|
Kooxda Gothenburg oo ugu awood sheegtey da'yarta Waaberi 2-0 |
|
|
Maanta oo ku beegnayd 22-ka bisha July ayaa garoonka Helsinki oo uu ka socdo horyaalka 9-aad ee EUROSOM ayaa waxaa galabta isaga hor yimid labada kooxood ee kala ah; Gothenburg (Sweden) iyo Waaberi UK. Ciyaartaas oo aad u xiise badnayd waxay ku soo dhammaatay 2-0 ay guushu ku raacday Gothenburg Sweden.
Kooxda Gothenburg ayaa soo bandhigtay ciyaar wanaag, inkastoo kooxda Waaberi ay yihiin ciyaaryahanno da' yar oo mustaqbal fiican ku leh isboortiga, waxaase u awood sheegtay kooxda Gothenburg oo ka waaya aragsanaa.
Waxaa cayaartan sidoo kale marti ku ahaa xoghayihii hore xiriirka ciyaaraha fudud Cumar Dhagaweyne.
KABTAN SHAASH IYO KOOXDIIS HIRDA(HOLLAND) OO WACDARO KU DHIGEY XIDIGIHII OSLO (NORWEY)
Helsinki 21.07.2007 Waxaa iyana ciyaar aad u xiiso badan dhaxmartay caawa labadda koox ee ka kala yimid Holland iyo Norwey.
Ciyaartaas oo dadweyne aad u farabadan oo reer Finland ah iyo marti sharaf badan oo ka kala yimid Soomaaliya, Ameerikka iyo Yurub oo uu ka mid ahaa dadkii lagu casumay guddoomiyaha GOS Abkow iyo guddoomiya kooxdda ELMAN ee Soomaaliya mudane Ahmed Nuur .
Waxaa xusid mudan in kooxda Holland ee Hirda oo ay macalimiin u ahaayeen kabatanka weyn ee xulkii qaranka Soomaaliyeed Mudane Kabtan Shaash iyo Yusuf Yusuf oo aad ku taqaanaan webka Somalisc.com ayaa maantay wacdaro ka dhigey garoonka weyn ee ay ciyaaruhu ka socdaan ee magaaladda Helsinki.
Waxaa xusid mudan macalinka ugu qibrad badan EuroSom Macalin Hassan Muuse muddo sagaal sanno ah ka ahaa kooxda Oslo,Norwey macalin oo aan oran karno macalinkii sagaalka sanno ayaa waxaa uu u babac dhigi waayey kabtan Shaash oo ay ka muuqatay waayo aragnimo iyo kalsooni dheeri ah, waxaa naga xusuus ah kooxda Oslo, Norwey iney ahaan jirtey kooxaha ugu adag ee EuroSom.
Gabagabaddii ciyaartan ayaa waxaa ay ku soo gabagaboowdey 4 – 0 oo ay guushu ku raacdey kooxda Hirda (Holland) oo aan oran karno kabtan shaash iyo kooxdiisa oo wacdaro ku dhigey Oslo, ka dib markii laba gool ka mid ah afartii gool ee kooxdda Holland uu dhaliyey Yoonis Shaash oo aan oran karno waa nin mustaqbal ku leh ciyaarta kubadda cagta, haddana u ciyaara koox ka dhisan magaalada Bonn ee wadanka Germany kooxda magaceedana waa SSVBORNHEIM. Taageerayaasha kooxda Hirda oo ilaa iyo wadanka Holland ka yimaadeen ayaa waxaa ka dhexmuuqatay Faduma Farah oo ah guddoomiyaha kooxda Hirda ee Holland.
KOOXDA LIECESTER FC OO LAGADEY HORYAALKII EUROSOM ALHIJRA
Helsinki 21.07.07 Waxaa si habsami ah uga socda magaalada Helsink ee dalka Finland horyaalkii 9aad ee EuroSom labada kun iyo todobada oo ay ka soo qaybgaleen toban kooxood oo EuroSom ah oo ka kala yimid Yurub dacaladeedda.
Waxaa galabta ciyaaro xiiso badan dhexmareen labadda koox oo kala ah Al-Hijra iyo Leicester.
Ciyaaratan oo aad u xiiso badneed ayaa kooxda Leicester waxaa ay lasoo galeen firfircooni dheeri ah oo aad moodo in kooxdatan ay u soo tashteen kooxda heysata horyaalka EuroSom 2006, waxaa u suurto gashay kooxda Leicester iney ciyaarta gabagabadeeddii ay kooxda Al-Hijra ka dhaliyaan 4 gool iyo halka ay Al –Hijra dhalisey 2 gool.
Waxaan haddaba aqristow orankarnaa kooxda Al-Hijra oo habacsanaan weyn ka muuqatay galabta in kooxda Leicester ay lagadey kooxda Al-Hijra.
Ciyaartan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa laacibkii weynaa ee naadiga kubadda cagta ee Batroolka laacib Keynadiid Abdi Daahir iyo Abdi Caagane Omar oo isagana u ciyaari jirey naaadiga LLPP.
Birmingham iyo Sukao Norway oo barbardhac isla dhaafi waayey
Waxaa caawa fiidkii ciyaartii labaad ee tartanka Eurosom isaga hor yimid kooxaha Birmingham UK iyo Sukao Norway, ciyaartaas oo xamaasaddeedu aad u sarreysay ayaa u ekeyd mid faraha ka sii baxaysa kaddib markii ciyaaryahannada labada kooxood ay sameeyeen falal ka baxsan ciyaaraha, si ay guushu ugu raacdo midba midka kale, taasoo dadweynaha garoonka ay xiiseynayeen.
Ciyaarta ayaa ku soo gaba gabowday 2-2. Ciyaartii galabta ayaa waxaa ka soo qayb galay dadweyne badan oo reer Finland ah,lagana xusi karo laacibka weyn Cabdullaahi Maxamuud Salxaan oo loo yaqaanno Eenow oo u dheeli jiray naadigii Madbacadda iyo xulkii Qaranka.





|
Furitaankii Cayaaraha Eurosom 2007