Tarjumaaddii Maxamed Cali Carakow
![]() |
Buugga FARSAMADA DAGAALKA wuxuu ka kooban-yahay 13 cutub. Cutubka koowaad wuxuu soo bandhigayaa shanta arrimood oo kala ah Xaqnimada dagaalka (shaciga mooraalka), degaanka, dhulka, taliyaha, qaabka iyo anshaxa. Taliyuhu wuxuu u taaganyahay daacadnimo, geesinimo, xigmad, iyo ad-adeeg. Taliyuhuu waa inuu kala saari-karaa waxa jira iyo waxa muuqda isla markaasna waa inuu yaqaan sida loo khatalo cadowga. Cutubka labaad wuxuu fasirayaa dhibaatada dhaqaale ee dagaalku keeno iyo sida loo guuleysto ayadoon dalkaagu burburin. Cutubka saddex iyo tobnaad (13-aad) oo fasiraya sida loo adeegsado shanta nooc ee jaajuus-nimo wuxuu xiriir la leeyahay cutubyada koowaad iyo labaad. Cutubyada 3-7 waxey si qoto dheer u faah-faahinayaan sidii istaraati-jiyadii la dejiyey looga dhigi-lahaa dhaqan gal. Sun Tzu wuxuu na barayaa waxa loo baahan-yahay si weerar loo galo loona xoojiyo difaaca. Intaas ka sokow, waxaa cutub- yadaan fasirayaan sida loo maareeyo tamarta hawl-galka ciidanka (energy). Sun Tzu wuxu ku matalyaa tamarta ciidanka sida biyo ka soo-hoobanya dhul sare kuna socda haadaan hoose. Cutubyada 8-11, waxey si faah-faahsan u fasirayaan sida loola qabsado xaaladaha sida joogta ah isu beddeleya, tabaha kala duwan, dhaq-dhaqaaqa ciidanka iyo ka faa’ideysiga noocyada kala duwan ee dhulka. Cutubka 12-aad, wuxuu fasirayaa sida loo fuliyo weerar ayadoo la adeegsanayo dab. Nuxur ahaan, waa weerar lagu qaadayo degaanka cadowgu ku noolyahay ayadoo casriga an ku jirno la adeegsado hubabka ay ka mid yihiin sawaariikhda, kimikada iyo baayolo-jiyada.
Haddaad tahay taliye ciidan Somaaliyeed waa inaad ka foojignaatid sida cadowgu uga faa’ideynsan-karo dareenka qabiilka . Kuwa cadowga u shaqeeya waxey askarta ku dhexfaafin-karaan daacayad in taliyaasha ciidanku u eexdaan askarta ka tirsan beeshooda. Ujeeddada daacaayadda noocaan ah waa in la khakhaliyo niyadda iyo maanka askariga. Si taas looga hortago waa in taliyuhu xoogga saaraa labo arrin oo is-huwan. Kow, waa in taliyuhu si joogta ah ugu hanuuniyo askarta iney yihiin walaalo an kala maarmin waana inuu xasuusiyaa iney is-caawyiyaan oo is-garabsadaan mar kaste. Sun Tzu wuxuu yiri, taliyuhu waa inuu ugu naxaariisto askartiisa sidii ayagoo ah caruurtitisii uu dhalay. Tan labaad, taliyuhu waa inuu adeegsado gacan adag markey noqoto anshaxa ciidanka waana inuusan oggolaan marna in la jabiyo amarkiisa. Intaas waxaa dheer , talyiuhu waa inuu tillaabo adag ka qaado kuwa qabiilka iyo fowdada kula dhexjira ciidanka. Waxaa kale oo muhiim ah in taliyuhu ka foojignaado khatarta isla-weynida iyo yasidda cadowga (hubris). Sun Tzu wuxuu ka digayaa in la isku-khaldo islaweynida iyo isku-kalsoonida. Isku-kalsoonidu waa lagama maarmaan, isla-weynidu waxey keentaa jab iyo burbur.
Ugu dambeyn, waa lagama maarmaan in wasaaradda gaashaandhiggu abuurto hoggaan darsa dagalladdii Xoogga Dalku soo galay. Inta saraakiishii iyo askartii soo galay dagaallada ay weli wax ka noolyihiin, waa in la aruuriyo oo la diwaan-galiyo tabihii la adeegsadey iyo istaraatiji-yadiihii saldhigga u ahaa dagaal kaste ee la soo-galay.
BUUGGA FARSAMADA DAGAALKA waxaa tarjumey Maxamad Cali Carkow oo macallin ka-soo noqdey machadka Foreign Language Institute of Ottawa (FLIO) iyo dugsyada sare ee Canada. Buugga kale ee Maxamad Cali Carkow tarjumey waa ‘IL PRINCIPE (THE PRINCE) ee uu qorey NICCOLO MACHIAVELLI. Buuggaan wuxuu soo bixidoona bisha Maajo ee sanadkaan, 2018. Maxamad Cali Carkow wuxuu qorey gabayo (English) ay ka mid yihiin: LIKE THE MEN IN THE WEST iyo OUR TWO MEN IN THE KNOW. Haddaad u baahato buugga la soo xiriir:
[email protected]
Tel. (613)600-4825
Tel. (613)695-1625; Haddii an lagaa qaban, hubi inaad farriinta ku dhaafto meesha ad ka soo wacdey iyo lambarka ad ka soo wacdey.
