advertisements

Amoud Foundation oo soo bandhigtay wax qabadkeedi Abaaraha


Mahad oo Idil Alle ayaa leh sbw, ka dibna,  Waxaa Mahad balaaran u diraynaa dhamaan dadkii nagala qaybqaatay taakulaynta dadka Abaaraha Soomaaliyeed, Amoud waxay ka heshay caawinaad dhamaan Muslimiinta ku nool wadanka Maraykanka, qaasatan Soomaalida ku nool ilaa 30 magaalo ama gobol ee ku yaalah gudaha wadanka Maraykanka.

Amoud waa Hay'ad ka shaqeenaysay 20 kii sano ee u danbeeyay waxbarashada, dib u dhisida wadankeena. Waxay wax ka qabatay dhisid jaamacado, isbitaalo, iskuulo, ceelal qodis iyo xanaano xarumo badan oo agoomaha (Kenya, Somalia and Djabuti) iyo xarumo lagu daryeelo indhoolayaasha iyo dhagoolada soomaaliyeed.

Sidoo kale Amoud,  markay dhacdo  dhib baaxad wayn, Amoud waxay garab istaagtaa walaalaheeda Soomaaliyeed, Sida Sunaamidii Puntland, Abaarihii 2006-kii ayada oo wax ka qabatay inta u dhaxeesa Wajeer Kenya ilaa gudaha Soomaaliya Ghedo Region.

Abaarahaan Hada taagan:

Amoud Foundation, laba shayba muhiim ayay u ahaayeen:

1-Sidee dadka Soomaaliyeed loo taakulaynkaraa ayaga oo jooga guryahooda si aysan u qaxin, Alhamdulilaah Amoud markay aragtay in ay hay'adaha kale aysan tagayn gudaha soomaaliya, waxay furtay xarumo dadka loogu kariyo cunto, sida Dhadhaab, kenya,  Bay, Bakool, Ghedo, Lower Juba, Shabeelle iyo Banaadir.

2-Waxaa kale oo Alle Mahadiisa in aan dadaal u galnay anaga iyo hay'ado badan oo Soomaaliyeed, sidii aan wax uga badali lahayn mowqifka wadankeena maraykanka ee ku aadan abaaraha qaasatan gudaha Soomaaliya, si loogu fududeeyo hay'adaha caawimaada gaarsiiya oo fasax loogu siiyo howshooda, taasna alhamdulilaah waa guul usoo hoyatay dadkeena Soomaaliyeed.

Amoud ilaa iyo Ramadaan biloowgiisa waxay ugu deeqday lacag kor u dhaafaysa $376,000 walina ay wado intoo kale in ay dirto, sida ugu dhaqsiyaha badan, Fadlan bal nala arka wax qabadkeena, Insha Allah.

Waxaan idiin soo bandhigaynaa meelaha ay camuud ka bixisay afurka iyo Cuntada qalalan.

Magaalooyinkaan hoos ku xusan waxaan ku leenahay meelo cunto lagu kariyo ka dibna looga qaybiyo xaafado badan ee ka tirsan  meelaha hoos ku xusan.

Xarumaha meelaha ay ku yaalaan:

 

Magaca Villages , District, Region


1.Mooro Gaabay, Hudur, Bakool                                                                                  $6,000
2 -Buulo, Hudur, Bakool                                                                                               $6,000     
3 -Dayuuro, Hudur, Bakool                                                                                          $6,000           
4- Jamacada, K/Dheere, Bay                                                                                       $6,000     
5 -Isha, Baidoa,  Bay                                                                                                    $6,000        
6 -Mursal, Baidoa, Bay                                                                                                $6,000   
7- Habarkey, B/hakabo,Bay                                                                                        $6,000
8-Wandeed,Sakow, Middle Jubba                                                                             $6,000
9-Buulo Haawo,Ghedo                                                                                               $6,000

10- Baardheere, Ghedo                                                                                              $6,000

11,12,13, - Dr Hawa Abdi afghooye, shabelle Somalia. (Run by Dr Hawa Abdi, sponsored by Amoud)                                                                                                                        $12,000

14-Xamar Wayne, Mogadishu                                                                                   $6,000
15-Camp IFO1,  Dhadhaab, Kenya.
                                                                       $6,000

16-Camp Rahmo aka (qurun or Rahma) in Dhadhaab Kenya                                 $6,000

17-IFO2 Dhadhaab, Kenya                                                                                          $6,000

 

                                                Totalka ku baxay  xarumaha jikooyinka              $96,000

>> waxaan ku howl lanahay in aan badino xarumaha Insha Allah.

Sidoo kale sida website keena ku xusan qaybin Cunto  qalalan oo qoys kasta kufilan bisha Ramadan, taasoo aan ka qaybinay Xuduudaha dhan, Bay, Bakool, iyo Mogadishu.

Saad ku aragteen Local TV yada July 29th, keedi waxaa Feed My Starving Children ugu deeqday Sultaan Eliyoow iyo Amoud Foundation 272, 000 oo ah Cunto loogu tala galay ilmaha baahida u dhimanaya ayada oo aadaysa cuntadaas Bakool, Bay, Shabeelada iyo Jubooyinka, waxayna Amoud Foundation bixisay qarashkii lagu gayn lahaa. Waxa uu containerkaas u qalmaa $350,000.

 Isla hay’adaas oo ugu deeqday 2 container oo kale oo aan u wadno dadka ku qaxay Somaliland iyo Puntland Somalia.

Totalka ay u qalanto cuntadaas waa $1,050,000 iyo diris tiisa  oo ku baxaysa $16,000 kiiba, Hadaba  totalka dirida alaabta oo ah $48,000 waxaa bixisay Amoud Foundation.

Ilaahay waxa uu kaloo noo suurta galiyay, Inaan sanadkaan afurinay sidii awalba aan u afurin jirnay meelaheeni kale ee wadankeena hooyo, laga bilaabo Djabuuti, Somaliland, Puntland, Sool & Sanaag iyo Galmudug State. Kharashka ku baxay ayadana waa $100,000

 

Ugu danbeyntii marka la isku daro waa sedaan hoos ku xusan:

1-Emergency Relief                                       $60,000

2-Feeding Centers                                        $96,000

3-Family Iftar Program                                  $100,000

4-Feed My Starving Children deeqdeeda:  $1,050,000+ $48,000 (diris)

5-Deeq siyabo kale Amoud u bixisay: Agoon, Ceelal iwm: $72,000

                  Total Cashka $376,000+$1,050,000 = $1,426,000.

 

fiiro Gaar ah: Adoo mahadsan walaal nagala socda website keena mar walba waxii cusub, sidoo kale fadlan gaarsi saaxiibadaa, ogaadana sawirada iyo cadaymaha ma dhameestirna oo waan ku daraynaa, hadba sidii ay noo soo gaaraan. www.amoudfoundation.com

Mahadsanidiin,

Sheikh M. Shakib Abqari

Lataliyaha guud ee Amoud Foundation

(872) 222-7274

[email protected]