4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wareerka iyo Muranka ka jira Islaamka Siyaasadeysan!
fiogf49gjkf0d

by Nuradiin Askar Ibraahim
Wednesday, September 23, 2009

Dooda laxidhiidha Islaamka siyaasadeysani waa mid muran badani ka taagan yahay oo aan si waafi ah u cadeyn sababo badan owgood. Tan uga horeysaayi waa marka la eego xilligii iyo qaabkii uu kusoo ifbaxay Islaamka siyaasadeysan oo ku beegneyd xilli boqortooyadii Cuthmaaniyiinta laga xoog roonaaday dunida muslimkuna badankood gumeysi reer galbeed ah gacanta u galeen. Bal hada eeg! Carrabkeyga waan kadhowray inaan ku tilmaamo boqortooyadii Cuthmaaniyiinta ereyga “Khilaafo”, halka dad farabdani xilli qarni ku dhaw si wacyi la’aan ah ay ku magacaabayeen boqortooyadaasi “Khilaafadii Cuthmaaniyiinta ee Islaamiga aheyd”, iyagoo islamarkaana soocelinteeda kadhigtay yoolkooda ugu dambeeya. Baraarugaas wacyi la’aanta ku saleysani wuxuu ka dhashay falcelis looga jawaabayo khatarta dadyowgii muslimiinta ee aan markaas dowladaha aheyn kaga imaneysay gumeystihii reer Yurub.

Lagasoo bilaabo 41 Hijriga- 661 Miilaadiga xilligaasoo Mucaawiya Ibnu Abii Sfuyaan u rogay nidaamka siyaasadeed ee islaamka mid dhaxal boqotooyadii Banii Umayyah ah, lagu xijiyo boqortooyadii Cabbaasiyiinta, Faadimiyiinta ilaa lagasoo gaadho boqortooyadii Cuthmaaniyiinta 1924, wuxuu nabigu ku tilmaamay “Malik Cathuuth”  “Malik Jabri” boqortooyo dulmi badan iyo mid dadka dulleysata oo khilaafsan wadadii nabiga (Minhaaju Nubuwah) iyo afartii khulafaa’u raashidiin ee isaga ka dambeysay.   Xadiith Axmed Ibnu Xambal iyo Tirmidiba ay warinayaa ayuu rasuulku ku yifhi;

" ‏تكون النبوة فيكم ما شاء الله أن تكون ثم يرفعها إذا شاء أن يرفعها ثم تكون خلافة على منهاج النبوة فتكون ما شاء الله أن تكون ثم يرفعها إذا شاء الله أن يرفعها ثم تكون ملكا ‏ ‏عاضا ‏ ‏فيكون ما شاء الله أن يكون ثم يرفعها إذا شاء أن يرفعها ثم تكون ملكا ‏ ‏جبرية ‏ ‏فتكون ما شاء الله أن تكون ثم يرفعها إذا شاء أن يرفعها ثم تكون خلافة على منهاج النبوة ثم سكت " رواه أحمد والترمدي

“Nabinimadu dhaxdiiney ahaan ilaa inta Alle doono in ay ahaato, kadibna waalaqaadi markii doonista Alle timaaddo, kadib waxaa imandoona khilaafo wadadii nabiga ku taagan, iyana Allaa qaadi markii uu doono, kadibna waxaa iman boqortooyo dulmi badan, iyana Alla qaadi markii uu doono, kadib waxaa iman boqortooyo dadka dulleysata, iyana Allaa qaadi markii uu doono, kadibna waxaa imandoona khilaafo wadadii nabiga ku socota, kadibna nabigu wuu aamusay” waxaa wariyaya xadiithka Axmed iyo Tirmidi

Balse markii gumeysigii reer galbeedka laga adkaaday gobanimadii dib loo hantay, waxaa durbadii bannaanka usoo baxay dhibta muslimiinta ka haysatay Islaamka iyo siyaasada xidhiidhka ka dhaxeynkara iyo qaabka ay yeelankarto, waana meeshaas halka aan doonayo inaan qormadeyda kooban ku qaadaa dhigo, anigoo isku dayi doona inaan kala cadeeyo meelaha aan isleeyahay mugdi baa ku jira, si labaduba (Islaamka iyo Siyaasada) inoogu badbaadaan waxtarna inoogu yeeshaan. 

Hadii aan kubilaabo qeexidda labadan erey ee la’isa sudhay; “Islaami” “Siyaasi”, xagga micnaha durbadiiba waxaad arkeysaa in ay kala weecanayaa. Tusaale ahaan ereyga “Islaam” waa isku dhiibid la’isu dhiibo Eebbe, oo muxuu qofku haystaa oo Alle uu udhiibaa? Waa rabitaankiisa qofnimo (his/her personal will). Balse ereyga “Siyaasad” xaga micnaha wuxuu ku noqonayaa isagoo kooban; kala hagidda iyo socodsiinta howlaha bulshada. Hadaba iyadoo labadan erey xagii micnaha ay ku kala tagsanyihiin ayaa hadana waxaa jira meel aan u arko in ay ku kulansanyihiin.

Hadaba waa halkee goobta iyo qaabka ay ku kulami karaan islaamka iyo siyaasada?

Waxaa laga hayaa feylasoof u dhashay dalka Griiga oo magaciisa layidhaahdo Aristotle 384-322 BC inuu bani’aadamka ku tilmaamay noole siyaasadeed iyo mid qaab bulsho ah u nool asal ahaanna uu sidaa usameysan yahay, halka Allaah (SC) uu dhanka kale ku tilmaamay bani’aadamku in uu yahay mid “Fidri ah” oo asal ahaan qeyb cibaado ah kasameysan yahay. Bal hada u fiirso! Waa isla adigii ruuxii marna masjidka galayay, hadana isla adigii baa codeynaya ama loo codeynayaa oo siyaasadii ku jira. Sidaa owgeed qofka guhiisa ayey diinta iyo siyaasaduba ku kulansanyihiin, labadubana waa qeybo kamid ah qeybaha bani’aadamku asal ahaan kasameysan yahay. Balse dhibtu waxay ka jirtaa markii islaamka iyo siyaasada midba goobteeda meel aan aheyn ladhigo ama loo adeegsado.

Waa adigoo yidhaahda; dhagteydaan raashinka ku cuni sankana dhego wax lagu maqlaan ka dhigan, oo dabeetana san la’aan iyo dhego la’aani kugu dhacdo! Waa sida manta Soomaalida haysata oo diin la’aan iyo siyaasad la’aani ugu dhacday!

Diinta Islaamka howsheedu waa in ay dhacdhaca bani’aadamka iyo nusqaantiisa ay kabto, oo ay ka qabato xumaanta u horseedi karta burburka iyo in ruuxu nolosha wanaageeda ka dheeraado, isagoo lunsanna aanu ismoodin inuu wado sax ah kutaaganyahay. Hadii sikale aan udhigo; ruuxa bani’aadamka ahi wuxuu leeyahay uskag/wasakh jidhka ah oo dhaqid iyo nadaafad u baahan. Bani’aadamku wixii uu xidhiidh layeeshaba wuu wasakheeyaa; tusaale ahaan, hadii uu dhar xidho iyo gogosha uu kuseexdaba wuu wasakheeyaa, afkiisa, dhegehiisa, sankiisa hadii wakhti yari kasoo gudbaba wey wasakhoobi, weelasha uu wax ku cuno iyo kuwa uu wax ku cabo labaduba wey wasakhoobaan marka uu isticmaalo. Sidoo kale musqusha marka uu galo iyana way wasakhowdaa, iskaba dhaafee wadamada qaar wasakhda bani’aadamka (human waste) khatar balaadhan baa kasoo socota, hadii hab wanaagsan oo lagula tacaalo aan laga baaraandagin lugu talaabsan waayo!

Balse waxaad mooda wacyiga Soomaalidu u leedahay uskaga/wasakhda jidhka wacyi lamid ah in aaney u laheyn uskaga maskaxda ee ficil ahaanta ruuxa uga yimaada.   

Uskagga/wasakhda maskaxda/maanka ka yimaadda oo iyana nadaafadda u baahani waxay qofka kasoo muuqdaan markii waxa xun ee maankiisa ku jira uu ficil u rogo, falalkaas foosha xun ee uskaga/wasakhda ah waxaa kamid ah; cadaalad xumida, naxariis la’aanta, gardarada, cir weynida, xilkasnimo xumida, khiyaanada, beenta, diradiraanimada, uur kutaalada, xishood la’aanta, balan kabaxayada. Qabweynida iyo eexda. Intaasoo dhami waxay kamid yihiin uskag/waskh maskaxda/maanka ku dhasha dabeetana fal ahaan dibadda usoo baxda. Waxaan odhan karaa; qofku waxa uu gudaha ka yahay ayuu dibadana ka yahay, oo micneheedu yahay; hadii aad gudaha katahay ruux daacad ah, dibadana daacadnimadaadu wey kaa muuqan, dadkuna falka kaasoo ifbaxay ee daacadnimada ah wey kuu qidhi.

Hadaba dhinac kasta oo nolosha ka mid ah oo bani’aadanku xidhiidh layeesho, wuu wasakheeyaa, maxayeelay kufkufkiisa iyo nusqaantiisa ayuu lasoogalaa howshaas uu qabanayo. Sidoo kale, hadii uu ganacsi galo waxaa dhacda inuu wax isdabamariyo, siyaasada sidoo kale, iyana waxaa dhacda inuu kursiga isku dhajiyo oo ilaa dhiig kudaato laga fujin kari waayo. Hadii uu garsoor/qaadi yahayna in uu gar eex gooyo, isagoo cadaalada ka dheeraanaya, hadii amaano loo dhiibtana, waxaad arkeysaa isagoo amaanadii lunsaday, si uu isku difaacana been abuur sameynaya. Markii ay halkaa mareyso, waxaa lagamamaarmaan ah in lahelo wax nadiifiya oo uskaga/wasakhda kameydha bani’aadamka si noloshiisu u hagaagto, waana diinta tan qudha ee damaanad qaadi karta sare u qaadista heerka qofnimo iyo midka bushadeed ee bani’aadamka.

Diintu waxay kaa meydhaa/dhaqdaa nusqaankasta iyo dhacdhaca kaasoo ifbaxaya marwalba. Islaamku wuxuu qofka faraa in qofka kale ee bani’aadamka ah uu wanaagga lajeclaado, iskaba dhaaf inuu lajeclaado’e, inuu naftiisa kadoorbido tankale ee walaalkii. Marka lagareebo caqliga, bani’aadamku intiisa kale wuxuu lawadaaga noolaha waxyaabo farabdan sida; cabsida, gaajada, daalka, galmada, siyaasada, caadifada iyo dareenka intiisa kale.

Siyaasada Geela!

Waxaa laga yaaba arinkan in Soomaalida badankeed ay wadagaranayaan, maxaayeelay waxaannahay dad xoolo dhaqato ah, gaar ahaan geela. Dhaqanka geela waxaa kamid ah in, geela horweynka ahi leeyahay baarqab u taliya geela intiisa kale oo si cabsi ku dheehan looga waabto. Baarqabkaasi wadada uu kuyimid waa mid loollan iyo dagaal isreebreeb ah oo ismaquunin iyo itaal sheegasho ku dhisan, guul waartana malaha, barri kii adkaada saaddambe baarqabyo kalaa hormweynta u kici oo jagadaas ka fara marooqsan. Sidaas beyna waligood ku socdaan, meerto meerto madhan oo aan dhamaad laheyn! Maxaayeelay waddo kale siyaasada geelu malaha oo aan ka aheyn itaalka halka uu ku dhigo. Xooluhu dhamaantood waa tabinkaas badankood, inkastoo ay jiraa noolayaalkale sida Shinnida iyo Quraanyada oo iyagu leh hab siiyaasadeed oo kassarreeya kan geela iyo duur joogta inteeda badan oo ku dhaqma qanuunka howdka/duurka.

 Gabogabo

Qoraalkan waxaan kusoo gabagabeynayaa xadiithkii caanka ahaa ee saxaabigii weynaa ee Xanthala kanamid ahaa qoraayaadii nabiga (SC) oo ah sidan; 

و ‏عن ‏ ‏أبي عثمان النهدي ‏ ‏عن ‏‏ حنظلة الأسيدي ‏ ‏قال وكان من كتاب رسول الله ‏ ‏صلى الله عليه وسلم ‏ ‏قال ‏
‏لقيني ‏ ‏أبو بكر ‏ ‏فقال كيف أنت يا ‏‏ حنظلة ‏ ‏قال قلت نافق ‏‏ حنظلة ‏ ‏قال سبحان الله ما تقول قال قلت نكون عند رسول الله ‏ ‏صلى الله عليه وسلم ‏ ‏يذكرنا بالنار والجنة حتى كأنا رأي عين فإذا خرجنا من عند رسول الله ‏ ‏صلى الله عليه وسلم ‏ ‏عافسنا ‏ ‏الأزواج والأولاد ‏ ‏والضيعات ‏ ‏فنسينا كثيرا قال ‏ ‏أبو بكر ‏ ‏فوالله إنا ‏ ‏لنلقى مثل هذا فانطلقت أنا ‏ ‏وأبو بكر ‏ ‏حتى دخلنا على رسول الله ‏ ‏صلى الله عليه وسلم ‏ ‏قلت نافق ‏‏ حنظلة ‏ ‏يا رسول الله فقال رسول الله ‏ ‏صلى الله عليه وسلم ‏ ‏وما ذاك قلت يا رسول الله نكون عندك تذكرنا بالنار والجنة حتى كأنا رأي عين فإذا خرجنا من عندك ‏ ‏عافسنا ‏ ‏الأزواج والأولاد ‏ ‏والضيعات ‏ ‏نسينا كثيرا فقال رسول الله ‏ ‏صلى الله عليه وسلم ‏ ‏والذي نفسي بيده إن ‏ ‏لو تدومون على ما تكونون عندي وفي الذكر لصافحتكم الملائكة على فرشكم وفي طرقكم ولكن يا ‏‏ حنظلة ‏ ‏ساعة وساعة ثلاث مرات. رواه مسلم

“Hanthala wuxuu yidhi; waxaan lakulmay Abuubakar wuxuuna igu nyidhi; side tahay Xanthala? Waxaan ku idhi, Xanthala labawajiile ayuu noqday! Abubakar wuxuu yidhi; subxaanallaah! maxaad leedahay? Waxaan idhi, markii aan rasuulka (NNKH) lajoogno oo uu ina xasuusinayo Jannada iyo Naar, ilaa aan ismoodno in si dhab ah inaan ugu jeedno, balse markii aan rasuulka agtiisa katagno, waxaan ku mashquulnaa xaasaska, caruurta iyo beeraha waxbadanna waa iska ilownaa. Abuubakarbaa isna yidhi; Allaan ku dhaartaye sidaas oo kalaan anna lakulmaa! Aniga iyo Abuubakar weynu israacnay ilaa rasuulka aan iga nimaadno, waxaana ku idhi, Xanthala munaafiqbuu noqday rasuulkii Ilaahayow, rasuulku (NNKH) wuxuu yidhi; maxaad ula jeedaa odhaahdan? Waxaan ku idhi, rasuulkii Ilaahayow markii aan kula joogno adigoo ina xusuusinaya Jannada iyo Naarta,  ilaa aan ismoodno in si dhab ah inaan ugu jeedno, balse markii aan kaatagno, waxaan ku mashquulnaa xaasaska, caruurta iyo beeraha waxbadanna waa iska ilownaa. Nabigu (NNKH) wuxuu ku jawaabay; Allaha qudheyda/nafteda ay gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye, hadii aad ku sugnaan laheydeen xaalada marka aad ila joogtaan ee xusuusta ah, ’ Malaa’iktaa gacmaha idinku salaami laheyd idinkoo gogoshiina jiifa ama wadada maraya, balse Xanthalow saacadba waa saacad” xadiithka waxaa wariyay Muslim.

Xadiithku wuxuu muujinayaa, in markii saxaabadu nabiga lajoogaan ay gali jireen xaalad kaduwan tan marka ay suuqyada iyo aqaladooda joogaa,ilaa heer nabigu u ballan qaaday in ay malaa’ikta oo kale noqon karaan xaga dambi la’aanta hadii ay awood uleeyihiin in ay ku sugnaadaan jawigaas nadaafada badan ee rasuulka agtiisa ay kalakulmayaa. Sidaa owgeed diintu waa nadaafad meydha uskaga/wasakhda bani’aadamka, waase hadii iyada qudheeda aan loo adeegsan dhacdhaca iyo nusqaanta bani’aadamka, dabeetana diintii lafteeda lawasakheeyo oo iyadiina markaa ay u baahato diin kale oo lagu nadiifiyo sidii diimihii horaba markey dadku wasakheeyaan diin kale oo lagu nadiifiyo diintii wasakhowday  Alle soo dajin jiray.

Nuradiin Askar Ibraahim
[email protected]



 





Click here