
Maamulaha Guud ee Somali Health Solutions Asli aden Ashkir ayaa reer Minnesota ugu yeereysa inay ka fa’ideestaan suuqa MNsure oo u suuragelineysa in ay dad badan (Shaqsiyaadka iyo qoysasba ) ay dhici karto inay helaan ceymis caafimaad oo lacag al'aan ah ama ay ku helaan ceymis caafimaad qiime jaban, xitaa haddii ay jirto xaalad hore oo caafimaad darro ah.
MNsure waxa ay idiin fidineysaa ceymis caafimaad iyadoo u suuragelineysa macaamisha in ay isbarbardhigaan ceymiska caafimaadka ee kala duwan iyaga oo ku kala dooranaaya shirkadaha ceymiska xaga qiimaha, adeegga ay bixinayaan iyo waxyaabaha kale ee ay ku kala duwan yihiin.
Asli waxay tiri MNsure waa meesha reer Minnesota ay ka ogaan karan haddii ay xaq u leeyihiin canshuur dhaaf ka caawiya yareynta kharashka caafimaadka. Qof aan xaaska aheyn oo dakhligiisu ka yar yahay $45,000/sanadkii ama qoys ka kooban 4 oo dakhligoodu ka yar yahay 94,000/sanadkii, waxa ay u badan tahay in ay xaq u yeeshaan in casnhuur dhaaf loo sameeyo.
Somali Health Solutions oo ka mid ah hay’adaha ay MNsure u wakiilatay in ay ka caawiyaan faafinta iyo gaarsiinta wararka ku saabsan MNsure bulashada Somaliyeed ee ku dhaqan golban Minnesota ayaa iyada oo la kaashatay East Africa Health Project soo diyaarisay video ah Su’aalo iyo Jawaabo suuqa MNsure ka waramaaya. FADLAN DAAWO VIDEO-GAN LANA SOO XIRIIRI Somali Health Solutions haddii aad u baahantahay in lagaa caawiyo xagga isdiwaangelinta iyo helitaanak kaarka cafimaadka telefoonka ah 1-855-566-7873. FADLAN LA SOCO IN IS DIWAANGELINTA AY FURANTAY ILAA IYO BISHA MAARSO 31, 2014.