advertisements

Tacsida Marxuum G/Sare Dr. Abshir Cismaan Cuseen


TAARIIKH NOLOLEEDKII

MARXUUM Gle\Sare Dr. ABSHIR CISMAAN XUSSEIN

(1941-2010)

Marxuum Abshir Cusmaan, wuxuu ku dhashay magaalada Beled Weyne 1941 halkaas oo ku soo qaatay barbaarintiisa hore iyo  tacliintiisa Diiniga ah iyo waxbarashadiisa asaasiga ah. Kaddib, xilligii dalka ku jiray Maamulkii dowldaa Talyaaniga ee AFIS , 1950-1960, wuxuu ka mid ahaa dhallinyaradii gashay “Collegio Militare” Gen. Ferrara, oo  ahaa Iskuul military (military boarding-school ) oo lagu barbaariyo, caruurta waalidiintoodu ciidamada ahaan jirtay, halkaas oo uu ku soo qaatay  tacliintiisa dugsiyada Dhexe iyo Sare. Xuriyadda kaddib, Marxuum Abshir Cusmaan wuxuu sannadkii 1962 ku biiray Xoogga Dalka Soomaaliyeed  ayadoo loo qaatay Layli Saraakaal(Allievo Ufficiale). Kaddibna waxaa loo diray Kulliyadda Militariga Modena ee dalka Talyaaniga (Accademia Militare di Modena), halkaas oo uu kaga soo qallinjabiyay saannadkii 1966dii qaatayna darajada ciidan ee Labo-Xiddgle (Tenente).

 

Marxuum Gle\Sare Abshir Cusmaan wuxuu kaloo kasoo Qallin Jebiyay Kulliyadda Sare ee Abbanduulka & Istratejiyada Ciidamada  ee Civitavecchia ee dalka Talyaaniga, 1972-1975 iyo Kulliyadda  Sharciga ee Jaamacada “La Sapienza” ee Roma. Marxuum Abshir Cusmaan wuxuu xilal kala duwan ka soo qabtay Colweynaha XDS, siiba Qeybaha 26aad iyo Taliska Guud ee Wasaaradda Gashaandhigga. Wuxuu muddo dheer ahaa Kuqeybsanaha Arrimaha Ciidamada (Military Attaché)  ee Soomaaliya u fadhiya Roma, Itaaliya. Kaddibna wuxuu noqday sarkaal sare (Attache’) ee Safaaradda Soomaaliya ee Roma.

 

Heybadda iyo maamuuska shaqada (work-ethic) iyo Qaran-jeceylka (patriotism) Marxuum Abshir Cusmaan waxaa ka marag muujin u ah ficilkiisa kadib markii ay dowladdii dhexe ee Soomaaliya ay bur-burtay.  Marxuum Abshir, isagoo ilaalinaaya magaca, sharafta iyo muunada-qaranimo ee Soomaaliya, ayuu isagoon marnaba rabin ama sugeyn wax abaalmarin ah ayuu ahaa sarkaalka sare oo keliya oo weli sii joogay kuna mintiday inay badbaado hantida maguuraanka ah ee Qaranka Soomaaliyeed isla markaana ay weli sii furnaato Xarunta Safaaradda Soomaalida ee Roma. Marxuum Abshir Cusmaan wuxuu ahaa qof xushmad badan, sabur badan, dhegeysi badan, isla markaana af-gaaban saqayna ah.

 

TACSI

Sarakiisha magacoodu hoos ku qoran yahay & Guud ahaan Talisyadii Guud ee Ciidammadii Qalabka Sida ee Somaaliya iyo gaar ahaan Ciidankii Xoogga Dalka Somaaliyeed, ayagoo ka tiranyeeysan geerida ku timid Alle ha u naxaristee G\le Sare Dr. Abshir Osman Xuseen oo dhawaan ku geeriyooday dalka Ingiriiska, ayey waxeey tacsi u dirayaan Marwa Caasha Fiidow iyo caruurteeda, qoyskii, qaraabadii, asxabtii uu ka baxay iyo guud ahaanba Ummadda Somaaliyeed meel ay joogtaba.

Dr. Abshir Osman Xuseen jannadii fardoowsa Ilaahey ha ka waraabiyo, dhammaantayana samir & imaan Ilaahay ha naga wada siiyo. Amiin!!!!

Magacyada Sarakiisha tacsida direeysa waa sidatan:

S\Guud Maxamed Cali Samantar

S\Gaas Yuusuf Axmed Salxaan

S\ Gaas Axmed Sahal Cali

S\Gaas Ismaciil Axmed Ismaciil

S\Guuto Maxamed Sheikh Cabdulaahi “Bagadi”

S. Guuto Cabdulaahi Cali Cumar

S\Guuto Cabdiraxmaan Warsame Cilmi “Caare”

S\Guuto Saciid Faarax Warsame "Gooje"

S\Guuto Maxamed Cali Abokor

S. Guuto Cali Ismaciil Maxamed

S\Guuto Muusse Xasan Sheikh

S\Guuto Maxamed Saalax Xaaji Axmed

S\Guuto Maxamed Aadan Axmed

S\Guuto Cabdiraxmaan Khaliif Dhicis

S\Guuto Cismaan Sheikh Cali “Gaabo”

S\Guuto Axmed Warsame Maxamed

S\Guuto Maxamed Cusmaan Nuur Qaadi

S\Guuto Cabdinasser Xaaji Xaashi

S\Guuto Siyaad Daa'uud Gudaal

S\Guuto Maxamed Xuseen Dauud

S\Guuto Cabdulaahi Axmed Yuusuf “Cirro”

S\Guuto Xuseen Maxamed Shuqul

S\Guuto Maxamed Jaamac Galaydh “Boodhe”

S\Guuto Dr. Cabdi Xaaji Xaashi

S\Guuto Cusmaan Maxamed Samantar "Fatiig"

S\Guuto Cabdicasiis Cali Barre

G\Sare Cabdicasiis Xasan Cali “Uomo”

G\Sare Maxamuud Maxamed Libaan “Aftooje”

G\Sare Cabdiraxman Sheikh Ciise Maxamed

G\Sare Cumar Cabdulaahi Handi “Soorag”

G\Sare Axmed Maxamed Maxamuud “Carab”

G\Sare Xaashi Muuse Maxamed

G\Sare Maxamed Aadan Biixi

G\Sare Daahir Aadan Cilmi “Indhaqarsho”

G\Sare Axmed Maxamed Sheikh Xuseen “Qalcad”

G\Sare Muunye Maxamed Cali “Calawi”

G\Sare Duuliye Maxamed Barkhadle “Gaarane”

G\Sare Cabdulaahi Axmed Warfaa

G\Sare Axmed Sheikh Saalax Maxamed

G\Sare Cabdirisaaq Isaaq Biixi

G\Sare Cabdulaahi Warsame Takar

G\Sare Cabdulqaadir Cabdi Maxamed “Sancho”

G\Sare Cabdiweli Maxamuud Sheikh Xuseen

G\le Sare Dr. Cabdulaahi Aadan Gaas

G\Sare Dr. Cali Nuur Axmed

G\le Sare Xassan Ugaas Yasiin Abdirahman

G\Sare Maxamed Faarax Caliyoow

Gle\Sare Cabdulqaadir Maxamed Galbeeti (X)

G\Sare Axmed Sheikh Maxamed

G\Sare Maxamed Faarax Wacays

G\Sare Maxamed Xasan Xuseen “Dhool”

G\le Sare Hassan Mohamed Ali

G\le Sare Abdullahi Dirie Jama

G\le Sare Abukar Haji Warsame “Xuut”

G\le Sare Ali Mohamed Hassan

G\le Sare Saciid Axmed Kediye

G\le Sare Bashir Sheikh Yusuf

G\le Sare Dirir Abdi Ibrahim

G\le Sare Cabdiladiif Sheikh Xussen

G\le Sare Xasan Cali Qeyloow

G\le Sare Abdirahman Yusuf Ismail

G\le Sare Cali Aaden Guleed

G\le Sare Hussen Hagi Elmi Osman

Sidoo kale waxaa tacsidan iy murugadan qayb ka ah dhammaan Sarakishii, S\Xigenkii iyo Dableydii  hore ee Ciidankii XDS oo dacalada adduunka ku kala firirsan. Marxuum Abshir Cismaan, jannadii fardoowsa Alle ha ka waraabiyo, dhammaantayana samir iyo imaan Ilaahay ha naga wada siiyo. Amiin!!!!

Halkaan ku dhaaf tacsida Marxuum Abshir Cismaan Xuseen