4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Xisaab qoran : Gabay Baroordiiq Iyo Xisaabtan ah

Inj. Maxamed Cali Cibaar

[email protected]

 

Nin Soomaaliyeed oo yaabban ayaa laga hayaa “Warkii hore war soo dhaafyoo waayeel qolof lahaa yimideey !!” Wallee maanta warkii hore war soo dhaaf. Xitaa xoolihii waa argagixiso, waana in la dabarjaro oo diyaarado lagu duqeeyo, walibana loo adeegsado hub casri ah oo aan waxba hambeyneynin, AC -130 !!!

 

Waxaa maanta cadaatay in Gaashaanbuur aan arxan laheyni ay ku soo duushay shacabkii Soomaaliyeed, lagana soo weeraray cirka, dhulka iyo baddaba.  Waxaa maanta nalagu duqeynayaa hubka ugu casrisan caalamka ee wax gumaada, kasoo lagaba yaabo in qaarkiis uu adeegsigiisu adduunka mamnuuc ka yahay. Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay kaliya, waxaa lagu xasuuqay degaanno ka mid ah J/Hoose dad boqollaal gaaraya, dhaawaca iyo burburka hantiyeedna Alle-Weyne ayaa  loo sheegtaa. Waxaan nahay looma ooyeyaal !! Caalamka laba Cali oo waxa na haysta iska wareysanayaa ma jiraan, waase gar. Sababtoo ah, Soomaalidii ayaaba ka daman dareenka jira iyo dabargoynta lagu hayo. Waxaa taas ka sii daran in ay jiraan qaar ku faraxsan oo u mashxaradaya xasuuqa socda, una hambalyeynaya oo  u mudaaharaadaya cadowyadii falalkaas argagaxa leh geystay.

 

 

Ma aha markii ugu horreysay taariikhda ee dad dhulkooda loo quuri waayay la isku dayo in la dabarjaro, ka dibna  dalkooda la dego. Arrinkaasi wuxuu dhacay marar badan, wuxuuna ka dhacay dhammaan qaaradaha adduunka. Waxaa kale oo aan iyaduna cusbeyn dagaal diimeed oo dunida ka dhaca.  Waxaa markaa la dhihi karaa duullaanka qaawan ee Gaashaanbuurta ay horkacayaan Mareykanka iyo Itoobiya  waa dullaan maangal ah, dulmiba ha ahaadee!! Arrinkase la yaabka iyo amakaagga lihi waa in dad mas’uuliyiin Soomaaliyeed sheeganayaa ay eheladoodii ku soo hoggaamiyaan cadow ma naxe ah si loo xasuuqo! Kuwa kalena ay u mashxaradaan !

 

Gabaygaan Baroordiiqda ah ee Xisaab Qoran oo soo baxay 11/06/2007da, wuxuu ka curtay xasuuqa lagu hayo shacbiga Soomaliyeed,  gaar ahaan kuwa lagu dabarjarayo degmooyinka ka tirsan Jubbada Hoose, wuxuuna soo baxay  11kii Jannaayo 2007da. Gabaygu,  Wuxuu musiibada dhacday eeddeeda dusha ka saarayaa dadka Soomaaliyeed  oo cudurka qabyaaladdu aafeeyay, asaagoodna ka reebay. “Laxiba shillalkey is dhigto ayaa lagu gowracaa” ayayna Soomaaliyi horay ugu maahmaahday.  Waa hubaal in farsamaxumidii difaac iyo isdhexyaacii  maamulkii maxkamaduhu uu door muhiim ah ku lahaa musiibada dhacday, wax badan oo wanaag kale ahba ha qabteene. Waa hubaal in ay bannaanaatay kaalintii indheergradka iyo aqoonyahannada Soomaaliyeed oo ay u muuqato in ay sahladeen khatarta halista ah ee ku xeeran dadka iyo dalka Soomaaliyeed.  Waxayse dhabtu tahay, in aafada ku dhacday maanta umaddeennii ay mas’uuliyaddeeda ugu culus qaadanayaan kooxahaan sida aan gabashada laheyn dadkii iyo dalkiiba u geliyay gacan gumeysi, waxayna kala yihiin:

 

 

  1. Daagaal-oogeyaasha kala ah  G/Sare C/laahi Yuusuf Axmed iyo Dr. Cali Maxamed Geeddi  oo sheegta  Madaxweyaha iyo  Ra’iiuslwasaaraha Soomaaliya, kuwaasoo dalka u soo horkacay ciidamo calooshooda u shaqeysteyaal ah oo  dadka u geystay dambiyo gumaad ah, diintiina ku tuntay .

 

  1. Koox lagu sheego Xildhibaanno, oo iyagoo u xilanaya dufan aan badneyn, si toos ah iyo si dadbanba u ogolaaday in dalka  uu shisheeye cadow ahi maamulo, siduu doonana ka yeelo. Waxay Qarannimadeennii qaaliga aheyd dhaafsadeen qado iyo qaad.

 

  1. Koox Dulmi-taageerayaal ah, oo labadaan kooxood  ee hore ku taageerta dulmiga iyo tacaddiga ay ku hayaan umaddooda, waxayna isugu jiraan kuwo dulmiga u taageeraya qabyaalad. Kuwo u taageeraya xildoon. Kuwo u taageeraya hunguri. Kuwo u taageeraya xaasidnimo iyo xiqdi iyo kuwo ujeeddooyin kale u taageera.

 

 Kooxahaan ku eedeysan khiyaamada Qaran ayuu ka hadlayaa gabayga Xisaab Qoran, waana kan gabaygii ee akhris wanaagsan:.

 

Adduunyadan  aan xasileyninee samada xiimeysa

Adduunyadan  xalaashii yartahoy badatay xaaraantu

Adduunyadan  xishood ceeb yahoo lagu xikaayeysto

Adduunyadan xumaantii gar tahay oo xaq lagu diimo

Aduunyadan ninkii Xaramka taga kuba xujoobaayo

Adduunyadan midkii reerka xada loo xadreynaayo

Adduunyadan xannaannaduba tahay xaalufkiyo boobka

Adduunyadan xadiidkii bir uu jebiyo xaabshaanku

Adduunyadan nin xuutaan ahaa xoog ku faanaayo

Adduunyadan Xabley iyo Injiri Xamar ka tookheyso

Inkastoo xurgufo hoose iyo xadgudbkeen keenay

Mar haddii Quraan iyo Xadiis xukuntan loo diiday

Dullinimo intaan kuwo xagjira u xiri leyn taajka

In xabaal la  aadaa ka roon ku dhex xashaashkeede !!

 

Waa laga xanaaqaa gunnimoo wey  xaraartahaye

Sida Gureygii xaqiraad nacee rabay xuquuqdiisa

Sayidkii xawaareynayee Xiinfaniin laliyay

Bashiirkii  xanuunjiyay Smith ee xisaar geliyay

Xasankii Barsane  joogayee xabsiga loo jiitay

Xalanihii xadgudub diidayee Xayle(1) samirsiiyay

Xarbigii Jabuutiyo wixii geesiyo xijaabtay

Iyo wixii xiddigo nuuri jiray xawda laga gooyay

Gobonnimo inaan xajisannaa noo xarrago roone

Mar haddiiba xaafaddii Muqdisho uu Tigree xulayo

Intii  aan xarriir u gogli leyn  xabashi soo duushay

Waa  inaan Jihaad xaadirnaa lana xanjeertaaye

Waa inaan xag walba ka jilcinnoy xananka jiirane

Waa inaan xaluulasho galnaa xaskey ku dhuuntaane

Jidadkooda waa inaan xirnoy ku xabbisnaade

Xasharaadka waa inaan gubnaa xarunta tooda ahe

Waa inuu xanuunku ku batoy xummad hunqaacaane

Waa inaan xorownoy mar kale xowli cararaane

Xadka waa inaan dhaafinnoon  xaaqno gabigoode!! ( Insha-Allaa).

 

Xuunshada sideedii qof cuna xaabka soo uraya

Xayawaanno duni waa jiraan xoor wax dheeryahaye

Kan xaraarad hooggeen u qaba xasarad sii socota

Ee  xaseyso weli maal lahow xaasid baad tahaye

Xaakada bukaannada ildaran xiito waayeel ah

Xaamilada ilmeyneysa ee uu kufrigu xaydxeyday

Xaafidul-Quraannada gubtee xaabo laga yeelay

Ubad xabadka laga toogtay iyo xiidmahaa daadsan

Xinjiraha qulqulayaba haddaad xilal ku dooneyso

Yey kaa xargagin ee intaad xaabsatoo kariso

Meydkooda xago oo ka dhereg xaalku kaa murugye !!  

 

Xaqirnaan ammaan loo qabiyo xiqdi qof maangaab ah

Kuwey ceeb ku xoontaa jiroo xiiray sharaftiiye

Odaygaa xakaaraaya ee cidlo ku xuurtooday

Oo cadow inuu noo xirxiro noqotay xeeshiisu

Iyo gacal xasuuqaha kibraye afku xumbeynaayo

Oo xaashee xooluhuu daweyn ay xis dhaamaanba

Xujadeysan furiddeeda Karin xeebta gadiddeeda

In ujeedku xilahooda yahay xume in loo geysto

Xaqiiqdii waxay moogyihiin xarfadda khayrkoode

Haddey xikmad in uun leeyihiin xodxod ma yeeleene

Xornimadeennii qaaliga ahayd xanjo ma siisteene

Xiisuu  Tadhase  noo qabaa xubbi ma sheegeene

Xulufadey  dhulkii soo gasheen waxay xasuuqeyso

Iyo ilmahey xabbadeynayaan waa xisaab qorane

Mar buu Xaakim aan eex aqoon xukun ridaayaaye

Xarbigii dhamaa kii qabow xaalku waa waliye

Xeeladna Ilaah baa iska leh xoog la mahadshaaye

Xaq- u- dirirka guushiisa iyo xilliga aan dhowrno !!

 

Kuwaa  maanka  laga soo xadeye xeradii Doofaarey

Xiisado damiirlaana  iyo  xaqdarro loo meershay

Nacabkuna uu noo soo xulee  xaajadiis fuliya

Xubno rooni inkastoy jiraan xabbado kow labo ah

Xildhibbaano kii moodayow waa xis li’ idaaye

Haddey xeerinayaan dadnimo nama xaraasheene

Xaajiyaal ma dhoofsheen intey culimo xaabshaane

Xuseenkii  xuduudaha inkirey ma xarrakoodeene

Waa kuwo xusuustood yartoo xaaran gabigoode

Waa kuwo xafiis aan lahayn laga xog qaataaye

Waa kuwo is ximin iyo u nool iney xil gaadaane

Waa kuwuu jahligu badi xayiray oon xayi aheyne

Waa  kuwa xabkeystoon ka nixin xaal siduu yahaye !!

 

Waa kuwo la xuuxuuxiyoo  xaax la leeyahaye

Waa kuwo u xaadiri yaqaan gunno xariifeede

Waa kuwo xayaatada u jecel xamasho jaalkoode

Xoogaa yar meeshey ka heli wow xaluushaane

Shacabkoo xayeysiya ayay xayr la jabayaane

Xalustey salaaxaan markaan xagal ka daacnaaye

Xididkoodu waa kuwuu bukoo ka xoqan iimaane

Mar haddeysan lafaheenna xagan waa xamdi Ilaahe

Waxba yaysan xamxameyninoo u shirin xaynxeyne

Waxba yaysan xasillooni iyo nabadna xaaleyne

xulufadey dhulkii soo gasheen iyo xasuuqeeda

Iyo ilmahey xabbadeynayaan waa xisaab qorane

Mar buu Xaakim aan eex aqoon xukun ridaayaaye

Xarbigii dhamaa kii qabow xaalku waa waliye

Xeeladna Ilaah baa iska leh xoog la mahadshaaye

Xaq-u-dirirka guushiisa iyo  xilliga aan dhowrno !!

 

Deriskoo xaqdhowr badan leh iyo xaafadaha jaarka

Xidid iyo haddii gacal u jiray la is xigaaleysto

Soomaali xeerkeedii iyo dhaqan xushmeyntiisii

Waxa jira dir soo xoorayoon xaajo ka lahayne

Kuwa nacabka  soo xamaalayee sida ximaarkiis ah

Oo xaqiran xaqna aan lahayn iskana xayraansan

Beentuna  xadaaradba u tahay xigasho huuhaa ah

Kuwo iney dhashoodii xasdaan u xusul duubaaya

Oo xijaabka dumarkii dhig loo xerada gaal aada

Kuwo fikirku xaflad qado ah iyo xeeradaba dhaafin

Oo xaanshiyaha lacag u qaboo baryo xabeebsanaya

Xalku kuwuu u daranyahay xareed lagu harraadbeelo

Taageerayaal xiiqsan iyo Xaarwalwaal badane

Kuwii xaawaleydii qataloo xalwadahow  dhiibay

xulufadey dhulkii soo gasheen iyo xasuuqeeda

Iyo ilmahey xabbadeynayaan waa xisaab qorane

Mar buu Xaakim aan eex aqoon xukun ridaayaaye

Xarbigii dhamaa kii qabow xaalku waa waliye

Xeeladna Ilaah baa iska leh xoog la mahadshaaye

Xaq-u-dirirka guushiisa iyo xilliga aan dhowrno!!

 

 Mar buu Xaakim aan eex aqoon xukun ridaayaaye

Xaq-u-dirirka guushiisa iyo xilliga aan dhowrno!!

 

Xarbigii dhamaa kii qabow xaalku waa waliye

Xaq-u-dirirka guushiisa iyo xilliga aan dhowrno!!

 

Xeeladna Ilaah baa iska leh xoog la mahadshaaye

Xaq-u-dirirka guushiisa iyo xilliga aan dhowrno!!


 

Inj. Maxamed Cali Cibaar

 Delft, The Netherlands
E-mail: 
[email protected]

 



 





Click here