Isniin, May 14, 2007
Ottawa, Canada (HOL) - Xoghayaha joogtada ee wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mr. Ali Dirir Faarax (Cali Faisal) ayaa booqasho gaaban ku yimid magaalada Ottawa ee dalka Canada. Socdaalkaas oo la xiriiray casumaad ay u fidiyeen Ururka Somali Canadian National Congress (SCNC).
Intii uu joogay magaalada Ottawa ayaa qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed waxay casho soo dhaweyn ugu sameeyeen xoghayaha iyo madaxda ururka Somali Canadian National Congress qaybaheeda Toronto, Ottawa iyo Gobolka Alberta. Xoghayaha ayaa halkaas warbixin kooban ka bixiyey xaaladda uu maanta waddanku ku suganyahay isaga oo rajo weyn ka muujiyey horumarka ay dowladda Federaalka ah ka waddo dib u heshiinsiinta la filayo in uu ka dhaco waddanka Soomaaliya.
 |
| Xoghayaha Joogtada ee WAD Mr. Ali Feysal iyo Agaasimaha Guud ee Waxaadda Afrika Mr. Ferguson |
Xoghayaha waxaa uu ka dib shir qaatay 2 saac la yeeshay Agaasimaha Waaxada Afrika (Director General of Afircan Affairs) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda
ee dalka
Canada Mr.
Ian Ferguson. Waxaa shirkaas goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan maamulka Somali Canadian National Congress ee ay horkacayaan
madaxa ururka Mr. Cabdirahman Hosh Jabril iyo ku-xigeenka ururka Mr. Cabdi Xaashi Seed (Cabdi Gaab).
Xoghaye Cali Faisal oo warbixin dheer halkaas ka soo jeediyey ayaa waxa uu ku celceliyey sida aya lagama maarmaan u tahaya in dowladda Canada ay ka qayb qaadato nabadeynta dalka Soomaaliya maadaama ay Canada tahay wadan ku caanbaxay ka qayb qaadshada nabadeynta (Peacekeeping). Sidaa daraadeed ayaan waxaan dowladda Canada ka codsaneynaa in ay nagu kaalmeeyaan u diyaargarowga shirka dib u heshiisiineed ee la filayo in uu ka dhaco dalka Soomaaliya. Agaasimaha waaxada Africa Mr. Ferguson oo u muuqday nin aanan xiis weyn u hayn arrimaha Soomaaliya ayaa u sheegay xoghayaha in dowladiisa aysan waqtigaan xaadirka ah ka qayb qaadan doonin howlaha dib u dhiska wuxuuna sabab ugu dhigay in dowladda Canada ay hadda ku howlantahay wadamada Afghanistan iyo dagaalka ka socda Darfuur ee dalka Suudaan.
 |
Laakin Mr. Ferguson wuxuu u sheegay Xoghayaha in codsigiisa ka qaybqadashada Canada ee arimaha Soomaaliya ay tahay go’aan siyasadeed oo uusan isagu gaarikarin . Sida daraadeed wuxuu cadeeyey in farinta dowlada Soomaaliyeed uu si deg-deg ah ugu gudbindoono Wasiirka Arimaha Dibada ee dowladda Canada Mr. Peter Mckay oo goo’an ka gaari doona. Waxaa ugu dambeynti isla goobtas ka hadlay madaxa ururka Somali Canadian National Congress Mr. Xoosh oo ugu mahad celiyey Wasarada Arimaha Dibada so dhaweeynta sharafta leh ay uu fidisay Xoghayaha joogtada ee Wasaarada Arimaha Dibada iyo Iskashiga Caalamiga ee Dowlada Federaalka Soomaliya. Waxaa uuna intaa ku daray in ay sii socon doonto dadaalka jaaliyada Soomaliyeed ee Canada ku donayan in Dawlada Canada kaga qeybqaadato soo celintii nabada, sharafta iyo midnimada dalka soomaliya.
Habeenimadii ayaa Mudane Alan Tonks oo ah mudane laga soo doorto magaalada Toronto, gudaha Baarlamaanka dalka Canada ugu sameeyey Casho Xoghaye Cali Dirir Farax (Cali Faisal) iyo qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Ottawa.
Waxaa cashadaas ka soo qayb galay Mudaneyaasha kala ah Judy Sgro iyo Boris Wrzesnewskyj oo ah labo mudane oo laga soo doorto magaalada Toronto iyo u qaybsanaha arrimaha siyaasadda ee safaaradda Mareykanka Mr. Keith W. Mines.
Cashadaa ka dib, ayaa waxaa si weyn looga dooday xaaladda waddanka Soomaaliya gaar ahaan nabadeynta laga wado Soomaaliya iyo sidii dowladda Canada u taakuleynlaheyd Ciidamada Nabad Ilaalinta ee Midowga Afrika. Siyaasiyintaas cashada ka soo qayb gashay aya waxay balan qaaden in arimaha Soomaliya ay xooga saaridoonaan sidii ay dawlada Canada uga qaybqaadan lahayd arimaha Soomaliya.
Hiiraan Online
[email protected]