4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wanaagga oo la isu qiro ayaa ka mid ah furayaasha nabadda Soomaalida

Liibaan Axmed

Iska-horimaadkii hubaysnaa ee ka dhacay Bandiiradley ( Gobolka Mudug) waa mid laga xumaado. Warka wanaagsan ee  ka soo baxay arrintaas waa isweydaarsiga maxaabiista. Waa tallaabo muujinaysa in xooogagga is hortaagan uu mid kasta wanaag doonayo; waxa lagu kala duwan yahay waa waddada loo marayo wanaagga.

 

Tan iyo intii ka dambeysay burburkii Soomaalida wada saameyey ee Soomaaliya ka dhigay dal  lagu xasuusto dagaal sokeeye iyo macaluul, waxa soo baxayey hindisiyaal ismaamul ama nabadeyn. Mid kasta oo hindisayaasha ama ismaammuladdaa ka mid ah iintiisa ha yeesho, waxa ay soo kordhiyeen ee Soomaali badan  waxtar u yeeshay ayaa xusid mudan: nabadgelyo, dhawrista hantida bulshada iyo  ka talinta dib-u-kabashada ( recovery).

 

Waa in maamulka Puntland soo dhoweeyaa waxqabadka Maxkamadaha Midoobay  oo soo afjaray xadgudubkii qabqablayaasha muddada dheer dhibta ba’an ku hayey Koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale waa in Maxkamuduhu qiraan in Puntland ka badbaadday dhaqanka qabqablayaashii ma-naxayaasha ahaa, una baahnayn in la carqaladeeyo waxqabadkaa—carqaladdu meeshii ay doonto ka timaaddo.

 

Haddii Maxkamadaha Midoobay iyo Maamulka Puntland uu mdiba midka kale u qiro waxqabadka midba soo kordhiyey, sidii labada waxqabad  la isugu biirin lahaa, oo la iska kaashado in bulshada dagaalka sokeeye  iyo dawlad xumida soo daashatay laga gacansiiyo ka kabashada dagaallada sokeeye, waxa lagu xusuusan doonaa hoggaamiyayaasheenna labada kooxood ka kala tirsan in ay noqdeen kuwo dib noo hantisiiyey awoodda aan ku furdaammin karno dhibaatooyinka na soo foodsaara, iyada oo aan wax faragelin shisheeye danayste ah na saameyn.

 

Waa in  la wada hadlaa iyada oo  kooxna aysan kooxda  kale u arag mid  waddo xun ku taagan. Taageerayaasha kala duwan ee Maxkamadaha iyo Maamulka Puntland waa in ay xusuusnaadaan in isku soofeyntu aanay meelna na geynayn,  sida waayuhu ina  bareen.

Waxaa ammaan niyadsami ah mudan inta   ku howlan isu soo dhoweynta, iyo doodaha dhisme-kalkaalka ah ee dhibta taagan wax lagaga qabanayo.

 

Liibaan Axmad

[email protected]

 

Waxaan soo dhaweyneynaa Fikradaha kala duwan ee dadweynaha. Hiiraan Online mas'uul kama ah fikradaha halkaan lagu soo bandhigo - Waad mahadsantihiin 



 





Click here