Qalinkii: Cumar Ugaas
Monday, October 04, 2010
Horudhac
Waxaan isku dayayaa inaan halkaan si kooban u gu soo gudbiyo muuqaalkii iyo nuxurkii kulan August 7dii 2010, lagu qabtay Ottawa, caasumada dalka Kanada. Sidoo kale abaabulkii iyo sababtii keentay qabashda shirkaas. Waxaan kaloo ku soo qaadi doonaa ka qaybgalkii Saciid Saalax Axmed iyo Saamayntii ay reer Ottawa ku yeelatay.
 Abwaan Saciid Saalax Axmed
|
Abaabulkii iyo ujeedada Munaasabada
Munaasabadaan waxyaabaha sababay waxaa ugu mudnaa ka dib markii ururka Aabayaasha Soomaaliyeed ee Ottawa Somali Fathers Association, oo marka la soo gaabiyo loogu dhawaaqo “OSFA”, ay soo gaareen wal-wal iyo dareen dhiilo xambaarsan. Dareenkaas oo la xiriira baqdin la soo gudboonaatay bulshada reer Ottawa, ayna dhici karto inay la qabaan in badan oo ka mid ah Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee qurba jooga ahi.
Dareenkaas waxaa ugu wayn baa la dhihi karaa, is-afgaranshawaa dhinacyo badan leh oo ka dhex unkamay waalidiintii iyo carruurtoodii. Is-afgranshawaagaas oo dhaawac wayn ku noqday wixii af-hooyo uu matali jiray oo dhan, sida, Soomaalinimadii, wada noolaanshihii, wadahadalkii, isfahamkii, Dhaqankii, anshaxii, isqadarintii, xushmadii, iwm.
Ururka OSFA, horay wuxuu u abaaulay kulano iyo xaflado la mid ah midaan oo kale, kuwaasoo dhamaantood ku saabsanaa horumarinta Afka Soomaaliga iyo wacyigalinta bulshada Soomaaliyeed. Waxaa ka mid ahaa August 2003dii oo uu ka soo qaybgalay Dr. Georgi Kapchits oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Ruushka, hayeeshee khabiir ku ah baarida taariikhda iyo hodannimada Afka Soomaaliga
Kaalintii Saciid Saalax
Saciid Saalax waxaa casuumay Ururka Aabayaasha Soomaaliyeed ee Ottawa, wuxuuna ka yimid dalka dariska ah ee Maraykanka uu deganyahay. Waxaa loo casuumay inuu dadka reer Ottawa ku baraarujiyo adkaynta iyo dhowrida afkooda , kana faa’iidaystaan khibradiisa iyo aqoonta gaar ahaaneed ee uu u leeyahay hodanimada Afka Soomaaliga, sida hadda uu baylah ugu muuqdo iyo haddii la waayo inuusan Afsomaaligu kaligiis tagaynin ee uu wax badan oo aynaan ka maarmin ula tagi doono.
Saciid marku soo istaagay dadka hortiisa, wuxuu watay Adab lugo lagu jiido lahayd oo uu jiidayay. Dadka qaarkiisna Adab waa kala waynayd, oo waxayba ugu muuqatay Xashin lugo leh, taasoo dadka badidood soo jiidatay, aamusisay, oo xaggiisana u soo jeedisay dadkii. Wuxuu markii hore kala soo baxay Laptop ama computerka dhabta la saarto. Hadana waraaqo ayuu kala soo baxay. Hadana gal wax ku jira aan loo jeedin buu kala soo baxay.
Saciid wuxuu bilaabay hadal kiisii asagoo cod dheer ku bilaabay, haddana cod dhexe ku xijiyay, marna cod hoose ku hadlayay; markastana si fasiix ah loo maqlayay.
Mar wuxuu u ekaa macalin ardo hortaagan oo fasal ku dhexjira, marna nin dadwayne arrin guud kala hadlayay. Marna nin meel fagaare ah dadka ku maaweelinaya oo taaktaaksi, hadba dhinac jeleecid iyo takaradhabasho isku darsaday. Mar dhinca bidix ayuu u dhaqaaqayay, marna dhinaca midig, marna wuu fariisanayay intuu lugaha soo laalaadiyo. Mudo markuu hadlayay ayuu markale wuxuu ku noqday Xashintiisii. Hoos buu u laacay, ayadoo dadka indhahoodiina ay hoobashadiisii sii raaceen. Wuxuu la soo kacay walax markii hore loo qadan karay inay Ul tahay, hayeeshee ka duwanaatay markuu soo wada baxshay. In ka badan Laba boqol (200) oo qof oo madasha fadhiday ayaa guux ka gees ka gees la gurxamay mudo ku dhawayd qiyaastayda 10 ilbiriqsi; deetana guuxii wuxuu isu bedalay sacab iyo qosol, kadib markii Saciid Saalax intuu kor u qaaday uu yidhi “ Kani waa Hangool.” Dadka intii garatay in wuxu ay Hangool yihiin, haseyeeshee meesha aan ka malaysanaynin, waxaad mooday inay ku farxeen, markii Saciid u xaqiijiyay. Dadkii aqoon waayay oo u badnaa ardada Jaamicadaha Ottawa, waxaa iyagana neefi ka soo kuday markii loo sheegay, deetana loo sii faahfaahiyay ujeedada iyo macanaha uu xambaarsanyahay iyo meesha uu kagalayay dooda uu Saaciid Saalax habeenkaas hoggaaminayay.
Saciid waxaa uu Hangoolka ku tilmaamay inuu waligiis astaan shaqo iyo mid hogaamineedba u ahaa dadka Soomaaliyeed, isagoo dhinacaas Soomaalidda kala xiriiriyay Faraacinadii reer Masar oo Boqor kastaa lahaan jiray Hangool tusmo u ahaa hoggaaminta iyo shaqada.
Saciid Saalax wuxuu aad ugu dheeraday taariikhda iyo hodantinimada Afka Soomaliga ee dhinacyada; fanka iyo suugaanta ( maanso, maahmaah, heeso), dhaqanka, aqoonta, shaqada iwm, asagoo marar badan tusaalaynayay waxyaabaha deegaanadu qaarkood ku kala duwanyihiin.
Saciid wuxuu kaloo soo qaaday isi-saamaynta, xiriirka iyo waxa u gaar noqon kara af kasta iyo siyaabaha afafku u suulaan ama u tirtirmaan. In addunka hadda looga hadloo in ka badan 6000 (lix kun) oo af iyo in dadka hadda Afsoomaali ku hadlaa ay tiro ahaan gaarayaan 15 milyan, meel kasta ha joogeene. Wuxuu sheegay in sababaha horseedka u noqon kara af inuu tirtirmo ay ku bilowdeen Afsoomaaliga sida:
Tirade dadka oo yaraata sababo ay ka mid noqon karaan dagaal, jiro, qax, barakacid iyo aafooyin dabacadeed
Faca gaboobay oo faca soo korahaya u gudbin kari waaya afkii-hooyo, markaasna lawaayo carruur ku hadasha afkii
La’aanta hay’ado dowladeed oo u taagan siyaasadda, maaraynta, horumarinta iyo xajinta Afsoomaaliga, hadday tahay ku shaqaynta, qorida iyo daabacaadaba
Aydoo uusan jirin agab hadda diyaar u ah Afsoomaaliga af ahaan, farbarasho ahaan iyo aqoon ahaanba
Iyadoo bulshadeenii uu hadda ka sii yaraanayo hanki, wal-walkii ay u hayeen, iyo meekhaankii Afsoomaaligu ka joogay
Iyadoo maalinba maalinta ka dambaysa ay soo yaraanayso tayada cilmi baariseeed iyo uruurineed ee loo heli karo ama uu heli karo Afsoomaaligu, iwm.
Saamayntii reer Ottawa ay ku yeelatay
Daka waxaa saamayn aad u wayn ku yeeshay sida afkii loo qiray inuu qani yahay uu u sii liicayo, afkii sida xusuus-qorka u hayay kaydkii iyo taariihkdii ay nolosheenu soo martay, xataa isaga oo aan qornayn. Sida dadkiisii intii badanayd, gaar ahaan kuwii aqoonta lahaa, aad moodid inay ka door bidayaan afaf kale. Sida eraybixintii hore u sii yaraanayso, waayo laguma dhaqmo; kuwa cusubna bal daa iyaga marka laga reebo erayada laga dhaxlay dhaqanka dagaalaka sokeeye sida, dagaal ooge, mooriyaan, jiri, da’day iwm; iyadoo shucuub badan oo qarniyo nooga soo horeeyay qurbaha ay si aada u dhowrayaan uuna nool yahay afkoodii, hidahoodii iyo dhaqamadoodiiba.
Waxaa jira dareen ah in waalidiin badan oo Soomaali ahi ay Afsoomaaligii u arkaan af wax faa’iido ah oo uu leeyahay aysan jirin. AF, ay isaga iyo dadkiisaba u arkayaan dambiille, waxyaabaha Soomaaliya ka soo dhacay, walina ka aloosan owgood.
Waxaa kaloo la xusuustay ayaamihii Afsoomaaliga ahaa, kuwaasoo aan horayba ku dhaqankoodu u cad-cadayn, qurbaha markii la yimidna maqalkoodba la waayay. Waxaa kuwas ka mid ah:
Suni |
Axad |
Sani |
Isniin |
Goodaar |
Talaada/Salaasa |
Goonyaad |
Arbaco |
Ugbaad |
Khamiis |
Hooyaad |
Jumca |
Nagaad |
Sabti |
Sidoo kale waxaa layswaydiiyay magacyadii bilihii Afsoomaliga ahaa oo ay ka mid ahaayeen: Dego, Buldhure hore, Buldhure dambe, Rajal hore, Rajal dambe, Rajal dhexe, Sabuux, Safar, Soon, Soonfur, Sadataal, carafo, iyo kuwa akle oo ay gobolada Soomaaliyeed ku kala duwan yihiin.
Waxaa habaynkaas aad loo tabay Afkii ku caan ka ahaa haasaawaha, hal xiraalaha, murtida iyo maahmaahdu sida, Rag waa ragii hore hadalna waa intuu yidhi. Raqiba waa rageeda. Reerkaan doonayay roob igu eri, iwm.
Afkii dadka iyo dhulka Soomaaliyeed astaanta iyo tilmaanta u ahaa. Afkii gabadha ugubi matali jrtay, gabdhii uu Sangub yidhi “XORIYO NIN GAYAA HA GUURSADO”,
Xadraawina aad moodid inay ka dhex hadashay (Xoriyo), markuu lahaa:
AXMED GURAY MA UU DHIMAN
MA GABLAMIN DARWIISHKII
GEENYADU MA DAALANA
HADDII GEESI II KACO
GAYAANKAYGA WAAN HELIN”
Sidoo kale waxaa habaynkaas Ottawa aad looga tabay, Afkii ku can baxay guubaabada iyo la lagdenka nolosha sida, sadex ma gaadhid: nin maalin ma gaartid, nina sanad ma gaartid, nina waligaaba ma gaarid. Ninka kaa faras wanaagsan maalintaas ma gaartid. Ninka xoolihiisu meeshaada meel ka fiican daaqeena, sanadkaas ma gaartid. Ninka kaa naag wanaagsana waligaaba ma gaadhid.
Waxaa kaloo muuqatay in dadku khatarta Afsoomaaligu ku jiro hadda iyo tan ku soo fool lehba ay badideeda u aanaynayaan dhinacayada siyaasdeed oo ay ka mid yihiin, dhibaatada Soomaaliya haysata ee gudaha iyo dibadaba, iyo dowlad dhexe la’aantu. Waxaad moodaa inay dadku hadda aad u dhibsanayaan dagaalkii sokeeye oo wali sii socda, aqoonyahankii iyo dadka xirfadaha leh oo aan wali dalkii nabadgalyo ahaan ku noqon karinin, marka laga reebo qaar loo arko inay u badanyihiin hunguri doon oo aan lahayn ujeedo isbedal iyo in horumar wadanku gaaro.
Rajo soo muuqata
Waxaase inya aan meesha ka maqnay dareen rajo oo soo muuqada, oo ah in daka qurbuhu ay dhinacyada aqoonta , farsamad iyo ilbaxnidaba wax wayni uga kordhayaan. Masalan, Jaamicadaha Ottawa oo kaliya, waxaa ka qalin jabiyay boqolaal Soomaali ah, waxaana hadda dhigta ku dhawaad kun (1000) arday oo Eebe idenki mustaqbalka dhaw ka qalin jabin doona. Sidaas oo kale waxa Soomaali badani wax ka barataa adduunyada horumartay oo dhan iyo kuwa soo korayaba, waloo ay jirto su’aal wayn oo ah “waa sidee Afsoomaaligoodii iyo dhibta beri ka imaan karta dhaqamada kala duwan ee ay ku soo ababeen?” Waxaa rajadu tahay in kuwaas qaarkood ay maciin u noqdaan faca soo koraya, kuna horkacaan dhaqan xurmeynaya nafsada aadamiga, aqoontana magansada.
Rajadaas waxaa kaloo ka mid ah in baraarugii daku uu soo kobcayo, uuna sii yaraanayo, “dalka waxaa nabdayn doona Maraykanka, Beesha Caalamka, African union” iwm. Waaxaa saluug wayni ka muuqdaa halku-dhegii yidhidiilada lahaa ee Barak Obama, America iyo adduunkaba ku beerlaxawsaday. “Yes we can” oo hadda isu bedalay in loo dhaho, “Yes we can, but should we be doing”. Waxaa hadda bilaabatay oo hadaaqii Soomaalida ka mid noqday, “Soomaali uun baan sabab u noqon karta isbedalkeeda”, ayadoo su’aalaha hadda Ottawa laysway diiyo oo maqlkoodu soo badanayo ay ka mid yihiin:
Maxaa haddaynu Soomaali nahay naga hortaagan inaan waajihno waxyaabaha ihaanada ku haya nolosheena?
Maxaynu u diidanahay in sida hadda aan ku sugannahay iska bedeli karno?
Maxaynu awoodii, hibadii, iyo halabuurkii Eebe ina ku manaystay aynu uga faa’iidaysan la’nahay?
Maxay noo dhaqaajin la’dahay oo aan dhegaha uga furaysanay oohinta haweenkeene iyo caruurteene?
Maxaynu u arki la’nahay xuduudaha layna ku kala qoqobay, uguna qaadanay inay run iyo xaqba yihiin?
Maxaynu Libaaxii (haybadii iyo qabkii Soomaali lagu yaqiin), Dawaco (duli iyo ihaano) uga dooranay?
Mar haddi su’aalahaas iyo kuwa kale oo la mid ahi ay Ottawa ka bilowdeen, waxaan malaynayaa in meelo badan oo kalena laga bidhaansan doono, bilowna ay u noqon karaan rajo nabadeed iyo roobkoo da’a
Gabagabo
Ugu dambayntii, waxaa xusuus mudan maah maah Soomalliyeed oo leh “ Nin aan waxa soo socda garanini, waxa jooga ma garto.” Walwalka reer Ottawana, wuxuu xambaarsanaa, inaan hanan la’nahay afkayagii hooyo, kalsoonina aanaan ku qabin inaan caruurtayadii ugudbin karno. Waxaa indhahayagii oo shan ah ama soo jeed aan uga dooranay afaf kale oo aan u qaadanay inay khasab nagu noqdeen, waana ujeedadii ka dambaysay abaabulka kulanka iyo ka soo qabgalkii Abwaan Saciid Saalax Axmed.
Waad mahadsantahay
Cumar Ugaas: Xubin- Ururka Aabayaasha Soomaaliyeed ee Ottawa, waxaadna kala xiriiri kartaa e-mailkiisa oo ah o.ugas@pqchc.com