4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Isticmaalka E-mailka : Macluumaad Iyo Talooyin

Saciid Cali Axmed

 

E-mailku waa hab ay bani’aadmigu isku dhaafsadaan wararka iyo macluumaadka. Waa hab uu qofku macluumaadkiisa si dhakhsa ah uu ugu gudbin karo. Taas oo jirta haddana e-mailku waxa uu mararka qaarkood qofka diraya u keeni karaa dhibaatooyin aan yarayn. Sidaa daraadeed qofka isticmaalaya e-mailku waa in uu si taxdar ku jiro u siticmaalaa aaladan iyada ah. Maqaalakan iyo kuwa soo socda waxa aan akhristayaasha kula wadaagi doonaa macluumaad iyo talooyin muhiim ah oo aan is leeyahay waa uu u baahan yahay qof kasta oo isticmaalaya aaladan.

Macluumaadka aad E-mailka ku diraysaa  sir (private) ma aha

E-mailka aad ka dirto kombuyutarkaagu inta aanu gaadhin kombuyuutarka qofka aad u dirayso waxa uu sii maraa kobmuyutaro badan (relaying hosts) oo yaala meelo kala duwan oo aduunka ka mid ah.  Kombuyuutaradaas (relaying host) uu e-mailkaagu sii marayo  waxa maamula dad (system administratos) kala duwan kuwaas oo awood u leh in ay furaan akhriyaana e-mailkaaga. Inta badan ma dhacdo in ay dadkaasi furtaan akhristaana e-mailkaaga laakiin hadana waa in la ogaadaa in arinkani uu dhici karo. Intaas waxa dheer in la ogaado hadii uu qofku isticmaalayo e-mailka shaqada amaba iskuulka in ay maamulayaasha kombuyuutaradaasi ay awood u leeyihiin in ay baadhaan e-mailada laga dirayo kombuyuutaradooda iyaga oo adeegsanaya barmaamijyo (software) loogu tala galay arinkan.

 

Wadamada qaarkood sida Marykanka iyo Kanada oo kale waa danbi in la basaaso e-mailada laga diro shirkadaha kireeya internetka (internet providers) sida AOL (USA), Rogers iyo Bell (Kanada). Taasi waxa ay ku kooban tahay oo kaliya xisaaabta (e-mail account) aad ku leedahay shirkada aad ka kiraysato internedka. Sharcigu ma diidayo in ay ku basaasaan maamulka meesha aad ka shaqaynaysaa. Waxa intaa dheer in ay hayadaha sirta (ee ay leeyihiin dawladaha caalamku) waqtigii ay  doonaan ay e-mailkaaga akhrisan karaan. Sidaa daraadeed macluumaadka aad ku dirayso e-mailku waa in ay ahaadaan macluumaad aad difaaci karto mar kasta iyo meel kasta isla markaana waa in macluumaadkaasi ay noqdaan qaar aanad iska qoomamayn hadii ay ku dhacaan gacan aan ahayn gacantii aad la rabtay in ay macluumaadkaasi gaadhaan.

Arimo  kale oo sirtaada kashifi kara

Arimahaas ka sokow waxa jira qaladaad kale oo uu ku dhici karo qofka e-mailka dirayaa, kuwaas oo keeni kara in ay ka fakadaan macluumaad aanu jeclayn in ay dibada uga baxaan. Arimahaas waxaa ka mida:

.

1)      In aad qorto e-mail aad qof waxa uga sheegayso (inkasta oo aanay akhlaaqiyan iyo diin ahaan sax ahayn hadana waa ay dhacdaa) dabadeedna aad  qofkii laftigiisii aad si qalad ah ugu dirto amaba qof kale oo aad u diratay uu qofkii aad wax  ka sheegtay uu u diro (waxa laga yaabaa in aad is tiraa ma dhici karto laakiin dhacdooyin badan oo noocana ayaa la hayaa.

 

2)      In aad ka tirsan tahay e-mail kooxeed (mailing list)  dabadeena aadoo doonaya in aaad fariin u dirto qof ka mida e-mail kooxeeedka aad fariintaadii u dirto kooxda oo dhan. Halkaas oo laga yaabo in macluumaad aad doonaysay in uu qof kaliyi akhristo aad si khalad ah ugu  gudbiso kooxda dhan (Hadii aad xubin ka tahay e-mail kooxeed aanad doonayso in aad fariin u drto qof ka tirsan e-mail kooxeedkaa iska ilaali in aad isticmaasho “Reply”).

Talooyin

 

1)      Isku day in aad wax ka fahanto qaabka uu u shaqeeyo nidaamka e-mailka aad isticmaalasaa. Hadii aad e-mailka shaqada ama iskuulka isticmaalayso iska hubi inta qof ee e-mailkaaga akhrin karta.

 

2)      Caqligaaga isticmaal. Ha ku dirin e-mailka arimo shakhsiya sida xisaabta bangigaaga, kiridhid kaarkaaga, meesha aad degenthay iwm.

 

3)      Tirtir e-mailka ka dib marka aad akhrido. Hadii aad e-mailkaaga ka tiriri karto kombuyiitratda  shirkada aad xisaabta (e-mail account) ka furatay sidaa yeel. Shirkadaha qaar ayaa kuu ogol in aad samayn karto sidaas. Hadii laguu ogolyahay ka faa’idayso.

 

4)      Xisaab khaas ah u furo wax yaabaha shakhsiga ah. Talo ahaan isticmaal e-mailka ay ku siyaan shirkada aad ka internetka ka kiraysato.

 

Gabagabadii sidaa aad kor ku aragto macluumaadka aad internedka ku dirtaa ma laha wax sir ah sidaa daraadeed si txadir leh u isticmaal e-mailka.


Siciid Cali Axmed

Programmer/Analyst

[email protected]



 





Click here