4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
CONFLING:Sharikad Cusub oo lacagtaada kuugu direyso telefoonkaaga

Bankiga Dhexe  ee Kenya “ Certral Bank of Kenya ” oo ogolanasho shaqo siiyey Xawilaadii ugu horaysay oo Somaali ah. Coinfling waa Shirkad Cusub oo adeegsanaysa “Mobile Wallet” farsamo casri ah oo aad u heer saraysa si aad Lacag ugu dirto Kenya iyo Somaliya adoo isticmaalaya  Telefoonada kala ah Android or iPhone.

CoinFling Waxay Lacagtaada si sahlan ugaarsiinaysaa Qaraabadaada Daqiiqado Gudahood.
Seattle, WA, June 28, 2013. Sida dad badan oo qurbajoog ah fahmeen ama sameeyaan, Musse Roble iyo Abdishukri Fayoke waxay si joogta ah lacag ugu diraan eheladooda ku nool Dunida dacaladeeda. Si ay udiraan lacagtaasna waa inay marka hore tagaan Bangiyadooda oo lacagtii oo cadaan ah kala soo baxaan, Kabacdi waa inay aadaan Xawilaada ay macmiilka la yahiin, Markaas kadib ayaa lacagtii Xawilaadu u diraysaa. Waxaa laga yaabaa inay ku qaadato in ka badan hal saac inay reerkooda lacag udiraan. Ogow weliba waa hadii aanay ahayn weekend, ama holidays.

Markii ay kudaaleen sida Xawilaaduhu ushaqeeyaan ayay go’aansadeen inay ka tagaan shaqooyinkoodii bilaabeen dhisida CoinFling,  shirkad cusub oo ugolaanaysa qof jooga Dalalka America iyo Europe inuu Mobile lacag ugu diro qof kaloo jooga Africa.

“Waxaan gacantayda ku jira Telefoon leh quwad aad ubadan, oo awooda inuu ii sameeyo wax alle wixii aan ubaahdo oo aan ka’ahayn inuu casho ii kariyo. Maxaa igu qasbay inaan Xawilaad baabuur uqaato si aan lacagtayda ku diro” Ayuu is waydiiyey Musse Roble. Sidaas ayayna ku dhalatay fikrada Confling oo ah samaynta hab cusub oo ka fudud ama ka sahlan sida xawilaadaha ushaqeeyaan.
“Markii hore Coinfling waxay damacsanayd inay maalgashi ka hesho Shirkadaha maalgashiga waa weyn ee Seattle, laakiin markii aan usoo bandhignay fikirkeena bulshadeena Somaliyeed ayay nagula taliyeen inay iyagu maalgashadaan horemarka aynu wadno”. Ayuu yiri Abdishukri Fayoke oo ah madaxa dhaqaalaha iyo sharciyada.

Coinfling Waxa sahlay oo maalgashaday xusidna mudan qurba joogta soomaliyeed ee ku dhaqan cariga maraykanka oo si geesinimo ku jirto dusha u tuurtay dhamaan maalgashigii ay shirkadu ubaahnayd.
Maalgashayaashu waxayna ku tilmaameen shirkada Coinfling khidmad aad loogu baahi qabay weliba boogaadin iyo hambalyana u soo jeediyeen ayuu yiri Musse Roble oo ah madaxa shirkada CONFLING.
Inta badan dadka lacagaha dira waxay isticmaalaan Xawilaado yar-yar. Nasiib daro awgeed waxaa bilaabatay Inay bangiyada dawlada Maraykanku xirxiraan xawilaadaha qaarkood sida ka dhacday gobolka Minnesota sanadkii la soo dhaafay Iyadoo dawladu qiil ka dhiganaysa inay ka soo bixi waayeen shuruudihii looga baahnaa iyo xeerka ilaalinta lacag is dabamariska. Waxaa kaloo iyada dhacday in Barclays Bank oo ah bangiyada ugu caansan Ingriiska ay ku dhawaaqeen inay joojinayaan xariirka ay la leeyihiin xawilaadaha somalida.

Coinfling macamiisheeda waxay isticmaali doonaa kaadh bangi “Bank Cards”, taas oo yarayn doonta walaaca ay dawladuhu ka qabaan dhibka ka imaan kara lacag isdaba mariska.

Coinfling marka hore waxay ka shaqo bilaabaysaa Africa, oo loo diro lacag ka badan $40 Billion sanadkiiba. Inta badan lacagtaan waxaa lagu diraa lacag gudbiyayaasha waa weyn. Ku waas oo aad qaali u ah una gayn Karin lacagaha waqtigii ee loogu tala galay, magaalooyinka  iyo tuulooyinkii yar yar ama fog fog. Sida lagu xusay Bangiga Adduunka, lacag gubiyayaasha waa weyn waxay ka qaataan $300 qidmad ka badan $27 oo udiganta (9.3%). Anagu “Confling” waxaanu rabnaa inaan yareeno qiimaha laga qaadayo macaamiisha.
 Coinfling waxay lashaqayn doontaa Mobile Wallet shirkadaha aadka ugu hormaray sida telefoonka lacagta loogu shubto ee qaarada Africa. Mid ka mid ha shirkadaha ay Coinfling la shaqayn doonto waa shirkada  afraad ee aduunka dhinaca telefoonada lacagta loogu shubto.

Aalada Bangiga telefoonada waa mid si xawli ah uga socota dalalka soo kacaya oo dhan, taas oo keentay dadka oo aan heli Karin Bangiyo baahidooda daboola. Hadaynu tusaale u soo qaadano Kenya oo Coinfling ka shaqa bilaabi doonto in ka badan 70% dadka qaangaaray waxay telefoonkooda ku haystaan lacagaha ay ku adeegtaan.

Hada waxaa isticmaalaya ilaa 100 qof oo tijaabo. Dadka ku nool seattle iyo nawaaxigeeda waxay imaan karaan xafiiskena Seatac  si ay u arkaan mobile apka.



 





Click here