hoos ku xusan:
Sidoo kale ganacsatada hoteelada, maqaayadaha iyo xafiisyada is ka
leh waxaa haboon inta qalab diyaar ah dibada ay ka keensan lahaayeen, in ay
adeegsadaan farsamayaqaanada Soomaaliyeed oo wadanka gudahiisa loogu
sameeyo. Tusaale ahaan Sariiraha,
kuraasta iyo qalabka xafiiska in ay adeegsadaan Najaarta ama faryaamooleyda
Soomaaliyeed. Soomaaliya runtii waxay
leedahay najaaro aad u xirfad badan oo gumeystihii Talyaaniga xirfado badan ka
dhaxlay oo hadii la hormuriyana ilaa heer warshadeed la gaarsiin karo. Ganacsatada isticmaala uniformka in ay ka
toshaan dharkooda harqaanleyda wadanka jooga.
Intaa waxaa sii dheer ganacsatada hela qandaraasyada dawladda in ay
adeegsadaan farsamayaqaanada wadanka.
Tusaale, in qandaraaska uniformka loo sameynayo shaqaalaha kala duwan ee
hay’adaha dawlada ay leedahay loogu deeqo harqaanleyda wadanka. Waa inaanan fiirin
inta yar laga helayo hadii laga keeno Shiinaha (China), maxaa yeelay cawaaqib
xumada mustaqbalka ayaa ka qaalisan.
Waano Ku socota Dhalinyarada
Soomaaliyeed Meeshay Joogaanba
Dhalinyarada
waa laf dhabarta dalka, dalkeenana wuxuu Ilaahay ku deeqay dhalinyaro fara
badan, taana waa nicmad ilaahay.
Farsamada gacantana dhinac walba ha ahaatee waa wax diinteena ay aad u
amaantay, Nabigeenana aad ayuu u amaanay dadka gacmahooda ku shaqaysta. Hadii wax laga xishoonayo, waxaa xishood
mudan waqti lumiska, shaxaad raadinta iyo baagamuundanimada. Waxaa Ayaan daro
noqon doonta, dhalin yarada Soomaaliyeed oo jooga wadanka, farsamo yaqaano kale
dibada laga keeno, taasoo u dhiganta kubada oo gurigaaga lagaaga badiyay.
Ugu
dambeyntii, Soomalida waxay tiraa “Dagaal waa gelin dambe”, dagaalka dambe wuxuu ahaan doonaa mid ku salaysan
dhaqaalaha. Tusaale ahaan ganacsiga na
dhex mara ama na dhex mari doono annaga iyo dowladaha deriska (Ururka IGAD),
Midowga Africa iyo caalamka intiisa kale.
Dagaalkanina waa ku gacan sareyn karnaa hadii si wadareed aan u waajahno
oo aan dhisano dhaqaale isku dhafan oo dhinac walba leh oo Soomaliweyn u dhan
tahay, sida hore loo yiri “Shinida markay is qabataa malabkeeda la helaa”. Marka, waxaa naga
waano ah in dhalinyarada Soomaaliyeed ay iska jabiyaan qolofta qabiileysiga iyo
heybsooca oo ah caqabaddaha ugu waaweyn ee hortaagan dib u soo nooleynta
qarannimada iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed. Qofba
qofka kale markuu qadariyo ayaa qaranimo lugu gaaraa. Mar walbana ogow, dhibka
dheef ayaa ka dambeeya, abaarna aaran ayaa ka dambeysa, Soomaaliyeey yaan la
rajo dhigin.
Qore:
Bazi Bussuri Sheikh
[email protected]