10/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Calank Soomaaliya oo ka mid noqday calamada suran dowladda Hoose ee magaalada Ottawa
fiogf49gjkf0d

 
Somali Canada Day - July 1st, 2009


Hiiraan Online
Thursday, July 02, 2009


Ottawa, Canada (HOL) - Calanka Soomaaliya ayaa marka ugu horeeysay laga taagay xaruunta dowladda hoose ee magaalada Ottawa. Calan saarkan oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah Soomaalida ku nool magaalada Ottawa ayaa wax uu ku soo beegmay maalinta xornimada dalkan Canada oo ku aadan 1da July.

Munaasabadaan calan saarka ayaa  lagu sharfay in ay calanka saarto Asli Xasan Cabaade (Calansada) oo horay duuliye uga ahaan jirtay ciidankii cirka ee Xooga dalka Soomaaliyeed.  Duuliye Asli ayaa halkaas ka aqrisay qudbada aad iyo aad u qiira badan oo qaar ka mid dadkii halkaas joogay ka ooysiisay.

Dr. Xersi Cabdikarim Ciyow oo ka mid ah odayaasha magaalada Ottawa ayaa isagan halkaas ka hadlay warbixin koobana ka bixiyey taariikha calanka Soomaaliyeed iyo halgankii loosoo galay xornimada Soomaaliya. Dr. Ciyow ayaa halkaas ku soo dhaweeyey Duuliye Asli oo marti ku ah magaalada Ottawa.

Waxaa sidoo kale warbixin xabaarsan taariikhda calanka Soomaaliyeed iyo halgankii gubanimada Soomaaliyeed halkaas ka akhriyey  Maxamed  Xuseen Hadi oo madax ka ah Xarunta Hiddaha & Dhaqanka Soomaaliyeed (Halkaan ka wada aqriso warbixintii Maxamed X. Haddi)

Intii ay calanka saareysay Duuliye Asli ayaa dadweynihii halkaas isugu yimid si wadajir u qaadeen heesta astaanta u ah ummadda Soomaaliyeed ee  "SOOMAALIYEED TOOSOO TOOSOO ISKU TIIRSADA HADBA KIINA TAAG DARAN TAAGEERA WALIGIIN"  Erayadaas ayaa waxaa halkaas ka aqriyey Mohamed Hussein Hadi ayado markaas ay dadkuna ka daba qaadayeen.

Soomaaliyeey Toosoo .Toosoo isku Tiirsada oo
hadba kiina Taagdaran Taageera waligiin.
Waxaan la ooynaayo Ilmadu iiga Qubanayso
Ikhtiyaar nin loo Diido la adoonsadaan ahayeey
Calan yahow tilmaam wacanbuu midabkaagu taam ku yahoo
xiddigtii na tirinaysaa dhexdaa kaaga sii taallee
Sida tira adhiyoo dhaxalaa sided layadin soo tubayoo
ninba toban la meel marayoo cadowgiin idiin taliyee
Tulud geela oo dhacan baad Tarab tarab u dhimaataane 
ma dhulkiini oo tagay baan ruuxna Dhagax u tuurayn
 

Munaasabadaan ayaa waxaa isku xilsaaray dhallinyaro Soomaaliyeed  kuna ballan qaaday in sannad waliba xusidoonaa maalinta xornimada iyo midnimada Soomaaliya.

Ugu dambeyntii ayaa dadkii halkaas isugu yimid u duceeyeen in dhibaatada dalka Soomaaliya maanta ka jirta ilaaheey ka qaado, waxaan lagu ballamay in sannadka soo socda xaflad weyn lagu qabto goobtaan oo ay ka soo wada qayb galaan dhammaan Soomaalida ku nool magaaladan Ottawa.



 





Click here