4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
OGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIIS

Ku: Ciddii ay Khusayso

Og: Shacabka Soomaaliyeed

Og: Dowladda Hoose ee Muqdisho

Og: Hay’adaha/ Dulaaliinta wax kala gada ee Muqdisho

Ujeeddo: Digniin Warshad ku taal  Wadada Jaziira

Anigoo ah Cabdullahi Nuur Guleed oo loo yaqaan Gurguurte ahna milkiilaha Guled Furniture Factory, waxaan la socodsiinaa isla markaana ogaysiinaa ciddi ay khusayso sida Shacabka Soomaaliyeed iyo Maamullada sharafta leh ee kor ku xusan in dhulka Warshaddii Moobil-ka (Guled Furniture Factory) ee ku yaal Jaziira uu yahay milkidayda.

Waxaan sidoo kale ogaysiinaa, ugana digaa shacabka Soomaaliyeed in aan la isku gadan ama la kiraysan ama si kale loogu takri falin dhulkaas.

Dhulkaas dokumentigiisa wuxuu dhumay xilligii dagaalka sokeeye, gaar ahaan in uu ku dhumay ama ku gubtay Guled Hotel sagaashameeyadii.

Dhulkaas waxa weli ku yaal derbi wareegsan iyo dhismihii Warshaddii Moobil-ka (ama Furniture) oo uu bur-bur lixaad leh gaaray sida ka muuqato sawirrada.

Waad ku mahadsantiin.

Wabillahi Towfiiq,

Cabdullahi Nuur Guuleed (Gurguurte)



 





Click here